BARIIDIN IYO BADBAADO W/Q:- Cabdikariin Cabdulle Culusow “Ugaas Jallaato”

BARIIDIN IYO BADBAADO

Maano Iisho waxa ay ka shaqeyn jirtay warshadda hilibka, warshaddaas oo lagu diyaariyo hilibka kawaannada, maqaayadaha  iyo dukaamada waaweyn si lagu iibiyo. Habeen habeennada ka mid ah markii ay shaqada dhameysatay oo shaqaalihii dhar baddalasho aadeen si qof walba gurigiisa u aado, Maano ayadu waxa ay is tiri: Hubi mid ka mid ah qaboojiyayaasha waaweyn ee lagu keydiyo Hilbaha. Haddaba maxaa dhacay? Maano Markii ay gudaha u gashay albaabkii ayaa ku xirmay waa ay qeylisay oo albaabka garaacday nasiib-darrose cidna ma maqal saacado kaddibna waxay ka quusatay nolol adduunyo. Ayadoo rajo beelkaas geeri sugto ah ayaa albaabkii la furay. Yaa furay albaabka? Waxaa furay waardiyihii warshadda Maano yaab iyo af kala qaad ayey ku noqotay waayo waardiyaha shaqadiisu ma aha in uu furo qaboojiyayaalka, kaliya waa in uu kor ka eego tuugadana ka ilaaliyo.


Inta u mahad celisay ayey ku tiri: in aad halkaan soo gasho oo albaabka iga furto maxaa kugu dhaliyay? Sidee baadse ku ogaatay inaan halkaan ku jiro?  Jawaabtii uu siiyay Maano  waxa ay ku noqotay af kala qaad waxa uuna ku yiri: Waxaan warshaddaan waardiye ka ahaa in ka badan 25 sanno, waxaad tahay  qofka  kaliya ee markuu soo galayo iyo marka uu baxayo i bariidiyo, salaantaada subaxnimo iyo midda fiidnimo waxa ay igu dhaliyaan dareen in aan ahay qof nool oo jira waxaanna dareemaa farxad mar walba oo aad i salaanto. Amminnada aad shaqada ka soo baxeyso iyo marka aad soo galeyso sidii bil dhalaneyso ayaan u sugaa, caawa markii aan codkaagii halaasiga ahaa aan waayay waa ii cuntami weyday adigoon nabad galyo i dhihin inaad hoos ka dustay ama xilli hore baxday, waxaan baaray buugga shaqaalaha saxiixaaga bixitaanka markii aan ka waayay, walwal ayaa igu dhashay markaas ayaan go’aansaday inaan meel walba kaa raadiyo marka hore, nasiib wanaag Alle ayaa igu beegay inaan qaboojiyaha kaa dhax raadiyo waaba adigoo naftu ay kugu sii daba yar tahay.

Haddaba, Maano nafteeda waxaa badbaadshay Alle swt ka sokoow wanaaggii ay ka kasbatay ilaaliyihii warshadda oo  had iyo jeer aysan salaanta la dhaafi jirin dhanka kale waarddiyaha noloshiisa wax weyn ayey ka baddashay saameyn xooggan ayeyna ku yeelatay. Haddaba aqristoow sameey wanaagga  ha na u sameyn baaqi ha laguu soo celiyo ee u sameey dar Illaahey wanaag walba oo aad sameyso dadka waxa ay ku yeelaneysaa saameyn taasoo adiga buugaagta qalbigooda aadan ka go’i doonin. Maxaa kaaga baxay? Ma ooysay? Ma faraxday? Maxaa saameyn ah oo ay kugu yeelatay sheekadaan? Nala wadaag dareenkaaga.

W/Q:- Cabdikariin Cabdulle Culusow “Ugaas Jallaato”

SHEEKOOYIN