Abaaraha ma ogtahay? W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

images

Abaaraha ma ogtahay?

 

Run ahaantii aad ayaan uga naxsanahay, abaaraha iyo macluusha laga soo sheegayo meelo ka mid ah gobollada dalka, waxaanna aad uga murugooday warbixinno laga qoray iyo sawirro laga soo qaaday ama muuqaallo laga soo duubay dadkaas tabaaleysan. Waxaan arkay haween, carruur iyo cirroole ah oo aad u liita, sidoo kale, geeri ayaa la soo tebiyay.

Waxaan aad uga xumahay, in dadkaasi aysan lahayn dowlad xoog leh oo garab istaagta maamul wax u qabta iyo maarayn ay magansadaan. Abaarahani waxay ku soo aadayaan, iyada oo uu dalku marayo xaalad xasaasi ah; maamulka Soomaliland iyo dowladda dhexaba, waxay ku mashquulsanyihiin u diyaar garowga doorashooyinka, taasi waxaa laga yaabaa, in ay sabab u noqoto, in siyaasiyiinta iyo maamulladu ay ka mashquulaan haddiiba ay dadkaas dhibaateysan wax u qaban lahaayeen.

Waxaa hadal lagu farxo ah, in Soomaaliland ay dib u dhigtay diiwaangelinta doorashada, hadalkan xaqiiqdiisa ma hayo, ha yeeshee, waa arrin haddii ay jirto u baahan, in la boorriyo.

Abaaruhu waa qaddar Rabbi, oo dadka ayaa lagu aafeeyaa. Guud ahaan abaaraha waxaa keena, arrimo badan oo is biirsaday. Noocyada abaaraha waxaa ugu muhiimsan:

  • Mid bin Aadanku sabab u yahay.
  • Mid dabiici ah.

Aadanuhu wuxuu sababaa, dhibaatooyin badan oo jiitama, mushkilooyinkaasi waa kuwo raad xun ku reeba noolaha, mararka qaar dadku ubadkooda ayay dhibkaas dhaxal siiyaan, oo ay u beeraan. Sababaha ugu waawayn ee abaaraha Soomaaliya keena, ma arag cid daraasad ku sameysay, oo si cilmiyaysan u faaqidday, una soo gudbisay, ha yeeshee, waxaan is leeyahay sababaha ugu waaweyni waxay noqon karaan:

  • Jaridda dhirta (xaalufin), si loo helo dhuxul ama beer.
  • Biyaha oo aan si fiican loo is ticmaalin.
  • Dhulka oo aan la nasin.

Waxaa kale oo abaaraha kordhiya: maamul xumo guud, nabadgelyo la’aan iyo la’aanta siyaasad horumarisa biyahaya, deegaanka iyo dhirta.

Maxaa xal ah:

 

Soomaaliya waxaa horay u soo maray, abaaro badan, waxayna galaafteen nolosha dad iyo duunyo aan yareyn, waxaa habboon, in aan wax ka baranno waayihii na soo maray, oo aan ku qaadanno aqoon iyo waaya aragnimo.

Mustaqbalka dhow iyo kan fogba, waxaa laga ma maarmaan ah:

 

  • In la dejiyo sharci adag, oo ilaaliya deegaanka, laguna qaado cid kasta oo jebisa.
  • In si cilmiyaysan loo ka la qorsheeyo, dhul beereedka, daaqsinta iyo dhul deegaanka.
  • In la abuuro ama la beero dhirta waawayn, oo abaaraha u adkeysan karta.
  • In la diyaariyo khubaro ku xeeldheer abaaraha iyo xaalufka, si ay u soo diyaariyaan cilmi baaris la xiriirta: sababaha rasmiga ah, ee soo celceliya abaaraha iyo sida looga hor tegi karo.
  • In la helo iskuullo lagu barto culuumta dhirta iyo wixii la xiriira.
  • In la ka la fogeeyo ceelasha iyo dhulka daaqsinka leh

Dadka Soomaalida oo weligood ba ahaa kuwo is caawiya, waxaa waajib ah, in ay dhaqankaas wanaagsan joogteeyaan. Horay ayay dadka Soomaalidu isu taakuleeyeen xilli ka adkaa xaaladdan hadda jirta, dowladda dhexe iyo maamulladaba waxaa loo baahanyahay, in ay qaataan kaalin mug leh, ayna si wax ku ool ah ugu gurmadaan dadka dhibaataysan.

 

Gunaanad:

 

Waxaa muuqata, in abaaraha iyo macluuluhu ay soo laa laaban doonaan, haddii aan la helin hab diyaarsan, oo looga hortago, waa xaqiiqo biyo ka ma dhibcaan ah, in noloshu aysan ahaan karin mid marna burburta marna la dhiso.

Shacabku waa in ay ogaadan, in uusan jirin maamul xoog leh, oo loo wakiisho samata bixinta dadka silacsan, sidoo kale, waxaan dadkaas lagu halleyn karin hay’ado uu waxqabadkoodu u badanyahay sawir la qaado iyo kormeer, sidaas darteed, waa in ay dadku u midoobaan, sidii ay ummadda tabaaleysan u caawin lahaayeen.

Bulshadu waa in ay sameeysaa sanduuq dhaqaale, oo aan ku ekeyn marka ay abaartu jirtu, balse, si joogta ah u shaqeeya. Abaarahan hadda taagani waxay u baahanyihiin, xaalad deg deg ah iyo naf celin.

Jaamacadaha, iskuullada iyo goobaha kale oo bulshada loogu adeego, waa in ay horkacaan olole ballaaran oo dadkaas lagu caawinayo.

Aqoonyahannada Soomaalidu waa in ay ka fekeraan qorshe cilmiyaysan, oo looga hortagi karo abaaraha, waxaa kale oo loo baahnayahay, in warbaahinta guduhu ay doorkeeda qaadato, dadkana ay u horseeddo, in ay is gacan qabtaan.

Culimada masaajiddu waa in ay is ka illoowaan xafiiltanka kooxaha, oo ay ogaadaan, in waxa dhimanayaa yihiin nafaf Aadane. Qofka Soomaaliga ah, ee baahani siyaasi ma ahan, mana ku lug laha hardanka belaha iyo maamullada, ee waa qof Soomaali ah, oo muslim ah. Qofkii naf badbaadiya, wuxuu badbaadiyay dadka oo dhan.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

abdulkadiralieco@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.