Abaartu ma dhaxalkii Hiil Abbarroonaa? W/Q: Maxamad Cabdullahi Xaashi

Abaartu ma dhaxalkii Hiil Abbarroonaa?

 

Sida aan ka wada dharagsannahay wuxuu Ilaahey nagu manneystay dal ku fadhiya dhul baaxaddiisu dhan tahay 637.657 KM2 oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso ilaa 10,816 milyan, sida ay sheegtay daraasad la sameeyay 2014tii. Waxaan dagannahay gayi ka geddisan dunida kale markii la fiiriyo kheyraadka badda, barriga iyo cimiladaba. Sidoo kale waxaa la tilmaamaa in dhul xeebeedka ugu dheer ee qaaradda Afrika Soomaali loogu deeqay, oo dhirirkiisu dhan yahay 3,333 KM.

Haddaba ayadoo intaas oo nimcooyin ah Ilaahey nagu galladay, maxaa noogu wacan abaaraha, musiibooyinka iyo macluusha joogtada ah?

Walow musiibooyinka ay barbar socdaan burburka iyo xasillooni darrada baahsan ee muddada nus/rubuc qarniga ah ka taagan dalka, haddana aragtiyo kala duwan ayaa laga qabaa sababta ugu weyn ee Soomaali ugu wacan musiibada daba dheeraatay ee abaaraha. Waxaan isku dayi doonaa, in qoraalkeygan aan dib idin kugu celiyo siyaasadaha iyo sababaha dhabta ah ee ka danbeeya musiibooyinka na aafeeyay.

DOWLADDII KACAANKA:

Laga soo billaabo bishii 7aad sanadkii 1977dii dagaalkii dib u xoreynta deegaanka Soomaali Galbeed, ee ay Itoobiya haysato, ee hadda loo yaqaan “DDSI”, waxaa soo ifbaxayay hoos u dhac dhaqaale ee saameyntiisa ugu weyn ka timid xurguftii dhexmartay Midowgii Soofiyeet iyo dowladdii dhexe. MW. Siyaad oo xiriirka u jaray Midowgii Soofiyeet ka dib ka bixistii ballamihii dagaalgelinta Itoobiya iyo la soo safashadii dhanka Itoobiya ayaa billaabay in uu xiriir la sameeyo Maraykanka asagoo dagaalkii qaboobaa ee Maraykan iyo Yurub ka dibna ku qasbanaaday inuu taageero ka dalbado Yurubta.

SOO JEEDINNADII HEY’ADDA LACAGTA ADDUUNKA- IMF:

Soo jeedintii Hey’adda Lacagta Adduunka “IMF”ta ee dib u habeynta habka dhaqaale ee dalka ayaa saameyn xoog leh ku reebay dalagga iyo wax soo saarkii beeraha. Sidoo kale waxaa hoos u dhac ku yimid suuqii dalagga beeraha maadaama deeq bixiyeyaasha Yurubta iyo Maraykanka ay ku soo beegeen mucaawinooyinkoodii xilliga uu soo go’o dalagga beeralleyda dalka, sababahaas ayaa keenay dalkii 1970s todobaatannadii isku filnaashaha cunto heystay inuu bannaanka cuntadiisa ka soo iibsado.

Siyaasadihii IMF’ta ee dib u dhaca u keenay beeraha sidoo kale wuxuu saameyn ku yeeshay nolosha qeybaheeda kale. Sida laga soo xigtay Bangiga Adduunka 1989kii waxaa hoos u dhac %78 ku yimid adeegyadii caafimaadka markii loo barbardhigo sanadkii 1975tii, sida laga soo xigtay isna Michel Chossudovsky 1982dii dugsiyada hoose ee dalka waxaa arday kaste ku bixi jirtay sanadkii 82$, halka 1989’kii kaliya lacag dhan 4$ ay hoos u dhacday. Kororka taranka oo xawli ku socday darteed waxaa %41 hoos u dhac ku yimid tirada ardaydii wax ka dhiganeysay dugsiyada hoose sidoo kale waxaa albaabada loo laabay afar qeybood qeyb ka mid ah (4\1) dugsiyadii hoose.

