JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!! (SHEEKO XIISA LEH) W/Q: Ahmed Ali Hyder

JACAYLKII IGU KALIGA AHAA!!!

Qaybtii 2aad

Subaxaas imtaxaankii loogu tala galay ayey ku qaadatay meesha, intii aysan imtaxaanka

galina waan ku caawiyey wixii aan ku caawin karay, waxay magaceeda iigu sheegtay

Zaynab, anigana waxan ugu sheegay Axmed.

Kadib markii ay heshay natiijada imtaxaankeeda waxay nasiib u yeelatay inay fadhiisato

fasalka sanad ahaan iga hooseeya kaas oo awalba ay dalbaneysay, sidaas ayey

waxbarshadeeda sanad dugsiyadeed ugu bilaabata.

Kulankeena wuxuu ahaa kulan teel teel ah oo ku kooban iskoolka uun kaliya, markaas

ma jirin wax dareen gaar ah oo xageeda iga soo galay, waxaan isku aheen laba qof oo

iskoolka uun isku araka, kuwaas oo wadaagi jiray wax ku saabsan arrimaha

waxbarshada iyo waqtiyada nasashada ee looyaqaano bareega.

Maalin kamid ah maalmaheena waxbarashada ayey galaaskii aan dhiganayey iigu timid

ayadoo igu dhaheysa leyliga fasalka ayaa aad iigu badan, waxayna iga codsatay in aan ka

caawiyo in aan u qoro English composition(Curis) si ay uga kala fududaato shaqadii

galaaska oo ay macaliminta midba uu si gooni ah oga doonayey.

Waan ka aqbalay oo shaqadi macalinka xisaabta ii diray ayaan ka hormariye teedii,

ayada oo ii soo gudbisay ciwaanka composition-ka, ama cinwaanka waxa ay iga

doonaysay in aan u curiyo, waxaan guda galay inaan ugu dhaqsado anigoo isla markiiba

ugu geeyey galaaskeedii.

Wixii intaa ka dambeeye waxa badanayey isku soo dhawaanshaheena iyo xariirkeena

Ardaynimo, kaas oo marba jawi cusub galayey, runtii waxay ii muujisay in aan uga

duwanahay ardayda kale, anigana si gooni ah ayaan ugu jajabnaa dalabaadka iyo

codsiyada ay iga dalbaneesay.

Waxaa jiray dareen farxadeed oo ii gaar ah kaas oo aan dareemo mar walba oo ay ii soo

dhawaata, balse dareenkas ma aheen mid aan ku macnayn karay dareen jeceel oo

xageeda ah, dabcan markaan ku leeyahay dareen jeceyl tilmaan sax ah kama aanan bixin

karin dareenka aan dareensanaa, sababtana waxay aheey aniga oo uusan isoo marin wax

la yiraahdo dareen jeceel, balse waxaan ogaa in gabadhu soo jiidasho gaar ah ay ku

lahayd nafteyda mar walba oo ay ii soo dhawaataba.

Aniga waligey nolosheyda tan iyo intii aan noqday nin usoo baxay dunidiisa inuu wajaho

lama aanan kulmin mana igu soo dhicin dareenka Haasaawaha Dumarka, waasa ogaa

mar ay noqotaba in qalbigeyga loo soo martin doono oo hurdada laga kicin doono.

Waxay aheyd subaxnimo Barqo ah, xilliga bareega, aniga oo qoranaya mid kamid

leyligeyga ayaa waxa dhacday inuu iga hallaabo qalinkeygii an wax ku qoranayey,

markaas waxaan u baahday in aan Qalin raadsado, iguma soo dhicin in aan weydiisto

ardayda fasalkeyga ah sababtana ma ogeyn, waxaan toos u abaaray galaaskeeda iyadana

markaas waxay ku guda jirtay nasiinada bareega waxayna isku diyaarineesay in ay u

baxdo Banaanka, nasiib wanaag inta aysan bixin ayaan ku gaaray waxaana weydiistay

bal inay igu caawin karto Qalin iyo in kale.

Markaan u galayey waxay aheed mid ku mashquulsan qurxinta wajigeeda iyo

bushimaheeda, waxaa miiska u saarna boorsadeeda buugaagta iyo qalabkii ay isku

qurxineesay maadaama ay meeshu iskool aheyd, anigu waan iska soo galay iyadana

kuma faraxsaneen in xaaladdaas isquxinta ah ugu imaado, balse, qaddarin iyo xushmad

ay ii haysay darteed ayey ula aamustay waxbadan oo ay I dhihi laheed.

Aniga markaan soo galay maba ku mashquulin is qurxinteeda iyo waxa miiska u saaran,

waxa kaliya ee iga maqnaa Qalin ayuu ahaa, qalinkii ayaana weydiistay, ayada oo dag

dagayso lagana dareemi karo in jawiga aan ugu imid ay ka xishooneesay ayey

boorsadeedii gacanta galisay iyada oo iiga raadinesay qalinka aan dalbaday.

Intii qalinka ay raadineesay ayaa si lama filaan ah boorsada waxaa uga soo dhacay Catar

iyo alaabo kale oo boorsada ugu jiray, inta aysan qalinka ii dhiibin ayaan waxan

jecleystay in aan ka codsado inay iimariso Catarka, iyadoo dhoola caddeyneyso

dhaheysana waa catar dumar ayey igutiri “maad iskadhaaftid” anigana waxaan ugu

jawaab celshay caraftiisa ayaan rabaa in aan tijaabiyo ee gacanta iimari, markaasna

waxaan sii dhiibayey Gacanta Midig.

Iyada oo dhoola caddeynesa dhaheysana dhiblow ayaa tahay maxaa ku faleysaa catar

dumar ayey inta furtay catarkii ii marisay gacanta iyadoo markaa ka xishooneysay inay

ardada arkaan ayey jalbaabkeeda ku dabooshay gacanteyda, catarkiina sidaas iigu

marisay qalinkii aan ka codsadayna ay sidaas igu siisay.

Qalinkii ayaan qaatay waana ka soo tagay anigoo u mahad celinaya, waxaana kusoo

laabtay fasalkeyga si aan u dhamees tirto shaqadeydii qabyada aheyd, inta aanan

bilaabin ka shaqeynta shaqadeydii ayaan waxan carafsaday catarkii ay ii marisay.

Carafta catarku waxay aheyd mid meel gaar ah taabatay, soo kicisayna mid kamid ah

dareemadeyda hurdada ku jiray, saameyn gaar ah ayuu igu yeeshay catarkaas,

maadaama wax walba ay sabab ku yimaadaan waddo ay soo maraana ay jirto waxaan u

gartay in catarkani yahay ka kiciyaha hurdada dareemaheyga jiifay ee dhanka Dumarka.

La soco qaybta 3aad TALAADADA INSHA ALLAH 

W/Q: Ahmed Ali Hyder

Ciiseduq12@gmail.com

SHEEKOOYIN