ADAABTA KULAMMADA GANACSIGA W/T: Bashiir Xaashi Dhoorre

ADAABTA KULAMMADA GANACSIGA

 

Sumcadda ama sharafta ganacsiga waxaa lagu dhisaa ama lagu dumiyaa sida uu qofku u dhaqmo marka uu ka qeybgalayo shir ama kulan ganacsi. In kastoo shirkad kasta ama urur walba uu dajiyo siyaasadda ku aaddan ka qeybgalka shir, haddana, ganacsadata garaadka leh, waxay si taxaddar leh u raacaan tilmaamo iyo adaabo qoran, si ay u hubiyaan, in kulan kasta, oo ay ka qeybgalaan uu noqdo mid guul u soo hooya ganacsigooda .

 

Dhowr waqtiga:

 

Ku tag waqtiga loo qabtay shirka, hana tagin ka hor inta aan la gaarin waqtigii shirka la xiri lahaa. Waxaa jiro dhaqan ama dabeecado yaryar, oo ka careysiin kara dadka ku la shaqeeya ama ganacsigu kaala dhaxeeyo, sida in aad ka soo daahdo shirka amaba aad caadeysato inaad tagto inta aan la gaarin waqtigii loogu talagalay inuu shirku dhammaado.

In kastoo ay dhici karto, in ay is ka horyimaadaan jadwalkaaga iyo ballamaha kaala dhaxeeya dadkal kale, haddana, ma habboona, in uu jadwalkaagu mar kasta buuxo, taas oo tilmaam u noqon karta waqtimaamul xumadaada ama in aad ka arradan tahay xirfadda mudnaansiinta. Ogawna, inta badan dadka dabeecad ka dhigta, in ay jaraan ama ka daaha kulammada, in aysan helin xushmada dadka la shaqeeya iyo madaxdoodaba.

 

Soo diyaargaroow kulanka ka hor

Ma wanaagsana, in aad kulan ka soo qeybgasho adiga oo aan si buuxda ugu soo diyaargaroobin. Haddi uu jiro qalab horay laguugo soo diray, horay u soo qaado, sida ajendaha shirka. Dib u eegis ku samee qoraallada iyo waraaqaha laguu soo diray, ee mowduuca ku saabsan, haddii ay jiraan si aad u noqoto mid la socda waxa laga hadlaayo ama laga doodaayo. Samee baaritaan ku aaddan mowduuca laga arrinsanayo, sidoo kale, is ku day inaad la xariirto howlwadeennada is ku dubbaridaya kulanka, si aad u ogaato, in ay jiraan waxyaalo lagaa rabo, inaad sameeyso ka hor inta aadan kulanka imaanin.

 

Foojignaaw

Ha noqonin “ruux” ku mashquula laptop-kiisa kuna dhammeysta waqtigiisa ka shaqeynta mashaariic kale ama ku mashuuqla ka jawaabidda teleefankiisa shanti daqiiqaba mar. Haddii aad u soo hurtay, in aad shirka qof ahaan uga qeybgasho, ogaaw waxaa muhiim ah sidoo kale, in aad maskax ahaanna uga qeybgasho oo aadan noqon maqane jooge.

Is ka ilaali inaad si gooni ah u la hadasho ruux ka mid ah ka soo qeybgalayaasha shirka, gaar ahaan, in aad ka la hadasho waxyaabaha aan shirka quseyn. Haddii aad dooneyso, inaad la hadasho ruux ka tirsan ka soo qeybgalayaasha, tixgali waqtiga iyo meesha aad ku la hadleyso. Isticmaal watigaga biririfta (break time).

 

Si tayo leh uga qeybqaado waxyaabaha laga doodaayo

Ku ekaaw ajedanaha shirka, ka fogaaw soo hadalqaadidda arrimaha ka baxsan shirka, ee aan laga doodeyn. Is ka ilaali inaad is ku daydo, in aad kulanka afduubato oo aad mar kasta adigu hadasho. Taas bedelkeeda, u oggolaaw dadka kale, in ay hadlaan adiga oo aan oggolaanin, inaad hoos noqoto. Ka qeybqaado guusha kulanka adiga oo fikirkaaga dhiibanayaa. Ha is tusin inaad u baahan tahay, in aad ka faallooto wax kasta oo laga hadlo.

 

Noqo qof furfuran (Social)

Is ku day in aad barato ka soo qeybgalayaasha kale, haddii ay jiraan kuwo aadan horay u aqoonin. Gacan qaad, dhoollacaddeey, ka dibna is dhaafsada kaararka ganacsiga (business cards). Is ku day inaad barato xubnaha muhiimka ah, ee kulanka qabanqaabiyay, si aad xariir wanaagsan u la yeelato. Arrintaannu waxay muhiim u tahay ganacsatada ama milkiilayaasha ganacsiga yaryar, waxaana laga yabaa, in kulanka maaanta uu berri is ku bedelo ganacsi dheeraad ah.

 

F.G: qormadan tarjuman, markii hore waxay ku soo baxday wargeyska Gobollada dhexe, bishiisan koowaad.

 

W/Q: Jason Gillikin

W/T: Bashiir Xaashi Dhoorre

SHEEKOOYIN