Bidhaanti i bi’isay! Q2AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

 Bidhaanti i bi’isay! Q2AAD 

Bilan hubaal way la dhacdey Baashe  qofnimadiisa iyo noloshiisaba, Baashe waxay go’aansatay inay gacanta ku dhigto, haddaaney jirin gabadh uu jecelyahay danaheeda gaar ahaaneedna saldhig uga dhigato.Baashe markiiba wuxuu  dabka saarey Shaah, intuu shaahu karayey ayuu u keenay dhar nasiino ah oo gabdheed Bilan, markaasey Bilan tidhi maxaad iigu  lahayd xaas ma lihi sawtan dharkeedi aad ii keentey.

Baashe oo qoslaya ayaa yidhi: Ma macawis baad iga fileysay mise surwaalka jiifka, haddii marti ii timaad haween ah ayaan ugu talo galay.Bilan ayaa dharkii ka  qaadatey isna waa ka baxay, iyadoo is eeg eegaysa ayey soo baxday, markaasaa Baashe weydiiyey ma dharkaa kugu weynaaday mise?

Baashe oo diyaarina laba koob oo ay shaaha ku cabaan miiskana dul taagan hoosna ilqoodha kaga xadaya quruxda Bilan ayaa intuu qoslay yidhi waaban ku garan waayey.Bilan ayaa intey kursi dacal yaalay miiska fadhiisatay koobkii shaaha ahaa ee loo diyaariyeyna labada gacmood ku qabsatay ayaa indho waaweyn oo cadcad intey ku eegtay, markii ugu horreysay ee ay kabbatey ayey tidhi waaw waaw caadi maaha, Caraftiisa iyo macaankiisu waa isu dheelitiran yihiin.Baashe oo doonaya inuu ka aarsado ayaa yidhi: Kana mindhaa xaaskayga. Jinka ah ayaa karisay?

Qosol baa loo wada dhacay, wuxuu u tilmaamey musqusha haddey u baahantahay wuxuuna u sheegay inuu magaalada ku soo wareejinayo dhawr saacadood inta aan habeenku dumin.Bilan ayaa aad ula dhacday arrinkan, markii ay diyaargaroobeen ayaa waxaa soo dhacay, Telefoonka Bilan, Bilana waxay gashay Af qalaad oo uusan waxba ka fahmayn, waxaana waxoogaa ula muuqatey qof werwersan oo aan xasilooneyn.

Bilan waxba ugama sheegin arrinka telefoonka isaguna ma weydiin, waxay hadba beer cagaaran iyo hara dusheeda qurxoon ku wareegaan waxaa gaabtey si fiican gabalkii waxaana laysku raacay in magaalada laga wada casheeyo.

Bilan oo ka heshay dalxiiska ayaa waxaa haddana niyadeeda ka guuxaya hawsha ay ku jirto iyo saameynta ay ku yeelan karto, Waxaa la fadhiistey Laba kursi oo miis ubaxyo  dhexda ka saaran yahay maro caddina ku goglantahay hareeraha ka yaalaan  laba kursi.

Waxay dalbadeen cabitaan iyo cunto, daqiiqado kaddib waxaa soo dhacay telefoonkii waxaana argagax galay Bilan, iyadoon cashadii iman ayey tidhi xaafadda na gee oo Airporka igu celi dhakhso walaal.

Arrinkan wuu la yaabay Baashe waxaase yaab lahayd markii ay usoo degeen  hoos ayaa waxaa markiiba hareereeyey laba baabuur oo niman xoog leh saaran yihiin.

Waxaa lala booday Bilan isagana inta beerka laga tumay ayaa laga tegay, Baashe wuu miyir daboolmey isagoo weli miyir la’a dhaawacyona wejiga ka qaba ayaa waxaa arkey dad  garaashka hoose ee Parkingka baabuur dhiganaya. isla markiiba waxay qaylo dhaan u direen, ciidanka nabadgelyada( booliis) ciidanka nabadgelyaduna wuxuu sii wargeliyey gargaarka degdega ah.

Waxaa loola cararey isbitaalka Baashe, Saacaddo kaddibna wuu soo nibdaadey oo soo naaxay, markuu arkay xaalkiisa ayaa askartii u timid oo weydiisay sida wax u dhaceen iyo cidda dhibka u geeysatay.

Wuxuu Baashe u sheegay isaga iyo gabadh wada socda in la soo wareeray isna la tumay gabadhiina la qaatey, haddana wuxuu weydiiyey Booliiska gabadha xaalkeedii.Waxaa loo sheegay in xitaa ay baadheen, qaybihii Kamarada ilaallada ah, aysana arag cid wax gaadhsiiswy iyo gabadha uu sheegayo.

Sidoo kale waxaa ay ka codsadeen inuu gabadha faahfaahin ka siiyo, Magaceeda kan qoyskeeda, da, deeda iyo haddu ka hayo wax sawiro ah.Baashe oo xaalku ku murgey ayaa u sheegay in magaceeda la yidhaahdo Bilan, da’deeduna tahay ilaa 23 jir balse aannu haynin amminta dhalasheeda, sidoo uusan haynin wax sawir ah.

Kaddib ayaa la weydiiyey halka ay degantahay qoyskeeda iyo meel loo raadraaco inuu ogyahay si loo helo macluumaad buuxa.

Baashe ayaa haddana ka gacan taagtey oo yidhi ma aqaano, ciidankii booliiska iyo qolyihii dambibaadhista yaabay, waxaa markaas la weydiiyey intee in le’eg  ayaad is taqaanan?

Baashe oo ku wareeray weydiinaha ayaa yidhi waxaanu is baraney 3:30 Galabnimo waxaanu isku baraney gegida diyaaradaha waxay ahayd transit, waan sheekaysaney waxaaney iga codsatay in 14 saacadood iney sugeyso, sidaas ayaan ugu asxaan falay gurigeyga ku keenay cabbaar ayaan soo warwareejiyey, kaddibna halka dhibku ka dhacay maqaayad ku taak ayaan keenay markaan rabney inaan hoyaadnona dhibkaas ayaa nagu dhacay.

Booliiskii ayaa arrintii ku wareeray, waxaase markii dambe uu sheegay Baashe in boorsadeedii guriga taallo, lagana yaabo in dokumentiskeedii ku jiro.

Balse waxaa wareerku yimid markii la tegay guriga oo ay askartii tageen waxay kala kulmeen.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN