Agoonkii hooyadii illaaway, Q7AAD W/Q; C/fitaax Maxamed Xaambe

11050945_874761502567054_1962156517_n

AGOONKII HOOYADII ILLAAWEY Q7AAD

Waxaya ahayd ammin qabow badan dhacayo barafkuna u u da’ayo sidii Sayma roob, ceeryaamaduna qarisay wax walba oo ilu qabata ahaa. Markii Odawaa lagu yiri “hooyadaa waa dhimatey”  Wuu gariirey  wuxuuma awoodi waayey in uu hadal dib ugu celiyo ninkii soo gaarsiiyey geerida naxdinta leh. In ka yar daqiiqad mar uu aamusnaa ayuu istaaga ka dhacay, sidii qof suuxdimo qabi jirey.

Ninkii Odawaa farriinta soo gaarsiiyey oo aan weli meesha ka dhaqaaqin lana yaabban xaaladda uu galay Odawaa ayaa isku dayey in uu gacan u fidiyo, wuxuuna ku yiri “ Odawaa bal istaag, waa la wada dhimanaya, miyaad xanuunsaneed?” Kama helin wax jawaab ah Odawaa, wuxuuna laabta iska yiri; “Ninku miyuu asna dhintey?” Waa kan hadal daaye nuuxsigiiba gabaye. Haddii uu gacanta ka saarayba dhabanka iyo dheef maraynka si uu u xaqiijiyo dhaqdhaqaaqiisa, waxaa dhafakaar ku noqotey dhididka dusha Odawaa burqanaya sidii inuu joogo kaliil kuleel badan. Wuxuu xaqiiqsadey in Odawaa aan looga maarmi karin in loogu yeero qolooyinka bixiya gargaarla deg degga ah, Waana u dalbey

Daqiiqado gudahood ayey soo gaareen goobtii arrintu ka dhacday oo ayadu ahayd  Waddo si kedis ah u kulmisey  Odawaa iyo wacaal sidihii ka soo warramay geeridii Hooyo ABYAN.In door ah markii Odawaa arrimihiisii caafimaad la eegayey waxay ka fursan waayeen in ay u qaadaan Isbitaalka weyn ee deegaanka, waxaana la dhigey isbitaalka.

Waxaa xusid muddan in Odawaa maalmo ku jirey xaalaad miirdarsoon  ah, mana uusan kala garaneyn qof u yimid iyo mid ka tagay toona, hadalka kaliya ee afka uu ku hayey ayaa ahaa “Hooyo,hooyo”. Inkastoo cuduro badan laga baaray hadana wax cillad ah kama aysan helin jirkiisa Dhakhaatiirtii ku howlaneed caafimaadkiisa.

Madaxda Isbitaalkii la dhigey  ayaa lala xariirey Ninkii la joogey Odawaa markii ay soo qaadayeen Kuwa gargaarka deg degga ah, oo ay xorey uga qorteen halka lagala xariiri karo, maadaama uu ahaa qofka kaliya ee la is lahaa aqoon ayuu u leeyahay nolosha Odawaa goob joogna u ahaa markii xaaladani la soo dersaysay, waxaana looga yeeray Isbitaalka si uu faahfaahin dheeri ah uga baxsho wuxuu ka ogyahay Odawaa ee ku saabsan noloshiisa, wuuna aqbalay, waxa uu la wadaagay sheekadii uu uga sheekeyey Odawaa ee ugu wacneyd inuu miir daaboolmo. Marnaba lagama daalin in dawo loo helo Odawaa waxaana xaalkiisa loo gudbiyey dhakhtar Xirfaddiisu tahay waxa loo yaqaan: “ Cilmi nafsiga”

Markaan waxaad mooddaa in la helay halka laga haysto Odawaa, dawooyin iyo baxnaanin badan, ka dib, Odawaa wuu roonaadey waxaana soo noqdey miirkiisii, markii ugu horreysay ee uu indhaha kala qaadey wuxuu arkey in uu jiifo goob aamusan, meel walbana maryo cadcad ayaa ka muuqda, qudhiisa waxaa dushiisa saaran go’ bafto/caddaan ah!  Goorba waa is weydiiyey; ma Aakhiraad joogtaa?Waase ogaadey in uu weli ka mid yahay inta nool laakin aan waari doonin.

Odawaa markii la arkey inuu dib u soo kabtey ayaa loo fasaxay in uu hoygiisa dib ugu laabto kuna qaato dawooyinka la siiyey kana durgo in uu isticmaalo Daroogooyinka. Waasa hadduu yeelo, waana iyo wacdi uu hooyadi Abyan ka qaada waayey lama oga sida uu Dhaqtar Hollandes ah uga qaada doono!.

Odawaa iridda Isbitaalka markuu ka soo baxay wuxuu afka aadiyey rug isgaarsiineed oo uu hooyadi kala xariiri jirey intuu qumanaa ayaduna qowmka adduun ay ka tirsanayd, si uu u xaqiijiyo geerida hooyadii. Waayo wuxuu qalbigiisu ku kalsoonaa wayey in rumaysto hal shaqsi oo u sheegay in hooyadi galbatay, waxaa filawaa ku ahayd in asaagoon ogeyn ay god gashay Gu’ yaal badanna ka soo wareegeen. Asagu wuxuu ku jirey xaalad uga dhigneyd in uusan dhowr sano hooyadi moogeyn, dharaaro kooban ka horna ay ahayd markuu la hadlayey, waa sida balwaddu tustay.

Markuu gaaray TAARKII uu Hooyadi kala hadli jirey ayuu ka codsadey inuu loo waco Magaaladdii hooyadii ku nooleyd taar ku yaalla. Taar walihii ayaa ayaa wareejiey aaladda looga aaddiyo haddba halka aad la haddli rabto, markuu ku aadiyeyna wuxuu si cod dheer ku yiri “ Abyan ayaa la doonayaa”

Waxaa loogu jawaab celiyey “ Abyan! Yaa doonaya?” si bal uu u hubiyo Abyanta la doonayo in ay tahay tii macaamiisha muddaba u ahayd ee Odawaa uun la hadli jirtey laakin warkiisa iyo wacaalkiisa waysay intii aysan dhiman. Taarwalihi joogey dhanka Holland ayaa yiri “Abyan Jaamac, ayaa la doonaya, waxaana u fadhiya wiilkeeda Odawaa Colaad”

Taarwalihii kale oo amakaaksan ayaa ku war celiyey “ Abyan Allah u naxariisto, Muddaba waa mootaneed”

Odawaa markuu intaas maqlay wuu ilmeeyey wuxuuna u fal celiyey sidii qof geeri cusub loo soo sheegay, inkastoo horey warku u  soo gaaray lakin wuxuu rajo uun ka qabtey in warkaasi been noqdo, intaa ugama harine bal ku quuso islaantii ceebla ahayd ee hooyo ay saaxiibada ahaayen ayaa maanka ka gashay, wuxuna yiri “ Ceebla ha la iigu yeero”

Nasiib darro kale waxaa loo sheegay in Ceebla dhimatey inta aan hooyadii dhiman. Waxaana la yiri “ ma kuu wacnaa wiilkeedii Guuleed oo aad isku filka ahaydeeen ayaa joogee?”

Odawaa si uu arrimo badan uga ogaado geeridii hooyadi wuxu dalbadey in loo balamiyo wiilka Ceebla ee Guuleed. Odawaa oo itaal dari ka muuqato tilaabadana aan gedi karin ayaa u luudey dhanka hoygii uu Holland ka daganaa, wuxuu sii hantaaturoodaba markuu gaaray qolkiisii ayuu hal haleel u beegsadey boorso uu ku kaydsan jirey Waraaqaha iyo Canjaladaha ay isdhaafsa jireen hooyadi. Wixii koowaad ee gacantiisu soo qabatey waxay ahaayeen Canjal uu hadda ka hor hooyadi u direy intii uu socdaalkii dheera ugu soo jirey sidii uu mar uun Holland u soo gaari lahaa, waa canjal qiimo badan wuxuuna duubey inta uusan caasiyoobey calaaqaadka kala dhaxeeyey hooyadina uu wanaagsanaa. Wuxuu si dhaqso ah u galiyey Rikoorka waxaana soo boodey Maanso uu tiriyey Abwaan Faysal Goohe laakiin Odawaa Hooyadi u hibeeyey.Waxay ahayd sida tan;

  • Hooyooy adduunkaba
  • Haddaadan hortaydiyo
  • Hareertayda taagnayn
  • Haqab beelli maayoo
  • Hibashaan ku nooloo
  • Waan kugu hamiyana
  • Kugu soo hiilloobaa….

 

  • Sida geed hadhacaan
  • Hadhka loga dootaan
  • Hooyo kugu hirtaayo
  • Higilkaaga doonaaye
  • Hawlaha aduunyada
  • Halistiyo dhibaatada
  • Hareer eebe kaa mari…..

 

  • Haddii maal adduunyaad
  • Laygu hoorsho galaboo
  • Hanti laygu guud furoo
  • Lay hiraabsho waxa yaal
  • Haqab beelli maayoo
  • Hibashada adun baan
  • Hadal kaaga doonaa….

 

  • Hooyoo ababintaydii
  • Habistaydii hooyooy
  • Hawshiyo dhibkaygii
  • Hadaaqiyo bantaydii
  • Han-jaleeladayduna
  • Ka halaysay maradoo
  • Hohna aadan odhanoo
  • Hadba hees walwaled
  • Hoobay sabaalo ah
  • Igu haysay hanaqana
  • Ma hilmaami karayee
  • Halistiyo dhibaatada
  • Hareer eebe kaa mari
  • Sida hogol hilaacdoo
  • Lagu wada hayaamoo
  • Hilaad loogu kacayoo
  • Dadku haybso leeyad
  • Hooyo iiga dhigantee
  • Halistiyo dhibaatada
  • Hareer eebe kaa mari……
  • Hadii aanan hooyooy
  • Horsedkayga noqono
  • Soo hagin naftaydoo
  • Hadal-bare usonoqon
  • Hal-abuurka maansiyo
  • Hindisa farshaxankiyo
  • Hobolnimo mashegten
  • Higaadana ma kiciyeen
  • Hawlaha aduunkiyo
  • Halistiyo dhibaatada
  • Hareer eebe kaa mari…..
  • Hareeraha aduunyada
  • Inta hebel ku noolee
  • Hanad wada ordaaye
  • Halyay loogu yeedhe
  • Hanaqaad kufaaniyo
  • Hablo wada quraysho
  • Hobaan lamoodooo
  • Hidahana kucaanoo
  • Haashaarka loobogay
  • Laguwada hiraayana
  • Haybadaada weeyoo
  • Adigaa habeeyeee
  • Hawlaha arlada iyo
  • Halistiyo dhibatada
  • Hareer eebe kaa mari……

 

  • Hooyooy geeridaduna
  • Hoogayga weeeyoo
  • Wadka lama huraayee
  • Haddaad iga horaysoo
  • U huleesho aakhirana
  • Duco aan hadhayn ban
  • Hooyo kuu hibeeyoon
  • Hanti kaaga dhigayaa…..

 

  • Illaahay hoggaaga iyo
  • Kuu hagaaji aakhiro
  • Hilibkaaga naar iyo
  • Holloc kaama leefoo
  • Halistiyo dhibaatada
  • Hareer eebe ka amari
  • Inta hoyga raaxada
  • Hagaag logu hooyee
  • Ka hirqata naciimada
  • Illaahay hakaa dhigo.

La soco qeybaha kale.

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

SHEEKOOYIN