BOOLI BARAKAYSAN
Sheeko
Q. 3AAD
waxaa qoray Cali M. Diini
Maxaan sameeyay? Maxaan se yeeli doonaa? Kolkii aan Baxsan ka soo tagey baan su’aalahaas iyo kuwo kale iswayddiiyay. Wax i la fududaa baa imminka i la cuslaaday. Waxa ugu yar ee Baxsan aan u tari karo waa in aan baabuur Xamar u socda ku daro. Laakiin baabuurku lacag buu rabaa ugu yaraan konton kun oo shilin. Taana ma hayo. Halkeen ka keenayaa? Ma lacagta labada wan ee aan reerka bariiska ugu soo doonay baan qayb u xadaa? Abadan! Taasi ma ba kala qaybsanto. Markaan ka iibiyo loor bur ah; mid bariis ah; mid sokor ah; laba kiilo oo caleen ah, labo saddexqaad oo saliid caddey ah; iyo tumin-tumin qorfe, hayl, sanjabiil iyo dhegayare ah waan hubaa in aysan ka soo harayn wax ka badan baabuur raacayga iyo qadada.
Aniga oo walaacsan baan dillaalkii suuqa ugu tagey. Lix boqol oo kun oo shilin buu inta ii soo taagay igu yiri “intaas bay kuu gooyeen labadii wan.” Aniga oo saluugsan baan lacagtii ka qaatay dabadeedna isaga dhaqaaqay.
Bakhaar qoysku macmiil ka ahaa baan tagey ka dib na waxii aan u soo safray ka dalbaday. Bakhaarka waxaaba hortaagan siible aad mooddo in safarkagu ka dhimman yahay oo isla galabtaba Lebidhiin u baxaya.
Saacad ka dib aniga oo jeebkayga soddon kun oo qur ahi ku hartay baan bakhaarkii ka soo baxay. Safarkiina siiblihii dhakada caddaa baa la saaray.
Saacaddu kowdii duhurnimo ayay ku sii dhow dahay. Waa taa salaaddii duhur la eedaamay. Wax ii harayba waa labo ama saddex saac oo qur ah. Maqaaxi laamiga Astaan Golol dacalkiisa saaran baan inta galay baasto ka dalbaday. Aniga oo baastadii daliiqaya ha se yeeshee maankaygu maqan yahay ka na fekeraya halkii aan baabuur raaca Baxsan ka keeni lahaa, kolkolna garaadkaygu ii qurxinayo in aan wan shilis ah qoyska aabbahay ka soo xado, marka aan raashinka u geeyo, laakiin qalbigaygu igu leeyahay “ha yeelin sidaa, ha samayn, xatooyadu waa camalka fuleydee ha yeelin,” ayaa afar nin oo qoryo garraarsani maqaaxidii soo galeen. Miiska igu dheggan ayay fadhfadhiisteen. Waa rag aan aqaanno, mid ka mid ahna eeddaday baa dhashay. Waa koox ku caanbaxday dooxataysiga beesha deriska ee dhanka waqooyi naga xigta. Waa rag dilka iyo dhaca ku nool. Waxa ay caan ku yihiin naanaysta Doofaarrey. Waxaa hoggaamiye u ah oday Afdheere lagu magacaabo oo magaciisa habeenkii carruurta lagu seexiyo. Afdheere; Buulalle oo beesha waqooyiga u dhashay; iyo Keligiiduul oo galbeedka Mudug u dhashay waa saddex nin oo mid walba beesha oo ka dhashay magaciisa ku seexato beelaha deriska la ahina ka argagaxaan.
“Macallin Ileeye waa ku salaannay iyo warran’ bay igu salaameen.
Ilaa carruurnimadaydii waxaa igu dhexnoolayd shakhsiyad hubka jecel ragga qoryaha garraarsanna majeerata. Marka iyaga oo qoryuhu garbaha u suran yihiin oo kolkolaha uga laalaadaan aan arko, waxa aan ka dhex arki jiray ragannimo aanan wadaaddada aabbahay ka midka yahay ka arkin. Dhabtii, kolka aan raggaas arko waxa aan dareemi jiray in wadaaddadu aysan habraha waxba dhaamin, ragannimaduna ay tan raggaas tahay. Waxa aan xusuustaa subax Doofaarrey ay Lebidhiin yimaadeen iyaga tuldo geel ah iyo qori aake ah oo suunkiisa dhiig xinjiro ah ku angegay wata; dabadeedna uu aabbahay habaaray uguna gooddiyay in uu asmayn doono. Markii uu aabbahay raggaas habaarayay anigu iyaga ayaan uurka kala jiray.
Markii aan maqaaxidii ka baxay baan ninkii bakhaarka lahaa, oo aan qaraabo ahayn, u tagay waxa aanan ka codsatay in uu qori i amaahiyo. Isaga oo yaabban buu igu yiri “macallin qoriga maxaad ku falaysaa?” “Awr qoyska ka lumay ayaan dhulka Lebidhiin, Gaalkacyo iyo Godgod u dhexeeya ka sii baadigoobayaa, sidaad og tahayna dhulkaasi waa furin,” ayaan ku iri. Isaga oo weli foolkiisu amakaagsan yahay buu qori aake ah oo labo qasnadood ku xiran tahay i siiyay, in aan si dhakhso leh ku soo celinayana igu la dardaarmay.
Kolkii aan baabuurkii Lebidhiin u baxayay fuulay ilaa aan Lebidhiin ka tagnay, dadkii baabuurka saarnaa waxa ay hadalhayeen macallinka hubaysan, aniguna “hebel baan qoriga u wadaa” baan hadalka ugu soo gaabiyey.
Markii aan Lebidhiin tagnay, goor qorraxdu baalka sii dhiganayso, waxii ugu horeeyey ee la i wayddiiyo waxa ay ahaayeen “aaway gabadhii aad la tagtay (masaafaysatay) iyo macallin maxaa qoriga ku raray?” Baxsan aabbaheed oo midhaa yarad sugaya markii uu i arkay waa uu u aqaadan waayay degdegga aan masaafadii uga soo noqday. Balse inta aan gaar u la faqay baan ku iri “gabadhaadi Xamar bay aadday, warka laguu sheegayna waxba ka ma jiraan.”
“Ma dhaci karto, iyo gabadhaydii aad iga wadatay meel ku sheeg,” buu igu yiri. Hadalkii waa uu naga taagtaagmay, waxa aanan kala hoyannay isaga oo iigu gooddinaya in uu sugayo inta aabbahay khilaawaynta ka soo baxayo.
Habeenkii goortii aan gurigii aayaday u hoyday, aayo iyo walaalahay sidii dadkii hore oo kale ayay u amakaageen markii ay arkeen aniga oo aake garabka ii suran yahay. Iyagana isla sidii hore ayaan been u sheegay, in aan qoriga u wado hebel hebel oo aan beryahanba Lebidhiin lagu arag.
Gurigeenna, gaar ahaan qolka aabbahay waxaa taallay seef shan jiil iska soo dhaxleen oo gal madow oo harag ka samayn ku jirta, dhawr marana korka uga duuban yihiin. Seefta waxaa lahaan jiray oo laga dhaxlay awoowgay shanaad, Cismaan Jibriil oo ahaan jiray fardafuul hoggaamiye dagaal ah. Waxa uu ahaa nin geesinnimo ku sheeggan oo Mudug oo dhan magaciisa laga yaqaanno. Waxa uu ahaa hoggaamiye beeleed goobaha dagaalka wacdaro ka dhiga. Qabrigiisa oo bariga fog ee Mudug ku yaalla sannad walba boqollaal ama kumannaan qof baa siyaarata. Seefta awoowe Cismaan laga dhaxlay aad baa loo daryeeli jiray; sannad walba inta la soofeeyo oo la subko ayaa iyada oo xiirexiire ah galkeeda lagu celin jiray. Qofkii u dambeeyay ee soofeeyay aniga ayuu ahaa, dhawr bilood ka hor.
Kolkii aayo iyo walaalo seexdeen ayaan inta seeftii la soo baxay qorigiina dheegga surtay caagad caano geel ah oo aan tuulada ka soo gatayna garabka kale surtay guure igu jiiday, aniga oo afka saaray jahada waqooyi-bari. Intii aan waagu beryin baan degaankii beeshu taallay ka gudbay u na gudbay aag lama degaan ah oo beesha iyo tan deriska ah u dhaxeeya. Xilligu waa jiilaal gebigebo ah oo gugii la sugayo. Dhulka aan marayaa waa cadduun aan sanooyin badan la daaqin oo cawska, nagaarka iyo jeerinku darfaha isdhaafsadeen. Goor ay barqo kulul tahay baan geed maygaag ah dhalada uga baxay dabadeedna afarta gar jeedaaliyay. Markii aan bidhaan dadeed, mid duunyo iyo dugaag arki waayay baan maygaaggii hoos seexday. Casirkii, goor qorraxdu nin jooggii ka yara sarrayso ayaan inta kacay oo caanihii qurquriyay mar labaad geedkii fuulay oo carriga jeedaaliyay. Dhanka qorraxdu uu sii libdhayso ayaan awr xiriirsan oo dhankayga u soo socotay ka arkay. Intaan deg deg u soo degay oo qorigii, seeftii iyo caaggii caanuhu ku jireen haabtay baan guradii geedka ku noqday.
