Anigo roon bay I rogtey Q1AAD?
Waa markii ugu horreysay ee uu wado ama kaxaysto Baaskiilka isaga oo keligii ah, Mahad waa ku cusub yahay degmadan,wuxuu jooga muddo kooban oo aan bil gaadhin, dhawaan wuxuu ka soo baxay xerada layska dhiibo, waxaana lagu soo qorey xarun kale oo dadka la dejiyo, magan gelyo doonka ah, waa dabeecad ay ka siman yihiin waddamada reer galbeedka badankoodu, qofka hore lagama siiyo guri deegaan ah, waxaa lala dejiyaa dadyow kale oo iyaguna magangelyo doon ah, halkaasoo lagu baro afka iyo dhaqanka waddanka, si uu ula jaanqaado nolosha iyo habdhaqanka bulshada uu martida u yahay.
Aad buu Mahad u xiisanayey wadista iyo baacsiga Baaskiilka, balse,wuxuu muddo hadba dhan u eryoba, markii dambe, isagoo meel kayn ah dhex maraya ayaa waxaa ciladi ka gashay Silsiladda(Katiinka) Baaskiilka oo ka baxay, hase yeeshee, ma uusan aqoon habka loo sameeyo, waa isku dayey wuxuu la raftoba isagoo aad ugu daalay, kuna wareeray, oo jidka dhinaciisa baala daymoonaya, meesha uu ka yimid ilaa 15 Km u jirto,ayaa waxaa wadadii ku soo marey, Koox dhallinyaro ah, oo Baabuur dusha ka furan wata, oo iyaguna iska baashaalaya, intaaneyba soo gaadhin Mahad ayaa sanqadha muusika iyo heesta ay la qaadayaan soo gaadhay, nasiib wanaag, markay wax yar dhaafeen ayay istaageen, Mahad dareenbaa galay oo wuxuu ka cabsaday inay dhibaateeyaan, baabuurkii ayay dib u soo dhaqaajiyeen, waxayna isla soo simeen halkii Mahad ku cadilnaa
Kooxdani waa koox dhallinyaro ah, oo caddaan ah, waa laba wiil iyo gabadh una dhashay waddanka uu martida u yahay Mahad, markay agtiisa joojiyeen baabuurki ayey wiilashiina waxay weydiiyeen inay caawin karaan, balse, Mahad wuu fahmi waayey, waayey Afka ay ku hadlayaan maxaa yeelay wuxuu Af jarmal weliba lahjad weliba dhawaqeedu uusan kala duwaneyn kan shimbiraha, ileeyn waxaadan garaneyn dhawaq shimbireed waxba kuuma dhaamaane, , ka dib gabadh oo iyadu ahayd markaas waddaha baabuurka, ayaa Af ingiriisi kula hadashay weydiisayna inuu caawimo rabo iyo in kale? Markaasuu Mahad fahmay, una sheegay dhibkiisa iyaguna waa soo degeen inay caawiyaan.
Wiilashii ayaa aad la yaabey, sida wanaagsan ee uu ugu hadli karo Afka Ingiriisiga, weliba waxay si kaftan ah u weydiiyeen,ma mareykan ayaad tahay? Taasoo muujineysa sida uu u bartey Mahad Afka Ingiriisiga gaar ahaan Af guriga iyo lahjadda Mareykanka “American Accent” iney u maleeyeen inuu u dhashay? Mahad ayaa ugu jawaabay: “Maya maya ee anigu waxaan ahay Soomaali”.
Iyaguna waa isu sheegay inay waddanka u dhasheen, waa lays haybsay lana sheekaysey, wiilashii wax badan kuma qaadan iney u toosiyaan katiinkii ka baxay ee Baaskiilkiisa, Mahadna waa u mahadceliyey, Lora ayaa intey dhinaca baabuurka u dhaqaaqdey, Albaabka dambe ka soo saartey qaboojiyaha baabuurka cabitaan fudud, oo Afar xabbo ah, markaasay mid u taagtay, Mahad, labadii kalena waxay kala siisay labadii wiil, cabitaankan qaboow mahad waa u baahnaa waayo caagadii yareyd ee biyuhu ugu jireen ee baaskiilka ugu xidhney mar hore ayuu ka laacay, Mahad wuxuuba u arkaa Laytal qadarkii la sheegi jirey, caawimada is daba jooga ah iyo isagoon waxba weydiisan sida ay dhallinyaradani gacanta ugu fidisay.
Lora ayaa intey gacanta usoo taagtey tidhi: “ Magacaygu waa LORA” Mahad ayaa isaguna ugu warceliyey: “Magacaygu waa Mahad” saddexdoodii ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay, MAHAD, waxayna sii raaceen magic qurxoon oo weliba fudud weeyaan, halkaasaa barashadii laga sii waday labadii wiil ee kalena isu sheegeen oo mid weliba magaciisa u sheegay, An Frank ayaa yidhi: Aniguna waxaan ahayn Francisco, waxaase laygu yeedhaa FRANK” Nico ayaa isaguna isu sheegay: Magacaygu waa Nicolas balse, waxaa laygu yeesha Nico” waa lays gacan qaadayn, Barasho wanaagsan iyo kulanti wanaagsana waa lays dhaafsaday, intaasey dhallinyaradu la joogtey waa dhoolacaddeynayeen, sidoo kalena weji furnaan iyo soo dhaweyn ayaa ka muuqatey, iyadoo dhawr su’aalood laga weydiiyey sida uu u arko nolosha deegaanka, balse, Mahad oo Aftahan ayaa ku gaabsaday, waa cusbahay ilaa haddana wax xun kuma arag, ugu dambeyn way kala dhaqaaqeen iyagoo kulanti dambe oo xiise leh iyo sidoo kale ayaa lagu kala tegay.
Mahad wuxuu ka hayaamey dalkiisii iyo baradii uu ku barbaarey ee uu weligii deganaa, wuxuuna ka soo gudbey baddo iyo webiyo badan iyo dhul baaxadiisu kumanyaal Mayl tahay, Mahad waa nin aqoon leh, weliba dhiifoon oo ilbax ah, wuuna ogyahay inay bulshada adduunku kala dhaqantahay, wuxuuna ka qabay aragti ka duwan mida uu maanta arkay, oo waxaa maskaxdiisa ku jirtey in dadka caddaanka ah yihiin, kuwa qalbi xun oo aan aqoonin naxariista iyo wanaagga dadnimada aaddanuhu wadaaggo, arrimaha magangelyadana in xeer caalami ahi ay ku dabaqaan maahine inaysan ka ahayn naxariis iyo samafal, Mahad ma aaminsaneyn inuu marnaba wanaag kala kulmayo, waayo wuxuu qabaa aragti dadka badankoodu qabaan, markay yimaadaan dhulalka dadyowga caddaanka ah oo ah, in dadka madoow laga faano iyo inuu xasaasiyad ka wada qabaan la macaamilka dadka cadcad Mahad waxaa u dheeraa weliba dardaaran uu qabay oo intaanu waddanka ka soo bixin la soo siiyey.
Mahad wuxuu ka yimid soo socdaalay geeska Afrika, wuxuuna soo marey Jiidaal dheer, wuxuu la soo kulmay jab iyo rafaad badan ka dib ayuu soo cago dhigtey waddankan.Mahad wuxuu ahaa wiil ka dhashay qoys noloshoodu meel dhexaad tahay isaga iyo saddex carruur ah oo kale laba gabdhood iyo wiil kale, wuxuuna ahaa midka ugu yar, walaalihii waxay wada joogaan dalka, isaguse wuxuu doorbiday inuu dibadda aaddo, markuu waxbarashadii dugsiga sare dhammeeyey.
Mahad kuma soo bixin, jidka dheer ee adag ee inta badan dhallinyarada Afrikaanka ahi ku soo socdaalaan ee dhulka iyo badda, isagu sifo ka duwan ayuu ku soo baxay oo wuxuu soo qaatey dalku gal(Visa) uu ka helay waddan ka mid ah waddamada Yurubta Barri oo Jaamacad waxbarasho loogu xareeyey, nasiib wanaag, markuu waddankaas yimid ee uu maalmo joogay, ayaa waxaa is bedeshay xukuumadii waddanka, waxaana dhacay, bannaanbaxyo looga soo horjeeddo soo galootiga, taasoo keentay in xukuumadda cusubi soo saarto wareegto ka dhan ah soo galootiga, isagoonba guri deign oo weli ku sugan Hoteel ayaa waxaa qabtey ciidamada nabadgelyada ee booliiska, kuwaasoo dhammaan agabkiisii ka qaatay oo xitaa aqoonsigiisii ku jiro. waxaana loo taxaabay Xabsiga. Sidoo kale waxaa loo sheegay isaga iyo dhammaan dadkii shisheeye ee la xidhxidhay in laga masaafurinayo dalka ayna sida ugu dhakhsiyaha badan, u bixiyaan lacag ganaax ah iyo tigidhka dalkoodii loogu celinayo, ninkii sidaa samayn waayona uu ku urayo xabsiga. Muddo ayuu ku xidhnaa Xabsigaas oo uusan garanin sababta uu ku galabsadey aan ahayn waddankayga maxaad u timid?
Mahad wuxuu xasuustey erayo waano iyo wax sheeg ahaa oo waalidkiis ugu celcelin jireen “Dal aan dalkaaga dareen ku joog waaye” iyo “ Lama huraan waa caws jiilaal” waxay odhan jireen, maalin aan maanta ahayn ayaad ogaan doontaa qiimaha dalkaaga iyo dadkaaga.
Mahad maanta arag, oo waa tii maahmaahdu ahayd “ Nimaan dhul marini dhaayo ma leh” wuxuu maanta dareemaya xoriyadii iyo madax bannaanadii uu dalkiisa hooyo ku haystay, xaalkiisu waa is ciil kaambi wuxuu maalin walba xasuustaa, noloshii wanaagsanayd ee uu ku noolaa, jacaylkii hooyadii iyo koolkoolintii qoyskiisa, ee sidii boqorka loogu adeegi jirey, guri ay joogaan Afar gabdhood, weligiis Mahad rafaad iyo nolol adag ma mudan, sidoo kale hawl iyo hagardaamo ma arag, adeega guriga waxba kama qaban jirin, weligii far dhaqaajin, inuu lafihiisa isu maydho ama isu qurxiyo maahine, inta kale waa loo qaban jirey.
Haddii kab ka mid ah kabihiisa ay lunto,wuxuu u qabsan jirey Gabdhaha walaalihiis iyo ehelka ah ee guriga jooga,taasoo lagu qasbanaa in loo keeno qasabna lagu raadiyo.Waa loo karinayey, waa loo maydhayey, waa loo Kaawideynayay(Feeraynayey) Waa loo goglayey, waana loo haggaajinayey qolkiisa,ma uusan aqoonin hawsha guriga waxbana kama ogeyn culeyskeeda iyo dhibkeeda, maaha arrintani mid keligiis ku kooban ee waa mid si guud bulshada Soomaaliyeed uga jirta in wiilasha sidaa loo barbaariyo, taasoo hadhoow ku keenta fashil iyo filan waa marka noloshu keligood soo wajahdo, ileeyn meel walba ka socon mayso “ Arki jirey doone”
Arrintan ayaa keentay inuu cidhiidhi dareemo, markuu raashin saf u galay, ee qol afar sariirood taal, oo dad aanu garanayn lagu xareeyey, ee qoraxda waqti loogu sameeyey, ee weliba hanjabaad iyo hatigaad loogu daray, ayuu murugoodey, oo ciil la ooyey isagoo ku cataabaya: Maxaa dalkaygii iga keenay? Maxaa baradii hooyaday iga soo saaray, maxaan ka soo dooney carradan shisheeye? Shalayto waxba ma tarto.Maalin walba qaar ka mid ah, Maxaabiistii ayaa la dhoofinayaa, waxaad moodaa: “ Adhi dammaan xero ku jira oo habeenba qayb la dhoofinayo”
Muddo ka dib, waxaa loo oggolaaday inuu la xidhiidhay waalidkiis, markii warkiisa la helayna, waa lagu farxay inkastoo ay aad uga murugooday arrinkiisa, Hooyo Qamar waa qof ubad jecel, waa hooyo wiilkeedii guridambayska ahaa gacan shisheeye ku jiro, waxay u sheegtay inaysan habeenkii werwerkiisa ka seexan, 7da Salaadood ee maalintii iyo habeenki 5ta Faralka iyo 2da sunaha ahba, mid walba sujuudda ugu duceyso.
Waxaa ugu dambayn la helay, dad Soomaaliya oo meesha ku nool, waxaana loo qabtey Qareen u dooda oo meesha ka soo saran, waa loo helay Qareenkii ayaana dammaanad qaadey, una sheegay dowladda inuu ninkani sifo sharci ah dalka ku yimid, Visa Waxbarashona haysto, si wanaagsana mudan yahay in loola dhaqmo.
Ugu dambeyn bannaankaa loo soo daayey muddo bil iyo badh ah ka dib, 45 maalmood, wuxuuna go’aan ka qaatey in uusan waddankaas ku sii noolaanin, waxaa uu geed dheer iyo mid gaaban u fuuley, sidii uu uga bixi lahaa, ma jirto sifo sharci ah oo uu bannaanka ama xuduuda dalka uga bixi karo aan ahayn inuu tahriibo, wuxuu raadiyey dadyowga dadka tahriibiya, ugu dambayntii wuxuu helay, Koox gaadiid waaweyn dadka ku qaadda oo xadadkana lugeysiiya, dhul buuraley ah, oo kaymo leh,webiyo iyo toggag rogmanayaan, mararka qaarkoodna Baraf fadhiyo.
Kacaa kuf badan ka dib,wuxuu soo galay waddanka Jarmalka, markay tahriibiyayaashii keeneen, Jarmalka, ayay yidhaahdeen deg halkani waa jarmalkiiye, isaga iyo dad kale oo shisheeya ah, nin weliba telefoon ayuu dirsaday, isaguse waxba ma dirsan,meel uu aaddo ma yaqaan, wuu haystaa lacag ee xitaa Hotel ma aadi karo waayo sharci iyo aqoonsi midna ma sito.Ku qabatey iyo qadar alleba waa la qaataa, isagoo, meel yuurura ayaa waxaa soo dul maray, Laba wiil oo dhallinyaro ah oo Soomaali ah, Af Soomaalina ku sheekaysanaya, Mahad ayaa intuu isla booday mar qudha sidii qof hurda ka nibdaaday la soo booday: “ Alla waa Soomaali?! Haddana wuxuu sii raaciyey, walaal ma Soomaali baad tihiin? La arag in khalkhal ka muuqdo oo wiilashii waa ay dareemeen inuu yahay nin cusub.
Waxay ugu warceliyeen: Haa walaal waxaannu nahay Soomaali ee maxaan kaa caawinaa? Markaasuu u xog warramay, una sheegay dhibka iyo kadeedka haysta, lays kulama yaabo meeshan qof bannaanka fadhiya oo caawimo u baahan, ninka waxgaradka ahina, halkaas kagama tago dadkiisa, ee wiilashii hore ayay u wadeen, waxayna geeyeen hoygooda, iyagoo si wanaagsan usoo dhaweeyeen.
W/Q:Cabdiraxiin Hilowle Galayr