Bidhaanti i bi’isay! Q3AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

Bidhaanti i bi’isay! Q3AAD

Booliiskii ayaa arrintii ku wareeray, waxaase markii dambe uu sheegay Baashe in boorsadeedii guriga taallo, lagana yaabo in dokumentiskeedii ku jiro.

Balse waxaa wareerku yimid markii la tegay guriga oo ay askartii tageen waxay kala kulmeen.

Booliiska ayaa markey intaas ka heleen ku
Yidhi iska naso berri ayaad gurigaaga noo raacaysaa, Si aan boorsada u ogaano.

Baashe hurdo ka soo dhici mayso, waxaaba sii baqdin geliyey oo nabaradda iyo Oofaha damqanaya kuwa dhiigaya waxaa kaga darnaa, waxaa ku dhici kara gabadhii bilan ahayd!

Habeenkii oodhan ayuu baaxaa degayey, oo hadba dhinac isu rogayey markii waagii baryey, ee dhakhaatiirtii u timid waxaa loo sheegay inuu roon yahay, balse uu nasiino badan u baahan yahay waxaana loo qoray Warqad marageed caddeynaysa dhibka gaadhay, oo uu u gudbiyo Madaxiisa iyo madashiisa shaqada.

Baashe oo markaas is leh dhaqaaq goorsheegtaduna abbaareyso 8: 00 Subaxnimo ayaa waxaa albaabka ka soo galay, labadii dambi baadhe oo laka yidhaahdo Peter iyo Schmid, waxaa kale oo la socdo laba askari oo direyska ciidanka Booliiska ku lebisan.

Kolkii ay yimaadeen ee iyaguna wareysteen dhakhtarkii ayuu uga warbixyey wuxuu kale oo u sheegay inuu bixi karo.
Askartii ayaa Baashe u soo gudbey waxayna weydiiyeen xaalkiisa iyo sida uu dareemayo, kaddibna wuxuu u sheegay in uu roon yahay, wuxuu weydiiyey baabuurkiisi.

Balse inta aaney u jawaabin ayaa dhalhtarkii yidhi ilaa aan ku u ogolaano baabuur ma kaxayn kartid waayo jugbaa madaxa kaa gaadhay waa inaad nasiino badan heshaa.

Askartii ayaa u sheegay in ciidanku hayo baabuurkiisiina uusan waxba qabin, sidoo
kale markuu u baahdo uu soo kaxaysan karo.

Haddase uu iyaga raaco gurigiisa geeyo, si arrinkii gabadha loo sii baadho, Baashe waayahay buu yidhi, waxaana laysu soo raacay dhankii guriga.

Baashe ayaa jeebkiisa ka helay furaha, gurigi markay soo galeen ayuu toos u abbaarwy qolkii uu boorsada u dhigay, wuxuu yidhi waa tan boorsadii oo weli halkeedii taalla.

Waxaa la yaab askartii ku noqotey markii Boorsadii laga soo saarey dharkiisii iyo sharciyadiisi, tigidh isaga ku qoran oo uu ka yimid Kuuba.

Waxaa kale oo laga helay boorsadii Kiilo Kokaayiin ah, Askartii ayaa u qaadan weyday ninkan isagoo waxaasoo dhan boorsadiisa ku og sidee buu idiin dul keenay.

Ugu dambeyn waxaa lagu wargeliyey inuu xidhan yahay ilaa inta baadhitaanka la wado.

Waana la jeebeeyey, inuu doodo ayuu isku dayey waxaase loo sheegay.

1. Inuu aamusi karo
2. Inuu hadli karo, eray walba uu yidhaahdana maxkamada lagu hor keenayo
3. Inuu qareen qabsan karo.
Baashe ayaa waagu ku baryey markuu maqlay erayadan kaddibna waxaa amar lagu siiyey inay baadhaan guriga, iney tagaan goobtiisa shaqada oo ay baadhaan meel kasta oo uu wax dhigan jirey.

Baashe waxaa loo dalbey baabuurka shabaqlaha aha ee maxaabiista waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee gobolka iyada oo kiiskiisana loo gudbiyey maxkamada gobolka,waxaa laga gudbiyey dacwad ku saleysan.

Baashe waxaa looga shakisan yahay, Afduub gabadh ilaa hadda aan la haynin caddeymaheeda, waxaannu ka helney gurigiisa Daroogo badan, sidoo kale waxaannu haynaa caddeymo sheegaya inuu xidhiidh la
Leeyahay rag Reer Maksiko iyo Kuuba ah.

Koontadiisana waxaa ku jirta lacagta uu noo sheegay mid ka badan.

Baashe cirka iyo dhulkaa la wareegay wuxuuna garan la yahay meesha laga soo galay iyo cida shirqoolka intaas le’eg h maleegtey.

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN