XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor
Qaybtii 108aad
1-Sax iyo dhab
Qoku mar walba ma saxnaado.
Qofku ma walba dhabta ma haleelo.
Qofka dhabta haleelo in uu saxan yahay kama
dhigna.
Qofka saxana in uu dhabta ku taagan yahay la
macna maahan.
Mmuss
2-Marka
xaalku cuslaado.
Marka xaalku
kugu cuslaado iyo marka aad xanaaqdo ayey soo baxdaa shaqsiyaddaada dhabta ah,
marka wax walba okey kuu yihiin laguma garan karo.
Mmusa
3-Adiga oo adiga ah
Adiga oo adiga ah ayuu qalad kaa dhici karaa,
taas macanaheedase maahan in aadan isla adigii ahayn.
Mmusa
4-Sharaftaada
Mar walba muuji qofnimadaada dhabta ah, haddii
aadan dadka ka gadi karayn dhabnimadaada markaas waxaad gadaysaa shaatigaada
iyo sharaftaada.
Mmusa
5-Daacanimadaada.
Erayada afkaaga ka baxaya wax walba waad ku
muujin kartaa balse ficilka iyo oofinta balanqaadkaag ayaa caddeeya haddii ay
run kaa yihiin iyo haddii kale.
Qof jacaylkaaga waad ugu caddayn kartaa hadal
iyo erayo macaan, balse, taas kama dhigna in aad daacad tahay, balanqaadkaag
iyo ficilkaaga ayaa caddeeya jacaylkaaga dhabnimadiisa.
Mmusa
6-Dhab
iyo dhamaystir
Ha iska dhigin
qof dhamaystiran oo waxba ka maqanayn, dhamaystirnaantu dhab maba ahan oo qof
dhamaystiran dunidan laguma uumin, dunidana ma ahan mid dhamaystiran.
Dhabtu dhamaystir maahan, dhamaystrikuna dhab
maahan.
Mmusa
7-Iska
illow
Iska illow waxa aad maqashay oo garo waxna ku
qaado waxaad aragtay.
Waa laga yaabaa in kutirikutayn badan aad
maqashay, bilowga aaminaadaadana ha noqdo xaqiiqda marka aad taabatid.
Mmusa
8-Dhab iyo dhalanteed.
Qofka dhalanteedka ku nool qalad marka uu galo
wuxuu kasoo qaadaa sida isaga oo waligiis qalad ka dhicin, balse qofka dhabta
ku nool marka uu qalad galo wuu kasoo laabtaa raali galina wuu ka baxshaa sida
ay doontaba xaaladdu ha noqotee!!
Mmusa
9-Daacadnimo
Daacadnimada uu
qofku daacad ku noqdo marka uu kuu jeedo ma ahan Daacadnimo. Qofka daacadda kuu
ah waa qofka marka aad ka maqantahay iyo marka uu kula joogaba daacadnimadiisu
ay isku mid tahay.
Mmusa
10-Rug caddaa
In aad daacad
tahay una run sheeg badantahay naftaada waxay caddayn u tahay
rugcaddaanimadaada.
Mmusa
11-Haka hadlin gadaal
Dadka gadaashooda haka hadlin, dareenka kugu
jira mar walba la hortag qofka uu quseeyo wajigiisa, ama iska aamus.
Mmusa
12-Qofka
aad dooratid noqo
Qofka aad
dooratid la noolow
Ha noqon qofka laguu dooray noqoshadiisa maxaa
yeelay, adiga ma ahan waa qof kale.
Hala noolaan qof laguu dooray maxaa yeelay waa
nolol qasab ah, qof aadan ahayna qasab kuma noqon kartid.
Mmusa
13-Xumow.
Mar walba iska ahow qofka aad tahay xumowba allaha ka dhigee, waayimaysid qof kuu qalma oo kugula qanca qofka aad tahay.
Mmusa
14-Dadka runta badan.
Dadka runta badan ee dhabta ku noolka ah calafkoodu wuxuu iska noqday in la naco doqomaduna ku farxaan!!!
Mmusa
15-Mararka qaar in aad is dhiibto
Mararka qaar in
aad is dhiibto waa xaqiiq ku noolaanta inkastoo is dhiibistu aysan wax
wanaagsan ahayn, hadana, waa garashada iyo fahamka waxa aad awooddo iyo waxa
aadan awoodin.
Mmusa
16- Ha u ogolaan.
Ha u ogolaan in qof kale uu kuu baddalo wax aadan ahayn maxaa yeelay adiga laguuma dhalin in aad kormeerto dabeecadaha dadka, hagaajisana, qancisaana.
Mmusa
17-Ma u baahnid.
Ma u baahnid in
qof walba kugula joogo wanaagaaga dartiis, waxaad u baahantahay in waxa aad
tahay uu qofku kugula joogo, maxaa yeelay, waxaa tahay xaqiiq kolba dhinac u
muuqata.
Mmusa
18-Qof dartiis
Qof dartiis
inta aad wax u noqon lahayd dartaa wax u noqo.
Adiga is ahow inta aad qof kale ahaan lahayd.
Mmusa
19-Jiridda Geedka
Geedka jiriddiisa waa saaxiibka ugu wanaagsan
uguna dhabsan ee uu leeyahay, caleemihiisa saaxiib uma noqdaan waqtina waa la
joogaan waqtina waa ka dhacaan, sidaas si la mid ah ayey dadka qaar kuu yihiin
ee kala baro dadkaaga.
Mmusa
20-Kaalmada.
Taageerada iyo kaalmada ugu wanaagsan ee aad bixin karto mar
walba waa runta oo ku dadaasho iyo dhabta oo ku noolaato, labadaas ilaasho.
Mmusa
21-Waligaa
Waligaa ha ka cabsoon in aad laabtaada ka
hadasho maxaa yeelay, waa ujeeddada aad u nooshahay.
Mmusa
22-Igu farax ama….
Runta waan kuu sheegi karaa mar walba balse,
taas kama dhigna in aan ku farax galsho mar walba ama aad igu faraxdid!!!.
Mmusa
23-Dadka qaaliga kugu ah.
Dadka qaaliga kugu ah mar walba waa yaqaanan
waxa aad doonaysid adiga oo u sheegin xitaa, dareenkooda ayaa mar walba kaaga
la shaqeeya.
Mmusa
24-Ku faraxsanow
Ha isku canaanan in muddo dad badan oo ehel ama
asxaab run ah aad mooday ay kugu noqdaan kuwa been kugula noolaa.
Ku faraxsanow ugu yaraan in aadan ayaga ka mid
ahayn oo ka mid noqon.
Mmusa
25-Wacnaan lahaydaa!!
Wacnaan
lahaydaa in dadka sida lacagta been abuurka ah loo eego oo kor loogu qaado loo
eego si loo kala garto kan dhabta ah iyo kan beenta ah.
Mmusa
26-Aaminaad, jacayl, runta
Aaminaadda badan shirqool aad ku dhimato ayey
sababta.
Jacaylka badana dhaawac ayuu keenaa.
Runta ku noolowna nacayb laguu qabo ayey
keentaa.
Mmusa
27-Runta diide!!
Dadka kuwooda mar walba ku andacooda in ay run
jecel yihiin ayaa ah kuwa aan runta jeclayn, waxay sidaa u dhahaan oo kaliya in
runta ay uga muuqasho weyntahay beenta ay ku nool yihiin.
Mmusa
28-Dadka
dhabta ah
Dadka been
abuurka ku nool mar walba waxay ku dhex jiraan Xayndaab dhalanteed ah oo ay
isku maaweeliyaan, balse dadka dhabta ku nool waxaas waxba kama galin xaqiiqda
sida ay tahay ayey u aqbaleen uguna nool yihiin.
Mmusa
W/Q: Mohamed Musa Noor