Waa toddoba rati oo jawaanno badar ahi ku raran yihiin. Wiil yar oo toban ilaa toban iyo labo jir ah ayaa hoggaanka u haya, nin oday ah cimaamad cadi madaxa ugu duuban tahay, go’ cadna garan u saaran yahay, ubbo weesana garanka u suran tahay baa gaadiidka dabajooga. Boqol mitir fogaan aan ka badnayn oo dhanka waqooyi iga xigta ayay mareen. Goortii ay xoogaa i dhaafeen baan inta geedkii ka soo degay qorigiina ammaanka u furtay dabagalay. Dhulku waa ku geedo badan oo aan meel fog wax laga arki karin. Aniga oo hadba geed isku aadinaya ayaan u soo dhowaaday. Markaan aad ugu soo dhowaaday baan inta qorigii oo ammaanku u furan yahay garabka surtay oo seeftii galka kala baxay, aniga oo sidii aarkii u saantiranaya odagii awrta dabajoogay dhawr tillaabo u soo jirsaday. Seeftii ayaan labada gacmood ku qabsaday dabadeedna odagii ku sii dhowaaday. Dhinaca midig baan inta isku dadbay oo lugta bidix horay u qaaday, dhanka midig isku kala jiiday aniga oo seeftii daabkeeda labada gacmood ku haya. Hooskayga ayuu arkay. Isaga oo aan tillaabadii joojin buu garabkiisa midig jalleecay. Jalleecadiisii iyo seeftii baa hal mar kulmay. Goonka midig, barta godka isha ka dambaysa ayay ka haleeshay, qac! Isaga oo barbarka bidix u sii dhacaya ayaan seeftii xoog uga soo dhiftay. Waa kaa dhulka waran isaga oo madaxiisa aad mooddo qare la kala dillaaciyay oo balli dhiig ah iyo maskax qulqulaysa dhex jiifa. Hal mar buu “Ash-haddu al-Laa Ilaaha Illalaahu” yiri. Mar labaad ku ma uusan celin. Qacdii yeertay baa awrtii la didday. Kolkii aan arkay in uusan nuuxsanayn baan dhankii awrta u dhaqaaqay. Wiilkii yaraa oo awrtii didday joojiyay waxii dhacayna fahmi la’ ayaan aniga seef dhiiggu ka dayo gacanta ku haysta u tagay, dabadeedna seeftii baan kor u taagay, markaas buu “adeerow agoon baan ahaye ha i dilin” ku qayliyay. Intaan seeftii galka ku ceshaday oo garabka surtay oo qorigii oo ammaanku u furan yahay soo wareegsaday oon labo tillaabo gadaal u baxay baan wiilkii oo gacmaha kor u taagaya “adeerow agoon baan ahaye ha i dilin” na haya qorigii ku fiiqay ku na amray in uu kala wareego oo awrta koofur u dhaqaajiyo.
Cabbaar goortii aan soconnay baan inta hoggaankii awrta la wareegtay wiilkii yaraa ku amray in uu hor socdo. Waa dayax naylaqaad ah, sidaa daraaddeed halka aan u socdo ka ma habaabi karo.
Goor ay saqdhexe tahay awriina cabbaartay, degmadii beeshuna ii muuqato baan inta awrtii joojiyay oo iyada oo taagtaagan inta caynka ka furay rarkii ka daadiyay. Dabadeedna wiilkii yaraa ayaan kala doorransiiyay in uu bartaa ka noqdo ama aan Gaalkacyo geeyo ka dib na uu halkaa qoyskiisii ka aado. Tan hore ayuu dooortay. Dhawr cantuugo oo caaggii caanaha ahaa ku haray intaan siiyay baan ku iri “haye hee, waddada cagta saar”. Dhawr tillaabo kolkii uu qaaday buu inta dib ii soo eegay igu yiri “adeerow agoon baan ahaye reerkana anigaa u weyn gaadiidna hal rati baan ka haysannaa ee ratiga ii soo celi.” “Waa kee ratigaagu?” ayaan ku iri. “Waa ratiga awrta ugu dambeeyay,” ayuu yiri. “Kalaay furo,” ayaan ku iri. Waa uu furtay dabadeedna ratigii oo caddaysin ah ayuu halkii aan ka soo afduubtay u la geddoomay. Anigu lixdii rati ee kale oo isku xiriirsan baan la dhaqaaqay, aniga oo niyadda iska wayddiinaya ‘tolow wiilkaas yari mar labaad agoonnimo ma ku badbaadi doonaa? Kolka uu qaangaaro se isagu agoon kale ma badbaadin doonaa?’Safarkii gaadiidku sidayna isaga oo dhulka daadsan baan ka dhaqaaqnay.
Maalintii xigtay casirkeedii, balli dhanka koofureed ee Gaalkacyo ku yaalla intaan awrtii ku qaqabbiray baan islaan geela qasha gurigeedii inta ugu tagay ku wargeliyay in aan lix madhaafaan oo kurusyo weyn u hayo. Iyaduna berri igu soo noqo igu ma orane inta ay baabuur xaajiyad ah u yeeratay bay “awrta ii gee” igu tiri. Labaatan daqiiqo ka dib aniga oo saddex kun oo doollar jeebka iigu jirto ayaan magaalada u soo hoyaaday, aniga oo dorraad macallin ahaa caawa se monisar (monster) ah; aniga oo habeen hore wadaad ahaa caawa se ah wooriyar (warrior) waalan oo habaarqabe ah. Islaantiina lixdii rati bay la hoyaadday.
La soco qaybta xigta