Agoonkii hooyadii illaaway, Q8AAD W/Q; C/fitaax Maxamed Xaambe

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

AGOONKII HOOYADII ILLAAWAY Q8AAD

Odawaa oo illintii ka qubatey qoysay korkiisa, intii uu dhagaysanayey Canjalkii uu hooyadi Maansada hadda ka hor ugu duubey, ayaa dib ugu laabtey Taarkii uu kula ballansanaa wiilkii Ceebla ee Guuleed. Odawaa shaki uguma jiro in hooyadii dhimatey laakin markaan wuxuu doonayaa bal in uu dibnaha Guuleed ka maqlo Geerida taasna uu ka dhigto hadalka ugu dambeynta ah ee uu nafta kaga raarido in geeridaasi dhab tahay, Odawaa wuxuu mar walba maanka ku hayey in Guuleed wax badan ka ogyahay xaalkii hooyadii uuna noqon karo haddii ay dhimatey qofka kaliya ee uu isleeyahay wuxu goob joog ka ahaa Iiilkii la dhigey Abyan.

Odawaa Markuu gaaray Taarkii qiyaastiina uu fadhiyey Saacad ama in ku ag dhow ayaa Guuleed asna yimid dhankii kale ee looga yeeray. Is bariidin ka dib Odawaa wuxuu ka codsadey bal in haoyadii iyo halkey ku dambeysay uu Guuleed wax uga sheego haddii uu war iyo wacaal ka hayo. Asagoo aad ula yaaban rumaysa la’na in Odawaa noolaa welibana uu bad qabey intii la baadi goobayey ayuu ku yiri ” Abyan, hooyadaa Allah u naxariisto, anaa wax ka soo xabaaley, qabuuraha Geedi warfaa ayaana lagu aasey” wuxuu intaas u raaciyey kana sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee Abyan soo martay, sakaraadkeedii, silicii iyo saxariirkii ay la kulantay taasoo inta badan ay sabaab u ahayd hiloow daashadey nafteeda oo ay u qabtey madiga kaliya ee ay owlaad ba ka dhashay, wuxuu xusey in ay Odawaa muddo baafineysay xataa BBC-na laga sii daaayey baadi goobkiisa ayna galbatey ayadoon geeri iyo nolol midna ku ogeyn. Wuxuu la wadaagay Geeraar caan ka noqdey geyiga dhan oo ay hooyadi Abyan ka tirisay ilmaha la dhoofinayo iyo dhaxalka laga helo.

  • Inkasto uu Carigeena
  • arrinkiis xumaadoo
  • abaar oonya gaajiyo
  • Arad loogu go’aayo
  • Amnina aan lagu heysan
  • Dhirtii eebba ku beerayna
  • Askaaxooda la qaadey
  • Abuurkiina la faagey
  • Aadmigi la dhameeyoo
  • Ifisa ay la dhacaanoo
  • Af saartoo ololeysa
  • Oofaha ay ka galshaan.
  • Umul dooxna la gaaray
  • Ubad aanan la dhawrin
  • Odayaasha duqoobey
  • Iilku waa ma huraano
  • Ajalbaanan la seegino
  • Mawdku kaama asqoobo
  • Abidkii Amban maayo
  • Ubadkiina ilaashto
  • Arliga yeysan ka dhoofin.
  • U adkeysta dhibkiisa
  • Ilaahay talo saartoo
  • Isu dhiiba dhammaano
  • Asalkiina Islaamkiyo
  • Ashahaada xaqiijoo
  • Ibleyskii la irdheeyey
  • Ka acuudu bileysta.
  • U adkeysta dhibkiinoo
  • Ilaahay talo saartoo
  • Abka diinta Islaamka
  • Ku abaabsha carruurto
  • Waa in loo aqriyaayo
  • Anfac looga dhigaa
  • Ha joogeen Arligoodo
  • Haw axsaamo falleen
  • Aabbahood iyo Hooyo.
  • Haddii ka asqoobo
  • Aradkiina ka dhoofo
  • Waa intuu Ambadaayoo
  • Aayatiin xuma weyniyo
  • Alab aan la aqooniyo
  • Sidii uu inankayga
  • Odawaaba sameeyey
  • Aragiisa la waayo.
  • Aflax khayrle ma yaalo
  • Arla gaallo dhex joogto
  • Iimaankaa ku daciifo
  • Ninka aanan adkaynin
  • Durba waa Ajarmaayoo
  • Ubadkiina Ilaalsha
  • Ha joogeen Arligoodo
  • Haw axsaamo falleen
  • Aabbahood iyo Hooyo.
  • ku anqariya dhankiyo
  • Asal diin islaamkoo
  • agtiina ha joogeen
  • Maalintaan U asteeyey
  • Tallo aan ku aguugey
  • Ubadkaygi quraata
  • Inuu Aayo ka raadsho
  • Yurub Eega ku yaalla
  • Hollanda U ishaarey
  • Umad uusan aqoona
  • Arsaaq uu ka dhex raadshay
  • Anaa eeda lahaayoo
  • Waa ilaah Amarkiisiyo
  • Arrin seegay nafteydii
  • Ubadkiina Ilaalshoo
  • Ha joogeen Arligoodo
  • Haw axsaamo falleen
  • Aabbahood iyo Hooyo.
  • Agoonkii I ilaaway
  • Aan lahaa ha ahaado
  • Mid Asaagii ka roon
  • Intifaaca dalkiisiyo
  • Hooyadii arxameysay
  • Iftiinkii indhaheediyo
  • Uu ahaa Arageeda
  • Xaalka aadmiga weeye
  • Ma iilbuu ku jiraa?
  • Ma ilaaway nafteyda?
  • Ma inkaaro kaleetaa
  • Tolow Oofaha gooystey?
  • Aqbal baannu ahayn
  • Eebbe muu ogolaanin
  • Igaarkay Odawaana
  • Ma asiibin xaqiiqda
  • Halkaan Aad is lahaa
  • Aragiisaba daayee
  • Anfaciis ha dambeeye
  • Af wuxuu ka yiraahdiyo
  • Oraahdiisa ma waayey.
  • Shalaay looma ilmeeye
  • Ilaahbaa la baryaa
  • Isagaa ah wakiiloo
  • Addoonkii tala saartana
  • Aqbalaaya midiisee
  • Ninka eelka dhibaato
  • Alalaas Farxadeedbu
  • Miduun ooda u taalle
  • Ubadkiina ilaashoo
  • Ha joogeen Arligoodo
  • Haw axsaamo falleen
  • Aabbahood iyo Hooyo.

Odawaa oo aysan hadda ku cusbeyn in hooyadi ku biirtey uunka Aakhiro ayaa Guuleed weydiiyey bal in ay wax uun kala dardaarantay intii ay noolayd. Guuleed ayaa ku war celiyey “ waxaa jirta Deyn aan sidaas u badneyn oo lagu laha, ayna codsatey in aad ka bixiso, haddiiba lagu helo”Wax badan oo la is waydaarsadey ka dib waa is nabadgelyeeyeen wuxuuna Odawaa sheegay in uu deyntaas bixin doono si dhaqsi ah na uu u, soo diri doono.

Odawaa dhowr bil oo uusan qolkiisa dhaafin kuna jirey murugo iyo in uu naftiisa hiifo ka dib, waxaa u yimid saaxiibadiisii ay baashaal wadaagga ahaayeen waxayna ku guulaysteen in ay dib u saaraan doontii tumashada iyo tamashleynta ee u horseedday caasinimada ayagoo u daliishadey in uusan waxba ka baddali karin wixii dhacay qof dhintayna uusan naf ku soo celi karin, waxa la gudboon oo kaliyana ay tahay inuu horey uga socdo.

Odawaa ma jeclayn inuu ku sii dhex nagaado falalkii uu ka dhaxlay fool xumada maanta uu faraha ku hayo, lakiin waxaa naftiisa hareeyey oo harqiyey quus, niyad jab iyo is necbaysi uu asagu is dhibsadey. Weli waxaa ka hor muuqda dhibkii hooyadii la soo martay iyo dayacaada uu ku sameeyey hooyadi oo wiil iyo gabar kale toona lahayn nolasheeda dhanna ku soo koobtay korintiisa. waa mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen hiifitaanka naftiisa halna u soo kordhi maayo maanta.

Odawaa wuxuu haatan qabatimey maandooriyaasha nuuca ugu halista badan wuxuuna ee loo yaqaan XASHIISH, wuxuuna iska dhaadhiciyey in ay ilaawsiin karaan dhibta iyo dhaawacii ka soo gaaray dhacdadii hooyadii Abayn, laakin waa hoog iyo halis uu naftiisa sii galinayo mase ku baraarugsana. Mar haddii uu noloshii ka dhacay shaqo iyo waxbarashana ay kala baadiyoobeen waxay dani ku kaliftey in uu si nolashiisa ku maareeyo. wuxuu billaabey in uu iibiyo maandooriyaasha halista ah sida Xashiishka, waxa uuna qeyb ka noqdey shabakado isku xiran oo dunida u kala gooshiya kana ganacsada maandooriyaasha inta badan dunida aan laga ogoleyn laakiin si qarsoodi ah loo iibiyo.

Odawaa oo ahaa wiil aad u da’ yar ayaa waxaa jeclaatey haweeney ka mid ahayd kuwa ugu sareeya shabakadda muddana ku soo jirtey howshaas. haweeneydu waa mid da’ ahaan aad uga weyn Odawaa laakin markii ayu kuur gashay xaaladda odawaa oo asagu dhibaato dhaqaale iyo mid kaleba haysay waxay is tustey in ay ka faa’iideysan karto, maadama ay ayadu ay haysatay dhaqaalo badan oo ay ka samaysay Maandooriyaasha. waxaa kaloo jirtey ujeeddo ah in ay ku shaqaysan karto una adeegsan karto in uu kala qeyb qaato kala gudbinta daroogooyinka.

La soco qeybaha dambe

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN