Anigoo roon bay I rogtey Q5AAD W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

pizap.com14704152200801

Anigoo roon bay I rogtey Q5AAD

Wuxuu hoyaadey oo qolkiisa galay isagoo arrintan ku wareersan madaxana xoqonaya,   isna weydiinaya tolow maxay uga dan lahayd? Isaga shaki weyn baa kaga jira in iyada iyo FRANK xidhiidh leeyihiin, balse, haddana ma jirto cid u sheegtay arrinkaas, wuxuuse ku qiyaasay wada socodkooda iyo qaabka ay u kaftamayaan.

Mahad waxba kama yaqaan habdhaqanka reer Galbeedka wuxuuse ka haystaa sawir guud oo ah intuu aqriyey iyo intuu daawaday ee Aflaantooda ka arkay, waa xog ogaal aad ugu dhuun daloola inuu jiro, kala duwanaansho qoto dheer, dhaqan iyo diinba. Mahad isma laha marnaba qof ayaa adiga waddadaa quman kaa weecin kara, ama sidalag yar ayaa laguu dagi karaa, waa runtiis waa geesimada bulshada Soomaaliyeed gebigeed qabaan ee ay ugu dhiiradaan inay ku dhex noolaadaan bulshooyin aysan aqoonin, iyagoo haddana Afkooda, dhaqankooda, diintooda iyo dadnimadooda dhawranaya.

Mahad waa nin haasaawe badan, markuu dalka joogeyna wuxuu ahaa nin aad ugu dhex galay shukaansiga iyo la sheekaysiga filkiisa iyo aynigiisa gabdhaha ah, waa Aftahan   sheeko yaqaan ah, weliba waxaa u dheer inuu aad ugu xeeldheeryahan, habka tebinta sheekooyinka, dhaajiska ama Cajilaada qof kale, majaajilada iyo madadaalada.

Mahad waxaa la odhan jirey waaguu dalka joogay ardaygana ahaa “ Samadoonka Jacaylka” Waxaa loogu baxshay inuu ahaa nin xaliya oo ka odayeeya dhammaan dhallinyarada xidhiidhka iyo sheeko wadaagta leh haddii is Af garan waa dhex galo.Mahad maanta meeshaas ma joogo, wuxuu joogaa dhul shisheeye ka dhaqan duwan kana dhur duwan meeshuu yaqaanay.

Dhallinyaradan caddaanka ah, ee uu la jaalka noqday waa dad ka soo jeeda guryo maalqabeenno iyo siyaasadeed oo dhaqaale leh, waana dad noloshoodu isu kor saarantahay, horena waalidkood iyo waddankoodu u diyaariyeen siday farxad ugu noolaan lahaayeen.Mahad isagu reer buu usoo dhoofey, isagana inuu noloshiisa dhiso dadkiisa waxtaraa laga rabaa, Dhallinyaro iyo xaalkeeduna waa meel waa tii Maahmaahda Soomaaliyeed ahayd “ Labaatan jir intuu ood ka booddo, tala ka booda”.

Mahad wuxuu aad u dhex galay saddexdii dhallinyarada ahayd, oo xitaa u fududeysan inuu dhaqso u helo inuu ka baxo kaamka guri gaar ahna, dego, sidoo kale waxay u fureen albaabo badan oo waxay usoo heleen meel lacag la’aan ah oo uu Afka ka baran karo.

Mahad durtaba wuxuu si dhaqsiyaha ah ku gaadhay meel dad in badan ka soo horreeyey aysan gaadhin, wuxuu bartey Afkii muddo kooban oo aan sanad gaadhin, wuxuuna helay, Tababar dhinaca korontada ah oo muddo 3 sanno ah, Lacagna lagu siinayo 3 Maalmood oo shaqo barasho iyo tababar ah iyo laba maalmood oo iskool ah, shirkadii ayaa siisay Guri saddex qol ah oo u dhaw meesha uu ka shaqeeyo kuna yaal magaalo weyn.

Waxaa lagu dhiirigeliyey inuu barto habka gaadiidka loo wado, taasoo durtadiiba uu ku guuleystay warqada ogolaanshiyaha barashada gaadiidka, muddo kooban ka dibna u suuragelisay inuu noqdo, wadde keligiis baabuur wadan kara markii la siiyey Ogolaanshaha iyo aqoonsiga gaadiid wadida.

Intaas oo garab qabasho ah wuxuu ka helayey saaxiibadiis gaar ahaan, LORA, balse, waxaaney u noqdeen, LORA waxay heshay   billowday Kulliyad ay ka baraneyso TACLIINTA SARE, qaybta Maamulka iyo maareynta, Balse, waa meel aad uga fog tuuladii ay isku barteen, waxayna u dhaweyd guriga Mahad,   LORA ayaa ballamisay Mahad iyadoo u sheegtay inay hawl ka leedahay, waxayna ku ballameen Galabnimada meel Bar ah oo ay isugu iman jireen.

Mahad ayaa markuu soo dhammeystay hawl maalmeedkiisii, tegayna gurigii wuxuu galay inuu isu diyaariyo, balanta saaxiibadiisa abaalka badan ku leh, isagoo is weydiinaya, Tollow maxaa soo kordhay? Maxayse kuugu sheegi weyday arrinkan.

Mahad waxaa ku soo kordhay isbedel badan dabeecadihiisii shaqsiga ahaa, wuu ka dhex baxay Soomaalida wuxuuna batey dhinaca la falgalka iyo la macaamilka dadka shisheeyaha ah, Mahad dhinaca xidhiidhka Bulshadiisa oo uu ku fiicnaa hadda waa ka dheeraaday mana jiro wax dhaafsiisan salaanta oo kala dhaxeeya dadka kula nool deegaanka, waana nin si fiican u dhexgalay dhallinyarada caddaanka iyo waddamada kale, wuxuuna waqtiyadiisa la qaataa dadyoowgaas.

Mahad wuxuu dib u dhac u arkay bulshadiisa ku xidhnaanteeda taasoo laga dhaadhiciyey, inaanu Afka Jarmalkana si fiican u baran karin waddankana la qabsan Karin, barashadii dhallinyaradii saaxiibadiis waxay keentay saamayn ballaadhan taasoo uu arkay inay dib u dhac u tahay una keenayso la macaamilka Soomaalida.

Wuxuu usoo lebistay si qurux badan Mahad wuxuuna usoo kicitimay dhinaca uu ka xigay baarkay ku ballansanaayeen oo aan sidaa uga dheeray uu ku tegi karo ilaa 10 daqiiqo qadar gaadhaya.Markuu soo galay Baarka ayuu dhinaca dambe ee beerta ka arkay meel Dalad hoosteeda ah, LORA oo fadhida oo sugeysa, markay aragteyna waxay ku soo dhaweysay dhoolacaddeyn iyo iney istaagtay si ay hab u siiso, gaadadana u geliso, Mahad maaha mid wax weyn u arka sidii shalay markii ay daanka Mac ka siisay ee waa arrin agtiisa iska caadi ah.

Wuu soo fadhiistay waxaana isa soo dul taagay shaqaalihii Barka oo salaamay maadaama uu ka mid yahay dadka sida joogta ah macaamiisha uga ah baarka, had iyo gooraale wax ka caba kana qaxweeya.LORA, wuxuu ka sugayaa Mahad waxay u wacdey ee aysan hordhaca ka siin, qalbigiisa waxyaabo badan ayaa ka guuxaya, balse, wuxuu is leeyahay ka war sug.

La Soco Qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr777@gmail.com

Galayr1977@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN