XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 81aad

 

 1-Saddex wa nolosha qiimaheeda 
1 Jacaylka waa nolosha qiimaheeda, dhadhankeeda, kifaaxeeda, farxaddeeda iyo  furfurnaanteeda.
2 Iimaanka waa qiimaha nolosha ugu qaalisan qof aan iimaan lahayn macna nolosha uma lahan.
3 Ducada waa waa qiimaaha nolosha, Addoonka wuxuu qiima ku leeyahay in uu mid duco badan yahay, haddii uusan ahayn mid Alle mar walba tuugaya qiima ma lahan, xoolaha ayuuba ka liitaa.
Mmusa

                                                     2-Farxad iyo rajo
Inta aad neefsanayso farxad iyo rajaba way ku sugayaan ee quusta iska dhowr, qalbigaadana ha ku dilin raja xumo iyo quus.
Mmusa

3-Waanaagaaga
Cidda wanaagaaga sheegtaa waa inta aad ku dheertahay oo qiima agtooda aad ka leedahay.
Umadda badankeed wanaagaaga waxba kama arkaan xumaanta aad samayso ayaa u muuqato, hadaba ha filan in si isku miisaaman laguu qiimeeyo, qiimayntaada dhanka xun ayey u badanaysaa mar walba.
Mmusa

4-Guusha iyo farxadda
Guusha ma ahan farxadda wax walbe, farxadda ayaa ah guusha wax walba.
Haddii aad samaysid waxa aad jeceshahay hubaal in aad guuleysanayso.
Mmusa

5-Nolosha sooma koobi kartid
Nolosha masoo koobi kartid qasabna maahan in aad ogaato wax walba, waxa ku farax galsha ogaantooda ayaa muhiim ah iyo hanashadooda.
Mmusa

                                                              6-Caaqilka 
Caaqilku wuxuu hadlaa marka uu hayo wax uu sheego, halka doqonkuna uu u hadlo si uu wax uun u dhaho.
Mmusa

7-Nolosha kugu filan
Nolosha dunida sideedaba waa hal nolol taas oo adiga laguu siiyay si Xor ah, haddaad noloshaada ugu noolaato sida ay kaa mudantahay waa kugu filantahay.
Mmusa

                                                         8-Dhibkaaga wajah 
Dhibkaaga wajah, sheeg sheegiddiisa ha yaraato, in aad dhibkaaga dadka la wadaagto, sida badan xalka dhibkaaga ma soo dadajiso, balse,marka aad dhibkaaga dhab u wajahdo waxaa dhaqsa u heshaa Xalka dhinaca aad rabtidba aad u xallisid dhibkaaga.
Mmusa

9-Fakar iyo ficil
Fakar aan ficil la raacin wuxuu la mid yahay Riyo maalin cad la riyooday.
Ficil aan fakar laga hormarina wuxuu la mid yahay riyo cabsi leh oo rumowday.
Fakarkaaga iyo ficilkaaga mar walba ha isku miisaanaadaan.
Mmusa

                                                  10Fakar iyo fal celin 
Fakarku waa muhiim inta aadan ka fal celin ficil lagugu sameeyay si shallaayto aad uga fogaato.
Inta badan aad ka fakarto waxa aad samayn lahayd, waa inta badan ay yaraato shallaytadaada.
Mmusa

                                                             11-Farxadda naftaada
Dadka qaar adiga oo og in aysan noloshaada sida aad rabto ku noqon karin ayaad haddana ku qasbantahay in aad ilaashato la jirkooda oo macna aan kuu suubinayn hadana farxad galinta naftaada darteed aad u haysato, haddaad sii dayso oo ka quusato ama isku daydo in aad noloshaada ka saarto waxaad galaysaa xaalad aadan ku farxin, sidaa darteed, marark qaar waxaad ku qasabantahay inta waqtigu wax kala xallinayo in farxadda naftaada wixii u ah aad ku qasabanaato ilaalintooda.
Mmusa

                                                                 12-Xul laabtaada
Laga yaabee in muuqaaga qurxintiisa aad mar walba ku dadaasho, maxaa yeelay, waxaad jecshahay in aad mar walba u muuqato mid qurxoon, la yaabku,se wuxuu yahay, maskaxdaada sidaas ma u qurxisaa mase uga taxaddartaa?
Maskaxdaada iyo laabtaada inta badan aad qurxisaa waa inta badan uu muuqaagu quruxsanaado, waad is tir tiri kartaa balse wasqdaada gudaha waa midda kasoo duxaysa muuqaaga banaanka, sidaa darteed, ku dadaal xulidda laabtaada iyo maskaxdaada, si waxa ay soo tufayaan ay u noqdaan wax caafimaada qaba.
Mmusa

13-Wanaag iyo xumaan
Haddii lagu yiri dadka wanaagsan raadso kuwa xuna ka tag micnaheeda maahan in ay jiraan dad xun iyo dad wanaagsan ee waa in aad heshaa ama dareentaa dadka wanaaga ku dhex jiro, sidaas si la midna xumaanta qofka ku dhex jirta aad uga fogaataa.
Si kale haddaan u dhigo raadso wanaaga dadka ku jira kana fogow xumaanta ku jirto shaqsiyaddooda.
Midna xusuusnow in qof dhamaystiran uusan jirin, inta aad dadka ka doonayso iyo inta aad ku nacaysana adigaba aad leedahay.
Mmusa

14-Hadal kasta 

Hadal kasta oo macaan ma qurux badna, sidaas si la mid ah hadal kasta oo qurxoon
Ma macaan badna.
Mmusa

                                                        15-Adiga iska fiicnow
Hadaaba rabitd in aad qof ka fiicnaato qofka aad ka fiicnaanayso iskuna dayeyso in aad ka fiicnaatid ha noqdo qofka aad shalay ahayd.
Mmusa

 

16-Maalin walba
Maalin walba oo timaadaa waxay ka dhigantahay jaanis aad u heshay in aad saxdo khaladkaagi shalay, waxay ka dhigantahay in aad Alle uga noqoto gafkaagi shalay, waxay ka dhigantahay raja cusub oo kuu dhalatay, waxay ka dhigantahay in aad noloshaada dib u hanato, waxay ka dhigantahay in aad xaq u leedahay in aad naftaada dib u hanato oo ku hogaamisid waxa ay jeceshahay, waxay ka dhigantahay rumaynta riyada aad ku hamminayso.
Mmusa

17-Nolol iyo Rajo
Nolosha iyo rajada ma kala haraan, inta Nolol jirto rajada waa jiraysa, inta Raja jirtana nolosha waa jiraysaa.
Mmusa

18-Alle, jacayl, Riyo
Jacayl hadduusan jirin, Dareen ma jirayo.
Riyo haddeysan jirin, Hammi iyo Hadaf la gaarana ma jirayo.
Alle ku xiran hadduusan jirin, sida wax loo noqdaa waa adagtahay.
Mmusa

19-Waqtiga adag
Waqtiga adag waa tilmaamaha dhabta ah ee xaqiiqda noloshaada, ha dhibsan waqtiga adag ee dhugtaada fur si aad dhabta ugu noolaato una kala garato waxa xaqiiqda ah iyo waxa qayaaliga ah.
Mmusa

                                                 20-Daliilka Alle
Khalad xaga Alle kama yimaado ma jiro, waa xageena mar walba.
Alle mucjiso ayuu sameeyaa uu nagu tusayo awooddiisa iyo jiritaankiisa taas daliilkeeda ama caddaynteedana waa aniga iyo adiga.
Mmusa

                                                 21-Qalbiyo badan
Iyada oo Qalbiyo badan kugu xeeran yihiin  iskuna dayayaan in ay farxad ku siyaan ayaad hadan dhexdooda ku dareentaa Cidlanimo, halka hal qalbi oo kaliya uu ku siin karo farxadda aad doonayso.
Hadaba arrinku kuma xirna inta qof ee kula doonaysa farxadda ee waa midka dhinacaga taagan mar walba, kaas oo dareenkaaga uu soo qabto.
Mmusa

                                                       22-Isku koob dareenkaaga
In dareenkaagu mararka qaar kugu koobnaado ayaa wanaagsan, maxaa yeelay, waxaa adag mararka qaar in qof ku fahmaa uu jiro.
Mmusa

23-Qofka dhabta kuu jecel
Qofka dhabta kuu jecel marnaba ma ogolaan karo in aad gacantiisa ka baxdo xaaladdu sida ay rabtaba ha u adkaatee.
Mmusa

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN