XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 107aad
1-Ku mashquul.
Dadka qaar maba fahamsana nimcada ay haystaan, ka mahdi inta aad haysato diiraddana saar xisaabintooda, inta aad ku mashquuli lahayd wax aadan haysan.
Mmusa
2-Qof kaa oohisiiyay
Qof kaa
oohisiiyay looma ooyo waaba looga mahad celiyaa oohinta uu kaa oohiyay maxaa
yeelay, wuxuu ku baray in uusan mudnayn in loo baahdo.
Mmusa
3-U dulqaado
U dulqaado caqabadaha nolosha aad kala kulanto
waxba kuuma dhibayaan, waa laga yaabaa in ay ku xanuujiyaan balse, inta ay ku
barayaan oo adkaysi ah ayaa ka fiican xanuunka ay ku badaan.
Mmusa
4-Xaalad iyo xeelad
Macnaha dhamaanteen la iskugu keen dhex abuuray
ayaa ah in aan wax iska barano, qof walba xaalad iyo xeelad u gaar ah ayuu
leeyahay, waana intaas inta dunidu ku wareegaysato.
Mmusa
5-Mahdin
Qof walba oo faraxsan micnaheeda maahan in uu
mahdin badan yahay, laakin kuwa mar walba mahdinta badan waa kuwa farxad badan.
Mmusa
6-Dareen
jacayl.
Ha dareemin xumaan iyo shallaayto haddii
jacaylkaaga uu qaldamay, maxaa yeelay xitaa imtixaanka marka aad su’aal
jawaabteeda qaladdo waxaad sii garataa su’aashaas oo mar dambe ma qaladid,
sidaas si la mid ahna kuma qaldamaysid mar kale dareen jacayl.
Mmusa
7-Dadka
qallafsan.
Dadka qallafsan ee nolosha aad kala kulantay
waxay mudan yihiin in aad ka mahadnaqdo, maxaa yeelay waxay ku tuseen in
nuucooda in la ahaado ay xuntahay.
Mmusa
8-Ka mahadnaq
Waqti walba oo wanaagsan iyo mid xun, waqti
walba oo quruxoon iyo mid fool xun ba, dhamaan waa kuu nimco ee ka mahadnaq.
Mmusa
9-Duni aan ku farax galin.
In wax badan oo shar ah aadan maqlin xitaa waxay
mudantahay in aad ka mahad celiso maxaa yeelay, taas waxay la mid tahay in
lagaa fogeeyey duni aan ku farax galin.
Mmusa
10-Tusaale yar
Tusaala yar oo ku dareemi kartid nimcada aad haysato ayaa ah in aad isku daydo in daqiiqad aad indhaha isku qabato kadibna kala furtaa markaas ayaad fahmi karaysaa inta kula midka ah ee aan jaaniskaas helin ama soo marin.
Mmuss
11-Dhibka ku haysta
Dhibka ku haysta xisaabintiisa inta iska
dhaaftid ku mashquul inta dhib ee lagaa badbaadshay.
Mmusa
12-Badi mahadnaqa
Inta badan uu
mahadnaqaagu bato waa inta badan oo laguu siyaadiyaa nimcada.
Mmusa
13-Waxa aad
heshid.
Haddii aad runtii tahay qof mahadnaq badan waxaa
wax ka bixinaysaa waxa aad heshid.
Mmusa
14-Waxaan kugu ogahay
Maanta
mahadnaqa Eebe ayaan kugu ogahay baritana shaqa adag iyo baryadda Alle ayaan
kugu ogahay.
Mmusa
15-Ku dadaal
Ka mahadnaq waxa aad hadda tahay kuna sii dadaal
waxa aad jeceshahay barito noqoshadooda
Mmusa
16-Waqti qaado
Marka ay wax
kaa halaabaan waqti inta qaadatid oo xoogaa xisaabtantid ka mahad naq inta
badan ee wax kuu saxan yihiin.
Mmusa
17-Nolosha oo dhan
Nolosha oo dhan waa in aad ka mahad naqdaa khayr
iyo shar waxa aad kala kulantidba.
Mmusa
18-Damacaaga
Damacaaga oo dhan in aadan wada heli karin ayaa
suurowda, balse, waxa aad haysato in aad ka mahad noqdo ha hilmaamin.
Mmusa
19-Dooro farxad
Mar walba waad faraxsanaan kartaa haddaad
doorato, ka mahadnaq nimcada lagu siiyay.
Mmusa
20-Baryada badi
Waa laga yaabaa in wax walba oo noloshaada ah
aysan ahayn sida aad rabtay balse ha hilmaamin in inta aad haysato aan la wada
haysan, sidaas darteed, ka mahad celi waxa aad haysato waxa kaa maqana
baryadooda badi.
Mmusa
21-Mahadnaq
Maalin walba waxaan baranaa qiimaha waqtigu
leeyahay, qaarkeena maba helaan jaaniskaas ee mahadnaqaaga ku aaddan fursadda
laguugu deeqay ha bato.
Mmusa
Ha nicin
Ha nicin kuwa ku neceb balse hareerahaaga ka dhowro.
Mmusa
22-Jacaylkaaga ha bato.
Ma jiro qof ka nadiif ah xumaan oo dhan iyo qof aan qaldaminba, haddii dadka aad isaga fogayso qaladkooda iyo xumaanta ay xun yihiin darteed waa hubaal in aad kali ahaanayso, sidaa darteed, xukmintaada ha yaraato, jacaylkaagana ha bato.
Mmusa
23-Naftaada daacad u noqo.
Haddii daacadnimada Dadka aad daacad u noqoto ay ku dhibayso, ugu yaraan in aad naftaada daacad u noqoto yeysan ku dhibin.
Mmusa
24-Been ha ii soo dhawayn.
Haddii beentu tartan la galo ahaan lahayd waan
hubaa in aan kan ugu dambeeya ee guuleysta noqon lahaa, been ha ii soo dhawayn.
Mmusa
25-Been macaane
Ka door bid been macaane mid runlow ah hadana
xumow.
Mmusa
26-Dhalanteed
Intaa aad yeelan lahayd asxaab iyo ehel badan oo
dhalanteed ah, waxaa kuu wanaagsan in aad kaligaa iska ahaato.
Mmusa
27-Waa Caddaalad darro.
Qof daacadnimo wax kuu su’aalay in aad jawaab daacadnimo ah siin wayso waa caddaalad darro.
Mmusa
28-Dabeecad iyo dhaqan
Dabeecaddaada iyo dhaqankaaga dhabta ah in
lagugu naco ayaa ka khayr roon inta lagugu jeclaan lahaa dhaqan iyo dabeecad
aadan lahayn.
Mmusa
29-Run ku hadal
Ha ka xumaan
run aad sheegtay dhib ay geesatay, mar walba run ka hadalkaaga waa dhab
ahaanshahaaga.
Mmusa
30-Run iyo xaqiiq
Qofka runta
kugu naco waa qof aan rabin in uu dhabtaada ama xaqiiqdaada ogaado.
Mmusa
31-Hadal dhaqan
Qofka mar walba
waxa uu dhaqan ahaan ugu hadlo waxaa la dhihi karaa waa waxa calooshiisa ku
jira.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor