Anigoo Roon bay i Rogtey Q2AAD. W/Q Cabdiraxiin Hilowle Galayr

pizap.com14704152200801

Anigoo Roon bay i Rogtey Q2AAD.

Waxay ugu warceliyeen: Haa walaal waxaannu nahay Soomaali ee maxaan kaa caawinaa? Markaasuu u xog warramay, una sheegay dhibka iyo kadeedka haysta, lays kulama yaabo meeshan qof bannaanka fadhiya oo caawimo u baahan, ninka waxgaradka ahina, halkaas kagama tago dadkiisa, ee wiilashii hore ayay u wadeen, waxayna geeyeen hoygooda, iyagoo si wanaagsan usoo dhaweeyey.

Wiilashu waxay ahaayeen, wiilal keligood nool, wuxuu la yaabay, markay guriga soo galeen sida ay hawsha u qaybsadeen, nina wuxuu billaabay inuu guriga haggaajin iyo toostoosin u galo, nina wuxuu billaabay inuu cuntadii iyo cashadii habeennimo sameeyo, waxaa la siiyey dhar uu iskaga beddelo kuwii uu sitey, waxaana laga qaaday dharkiisii wasaqda ahaa, iyadoo midkii wax haggaajinayey   u sheegay inuu hoos ku soo dhaqayo mashiino ku yaalla,  isaguna iska  sii fiirsado  Muuqsidaha(Tv) waxaa loo soo dhaweeyey  maamuus gobonnimo ku jirto.

Habeenkii ayaa la wada sheekaystay, waa lays fahmay, waxaaney usoo jeediyeen talooyin badan oo ku aadan waddamada yurub,  waddan  weliba wuxuu ku xun yahay iyo waxa uu ku wanaagsan yahay, waxyaabaha ay ka siman yihiin, waddamada hadda  magangelyadu ka fududahay iyo kuwa  adkeeyey,  Mahad  oggaa iyo kala baray hab nololeedkii Yurub,   ayaamo ayuuna la joogay oo la noolaa wiilashii isagoo maalin walba la xidhiidhayey reerkoodii iyo qoyskiisii, sidoo kale helay fursad uu kula xidhiidho saaxiibadiisii iyo gacalkiisii oodhan.

Mahad waxaa la soo xidhiidhay dad badan oo xigaalkiisa ah, mid welibana wuxuu u sheegay in dalka uu joogaa yahay midka ugu xun yurub ee uu aaddo mid kale, isla kaas oo midkii joogay shalay uga dayriyey, Mahad ayaa arrinkan la yaabay, sababtoo ah qof meeshuu ku noolaa  ku qanacsan wuu waayey marka laga reebo, labada wiil ee Siciid iyo Xasan oo iyagu u sheegay inay waddamo badan soo mareen, haddana aqoonsi ka heleen dalka Jarmalka, kuna qanacsan yihiin, waxay kale oo u sheegeen inay qaarada Yurub isku nolol tahay, meeshii mushaharkeeda ama caydheedu badantahay, in nolosheeduna qaali tahay, meeshii mushaharkeeda ama caydheedu yar tahay in nolosheedu jabantahay, wax walbana laysku sargooyey.

Wiilashu waxay dhigtaan Iskool ay Afka Jarmalka ka bartaan, Galbihiina   kubbad ama Bilyaardi ayay meel aan ka fogeyn ku soo waqti dhammeystaan, Saciid wuxuu ku xidhan yhaay  Jaamacad online ah oo uu ka dhammeystiranayey waxbarashadiisii qabyada ahayd, Xasana wuxuu aadi jirey, laba maalmood meel farsamada nijaaradda ah lagu barto oo uu lacag la’aan iyo iskaa wax u qabso kaga soo shaqeyn jirey.

Mahad aad ayuu ula dhacay sida dhallinyaradani isu agaasintay ee ay nolosha ula hardamayaan, wuxuu kale oo ka helay duruufaha ay soo mareen iyo siday ugu dhabar adeygeen ee aysan u niyad jabin, tan oo dhiirigelin u noqotey inuu ilaawo isla hadalkii iyo raja xumadii uu dareemayey.

Mahad waa marti oo meesha deegaan kuma aha, wuxuu ilaa hadda raadin ugu jiraa halkuu saldhigi lahaa, inuu dhallinyaradan la joogo waxaa diiday waalidkiis, maadaama waddankan ay hore uga guurtey eedadiis oo aabbihiis la walaal ah, una guurtey Carriga ingiriiska, iyada ayaa waalidkiis uga dhigtey meel aan lagu hoyan laguna hadhgelin.

Dhallinyaradii soo dhaweysay, arrinkaas waxaya kula taliyeen inuu meel uun ku nasiibsado oo iska daayo walaahowga, balse, xaalkiisu waa nin buka boqol u talisaye, asxaabtii iyo ehliyadii soo wacaysay ayaa midba waddan ayuu farta ugu fiiqay, waa uu dhego barjoobey wuxuuna go’aan ku gaadhay inuu bal horta tago waddan  uun  si uu meel u dego una saldhigo oo nolol cusub uga  yagleelo.

Arrintani maaha mid u gaar ah Mahad ee waa mid qof walba oo yimaada waddama galbeedka gaar ahaan Yurub uu ku jahawareero, haddaanu markii hore sifo sharciya ku iman xulashada waddanka uu degi lahaa, in guur lagu soo qaaday ama  dhalyo oo waalidkiis  keenay, taasoo u sahasha  deegaanka iyo aqoonsiga inusan labadaba ka werwerin qofka sidaas ku yimaada,  balse,  dadka socotada ah  ee  ku soo gala, siyaabaha kale  waxaa  ku adkaada inay markiiba  saldhigtaan oo muddo ayay iska daba  wareeg iyo walaac dhex dabaashaan.

Mahad wuxuu darsay sida ay saaxiibadii u sheegeen inay nolosha waddamadu isku mid tahay ee shuruucdooda kala duwan yihiin, sidoo kalena habdhaqanka bulshooyinka ku nooli kala ilbaxsan yihiin kalana horumarsan yihiin.

Mahad hadda go’aan malaha waayo, waxaa haggaya ehliyadiisa oo lacago usoo dirtay uu ka dhigto sahay, waxaana inta badan talada kula leh,  qofka ku maalgelinaya, taasoo meesha ka saareysa  xulashadaada iyo rabitaankaaga,  waxaa  laysku raacay maadaama uusan wax aqoonsi ah haysan inuu u tago Habaryartiis muddo dheer deganayd Carriga Talyaaniga, halkaasna looga farsameeyo aqoonsi talyaani ah oo u eg ama mid sawirkiisa lagu dhejiyo, ka dibna loo gudbiyo waddamada Iskandaneefiyaanka, arrintan ayaa laysku raacay, waxaana wiilashii saaxiibadiisa ahaa ee soo dhaweeyey u raadiyeen, qof ka gudbiya, Xadka waddanka Switzerland oo adag inta badana aqoonsi lays weydiiyo, kana duwan waddamada kale ee yurub sida lagu galo.

Mahad waxaa loo helay nin qaadwale ah, oo isagu mar walba qaadka u kala gudbiya waddamada Yurub, kaasoo lacag xoogaa ah sheegtay, gorgortan badan ka dibna ka yeelay intii uu Mahad haystay, ninkani si toos ah uma soo maro Baraha waaweyn ee laysku baadho, wuxuu ka dhex baxaa   deegaamada Beeralayda iyo tuulooyinka wuxuuna aad u bartey, Luuqluuqyada aan lahayn   ilaalada.

Mahad wuxuu u xidhxidhay Socdaal dheer oo laysaga gudbayo, waddamada Jarmalka , Swiska iyo Talyaaniga, Socdaalkaas oo dhulka ah, oo baabuur  lagu marayo, waa hubaal inuu  waqti badan  qaaddana doono oo saacado ah.

Mahad wiilashii waa la soo dardaarmeen wixii talo iyo tusaalena ahna waa u sheegeen  ee socdaalkiisa ku aadaana, waxayna kula dardaarmeen  meeshii lagu qabto inuu lafteeda iska dhiibo oo aanu  cabsan, maadaama uusan lahayn  faro  waddan kale  ka yaalla oo uu magangelyo weydiistay, waana loo soo duceeyey, goor habeen badh ahna waxaa u yimid, Ninkii Qaadwalaha ahaa oo laba nin oo kalena la socota, waxayna guda galeen socdaalkoodii dheeraa.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Galayr777@gmail.com

 

SHEEKOOYIN