XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 31aad    

1 CILMI BAARIS

Ma ogtahay cilmi baaris la sameeyey ay xaqiijisay  in inta badan aad tartiib u cunto cunnada ay qayb ka qaadato in culays badan oo kugu siyaadi lahaa uusan kugu siyaadin, isku cel celis sanadkiina aad luminayso 9kg ama 20 pounds?
Mmusa 

 

2 WAXAAD RABTO LUMI

Waxaad rabto lumi, balse ha lumin Qalbi doonaya in uu wax badan dartaa u qabto, waa in aad maankaaga ku hayso in qalbiyada qaar aan loo mag dhawi karin.
Mmusa 

3 QOFKA KALIGIIS AH

Ma ogtahay qofka aan lamaanaha lahayn ama kaligiiis ah in mar walba uu yahay qof qubays badan, fakar badan, jiif badan!!!!!
Mmusa

4 FARA KA CIYAARKA

Ma ogtahay fara ciyaarka badan ee lala sameeyo dumarka xaaska ah, in ay ka caawiso in uu yaraado isku buuqooda, qalbi wanaagooduna bato?
FG: fara ciyaarka xaaska ninkeeda ayaa la samayn kara, si kale yaan loo fahmin.
Mmusa 

 5 RAHA

Ma ogtahay in Raha haddii uu afkiisa kala furo isaga oo neefsanaya in uu horey ka dhimanayo?
Mmusa

  6 IN AAD XANAAQDO WAA CAADI

Waa iska caadi in aad xanaaqdo Qalbi jabna aad dareento marka qiimahaaga ay dhulka ku jiidaan Dad aad qiima sare u haysay aadna ka filaysay inta aad siisay in ka badan in ay ku siiyaan.
Mmusa 

7 XAYAWAANKII UGU HOREEYAY

Ma ogtahay Xayawaankii ugu horeeyey ee loo diro Hawada sare uu ahaa “Eey” lagu magacaabi jiray Leica, sanadku markuu ahaa 1957 ayna direen Midowgii Sovieti (Ruushka).
Mmusa 

8 ISLAAMKA

Ma ogtahay in Islaamku Dadka ugu yeero
1 Nabad 
2 Akhlaaq wanaagsan 
3 Nolol fudud
4 isku adkayn la’aanta Nolosha 
5 Caddaalad 
Mmusa

 9  BAARSHUUT

Ma ogtahay in qofkii ugu horeeyey ee baarshuut kusoo daga uu ahaa Captan Parry, sanadkuna uu ahaa 1912.
Mmusa 

 10 IIMAANKEENA

Marka uu lumo imaankeena iyo kalsoonideena waxaa wax noqda cadawgeena, waxaana dullooba inaga.
Mmusa 

 11 SARIIRTA LAGU DUL FAKARO

Ma ogtahay in 70% Dadka ay habeenkii sariirta ku dul fakaraan, ayaga oo xusuusanaya hadalada qaar ee saamaynta ku yeeshay naftooda, kana fakara jawaab celinta ay ka bixin lahaayeen howlaha u rahaman noloshooda.
Mmusa 

 

 12 DHAGARTA IYO XAASIDNIMADA

Ma ogtahay in dhagridda iyo is xaasididda aan lagu abuurin Baniaadamka, balse ay ayagu doorteen.
Mmusa 

 13 MALAKULMOWTKA

Ma ogtahay in Malakulmowtka uu yahay kan kaliya ee aan balan lala dhigan karin ama lala dhigan, wuxuu yimaadaa marka lasoo amro, wuxuna tagaa marka la amro oo kaliy.!!!!!!!!
Mmusa  

14 MASAAFADA

Ma ogtahay in masaafada wareega uu dhiigaagu maalintii wareego ay la egtahay 168 malyuun oo Mayl?
Mmusa 

15 SAMIRKA HOOYADA

Ma ogtahay in qoyska hooyada ay ku samir badantahay uu mar walba ka wanaagsan yahay ama ka qurux badan yahay qoyska uu aabuhu ku samir badan yahay?
qiimaha ama quruxda qoyska waa sabarka hooyada guriga dhaqaysa.

 

16   IIMAANKA IYO HAMMIGA

Ma ogtahay in dadka qaar marka aad la fadhiisto uu kuu siyaado iimaanka iyo hammiga naftaada.
Mase ogtahay in dadka qaar marka aad la fadhiisato uu nusqaamo iimaankaaga, illowshahaaguna bato.
Mmusa 

  17 GUURKA GAROOBKA

Ma ogtahay in guurka gabadha garoobka ah uu ka waarid badan yahay guurka gabadha ugubka ah?
Mmusa 

18 QALBIYADA QAAR

Ma ogtahay in qalbiyada qaar aan lagu abuurin Nacayb, si kasto oo aad ugu gafto?
Mase ogtahay in qalbiyada qaar aan lagu abuurin Jacayl, si kasta oo aad ugu wanaag fasho?
Mmusa

19: 50ka GOBOL EE MARKEENKA

Ma ogtahay in 33 ka mid ah 50ka Gobol ee Mareekanka ay soo saaraan Saliid?
Mase ogtahay in aysan ku filnayn Mareekanka saliiddaas uu soo saaro?
Mmusa 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN