ABABINTA TOOSAN -Ammaan iyo iimo wixii aan ku arkay! W/Q: Dayax Cabdi Kulmiye

ABABINTA TOOSAN
-Ammaan iyo iimo wixii aan ku arkay-

HORDHAC:

“Talo adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola” waa murti dhaqameed ay adeegsadaan indheergaradka Soomaaliyeed. Waxaa aad ii soo jiitay magaca qoraagu u bixiyay buuggan qiimaha badan “Ababinta Toosan: Talo kugu hageysa barbaarinta san ee ilmaha. Ujeedka qormadani waa in aan akhristaha u soo koobo farriinta uu buuggani gudbinayo, dhanka kalana aan qoraaga la wadaago dhaliilo toosin u baahan iyo bogaadinta wixii uu hagaajiyey.

ABABINTA TOOSAN

Aw Cabdiqani Xasan oo ah qoraaga buuggan wuxuu ku bilaabay qoraalkiisa su’aal aan isleeyahay waa mid jawaabteedu ay ku jirto bog weliba oo buuggaan ka mid ah, waa hab ay adeegsadaan barayaashu si ay u baraarujiyaan cidda ay wax u sheegayaan. Waa weydiinta ah “waa kuma waalidka wanaagsani?” Halkaas waxaa iiga baxay in qoraagu ina dareensiinayo in halka sartu ka qurantay ay tahay habka barbaarinta iyo aragtida waalidku ka haystaan hannaanka iyo heerarka ababinta. Si aan akhristuhu ugu hafan, ayuu si farshaxannimo leh u kala saarayaa korinta iyo barbaarinta, waxa uuna yiri “ababintu waa in ilmaha yaraanta iyo korriimada hore ku bartaan sansaanta, habka iyo ku dayashada waana ka ballaaran tahay korinta”. Sida ka muuqata aragtida qoraaga, waxaan ka baran karnaa in korintu tahay qayb ka mid ah barbaarinta, ayna ku kooban tahay hawlaha la xiriira dheefsiinta jirka, sida ku cad meelo kala duwan oo buugga gudihiisa ah.

Dhanka kale, qoraagu wuxuu ina dareensiinayaa in barbaarintu tahay arrin uu aadanahu si dabiici ah weligiiba ugu hedlanaa horumarinteeda ama in uu u guto sida ugu qurxan. Wuxuu yiri “barbaarintu waa mid bani’aadanku ugu jiro tartan qof, qoys, bulsho, iyo qaran kasta waxa ay ku dadaalayaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen barbaarinta ilmahooda”.

Qoraagu waxa uu aad uga digay habdhaqanka gurracan ee waalidiinta qaarkood kula kacaan carruurta sida cayda, canaanta iyo habaarka oo intuba ah madhaleys raad xun ku reeba carruurta. Isaga oo taas dawo u raadinaya ayuu qoraagu soo bandhiday hannaanka barbaarinta oo ka kooban saddex heer oo kala sareeya: korin, leylin iyo hagid. Si taas la mid ah, waxaan buuggan ka bartay in tobanka tiir ee barbaarinta ee qoraagu ku xusay buugga ay ku salaysan yihiin hannaankaas aan soo xusnay. Tiirarkaas waxaa ka mid ah: tiirka iimaanka, anshaxa, dad la dhaqanka. Ujeedka guud ee buugga oo ah in la soo saaro fac wanaagsan ayaa waxaa barbar socda in la helo waalid baraarugsan oo ogaal fiican u leh xilka saaran. Halkaas waxaa iiga baxay ujeedka su’aasha qoraagu ku bilaabay buuggiisa, iyo oraahdiisa ah “barbaarintu waxay bilaabataa guurka ka hor” ujeedkuna yahay xulashada lammaanaha, aqoonta, xirfadda, diyaargarowga iwm.

Maadaama uu yoolka qoraagu ahaa in buuggani gacan qabsi u noqdo cid waliba oo daneysa arrinamaha carruurta, wuxuu dhan weliba ka iftiimayay barbaarinta asiga oo adeegsanaya murti, falanqeyn, sheeko, iyo tusaalooyin, daliishanayana diin iyo aragtiyada maadada la xiriirta. Qoraagu wuxuu ku dadaalay in uu u soo koobo bogogga buugga si qofweliba ugu hawoodo akhrintiisa, taas oo keentay in meelaha qaaar, wallow aysan badneyn, gaabis yar laga dheehan karo, ayna u baahan yihiin faahfaahin iyo tusaaloyin kor u qaadi kara fahanka akhristaha. Tusaale ahaan; qoraagu wuxuu ka hadlayey noocyada cusub ee guurka sida guurka dhoofka, guurka dhaqan celiska, guurka carruurta, isla markaasna uu xusay in ay durbadiiba burburaan maadaama ujeedkoodu ahaa khiyaano iyo been, ma uusan dul istaagin arrinkaan maadama dhibaatada ka dhalata burburka qoysaska sidaas ku dhismay ay u soo gudbeyso carruurta iyo waalidkaba.

Ugu danbeyn waxaan Aw Cabdiqani ku ammaanayaa dadaalka, xilkasnimada iyo hubsashada uu la yimid inta uu hawshan culus hayay, si taas la mid ah waxaan ku dhiiragelinayaa sii wadidda garabsiinta ubadka Soomaaliyeed iyada oo kor loo qaadayo garaadka waalidka gaar ahaan, iyo kan bulshda guud ahaan.

Awoodda qalinka iyo qoraalkuba waa hilinka bulshada ilbaxa ahi ay wax isugu gudbiso. Arrinta ugu wacan ee ogaalka qofka kor u qaadaya waa xogta, waana tii la yiri “war helaaba talo hel” taladuna waa jaad ka mid ah awooddaas aan la loodin karin, sidaas darteed qofki doonaya in uu ku guuleysto hawsha culus ee barbaarinta iyo gudashada waajibka la xiriira waxaan kula talin lahaa in uu akhriyaa buuggan kooban, se ay dhexdiisa ceegaagto aqoon, murti iyo talooyin san oo kugu hagaya barbaarin mira dhal ah.

W/Q: Dayax Cabdi Kulmiye
Bare, qoraa iyo tababbare
Kulmiye 788@gmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN