ABYAN KU DAYASHO AYEY MUDANTAHAY. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

 ABYAN KU DAYASHO AYEY MUDANTAHAY

Waxey la mid tahay kumanaanka qaxootiga ah ee maalin walba lagu dhibaateeyo Xeryaha qaxootiga ama goobaha xariga loogu gaysto dadka magangalyo doonka ah, magaceed waa Abyan, waa gabar soomaaliyeed oo qaxootinimo u doonatay Dalka Ustaralia.

 Nasiib darradeeda waxey bilaabatay kadib markii doontii ay saarnayd ay heleen ilaalada badda ee ustaraalia laguna xiray xero lagu magacaabo Nauru oo ah mid ka mid ah laba jasiiradood oo ustaraalia ay dajiso waayadan dadka qaxootiga ah.

Qareenada Abyan u doodaya waxey ku doodeen in Abyan la kufsaday bishii july ee lasoo dhaafay, ayna Uur ku qaadday kufsigaas naxariis darrada ah ee loo geystay gabadhaas nolol doonka ahayd ee soomaaliyeed.

Dadka reer ustaraaliya waxba kama ogayn arrinta gabadhan, xitaa muuqaal ahaan sida ay u taalo warba uma ahayn iskaba daaa magaceeda in mar dhow saxaafadda laga maqlay mooyee, balse maalmahan dambe ayaa waxaa soo shaac baxay arrinta ah in gabar soomaaliyeed oo abyan lagu magacaabo lagu kufsaday xeraadaas Nauru, arrintaas oo dadka qaar maqalkeeda murugo ku abuurtay dhalisayna in su’aalo badan la iska weydiiyo dadkan qaxootiga ah ee ustaralia ay ku soocatay jasiiradaha yar yare ee dalkeeda, cid war u haysana aysan jirin waxa ku dhaco iyo waxa uu xaalkoodu yahay.

Sida sharciga ah dowladda ustaraaliya maadaam ay iyada ku xareysay qaxootiga xerooyinkaas isla iyada ayey xil ka saarantahay bad qabkooda iyo in ay kaamisho wixii baahi ah ee ay tabanayaan dadka xagaas ugu xabiseen.

Usbuucii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay abyan shaaca ka qaadday in ay doonayso in ilmaha laga soo xaaqo taas oo sharci darro ka ahayd goobta ay ku noolayd ayey dowladda ustaraaliya u qaadday magaaladaSydney halkaas oo looga soo xaaqi doono ilmaha sharci darrada ah ee ay siddo, balse taasi ma dhicin kadib markii diyaarad qaas oo dowladdu leedahay ay dib ugu soo celisay magaalada Nauru kadib markii ay dowladda ku doodday in abyan ay is baddashay, oo ay go’aansatay in ay haysato ilmaheeda caloosha ku jira.

Taas ayaa sii abuurtay muran kale iyo shaki laga qabo in dowladdu wax qarinayso maadaama dadka ku eedeysan kufsiga gabadhaas ay yihiin saraakiil dowladda u qaabilsan qaxootiga ku xaraysan jasiiraddaas Nauru.

Qareemada u doodaya abyan ayaa ku dooday in dowladdu aysan daacad ka ahayn aana lagu aamin Karin arrinta abyan, balse dowladda ayaa dhinaceeda ku andacoonaysa in qareemada u doodaya abyan iyo kuwa kale ee qaxootigaba ay arrintan ka dhigeen Dariishad ay uga soo dusaan dhaleeycaynta ay mar walba la daba taagan yihiin Siyaasadaha ku aadan arrimaha qaxootiga ee Dowladda Ustaraaliya.

Waxaad moodda in arrinta abyan ay kicisay is maandhaaf siyaasadeed oo ka dhex aloosmay kooxaha xuquuqda Aadanaha u dooda iyo dowladda waddankaas.

Abyan waa Gabar Soomaaliyeed oo dhibaatadaas ay ku dhacday sida xaqiiqda dhabta ahna wali waxba lagama oga arrinteeda, ilaa inta ay saxaafadda Ustaraaliya ee u kala xagliya dowladda iyo kooxaha mucaarada Siyaadda dowladda ee qaxootiga ku aaddan ay is dhaafsanayaan.

Abyan arrinkeeda wax badan oo aamusnaan ah ayuu la mid ahaa kadib inta aysan qaylin iyada ka hor, xitaa saxaafadda in ay toos ula hadasho waa laga ilaaliyey, warka ku saabsan xaaladda abyan waa war ay Tv yada iyo saxaafadda warqadda kaliya lagu soo qoro ay wariyaan.

Balse arrinta abyan oo kaliya in aysan ahayn ayaa muuqata  waa marka wax laga eego dhanka gabadhaha soomalaiyeed ee tahriiba, imisa ayaa aamusan, imisa ayaa kufsi ku dhacday, imisa ayaa si kale loogu xad gudbay, ma ahan runtii Ceeb hadduu dhib kugu dhaco in aad ka hadasho ee waxaa kasii ceeb badan amaba ka dhibaato badan in aad la aamusto dhibkaaga adiga oo og in aad dhibane gudaha ka gubanaya aad tahay.

Abyan waxey noqotay horyaalka gabadhaha soomaaliyeed ee la dhibaateysan dhibaatooyinka tahriibka iyo safarka sharci darrada ah ee lagula kaco, waxaana filayaa in ay Astaan iyo dhiiiri galin u noqon doonto gabdhaha kale ee la aamusan dhibkan oo kale in ay soo baxaan oo hadlaan.

Dhibka in aad ka hadasho wuxuu leeyahay munaafacaad badan, maxaa yeelay marka ugu horeyso adiga dhibanaha ah ayuu nafis kuu noqonayaa kadibna waxaa laga yaabaa in kumanaan sidaada oo kale u dhibaateysan in ay dhibkooda inta lasoo baxaan helaan caawinaad iyo wax kasta oo xal ama Daawo u noqon kara dhibka ku dhacay.

Gabdhaha soomaaliyeed ee la midka ah abyan waxaan kula talin lahaa ama ku dhiiri galin lahaa in ay sharootada afka ka saaran ay ka qaadaan lana soo baxaan oo sheegaan dhibaatooinka ku dhacay si ay bad baado ugu noqoto gabdhaha kale ee qorsheynaya ama ku jira safakar ay ku dhibtoodeen midka la midka ah.

Xaalad walba oo murugo leh waa mid inoo noqota Iftiin soo baxa oo aan ku aragno mugdiga aan ka dhaxalnay dhibaatooyinka dayacnaanta leh ee aan ku dhex suganahay maalin walba haddaanu nahay Bulshada Soomaaliyeed, isla xaaladahaas adag ayey ka dhashaan halyeeyo ka dhiidhiya dhibaatooyinkaas.

Abyan iyada oo ah gabar soomaaliyeed aana ognahay dhaqanka iyo asluubta ay leeyihiin gabdhaheena hadana waa qarsan weysay Xaaladda urugada leh ee lagula kacay nafteeda, waxaa laga yaabaa in ujeeddooyin badan ay ka lahayd ku dhawaaqidda arrintan balse waqtiga uusan u saamixin maadaama xaalkeeda laga dhigay xaal la doonayo in inta la rabo oo kaliya laga ogaado.

Sida ay na farayso diinteena islaamka ah ma wacna mana wanaagsan dumarka kaligeed ordaya ee safaradaas qatarta badan wajahaya, hadana waxaa la dhihi karaa xaaladaha aadka u adag ayaa maanta ka tira batay dadka, taas oo kalliftay in la koontarooli waayo.

Abyan waa laga yaabaa in ay aqrinayso qoraalkan, waxaan leeyahay marka hore walaashey waan ka xumahay waana ka murugooday dhibka kusoo gaaray, si kale oo aan u muujin karo ma jirto, balse waxaan kaaga hambalyeynayaa go’aanka geesinimada leh ee aad qaaadatay, waan hubaa in go’aan wanaagsan uu ahaa gabadho badan oo soomaaliyeedna ay kugu daya doonaan.

Gunaanadka hadalkayga ayaa ah in dhibaatada ku dhacday gabdhaas soomaaliyeed laga dhiidhiyo cid walba oo wax ka qaban kartana ay ka qabato, cid walba oo wax ku caawin kartana ay ku caawiso.

Abyana waxaan leeyahay walaashey allaha kuu yasiro dhibkaaga kuna Samir qaddarta Eebe ee kugu dhacday, maadaama Qof iimaan leh aad tahay, kuma oranayo iska soo rid Ilmaha, mana ahan wax wanaagsan in Naf la gooyo, hadana waan  dareemi karaa xaalkaaga sida uu yahay iyo dareenkaagaba.

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN