Halgankii Kagame iyo Hoggaamintiisi Q2AAD W/Q: Maxamed Axmed Cali Royal

 

pizap.com14549249134861

Halkan ka aqriso  Q1aad.

Halgankii Kagame iyo Hoggaamintiisi

 

 

Paul Kagame, wuxuu dhashay 23-kii October 1957, isagoo laba jir ah ayeyna reerkiisu qaxooti ku noqdeen xero ku taalla waqooyiga Ugandha, halkaas oo u ku barbaaray, kuna qaatay noloshiisi carruurnimo.Xeradii qaxootiga ayuu ka galay dugsi hoose, dhexe, halkaas oo ay is ku barteen kuna kulmeen markii ugu horreysay saaxibkiisi kowaad ee mustaqbalka, Fred Gisa, asaasihii iyo hoggaamiyhii Jabhaddii xornimo u dirirka, ee ay lahaayeen qowmiyadda Tuutsiga, Rwandan Patriotic Front (RPF).

Dugsigii dhexe wuxuu uga baxay xeradii qaxootiga, isagoo si fiicaan u bartay luuqadda Ingriiska, kuna baasay darajo aad u sarreysa, taas u sahashay, inuu dugsigii sare ka dhigto iskuulladii caadiga ahaa, ee ku yaallay dalka Ugandha.

Dhimashadii Kagame aabbihiis 1970-kii iyo saaxiibkiis Fred Gisa, oo waxbarashadii ka haray, lagana waayey xeradii qaxootiga, Kagame waxey ku yeelatay saameyn, waxeyna taasi keentay iney hoos u dhacdo waxbarashadiisii, ayna yaraato tagitaankiisa iskuulka, illaa laga joojiyey iskuulkii, uuna dib u billaabay mar kale, sidaasna uu ku dhammeeyey dugsigii sare.

Markii uu dhammeeyey waxbarashadii dugsiga sare, labo mar ayuu ku laabtay dalkiisi Rwanda 1977-dii iyo 1978-dii, isagoo 21 jir ah, wuxuuna markii hore ka galay dhanka Ugandha toosna uu u tagay caasimadda Kigali, markii dambena wuxuu ka galay dhanka Congo, labada marna dhuumasho ayuu ku tagay dalka, ugana soo laabtay, isagoo si buuxda indhaha u soo mariyey, fikirna ka soo qaatay sida ay dowladda dalka ka jirtaa u maamusho iyo inta ay la egtahay awooddeeda ciidan iyo guud ahaan xaaladda dalka.

Sideed sano ka dib ayuu dib ugu soo laabtay xeradii qaxootiga Fred Gisa, Kagame Saaxibkiis, dib ayeyna u midoobeen, ku dhawaad 10 sano oo uu maqnaa Fred Gisa wuxuu soo qaatay tababarro ciidan oo badan, dhowr meel ayuuna ka soo jamhadeeyey, wuxuuna markaan u soo laabanayo ka tirsan yahay Jabhad uu hoggaamiyo Yuweri Musafeni madaxweynaha Ugandha ee hadda, oo la dagaallameysay Madaxweynihii Ugandha ee xiligaas Idi Amiin, sidoo kale wuxuu ka soo dagaallamay dalka Mozambique.

Kulanka dambe ee Kagame iyo saaxibkiis Fred Gisa, waxey keentay, in Kagame saaxiibkiis ka dhaadhiciyo, inuu Jabhadda ku la soo biiro, kana qeybqaato dagaalka uu hoggaaminayo Yuweri Musafeni, ayna is ku raacaan dalka Tanzaniya, halkaas oo saldhig u ahayd Jabhaddii Musafeni, uuna ka socday, isbahaysi Jabhadda Musaveni hoggaamiyo iyo ciidamada Tanzaniya ah, oo la doonayey, in xukunka looga tuuro Idi Amiin.

Ciidankii Tanzaniya iyo Jabhaddii Musaveni waxey ku guuleysteen, iney xukunka ka turaan taliskii Idi Amiin, taasina waxey dhiirragelisay, in Kagame iyo dhallinyaro badan, oo qaxootigii Rwanda ka soo jeeday ay gacan siiyaan Musafeni, si ay dowlad ku meel gaar ah, oo markaas la dhisay wax uga helaan, Musaveni oo la aaminsanaa, inuu doorashada dhici doonta ku guuleysan doonana uga ag dhawadaan.

Dowladda Tanzaniya oo dadaal badan ku bixisay sidii meesha looga saari lahaa xukunkii Millaterigaa ahaa ee Idi Amiin, uguna ilaaliso maamulkii ku meelgaarka ahaa, ee cusbaa kursiga, ayaa tababbar basaasnimo ugu qaaddey dalkeeda Paul Kagame, in kastoo uu saameyn badan ku lahaa Saaxiibkiis Gisa, oo asna halkaas ku soo tababbartay. Dowladdii ku meel gaarka ahayd markey muddadii u dhammaatay ayaa doorashadii lagu ballansanaa loo dareeray, waxaana ku guuleystay madaxweynihii uu horay u afgambiyey Idi Amiin, Milton Obote, laakin natiijadaas waxaa qaaddacay Musaveni, wuxuuna billaabay inuu aas aaso Jabhad cusub waxaana lagu billaabay jabhaddaas Kagame iyo saaxibkiis Fred Gisa iyo ciidan yar oo millateriga ka soo gadooday.

Dagaal dhiig badan ku daadatay, oo muddo shan sano ah socday ka dib, kursiga ayaa laga tuuray madaxweynihii la doortay, waxaana markaas madaxweyne is ku magacaabay, Musafeni, markuu dalkii qabsadayna, Kagame waxaa loo magacay Talliyaha nabad sugidda, halka saaxiibkiisna laga dhigay Wasiir ku xigeenka Gaashandhigga ahna Talliyaha Ciidanka xoogga dalka Yugandha.

 

La soco qaybaha kale.

 

Maxamed Axmed Cali Royal

Business & ICT Researcher

Mogadisho-Somalia

Mohamedmidnimo@gmail.com

Skype Royalmidnimo

 

 

 

 

SHEEKOOYIN