XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 105aad
1-Shantan qof noloshaada ka fogee.
1-Qof u arka musiibadiisa imtixaan wax lagu barayo taadana u arka cuquba aad gashay.
2- qof u arka qaladkiisa dadaal uu sameeyay abaal marina ku mudan kaagana u arka dambi mudan in lagugu ciqaabo.
3- qof kugu gafay hadana sugaya raali galintaada oo aaminsan in ay tahayba in aad isaga ka raali galiso gafka uu kugu gafay isaga oo aaminsan in gafkaas sababtiisa aad leedahay.
4- qof aad iska cafisay oo hadana aaminsan in aad ka cabsanayso.
5- qof aad iska indha ama dhaga tirtay xumaanta uu kugu sameeyay hadana ku mooda in aad tahay mid dansan oo waxba garan, micnaha nacas ama dabbaal.
Mmusa
2-Beero
Xubin walba oo jirkaaga ka mid ah waxbey beeri kartaa, fadlan wax wanaagsan oo dhaxal reeb fiican u noqon kara naftaada, aakhiro iyo adduun iyo dadkaba noo beer.
Mmusa
3-Qalbiga iyo indhaha
Qalbiga wax ka jeclow indhaha maya, maxaa
yeelay, qalbiga qofka uu jeclaado dadka ugama darsamo laakiin indhaha waa kuwa
raac raaco quruxda, quruxna ma xadidna.
Mmusa
4-Nolosha isma baddasho
Nolosha isma
baddasho ee qofkeeda ayaa is baddala, sidaa darteed aqbal in qof walba sida aad
mooday uusan noqon karin.
Mmusa
5-Naftaada baddal.
Si aad
noloshaada u baddasho waa in aad i baddashaa naftaada.
Si aad naftaada u baddasho waa in aad baddashaa
qaabka aad u fakarto.
Mmusa
6-Walwalka.
Walwalka natiijada nolosha waxba kama baddalo
Furaha horumarka.
Furaha horumarka waa cabsida oo la iska saaro.
7-Subax walba
Subax walba oo waagu caafimaad kuugu baryo waa fursad cusub oo
aad ku sixi karto wixii kaa khaldamay.
Mmusa
8-Laba xanuun.
Laba xanuun
ayaa jirta
Xanuun ku xanuujiya oo ku dhaawaca
Iyo xanuun ku baddala gabi ahaanba.
Mmusa
9-Dadku way is baddalaan.
Dadku way is
baddalaan xitaa iyada oo laga yaabo in aysan u diyaarsanayn is baddalka.
Mmusa
Niyad jabka wuu ku baddali karaa.
Niyad jabku wuu
ku baddali karaa balse taas macnaheeda maahan in uu kuu baddalaa dhanka xun.
Aqbal niyad jabka kugu dhacay ugana faaidayso in
aad u baddasho khibradda aad ka heshay si xikmadaysan.
Mmusa
10-I quruxso
Wax iga galay ma jiraan quruxdaada, heerka
noloshaada, dabacsanaantaada, laandheeranimadaada, waxa hanti ah ama caafimaad
ah oo haysato anna aanan haysan, qaabkaaga iyo midabkaaga, diintaada iyo
luuqaddaada, xitaa magacaaga.
Waxa i farxad galiya oo igu kaa shuqliya ayaa ah
Akhlaaqdaada, run sheegaaga, fakarkaaga wanaagsan, naxariistaada, ruuxdaada
wanaagsan, adabtaada, iyo Aadnimadaada, qalbi jileecaaga marka xaaladdu
adagtahay sida aad uga soo dhalaasho.
Aniga waxaan ku dhihi lahaa i quruxso aan ku
quruxsadee.
Mmusa
11-Muslim akhlaaq xun.
Muslim Akhlaaq xun waxaa ka wanaagsan Gaal Akhlaaq wanaagsan.
Yeysan ku nicin
Sifooyinka Dumarka ay Raga uga tagaan xitaa
ayaga oo jecel.
1in uusan ahmiyad badan siin.
2 in uu been badan yahay.
3 in uu aad jilicsan yahay ama adagyahay.
4 in uusan naxariis lahayn
5 in uu Bakhiil yahay
6 in uu mar walba la barbar dhigo dumarka kale
oo wey kaa fiican yihiin dhaho.
7 gacan qaadkiisa oo bata.
Maskaxadaada.
Maskaxdaada waxa ku jira waa baddali kartaa balse waxa laabtaada ku jira marnaba ma baddali kartid.
Sababta is
baddalka
Sababta is baddalka qof kale waa noqon kartaa
balse qof, qof baddali kara ma jiro.
Mmusa
12-Waa
nidaam
Is baddalku waa
nidaam socda ee ma ahan dhacdo iska dhacaysa ama dhacday.
Mmusa
13-Xusuusnow baddalka naftaada.
Inta aadan isku dayin in aad qof baddasho xusuusnow sida ay u adagtahay in naftaada aad baddasho.
Mmusa
14-Marmarsiyo dhaaf.
Marmarsiyada
iska dhaaf ee is baddal keen noqo, ama is baddalka raac.
Mmusa
15-Is
baddal kuguma soo dhaceen.
Haddii aadan noloshaada caqabad kala kulmin, is
baddal kuguma soo dhaceen mana samayseen
Sababta
Wax walba ilbiriqsi ayey isku baddali karaan wax
walbana sabab ay isku baddalaan ama u dhacaan ayaa jirto.
Sababta cid fahmi karo oo aan Alle ahayn.
Mmusa
16-Awooda naftaada.
Awoodda aad
naftaada ama qof kale naftiisa ku baddali karto waa lagugu dhalay ee ha iska
dayicin.
Mmusa
17-Xusuusta isma baddasho
Ma taqaanaa sababta xusuusta wanaagsan mar walba
loogu mintido in aysan lumin? Sababta waa in ay tahay xusuusta waxa kaliya ee aan
is baddalin, balse, qofka lala sameeyay uu is baddali karo.
Mmusa
18-Dunida iyo farxaddaada.
Farxaddaada
dunida ku baddale ee dunida yeysan baddalin farxaddaada.
Mmusa
Adiga bilow
Is baddalka aad la rabto dunidaada waa in uu
adiga kaa bilowdaa marka hore.
Mmusa
19-Waad kortaa
Waad kortaa ee
qofka aad tahay iskama baddashid.
Mmusa
20-Sida ay doonaan ayey noqdaan.
Dadku sida at
yihiin iskama baddalaan ee sida ay doonaan ayey noqdaan.
Mmusa
21-Adiga ayey ku baddalaan.
Waxa aadan
waxba ka baddali karin adiga ayey ku baddalaan.
Mmusa
22-Aqbal ama baddal
Waxa aadan aqbali karin wax waad ka baddali
kartaa, balse waa in aad aqbashaa waxa aadan waxba ka baddali karayn.
Mmusa
23-Xusuus iyo mustaqbal
Xusuustaada waa laga yaabaa in ay saamayn ku
yeelato mustaqbalkaaga
muuqaalkiisa, balse mustaqbalkaaga muuqaalkiisa
xusuustaada waxba kama baddasho.
Mmusa
24-Wuu imaanayaa
Is baddalku mar walba wuu imaanayaa ma ahan in
uu ku qasban yahay in uu yimaado ama uu isagu doonayo in uu yimaado ee waa in
waqtigiisa ku haboon uu imaanayo.
Mmusa
25-Gogol badis
Dadka qaar haddaad u gogol badiso xitaa isma
baddalayaan waxna kuma qaadanayaan, mararka qaar waxaa haboon in qofka sida uu
wax kuu dhadhansiiyo loo dhadhansiiyo si uu wax u dareemo.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor