Ashahaadadii islaanta iyo argagixii odayga! “True story” W/Q: Qaasim Cabdulle Xuseen (Qaasim Neero)

Ashahaadadii islaanta iyo argagixii odayga! (True story)

Isaga oo aad u daallan sidii uu maanta oo dhan dushiisa ugu siday jawaanno waaweynoo loor iyo kiintaal isugu jira, suuqa weyn ee Suuqbacaad ayuu sida badan sariirtiisa koraa marka uu casheeyo ka dib, cishahana uu dukado. Odey Calasow, hadda waa aabbe kaligii deggan, balae leh, reer iyo carruur, u deggan baaddiyaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Laba qol oo mitirkubbada ah (dhisme alwaax ka sammeysan) ayuu midkood kiro ku degganaa sannad iyo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Waa oday akhyaar ah, sheeko yaqaan oo aad uga qosliya dadka guriga la deggan, kuwaa oo ay ku jiraan reerka guriga leh oo iyagu aad u dhaqaaleeya; meelna u saaray cashada iyo qadada maalinta Jimcaad oo uusan shaqo tagin. Wiilal reerka gurigu dhaleen ayaa qolka ku dhaggan degganaa, intii uu dariska ka mid noqday. Ha yeeshee, hooyada reerka ayaa wiilashadii u rartay mid ka mid ah laba qol; oo isku furan oo ay iyadu midkood deggantahay.

Calasow, cidlo ayuu habeenno dareemay oo ayaamahan dambe ma maqlo raadiyaha dhallinyaradu heesaha ka dhageysan jireen iyo sheekadoodii uga soo dhex dusi jirtay alwaaxa aan shanqartu celin ee isaga iyo wiilasha kala xira. Dhowr maalmood haddii uu qolku foorinayey, ayuu maqribkan oo uu shaqo ka yimid arkaa, reer cusub oo aqalkii kusoo maalin guuray intii uu maanta suuqa ku maqnaa. Waa qoys ka kooban laba qof oo oday iyo ooridiisa ah. Waxaa durba loo sheegay, in reerkani dariska kusoo biiray, yahayna aroos cusub oo dhowr bilood uun ka hor aqal galay.

Oday Calasow oo sidiisaba dad jaceylka iyo naxariistu ay aad ugu badanyihiin oo haddana ah nin laabxalan oo aan haba yaraatee aan wax xummaan iyo isla weyni ah aan kashiisa laga heleyn. Sidoo kale, waa aw; oo Qur’aanka wuxuu ka yaqaannaa labada jallaad ee Arbaco iyo Khamiis, dadka yara wajacsanna wuu Qur’raan saaraa, tahliishana wuu u tufaa. Maaddaama uu inta badan daal la soo hoydo oo uu shaqa culus qabto, badiba wuxuu seexdaa fiidka hore oo wuxuu mar-mar soo nibdaadaa ammin dhexe, inkastuu u badanyahay eedaanka koobaad ee Salaadda Subax.

Caawa goor aan eedankii la gaarin ayuu suuli u soo toosay oo markii uu soo xaajo-gutay sariirtiisi dib ugu soo laabtay. Markiise uu dhinaca joodariga dhigay, ayuu maqlayaa codka qof dumar ah oo mar taahaya, marna ashahaadanaya! Intuu soo fariistay, ayuu aad u dhageystay, ilaa ay u caddaatay in qofka taahayaa uu yahay gabadhii aroosadda cusub ahayd. Dhawr mar buu inta sariirta ka degay oo qolka ka baxay ku tallamay ‘in uu iridda ku garaaco’ si uu gabadha yaasiinka u saaro. Waxay isaga la tahay in ay ruux-baxeyso; sidaasna ay ashahaadka afka ugu heyso. Mar kale, wuxuu maleeyaa in bogga looga dhagayo oo uu is yiraa: ‘tahliil ma u tuftaa?’ Si uu yeelo intuu garan waayey, ayuu qolkiisii kusoo noqday.

Hadda taahii iyo ashahaadkii gabadhu way sii gaabanayaan. “RABBIGII xanuunka ka fujiyow, ayaa mahad leh” intuu yiri ayuu iska seexday. Aw Calasow ALLIHI waa ALLE oo maba oga, in taaha iyo ashahaadka wada socda ee gabadhu aysan ka dhalan xanuun ku soo booday, balse, uu yahay mid ka dhex curtay lammaane bilihii hore ee arooskooda ku jira. Odey Calasow iyo waayeelka kale ee guriga ku nooli, jiifka kuma noqdaan salaadda subax ka dib, xataa haddii ay maalin Jimca ah tahay oo aysan shaqo jirin. Waxa ay geedtallaal weyn oo barxadda guriga ka baxay hoostiisa dhigtaan gambarro, iyaga oo iska soo horjeesta, halkaasna ku qaxweeya. Waxaa goor dambe fadhiga ku soo biiray ninkii gabadha qabay, oo bariidin ka dib uu odey Calasow si degdeg ah u weydiiyey su’aal aheyd: “Maandhow, gabarta xaaladdeeda ka warran?” xalay hee si xunaa loo qabtay oo ashahaadkeeda waa ka gam’i waayaye. Maraan damcay inaan albaabka idiin soo garaaco oo yaasiinka la gaar ayaan is iri.

“Ninkii oo aad u naxsan, hadalkiina ku dhegay ayaa yiri: “adeer waa roontahay hadda” isla jeerkaasna wuxuu u far-muqay iyada oo suuliga ka soo socota. Geesta intay ka martay ayey burjikadeeda shidatay, markaasaa Calasow hadal tannaago aan fogeyn ah ku yiri: “Maandhaay, waa ILAAHEY mahaddiis haddii aad saakay ka canjeero dubaneyso xanuunkii darnaa ee xalay ku qabtay. Maandhadeey, hadhow i soo xasuusi, aan tahliil kuu tufee, Ilaaheeyna ha kaa caafiyo xanuun daran ayaa xalay ku qabtaye”.

W/Q: Qaasim Cabdulle Xuseen (Qaasim Neero)

Naga la soo xiriir: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN