ABAAL NIN GALAA BADAN, NIN GUDAA SE YAR! W.Q: Ibraahin-Nolosha

ABAAL NIN GALAA BADAN, NIN GUDAA SE YAR!

Askari ka tirsanaa ciidankii Nabadsugidda Soomaaliya ee Dowladdii Kacaanka ayaa Habeen habeennada ka mid ah heegan lagu qoray. Xabsi ay maxaabbiis badani ku jireen baa masuul looga dhigay. Isagoo waajibkiisa gudanaya ayaa waxaa u yeeray mid ka mid ah maxaabbiistii xabsiga. Maxbuuskii baa ka codsaday fasax muhiim ah, sababtana wuxuu ku sheegay in ay xaaskiisu xaalad aad u xun ku jirto oo ay ku dhibtooneyso xanuunka foosha.

Maxbuusku wuxuu oggolaa in lagu daro askar ilaalo ah oo hubeysan, hadhowna la soo celiyo isaga oo jeebbeysan. Laakiin askarigii heeganka ku qornaa ayaa qaatay go’aan kaas ka duwan.

Wuxuu u sheegay ninkii maxbuuska ahaa in uu fasaxayo, xaaskiisana uu la soo joogi doono inta ay ka dhaleyso, laakiin hal shardi ayuu fasaxiisa ku xirey. Maaddaama fiid hore ay aheyd, wuxuu ku amray in uu xabsiga ku soo laabto inta uusan waagu baryin ka hor, sababtoo ah aroorta hore waxaa lala xisaabtamaa qofka habeenkaas heeganka ku qoran.  Wuxuu u keenay lebbis ka kooban surwaal iyo shaati, sidaas ayuuna ku fasaxay.

Xaaskiisii oo wali foolaneysa ayuu maxbuuskii u tagay, illaa ay ka dhashayna wuu la joogay. Waagii oo bikaaci raba ayuu xabsigii ku noqday isaga oo oofiyey ballantii uu taliyaha ka qaaday. Walwalkii askariga iyo kurbadii maxbuusku halkaas ayey ku hareen. Askarigu wuxuu ka walwalayey in maxbuusku soo noqon waayo oo uu iska tago, garan waayana abaalka uu u galay; maxbuuskuna wuxuu la kurbeysnaa xanuunka xaaskiisa oo baxsasho qorshihiisa kuma jirin.

Markii qabtu dhacday ee jabhadihii hubeysnaa ay Xamar soo galeen, ayey koox hubeysani gacanta ku dhigeen askarigii Nabadsugidda ka tirsanaa oo dhuummaaleysanaya. Intey indhaha ka xireen ayey saareen gaari jiib ah, waxayna u geeyeen nin ay ka amarqaataan oo hoggaamiye u ahaa. Markii ay u geeyeen ayey indhaha ka fureen. Ninkii baa aqoonsaday ninka ay ciidankiisu soo qabteen, wuxuuna weydiiyey sababta ay u soo qabteen. Waxay u sheegeen in uu ka mid yahay askar heyb ahaan loo ugaarsanayey.

Hoggaamiyii baa warkooda ka biyo-diiday, wuxuuna ku adkeystay in uusan reerahaas ka tirsaneyn oo uu heybtiisa garanayo, sidaas aawgeedna in la fasaxo ayuu amray. Askarigii la yiri ha la fasaxo ayaa shakiyey, oo wuxuu is yiri markii ay ku fasaxaan ayey dhabarka kaa toogan doonaan, waana dhaqan markaas Xamar ka jirey. Waxaa dheereyd in dadka qaar markii la fasaxo lagu shiish barto, sharadna lagu galo halka xabbaddu uga dhaceyso iyo dhinaca ay u dhici doonaan marka ay xabbaddu haleesho. Wuxuu yiri, “Niman yahow anigoo sii jeeda intaad i toogan laheydeen, halkeyga anoo jooga i toogta.”

Hoggaamiyihii kooxda ayaa hadalka qaatay, “Ninkan abaal weyn ayuu igu leeyahay ee gurigiisa si nabad ah ha lagu geeyo, maganteyda ayuu ku jiraaye.” Askarigii oo hadalkaas la yaabban ayaa isku dayey in uu soo xusuusto abaalka uu hore u galay ee la sheegayo!

Aad bey u adkeyd in wajiga hoggaamiyahan si dhaqso ah loo aqoonsado. Timo raamo leh iyo gar aan in muddo ahba la xiirin ayaa ku yaal. Ciddiyuhu wey ku bexeen, busaarad kalana wey u sii dheer tahay. Waa nin aysan u muuqan lebbis iyo xarrago kale oo qaad hor yaalla marba laan ka soo qabsanaya, sigaarkana baf ka siinaya.

Soomaalidu waxay tiraahdaa, “Yeelaa wuu illaawaa, la-yeelaa se ma illaawo.” Horjoogihii kooxda ayaa yiri, “Waxaan ahay maxbuus aad hadda ka hor wanaajisay!” Mar dambe ayuu askarigii soo xusuustay in ninkani yahay maxbuuskii uu hadda ka hor xabsiga ka sii daayey ee xaaskiisu foolaneysay! Askarigii la soo qafaashay baa markaas rumeystay hadalka hoggaamiyahan, ee ahaa in la fasaxayo oo hoygiisana si nabad ah lagu geynayo. Isma laheyn waad badbaadeysaa, waayo wuxuu is lahaa haddii dowladdii aad ka tirsaneyd darteed laguu dili waayo, reernimo ayaa laguu dilayaa.

Ilmo farxadeed oo aan kala joogsi laheyn baa ka soo hoortay. Hadal badan wuu kari waayey balse aad buu uga mahadnaqay sii-deyntiisa. Naftii uu ka sabray bey rejo ka gashay, waxaana nolol lagu geeyey hoygiisii oo uu is lahaa adoo meyd ah ayaa lagu geyn doonaa.

Markii gurigiisa la geeyey ayuu codsaday in reerka lala raro oo illaa agagaarka Afgooye loo dhaweeyo. Markaas waxaa Afgooye ka ag dhawaa ciidamadii dowladda oo dagaal looga saaray Xamar. Codsigii waa laga aqbalay, isaga iyo reerkiisuna si nabad ah bey ku gaareen halkii ay rabeen.

Qax iyo safar dheer ka dib, askarigii iyo reerkiisu waxay iska dhiibeen Kenya. Ugu dambeyna waxay gaareen Imaaraadka Carabta, halkaas oo magangalyo laga siiyey aadna loogu soo dhaweeyey. Wuxuu waqtigu is guraba, noloshii Imaaraadka ayuu la qabsaday, shaqo-abuur baana loo sameeyey. Hanti badan buu tacbay. Wuxuu warkiisa iyo wacaalkiisa goobay ninkii hoggaamiye-kooxeedka ahaa ee madaxiisa furtay waagii uu Xamar ka qaxayey. Iskudayo badan baa u suuroobi waayey, waxaa se mar dambe loo sheegay in uu geeriyooday.

Intaas ugama harine, reerkii uu ka tagay buu baadigoobay. Wey is heleen oo waa lala xiriiriyey. Hantidu wey dhammaataaye, intii uu awoodi karay ayuu ku taageeray.

Wuxuu si gaar ah ula soo xiriiri jirey munaasabadaha waaweyn, sida maalmaha iidaha ah ee qoys iyo qaraababa laga farxiyo. Iyaguna markii ay xaaladdu adkaato wey maciin-bidi jireen, isna wuu garab istaagi jirey, oo markii ay u muraadaanba kama aysan muteysan jirin ciil iyo caloolyow, waayo? Wuxuu rumeysnaa in uusan dhammaad laheyn guditaanka abaalkii loo galay, oo uga dhignaa nolol iyo adduun.

“Abaal nin galaa badan, nin gudaa se yar.”

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.