Aabbihii Ambaday Q8AAD! W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Aabbihii Ambaday Q8AAD!

Waxa uu yidhi Xaashi oo sheekadii si wada waxa  ay i weydiisay  weydiin aan rabay  in mar uun lay weydiiyo, haddana waxaan u firkanaxay sida nin kayn cidla ah uu Aar mici lisanayaa uga soo baxay si kedis  iyo lama filaan ah oo aan wax uu ku tuurana qori xaabbo ahna ha noqotee iyo fara qabsi haysan, baqdintu kalama duwana, jidhkuna isku si buu u dareemaa,  dhammaan  wixii kaa bajiya ama naxdin geliya waa ka siman yihiin, wadno garaaca, haghagada ama shigshiga hadalka, dubaaxinta jidhka, jidhiidhicyada iyo Af dhabaandhabka.

Idil oo aad moodo in Bare sare cashar u aqrinayo ayaa la dhacday qaabka uu ugu falanqeeyey cabsida, ma runbaa iyo ma beenbaa odhan mayso waa Dhakhtarad si weyn u taqaan hawsha uu ka hadlayo, haddana  barata oo weli ku dhex jirka ogaal Dareendiqadka nafta(Cilmi nafsiga) waxa wax walba ay ku illowday aftahanimada iyo hadal dhihida Xaashi oo  hadduu Bare noqon lahaa ardaydu aysan ka daaleen, hadduu siyaasi noqon lahaana bulshadu aysan ka xiiso dhigteen, hadduu noqon lahaa wadaad iyo buunina  loo soo kala hormari lahaa dhegaysiga  waano iyo wacaal sheegiisa.

Xaashi ayaa yidhi: Dani ku biday weeyaane haddaanan runta ka hadal  oo aan sheegin lama heli doono ammin ay maanta kaga qurxan tahay isagoo sii araranaya ayuu yidhi: Ninbaa dagaal lagu qabtay laba beelood oo walaalo ah oo dirirsan dhexdoodana aanno badani taalay,  waxaa qabtay rag dhallinyaro ah uusan cidna ka garanayn ammintaas,  markaasay weydiiyeen reerka ama haybta uu yahay,  haddii uu reerkiisa sheegto oo ay kuwii kale noqdaan waa u geeri, haddii uu kuwii kale sheegto oo reerkiisii noqdaanna waa u laba geeri oo been ayuu ku dhintay, intuu Afka kala qaaday buu yidhi: Waryaadhaheen haddiiba lay qabto cid aan ahay ma aqaan.

Idil baa qosol la dhacday iyadoo weli  sugaysa biya dhaca ararta Xaashi iyo halka uu ula gol leeyahay sheekadana dhararaysa haddana hadalka si quman uga gureysa ayaa tidhi: Haye

Wuxuu yidhi: Haddaan aamuso waxaan la dhimanayaa Jacayl i dilooday oo ii qarsoon  naftaydana hadh iyo habeen hurinaya,  haddaan sheegtona waxaa suurtagal ah intey calooshayda iyo dareenkayga ogaato inay halkaas igaga dhaqaajiso weliba iyadoo suuroonaysa, labada midkoodna iima roona waa ninkii geerida dhex taagnaa oo kale, waxaanse qaatay go’aan ragganimo la jirto waxaan  ilbiriqsiyo  ay maskaxdaydu sida dayax gacmeedka carra edeg ku soo wareegtay la soo booday,  Haa waan jeclaaday ilaa haddana waa jeclahay!

Deeqa ayaa inta ay si quman iigu soo eegtay indhihii balbalacsanaa ee  buniga ahaa soo jiidashada badnaa, afkana yara maroorisay  oo labada kelyood is qabatay socodkiina hakisay tidhi  Yaa! Oo waa tuma gabadha ayaanka badan ee aad jeclaatay?

Aniguna waxaa markaas Waran igu taagnaa fuqay dareemayana xasilooni nafeed,  ayaa intaan  is toosiyey  nafna is galshay  dhankeedana si togan u  eegay dhankeeda ku idhi:  Ma ogi inay ayaan leedahay iyo in kale, waxaanse ogahay inaan Jeclahay.

Deeqa oo dhararsan ogaanshiiyaha qofkaas ayaa tidhi:Walaaloow maad ii sheegtid dumaashiday aan dadka ka bartee magaceeda haddaan aqaan, haddaanan aqoonna maad iskaaya bartid, anigaa u sheegi lahaa inay cawo iyo ayaan leedahaye.

Anigoo hadalkeeda dhiiranaan ka helay ayaan idhi: Deeqaay waad taqaanna weliba u malayn maayo inuu jiro qof kaaga aqoon badan,  haddaadse hubto inaad sidaa u sheegayso waan kuu sheegaya.

Deeqa ayaa la soo booday: War ii sheeg anigaaba raba inaan bartee.

Intaan in ammin kooban ah aamusnaa ayaan ku idhi : Haddii ay sidaa tahay qof kale maaha ee qofka aan jeclahay waa adiga Deeqa ah?

Deeqa ayaa intay suurootey hoosna eegtay ayay tidhi: Niyaw kaftankaagu maalinba maalinta ka dambaysa wuu ka soo darayaa! Oo ma aniga walaasha ah ee wax kula baadi goobayey ayaad igu billowday?

Markay sida tidhi ayaa haddana cabsi kale oo hor leh i gashay oo yididiiladii yarayd sida daruurta kala yaacday, waxaanna durtaba sii yaraaday iftiinkii aan halacsaday, waxaanna albaabka ii soo garaacday quus ah inaysan iga yeelayn rabitaanka iyo jacaylka aan u soo bandhigtay.Waan aamusay dhankeeda ayaan si wanaagsan u eegay,wax hadal ahna kuma aanan celin, wadnaha ayaa xoog ii garaacay,  waxaanna is dhalanrogay guud ahaan  xaalkayga, waan dhididay oo kor iyo kal ayaan qoyey,  waxaanna dareemayey tamaryari badan oo daal ayaa naftaydii firfircoonayd hadheeyey.

Markay aragtay xaalkay ayay tidhi: Eeen  dhib malaha waa lays jeclaada, balse maxaad igu jeclaatay, sideese ku oggaatay inaad i jeceshahay ama jacayl ku hayo?

Weydiimahani maaha kuwa aan qaadi karo  xaaladda adag ee aan galay,  haa intii aysan  badhaq jebin waa u babac dhigi kari lahaa, hadase waxaan sheegoba waxaa ii muuqata hungo iyo faramadhnaan inaan kala hoyan doono Deeqa agteeda, waxa uu dareenku i leeyahay oo maxaad uga sheegi ugana calaacali ma iyadaa ku yeelaysa,  markii horeba waad ogayde.

Iyadoo xaalkaygu sida yahay ayaa maskaxdu si degdeg ah iigu tidhi: Ogoloow guul iyo guuldaraba, balse waa inaad dareenkaaga si cad oo badheedh ah u sheegataa, waxa aanna qaatay go’aan kama dambays ah, inta aan marayo intaas oo meerto waa in ka yar miridhyo.

Waxa aan idhi anigoo codkaygu xabeebi ku jirto,  dhiirinaantii horena aysan jirin: Waxa aan ku ogaaday inaan ku jeclahay, Aragaaga ayaa i riyaaq iyo xiisa geliya,  ag joogaaga ayaa naftayda dhaymo u ah,  habeen iyo maalina waxaa maankayga dhex miranaya muuqaalkaaga,  waxaa dhacda in gabadhii hortayda martaaba ii yeelato hummaagaaga,  goor dambase aan arko in aysan Deeqa ahayn, haddaan maqlo magacaaga waxaad moodaa inay yihiin Dawanka hurdada dadka ka kiciya oo dhammaan dareenkayga ayaa oogsama.

Markaan intaas idhi ayay Deeqi aamustay,  waxa ayna si naxariis leh igu tidhi: Gacaliye hadda ma kaa dhabaa? Ma ilaa heerkaas ayaad i jeceshaahay? Maxaadan mar hore iigu sheegin?

Weydiimahan ayaa dib u soo nooleeyey naftii riiqdu ku daba yarayd, markaasay intay gacanta iga qabatay igu tidhi: Qof hadduu ku jeclaado, ku jantay baa la yidhaa, Aniguna maanta wixii ka dambeeya, garabkaaga ayaan taaganahay, waxaad tahay wiil wanaagsan wax aan kugu diidaana a jirto, balse arrinkani waa mid labadeenna nagu kooban, dadkuna yeysan ogaan oo xogteenna ilaali,  haddii aan dadka la joognana yaan laynaga garan in wax inaga dhaxeeyaan.

Habeenkani waxaa uu ii ahaa Habeen Guuleed,  markaan isa soo nabadgelyeynay kaddib ma aanan garanayn goor aan imid gurigayaga oo aan gudaha intaan galay  weliba dul tegay rabtii  ii gaarka ahayd ee hurdada.

La soco qaybaha kale…….

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN