Albaabkii Jinniga Q2AAD W/Q Cabdullaahi Muuse Yamyam

13343028_624219357740398_3837843725319502066_n

Albaabkii Jinniga Q2AAD

Wayrax iyo Colaad mid walba. waa laba oday oo kala hoggaamiya labo qabiil oo aad u tiro tayo badan. Boqolaal sanna isa soo dagaalayay. mid walba wuxuu leeyahay dagaalyahano muuqda laga baqo.

Colaad waxa uu isla habeenkii guure ku galay dagaankoodii, isagoo isugu yeeray waxgaradkii meesha joogay, wuxuu u sheegay in dagaal adag oo culusi uu cidda ku soo fooleeyahay,wuxuu yiri ” waxaan caawa idinka doonaya in si deg-deg ah la ii gu diyaariyo ciidan ka kooban todobo boqol oo wiil, -afar boqol waa inay fardoolay ahaadaan; labo boqol waa inay ciidamada lugta ahaadaan iyo boqol ah “Barbaarta laga baqo”.

Barbaarta laga baqo? waa boqol wiil oo agooma ah, mid walba aabbihiis wuxuu dhintay isagoo bil jira ama uurka ku jira. aabbayaashood waxay ku dhinteen dagaallo ay qaadeen qabiilku iyo kuwo lagu soo qaaday iyaga. waxaa muddo laga joogo labaatan iyi lix sano noloshooda kafaalo qaaday Guhaad. Guhaad wuxuu ahaa abbaanduule aad loogu yaqaanay dhanka khiddada dagaal dajinta.

Waxa uu ka xeeyay carruurtan iyagoo da’doodutahay toban jirro. waxa uu geeyay dhul wayn oo laba buurood u dhexeeya, halkaas oo uu ku tababari jiray maalinkii oo dhan.”Barbaarta laga baqo ” saddexda waqti hal wa wakhti bay wax cuni jireen, waqtiga intiisa kale wuxuu u ahaa orod, shiish barasho iyo

qaabka seefaha iyo fallaaraha oo is wata loogu dagaalamo. qaarkood waxa ay ka boodi jireen faraska oo cirkaa maraya. Muuqaalkoodu waa rag mad-madow, indho guduudan, oo haraga iyo maqaarku isku dhaganyahay.qofkii ay kasoo hor baxaan aad ayuu uga baqaya muuqaalkooda. Waana taas sababta loogu bixiyay ” bar-baart laga baqo”. tababarka jimsiga ah waxaa u dheer tababar nafsi ah oo ruuxdooda lagu la hadlo, Guhaad waxa uu u sheegi jiray inay deegaankooda, dhaqankooday iyo dadkoodaba difaacaan. waxa kale oo u sheegi jirayraggii aabbayaashood dilay magacyadooda. waxa uu ku dhiiri galin jiraynin walba inuu aar kuto.

Ciidankii uu codsaday Colaad isla habeenkiiba waa loo diyaariyay. waxayna degaanka ka baxeen saqdhexe iyagoo xilli danbe gaaraydegaankii ay ku noolaayeen Cawo oyo Cosob. labadaan gabdhood, waa labogabdhood oo aad u caqli badan magacoodana laga yaqaano degaankoo dhan, tiro dhowr jeer ah waxay fureen xujooyin ay odayaal isku xirteen.

Tii u darnayd waxay ahayd mar oday shagaashan jira uu dadka waydiiyay su’aal una balanqaaday qofkii sheegay toban neef oo lo’ ah. waydiintuwaxay ahayd “YAA SHEEGI KARA QOFKA INDHOOLKA AH MARKUU WAX ARKO?“.Waxaana la siiyay muddo laba asbuuc ah dadka. dadkii deegaanku aad bay ula yaabeen su’aashan, wayna ku adkaatay jawaabteedu. malintii la balLamay baa waxa la isugu yimid meel fagaara ah.

Odaygii baa kor u qayliyay wuxuu yiri “haye yaa haya su’aashaydii oo diyaar u ah inuu ka jawaabo”. markii dhowr qof ayisku dayeen garana waayeen baa waxaa soo istaagtay Cosob waxayna tiri:

Qofka indhool ka ah markuu wax arko waa markuu riyoonayo, waana inuu

yahay qof aan indhoolnimada ku dhalan”. meeshii hal mar baa waxaa is qabsaday sacab, qaylo iyo mashxarad. waana maalinta loo qiray gabdhahaan hibbada ilaahay siiyay ee caqli badnaanta ah. waana taas sababta Colaad iyo Wayrax mid walba uu udoonayo in labadaan gabdhood aqalkiisa dhanna u dhaafin, oo ay wiilashooda siistaan.

Dhanka kale waxaa abaabul ciidan isna wada Wayrax, Wayrax isagu Colaad waa uu ka ciidan badan yahay, oo waxaa hareer taagan sagaal boqol oo wiil oo si heersare ah u qalabaysan. walow uusan haysan bar-baartaLaga baqo oo kale. taasina wa halbeega isku dheeli-tiraya laba ciidan.oo bar-baarta laga baqo waxay u dhigmaan labo baqol oo ciidana.

Subixii danbe Geedi waxa uu hurdada ka kacay hiirta waabari, si uumeesha uga fogeeyo carruurta iyo haweenka. ileyn waa meel ballo iskuhardin doontee. balse damaciisa waxaa beeniyay Colaad oo ku yiri ” waxaaan u dhimanayno waa Cawo iyo Cosob, hadii aad wabiga ka talaabisid ooaan guulaysano- kolayba guusheenu waa mar la hoogay oo la ba’ay. Xagee baan u raadinaynaa gabdhaha” Geedi wuxuu ku qasbanaaday inuu halkiisa iska joogo. iyagoo wili wada hadlaya waxaa meel ili-ku-wareertay ah ka muuqday boor cirka isku shareeray oo ka imaanaya qoobka fardaha ee sida xoogan dhulka ugu dhacaya, waana ciidankii Wayrax. Colaad intuuhal mar booday oo ciidankiisii u qayliayay buu wuxuu u hor kacay dhankaas iyo goobtii dagaalka.

Goobta dagaalku ka dhacayo waa barxad wayn oo wayn, dhanka shishe waxa ka mara wabi aad u biyo badan. barxadu waxay ku caan baxday magaca ah “Fagaaraha Geerida”. waa meel boqolaal sano la is ku dagaalayay, hadba waxaa is ku laaya labadii qabiil oo biyaha hoostooda iska dhex arka. haddaad dhex istaagto Fagaaraha geerida waxaad arkaysaa boqolaal madax iyo lafo dadeed ah; seefo kala jabay si loogu dagaalamayay; ciid guduudatay si uu dhiig dad ugu daadanyay.

Labadii ciidan waxay isku heleen fagaarihii geerida. malintii koobaad gabbalkaa ugu dhacay say isu laynayeen, labada ciidan midna waa ladhaqaajin waayay. Maalintii labaadna waa la is galay, xilli ay ku beegantahay barqooyinkii baa waxaa lala haaday oo baabah laga dhigay ciidankii Colaad, Colaad waxaa dhankiisa dhintay afar boqol oo wiil oo aan wili curan. Wayraxna waxaa ka dhintay saddex boqol oo masoo jeestayaal ah.

Maalintii saddexaadna dagaalku wuxuu bilowday cirkoo xidiguhu soo jeedaan, waxay is laayaanba Wayrax waxaa usoo haray labo boqol kaliya, halka Colaad -na ay u soo hareen “Barbaarta laga baqo” oo kaliya.

casar gaabkii baa la isku rogaal celiyay, oo fooda la is daray mar labaad waa “Barbaarta laga baqo” iyo labadii boqol.meeshaas waxa qaylo iyo boor ka dhacaya; cida fardaha iyo seefaha isku dhacayana dheeryihiin ma malayn kartid. “Barbaarta laga baqo” waxay muujiyeen wacdaro lala yaaba. qaabka ay u dagaalamayaan, bootinta, qaab weerarka difaaca wata. waxay halkaa ku dileen dhamMaan ciidankii kasoo horjeeday iyo Wayrax iyagana halkaas waxaa lagaga reebay sideetan iyo shan ka mid ah iyo Colaad shan iyo tobankii kale waxay aadeen reer Geedi si ay u ga sii kaxeeyaan gabdhihii loo soo dagaalamay, Geedi markii uu ogaaday in labadii oday dhinteen, wuxuu damaaciyay inuu gabdhaha isku dhajiyo.

Bar-baarta laga baqana, markay arkeen go’aanka uu qaatay Geedi, iyaguna waxay goosteen in reerka gabigiisaba ay tirtiraan. Waxay madaxa kawada gooyeen dhammaan qoyskii reer Geedi, marka laga reebo, Raage oo u baxsaday dhanka kaymaha jiq-da ah. Waxayna maydkii qoyskaku gureen Webiga, ilayn aktooda ragg naxariis taal maahe.

La soco Qaybaha kale.

W/Q Cabdullaahi Muuse Yamyam

SHEEKOOYIN