IMF’tu sida ay waddammo badan ku sameysayba waxay Soomaliya u soo jeedisay qiima-dhac (devaluation), waxaana sidaas heshiiskii bishii 3aad 1985tii ka dib uu qiima dhac weyn ku yimid shilinkii Soomaaliga, ayadoo saameynta ugu badneyd ee qiima dhaca shilinka Soomaaliga ay la kulmeen xoola dhaqatadii miyiga, maadaama xooluhu ay ka mid ahaayeen wax soo saarkii ugu muhiimsanaa ee dibadda loo iibgeyn jiray, sidoo kale qiima dhaca shilinka Soomaaliga wuxuu dhibaato weyn ku noqday xannaanadii xoolaha maadaama badanaa daawooyinka xoolaha dibadda laga keeni jiray.

GO’AANKII SACUUDIGA:

Dhan kale waxaa go’aan nabar ku noqday xoola dhaqatadii qaatay dalka SAUDI ARABIA; oo ahaa baayac-mushtarkii ugu weynaa ee seyladda xoolaha Soomaalida, asagoo bishii 6aad 1983’dii shaaciyay wixii ka danbeeya, in uu xoolaha ka soo dhoofsan doono Australia.

SAAMEYNTII SIYAASADIHII REER GALBEEDKA:

Siyaasaddii ugu weyneyd ee musiibooyinka ilaa maanta na daba socda waxay salka ku heydaa, colaadaha daba dheeraaday ee u dhaxeeya qabiillada, oo ay reer galbeedku u adeegsadeen qaaciddadii Imperialismka ee aheyd “ka la qeybi oo xukun”.  Waxay dad badan oo ku xeeldheer siyaasadaha dunida oo qaarkood ay Soomaali yihiin is weydiiyaan sida ay reer galbeedku ugu guuleysteen colaadda daba dheeraatay ee Soomaalida, maadaama aysan dunida ku nooleyn dad ka siman, af, dhaqan, diin, mad’hab iyo midabba oo haddane is diidan.

Haddaba aqristow haddii aadan siyaasadaha shisheeye u arag sabab ka mid ah sababaha, bal is weydii su’aashan: Maxaa Soomaaliya tirada hubka yaal ka badiyay cuntada taal? Miyeysan kula aheyn in na loo soo dhoofiyay hub ka badan mucaawinooyinka cunto ee dabar goynta dalageenna loogu talo-galay?

FUDUDEYSIGA DHIIGGA:

Sababta ugu danbeysa ee noogu wacan musiibooyinka dad badanoo kalena laga yaabaa inay ila qabaan waxaan isleeyahay waa inaan ka tagnay awaamirtii Ilaahey iyo danbiyadeenna oo faraha ka batay. Danbi ka weyn dunida ma jiro dhiigga qofka muslimka ah oo gardarro loo qubo. Sida aan wada ogsoonnahay gayigeenna warka loogu maqalka badan yahay ee maalin kaste dhaca wuxuu noqday qof hebel ayaa la dilay iyo tobaneeyo qof ayaa isgoys hebel ku dhimatay. Intaan Ilaahey uga towbad keenneynno waxaan aaminsanahay in musiibooyinkaan iyo kuwa kale oo badan oo ay ugu horreeyaan, amni darrada, caddaalad la’aanta iyo hoggaamin xumidaba ay nasii daba socon doonaan. Haddaba akhristoow hadeysan intaas aan xusay kula aheyn waan yaabnaye Abaartu ma dhaxalkii Hiil Abbarroonaa?

GUNAANAD:

Waxaan rabaa in maqaalkeygan aan kusoo gunaanado bidhaamin ku aaddan in dadka Soomaaliyeed ay isku filan yihiin haddii ay u istaagaan in ay dhexdooda is caawiyaan. Waxaan rabaa in aan tusaale idinkugu soo qaato ololaha CaawiWalaal, DaryeelBulsho iyo HiilArday ee lagu dhidbay iskaa wax u qabsiga, sida firfircoonida iyo kaalinta mugga leh oo ay ka qaateen jawaabcelinta qeylodhaanta abaaraha saameeyay guud ahaan dalka. Waa tillaabo rajogelin iyo dhiirigelinba leh ee mudan la bogaadiyo. Waan isku filannahay haddii aan hadba keenna taagta daran taageerno, midkeenna wax heysta kaan waxba heysan uu gacan qabto. Waxaan dhallinyarada iskood isu xilqaamay ugu duceynayaa in Ilaahey miisaanka xasanaadka uu u saaro shaqada qaran oo ay dadkooda iyo dalkoodaba u qabteen.

 

W/Q: Maxamad Cabdullahi Xaashi

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.