ALBAABKII SOO MA NOQOSHADA

ALBAABKII SOO MA NOQOSHADA

Markii ay gumaystayaashii reer Yurub ku habsadeen dhulalkii kala duwanaa ee Afrika, waxaa jira dhacdooyin aad u foolxun oo laga diiwaan galiyay deegaannadaas. Waxay gumaadeen dadkii deegaanka. Waxay wax ay dilaan iyo wax ay xiraan ka dhigeen maamulayaashii Afrikaanka ahaa ee ka dhiidhiyay soo galitaanka shisheeyaha. Waxayna booskoodii ku baddasheen kaba-qaadyo cusub oo midabka Afrikaan ka ahaa, laabtase ka ahaa caddaan cadow ku ah qaaradda Afrika iyo dadkeeda.

Waxay aad u hirgaliyeen dhoofinta dadka ay sida addoonsiga ah ugu qaadayeen qaaraddii ay waayadaas qabsadeen ee Ameerika, halkaasi oo ay ka heleen dhulbeereed aad qani u ah oo ay ka soosaari jireen dalagyo kala duwan oo ay ugu caansanayd sokortu, waxaana dadkaas addoomada loo dhoofin jiray qaaraddaas aadka uga fog dhulkoodii, si ay uga shaqeeyaan beerahaas aan soo sheegay.

Dalalka dhaca koonfurta iyo galbeedka Afrika waxay marqaati ka noqdeen falalkaas arxandarrada ah, waxayna waayo badan daawanayeen dadkoodii oo sida xoolaha loo kala iibsanayo, waliba looga dhoofinayo dalkoodii iyo dadkoodii ay aadka u jeclaayeen. Waa sooyaal aad u qaraar, una xanuun badan oo ku xariiqmay bogogga sooyaalka dadka iyo dalalka Afrika.

Haddaba, ALBAABKII SOO MA NOQOSHADA oo ah mawduuca aan ku taabanayo qormadaan waa mid ka mid ah taariikhdaas aadka u xun, ilaa maantana laga xasuusto oo laga xuso dalalka dhaca badda Atlaantik/Atlantic ee Afrika, wuxuuna ahaa goobo kala dawan oo u astaysnaa in laga dhoofiyo addoomada; waa albaabkii ugu dameeyay ee qofka Afrikaanka ah laga dhoofin jiray laguna qaadi jiray maraakiibtii u kalagooshi jiray qaaradaha Afrika, Yurub iyo Ameerika.

Albaabada caynkaan ihi waxay ku yaaleen meelo kala duwan oo qaaradda ah waxaase ugu caansan kuwii ku yaallay dalalka Baniin, Gaana iyo Sinigaal, kuwaasi oo ahaa sayladihii ugu dambeeyay ee laga dhoofin jiray dadkii reer Afrika ee aadka u ayaanka darnaa.

Waxaa halkaan ku yaalay qolol si qaabdaran u dhisnaa oo dadka lagu hayn jiray, ayagoo u xirxiran sida xoolihii, waxaana sida taariikhdu xusto halkaas la keeni jiray dadkii nolosha ku soo gaaray xeebaha, kuwaasi oo ka soo badbaaday silicii iyo cadaabtii lagu la kici jiray dadka loo soo qabto addoon ahaanta. Waxay dadkaasi qaarkood u dhiman jireen cuduro, gaajo iyo jirdil, waxaana inta soo hartay laga dhoofin jiray albaabadaan aan bixista mooyee soo laabashada lahayn, qofkii ka baxaana wuxuu ka samri jiray la midoobidda dadkiisii iyo ku dul-socoshada dhulkii uu Eebbe ku beeray ee Afrika.

Waxaa jira filimaan iyo qoraalo kala duwan oo laga sameeyay sooyaalka albaabadaan lama-illaawaanka ah waxaase aad u yar aqoonta ay dadkeennu u leeyihiin taariikhda albaabadaan, waana ta igu riixday in aan qalinka u qaato soo turjumidda waxyaabihii laga kaydiyay albaabadaan sooyaalka ku galay xumaanta iyo arxan la’aanta, kuwaas oo maanta ah dhibic madaw oo ku taalla taariikhda qaaradda faanka badan ee Yurub, taas oo dadyawga kale ugu faanta in ay tahay hoyga sinnaanta, xoriyadda iyo ilaalinta xaquuqda ibnu Aadanka ku nool adduunkaan.

Waa albaabo jirataankoodu uu huq iyo yaxyax ku hayo qof kasta oo reer Yurub ah oo leh garaad iyo aqoon, waxaana dhab ahaantii maanta jira dad badan oo reer Yurub ah oo aad uga xishooda in la xuso sooyaalkii madoobaa ee ay ku kaceen awooweyaashoodii ma dhargayaasha ahaa, kuwaasi oo qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Ameerika ka gaystay xasuuqyadii ugu xumaa iyo boobkii ugu baahsanaa ee ay aadanuhu gaystaan intii ifkaan lagu dul socday.

Xigasho:

TV-ga CBS news

Barta YouTubeka The Space of Global

W.Q: Cabdinaasir Xiddig

SHEEKOOYIN