FARXADDU IIB MAAHA Q/10AAD
Xaaska Raage oo si quman u dhageysaneysay ayaa ku tiri: “Nin adduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, Raggoow waxaan nahay labo qofood oo xaq isku leh, isla soo qaday iska soo quutay, maanta waxaad tahay bukaan waxaanse rabaa marka hore inaan ku weydiiyo, mana doonayo inaad u qaadato ku digasho, su’aasheyda, markaad na dayaceysay ma waxaad mooday in Farxadda la iibsan karo? Raagge aad mooddo in waran halbowlaha looga dhuftay ayaa candhuuftiisa ku sixday oo jawaab aan madax gujis aheyn wax ka badan soo celin waayay oo uu ula jeedo maya maya.
Hadalkeeda ayey sii wadatay oo waxey ku tir: “Haddaba ogoow Farxaddu iib maaha maal adduunyana laguma helo, sidaa darteed waxaan rabaa oo kaliya inaad farxaddeydii aad iib geysatay inaad ii soo celiso mar labaad aad ilmaheyga Aabbahood noqoto adigoo ku raaliya wax hantiya haba yaraatee kaama rabo, haddey lacag wax tareysana adigaa hadda caafimaad ku iibsan lahaa.
Mid kalane ku darso hantida aad ileedahay wada qaado labo markii loo qeybiyo qeyb anigaa iska leh, oo adiga iyo qareenkaaga ayaa gurigeyna dhaxdiisa ku saxiixay habeen sadaxaadkii Leylatul qadarka noo soo hoyday, waliba anigoo ku tuugaayo oo ku leh waan ku aaminsanahay ee iska dhaaf ayaad saxiixday, isku soo wada duub aniga maal adduunyo kuleyl iyo qaboow midna ma igu haayo ee waxaan rabaa oo kaliya Farxaddii reerkeena inaan dib u hantiyo taas kaliya ii balan qaad.
Raagge oo talo ku caddaatay ayaa yiri waa balan inaan sidii rati hayin ah kuu hogaansanaado, inta nilosheyda ka dhiman aan farxad kugula qaato, ee adigana ii balan qaad intaan arrinkaan kasoo fara xalanaayo inaad ii dul qaadato, oo aadan is oran waa caafimaad darada hadda waxa ka hadashiinaya ee ogow nin rag ah waa kii gafkiisa qirta xaq waxaan u lahaa anigaa jid qaldan u maray xaqaagii iyo kii carruurtana dafiray kun kow jeerna waan kaa raali galinayaa ee markaan ii caafimaad daar.
Markii la isku afgartay cafis iyo masaabax labada dhinac ayaa Raage uyeeray ninkii socotada ahaa, waxa uuna ku yiri; ‘Walaaloow waxaad yeeshaa gacan yaraheyga is raacaa warkii naxdinta lahaa ee halkaan i sexiyay waa mid u baahan in loo dad badsado ma ahan wax la dhayalsan karo, sidaa darteed Hotelka Xidigaha Warmoog sii dag intii labo todobaad ah anigana aan kasoo kabsado dhaawicii i gaaray qeyr ayeyna ku dhamaaneysaa haddii alle idmo.
Ninkii socotada ahaa, ayaa yiri; ‘Raaggoow warkaagu waa ila war muslim, balse marka hore inta aan maya iyo haa ku dhihin waxaan rabaa inaan iskaa baro kulana wadaago sheeko hadda ka hor dhacday,magaceygu waa Makane Jimcaale Warfaa keyse Cali Coon “Waxa jirtay qiso cajiib ah oo aad u naxdin badan oo ka dhacday dhul xeebeedka dalka waxaan u doortay sheekadaan inaan kula wadaago waa mid aniga raad igu leh, waayo waa sheeko soo tixneyd ka awoow ka awoow balse markii ay aniga i soo gaartay dhan kale u digo rogatay ee si fiican ii dhageyso.
Markii uu Makane intaa yiri; ‘Dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyayaashiiba kuraas ayey soo dhigteen, qaar ayaga kamid ahna dhulka ayey fariisteen, ayagoo marki horaba ka yaabana Raagge iyo Xaaskiisa sida ay U kala fogaayeen haddana isku af garteen, si ay u dhageystaan halka uu ninka dhaanka ku furo.
Waxa uu yiri; ‘Keysa waxa uu ahaa inan yar oo labo jir ah markii u Aabbihii uu waayay waxaa soo korsatay hooyadiis oo kaliya oo aan cidna garab ka heysan, geeridii Aabbihiis ka hor ayey reerkooda iyo reerkiisaba isla dryriyeen, colaad u dhaxeysay labada beel awgeed, in la iskugu duceeyo warkeed iska daaye.
Waa ay isla soo baxdadeen ayagoo Hooyadii iyoAaabbihii mana aysan aqoon meel ay ku socdaan iyo meel kale, waxa ay daggeen magaalo yar oo xeebta saaran, halkaas ay ka heleen guri dudumay oo beri hore laga guuray oo ku yaalo magaalo xeebeedka bannaankiisa.
Keyse Aabbihiis waxa uu bilaabay inuu soo jilaabto kalluun qaarna uu suuq geysto qaarna ay ku noolaadaan, asaga iyo marwadiisa,nolosha adag Keyse Aabbihiis ma dooran oo waxaa u dooray waalidkiisa, oo hanti adduunyo ALLE ugu deeqay, waxeyna ka door bideen intii uu guursan gabar reer xaaji Cumar Tifoow iney deyriyaan ama dilaan waana sababta ku kaliftay asagoo faro maran inuu la soo baxsado xaaskiisa Dega Xaaji Cumar.
Dhan kale reer Xaaji Cumar raali kuma aheyn gabatooda nin reer Coon Warmoole guursado dhimasho ayey ka xigeen.
Muddo kaddib waxa uu qurxistay oo uu dhistay dhismahii burbursanaa halkaasna waxaa ku calool galay Keyse Cali.
Maalmo ka hor dhalashadii keyse ayuu baadi goob u galay inuu helo Umuliso, balse nasiib daro haweeney wax ka umulin jirtay degaanka waxa ay u guurtay meel kale oo cid taqaano jirin balse ay jirto haweeney kale dadku ay shareystaan oo aqoon u leh, sida wax loo umilyo iyo daweynta guud iyo geedo geedaha, waxaase lagu xantaa iney kitaab gaabloow tahay, ilmahana xoolo badan haddaan laga siin ay saqiiraan, sidaa darteed asaga ay u taalo wixii uu ka yeeli lahaa.
Keyse Aabbihiis Cali Coon waa faqiir maalin xoogsiga ku nool waana cunigii ugu horreeyay noloshiisa waa ay ku adkaatay inuu ku dhiirado waxaana uu go’aansaday inuu asaga u babac dhigo guul iyo guul daraba.
Haweeneydii ayaa warkii loo geeyay, ileen waxaa magaalada u dhax jooga qolyo u soo dhago dhageeyo xanta qofkii xanuunsan kii muraad leh, naagtii fool ah, kaddibna ku soo xira ayadoo ogaal ah qofka waxa uu rabo.
Goor ay ku aadisan tahay kala gaddoonka galabka iyo subaxa Cali Coon oo sii qalab qaatay inuu gurigiisa aado ayaa islaantii u yeertay waxa ay ku tiri: “Wiilyahoow aad ii dhageyso waan ku ogahay inaad magaaladaan qariib ku tahay cidna kuu daganeyn waa ku caawinayaa waxna kaama rabo laakiin sharuud markaad dhaqaalo hesho ha i moogaan intaas kaliya ii balan qaad.
Cali Coon soo jeedinta talada aad ayuu ugu farxay sababtoo ah waa gurnadkii u horreeyay uu helo, ayaa ku yiri; ‘Waxba isla waai meyno, ee adigana mid ii balan qaad in aadan faraqa igu dhagin oo aad i sugto iyo in aadan reerkeyga howlihiisa soo faro gashan, sidaas ayey balan iyo axdi ku kala marteen.
Maalmo ka dib afartan baxii Dagan Xaaji iyo caawimaaddii faalisada, Habartii faalisada waxa fursad badan u heshay in ay sheeko wadaag noqdaan Degan Xaaji mararka qaarna ay guriga foox iyo geedo geedo ku shito ay ku sheegeyso balaayo xijaab.
Cali Coon oo dareemay is badalka xaaskiisa iyo waxaan ay faraha la gashay iyo ka baxa habarta baas, ayaa Degan kor hoos wax ugu sheegay balse waa ka dhago adeegtay ilaa ay isku dhaceen markii danbo, ay habeen ka guurto Cali Coon oo hurdaayo, waxa ayna salka u fariisatay gurigii habarta faalisada ay.
Cali markii waaga baryay ayuu ku baraarugay, in xaaskii iyo wiilkiisiiba maqan yihiin, yaab ayaa ALLE u keenay iyo filanwaa’ waxa uu is tusiyay iney u hilowday waalidkeed isku xalayna uu sheydan u qurxiyay iney wadada cagta saarto cunug hal bar jir ah, iyo ayadoo walac aheyd.
Mar asagaa is canaanta marna habarta faalisada ayuu canbaar dusha uga tuuraa, waxaase yaabka yaabkiis ku noqotay raadkeeda markii uu magaalada la galay, dareen xoog leh ayaa ku dhashay in Degan la asiibay ay habartu sixratay, waxa uu soo dabo joogo raadkii waxa uu galay gurigii faalisada, Cali Coon talo ayaa ku caddaatay meel laga saraa dhiig ma laheyn.
waxa uu go’aansaday inuu is dajiyo xaalkana qaraabeeyo waxa uu soo xasuustay sheeko hooyadii uga sheekeyn jirtay, oo aheyd cajuuso haddey gurigaaga soo gasho salaadda waa laga baxaa haddii kale reerkaas dabkey ka shiddo ma damaayo, iyo inuu asaga u soon hogaamiyay gurigiisa cajuusada, gaar ahaan waxaa si weyn murugo ugu dhaliyay nin ay reerkooda daris ahan jireen oo xoolo badan ayey habar cajuusaa oo kuwa wax sheeg sheega u timid, ninkana aroos cusub ayuu ahaa, waxa ay weydiisatay inuu xoolo ka siiyo aroosadda ninka oo ahaa, nin deeqsiya ayaa ku yiri hashaas iyo nirigteeda qaado laakiin mar kale wax ha iigu imaan, inta kor iyo hoos ka fiirisay shan Hallaad ka yar ma aqbalno aniga kaligey maahi ee rooxaanta iyo duulasha sadkoodii soo dhameystir, ninkii inta xanaaqay ayuu ku yiri; ‘Cirka dhagax ka soo daadi, haddaan kadinka reerkeyga kugu arko qoortaan kaa gooynaa.
Islaantii oo careysan ayaa ku tiri adigaa ka shalaay doono waana ay ka dhaqaaqday, maalmo kaddib ayey xaaskiisa kasoo adeejisay kuwo filkeeda ilaa Habartii loo geeyo, waxa ay gabartii ku tiri; ‘hoogto ma ogtahay ninkaaga inuusan ku jecleyn uu naago kale heysto faalkaa ii sheegay, faal cir guduudna been ma sheego caddeyn na waa laguu haayaa cawada markuu kuu yimaado waxaad ku tiraahdaa………
La soco qeybaha xiga..
W/Q; Cabdulle Abdikariim (Jallaato)