Bidhaanti i bi’isay! Q7AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

Bidhaanti i bi’isay! Q7AAD 

Waa goor habeennimo ah, meeshu waa kaymo ay xeebi ku wareegsantahay dhanka kalena webi ka maro,  waa meel bahalo badan haba u badnaadaan xamaaratada Jebisada iyo yaxaasku dadka deegaanku waa dad  bartey oo habeenkii haddey gudayaan waxay  qaataan agab sida faynuuska u sameysan oo ifiya, qori dableh oo qiiqaya, qiiqaas ayaa bahalo dhibsadaan.Waxaa soo diyaar garoobey kooxdii Shuu yaaw si ay u ambabixiyaan oo BAANKOOK u geeyaan Bilan, Manual ayaa wuxuu bilaabey inuu ciidankii ilaalinayey  Bilan ee  Orasiyo madadaaliyo oo cabitaan  iyo dumar u ciyaara u keeno, waana mashquuliyey kaddib u qalab qaatey inuu la baxsado Bilan,  wuxuuna  ka dalooliyey aqalkii ay ku jirtey oo alwaaxyo iyo dhoobbo ahaa meel dambe halkaas ayuuna intuu katiinadii ka furey laba kabboodna u keenay kala baxay Bilan , Manual ayaa u sheegay inay naf is geliso Bilan oo ay orodo intii awoodeeda ah, waa qof daalaneyd oo muddo xabsineyd nafaqo iyo hurdo wanaagsana helin, haddana naf cabsi ku jirtaa ma daashee orodka waxaa ku jirey badbaadeeda, waxaadna u maleyneysay siday u xiimeyso inay maraatoon ku jirto,  sanqadhii ayaa waxaa ku toostey islaan ka mid ah shaqaalihii beeraha iyo cunto karinta  waxayna aragtey iyagoo sii dhabacanaya, Manualna waa arkay kaddib wuxuu ku handadey Bastoolad uu sitey.

Waa la naxay wuxuu markiiba  keenay  qorshe  cusub wuxuu ula orday dhankey u socdeen maahine  dhanka kale, Islaantiina markay la libdheen ayay  qaylo dhanaan ka wareegtey, inta gacanta ayuu  ka hayaa Bilan wuxuuna ku mintidayaa ineysan ka hadhin,  kooxdii Oraasiyo markey ogaadeen in gabadhii lala baxsaday ayay  rasaas fureen waxayna u wada carareen dhankii islaantu u tilmaantey. Meel god ah ayay dhabacdeen oo cabbaar ku dhuumanayeen, markii la wada dhaafey ayay soo daba marteeyeen waxayna  aadeen dhanka Galbeedka, askartiina waxay ka raadineysaa  dhanka xeebta iyo waqooyiga.

Waxay ordaabna waa ka soo badbaadeen kooxdii Oraasiyo, waxay muddo soo lugeeyeen  jiidaal dhan 10 Km kaddib ayay yimaadeen meel webi ah oo aad bad u maleyso dhankiisa kalena aadan arkeyn, waxaana halkaas ku sugayey ciidankii iyo budhcadii SHUU YAAW oo diyaarsan.

Bilan waxay la yaabantahay oo is weydiinaysaa gurmadka wiilka yari siinayo iyo meesha ay joogto halisteeda ee aysan badbaadada ka sugeyn,waxay niyada isugu dhisaysaa in shimbir malaa’igeed loo soo direy, ayna maalmo nolosheeda ka dhiman yihiin,  markii ay doonta yimaadeen, ayaa waxaa  loo gudbiyey qol hoose, halkaasoo ay ugu diyaar ahayd, cunto, cabitaan iyo lebisba Bilan,  hawshan oodhan waxaa sii qabtay Manual.Bilan oo dharkii duruufta iyo wasaqda badnaa iska bedeshay markaasna is yara toostoosisay, ayaa iyadoo koob qaxwo ah gacanta ku haysata waxay weydiisay Manual sababta uu u badbaadinayo? iyadu waxay ka shaki qabtey inuu jecelyahay oo hammi kale ku jiro, balse, waxaa waagu ku baryey markuu u sheegay  inuusan dan  gaar ah iyo lacag midna ka rabin ee uu doonayo inuu u abaal gudo. 

Wuxuu yidhi: Hadda ka hor ayaan lacag kaa dhacay, kaddibna  waa laysoo qabtay, markii lay kaa keenayna, waxaad i tidhi adigoo la jooga  Daniel, weligaa waxyar haku waayey nafsadaada ee wax weyn u badheedh, waadna i cafidey, maalintaas wixii ka dambeeyey aad baan kuu qiimeyn jirey, waxaad ahayd qof ii naxariis badan, waxaa jirtey maalin anigoo murugeysan oo meel gurigaaga dhexdiisa beero ah qamri ku cabaya inaad i wareysatey oo aan kuu sheegay inay hooyaday isbitaal jiifto oo kansar qabto, kaddibna  waxaad gacanta gelisay boorsadaada oo markaa garabka kuu sudhneyd, waxaadna iga siisay lacag badan oo aadan tirin madaxana waad ii salaaxday, waxaad ila qaybsatay murugo uusan qofna ila qaybsan.Wuxuu yidhi; Waxaad tahay qof naxariis badan weligayna waxaan jeclaa inaan abaal kuu galo, wuxuu uga sheekeeyey noloshiisa, wuxuuna uga sheekeeyey  waxay iyadu u arkaysay iska wax fudud iney  waxtar u ahaayeen uuna abaal badan u hayay.

Bilan waayaha wiilkani ka sheekaynayo maaha kuwo iyada u xisaabsan, waayo baashaal iyo hawlo kale ayaa maskaxdeeda iyo maankeeda buuxiyey, balse waxay ahayd qof mar walba taakuleysa cidda ay dareento in dhib haysto, waa dhalankeeda, waxaase ka tan badiyey damaca adduunka ee galay kaasoo u horseeday inay  weel wax kula wadaagto waraabayaan aan wax dareen wanaag ah lahayn.

Way sheekaysteen, waxayna  in badan ka sheekaysteen sidii marka la tago Baankook, lacagta loo heli lahaa iyo sidii looga sii bixi lahaa, waxay ogtahay in naftiisu halis ku jirto, waxayna u balan qaaday in ay doon weyn u iibineyso iyo guri si uusan u baahan inuu mar dambe u shaqeeyo koox budhcad ah oo qamarji ah, hadduu doonayona uu gaadho riyadiisii ahayd inuu noqdo Injineer.

Sidoo kale waxay SHUU YUU weydiisatey inuu siiyo telefoonka waxayna la hadashay intey sii socdeen, Looyarkeeda iyo mid ka mid ah shaqaalaheeda  oo ay tidhi lacag ii soo  qaadda iiguna  keena  BAANKOOK,  arrintaasna xalbaa loo helay, waayo aad baa looga werwersanaa.

Muddo ayay soo socdeen mana  dhawa meesha loo socdaa ugu yaraan 48 saacadood waa in biyaha lagu jiraa laba arrimoodba iyadoo laga wareegayo goobaha  ciidamada xeebaha ilaaliya iyo iyadoo doontu aysan ahayn mid aad u dheeraysa ee ay tahay mid kooxdani macmalatey oo mashiinadeedu aysan awood badneyn.

Baashe xaalkiisii waa  soo hagaagey dabagalkiina waxba waa lagu waayey.Qareenkiisina wuxuu la baaxaa degaba wuxuu keenay caddeymo  badan oo sheegaya in akoonkiisa la jabsaday sidoo kale gurigiisana la jabsaday iyo in aanu wax xidhiidh ah kooxdaas la lahayn, waxaa lays weydiinaya maxay ahayd  gabadha baas ee ninkaan shirqoolka gelisay ama sababta u noqotey.Labadii dambi baadhe waxay  heleen  xog badan oo ku saabsan Bilan ilaa qoyskeeda, waqtigey timid dalka Mareykanka iyo qaabkay ku timid, Aabbaheed iyo iney iyadu gacan saar la lahayd kooxda.

Waxay ka fureen Jibkii ku xidhnaa ee xayiraada ahaa, waxaana la siiyey magdhaw xidhitaankii la xidhay kaddib markay maxkamaddu fasaxday hawlihii laga lumiyey iyo raaligelin ah.Waxayse ka codsadeen inuu la shaqeeyo oo haddii uu wax arko usoo sheego, sidoo kale waxaa la furfurey dhammaan qalabkii loo adeegsaday in lagula socdo inkasta oo aan loo sheegin, waxaana laga dhigey qof xariir ah oo kiiskiisi waa la xidhay.

Baashe wuxuu is weydiinayaa tolow qoftii maxay ahayd? Ma jin mise insi? Saacaddo kooban ayay la joogtey mar qurana maankiisa sawirkeedu kama bixin. Baashe adeerkiis Sulub iyo walaashii Basra oo aan nasan intii hawshu socotey iyo isaga ayaa u dabaaldegay xaflad gaar ahna dhigtey culeyska ka degay.

Basra ayaa tidhi walaal waa inaad guursataa,  waxaa dhibkan kuu keenay waa reer la’aanta, weligaana gabadh dambe oo aadan aqoon haysku soo dhaweysayn, Baashe oo aan is ogeyn ayaa yidhi“  Walaal bidhaanteeda i bi’isay iyo Soomaalinimada oo aan ku soo dhaweystaye miyaan weligay baddan oo kale galay!

Baashe noloshiisi waxay ku soo noqotey caadi wuxuuna dib u bilowdey sidii uu u noolaa, welise qalbigiisa kama bixin  muuqaalka Bilan. Wuxuu naftiisa weydiiyaa tolow aad wax badan warsatide ma arki doonta, haddana wuxuu is yidhaahdaa mindhaa maba noola oo habeenkii ayaa la diley, badanaa weydiimaha uu iska weydiinayo keligiina isaga warcelinayaa.

Bilan waxay timid Baankook, waxayna lacagtiisii siisay Shuu Yaaw intuu sheegtay iyo ka badan, isaguna aad buu ula shaqeeyey oo wixii hawlo ahaa ee ay uga baahneyd  BAANKOOK ayuu la dhammeeyey iyada oo aan la arag, waxaanay isku diyaarisay inay safarto markay muddo is baanatey ee ka soo kabsatay dhibkii gaadhay. Kaddib markii ay hawsheedii isku dubaridatey, waxa u ambabaxday si qarsoodi ah Mareykanka, iyadoo iska ilaalineysa in la arko ayay dhammaan hantideedii si hoose u iibsatey, lacagihii dalka la yaaleyna  ka uruursatey, waxayna u wareejisatey  Lacagteedii oodhan waddamo eeshiya ah waxayna u guurtey waddanka indonesia iyadoo og in kooxda  daroogada ka ganacsataa aysan ku dhicin iney waddankaas yimaadaan, maadaama uu yahay dil qofka lagu qabto ama lagu tuhmaahi. waxay bilowday inay ganacsi kale gasho oo ay warshado iyo shirkado waaweyn share ka gasho.

Weli niyadeeda kama bixin Baashe iyo habeenkii la soo qabtey, waxay  ku talameysaa inay  hesho sida ugu dhakhsiyaha badan meel ay kala xidhiidho, haddeysan helina  meel ay ugu hagaagto oo ay kula kulanto ama warkiisa ka hesho waaba haddii uu noolyahay.Bilan lafteeda waxaa ku daaran weydiimo badan oo inta badan waxay wax iska weydiineysaa wiilkii ay saacaddaha la joogtey“ Laba kala bariday kala war la’“ waxay go’aan ku gaadhay inay  hal mar dalkuu joogey ugu tagto, weliba gurigiisa si lama filaan ah, kama ayso lamber iyo meel ay kala xidhiidho, balse, waxay rabtaa iney qiyaas ku raadiso.

Ma taqaan wax dhaafsiisan magaciisa Baashe iyo meesha uu joogo,  si dhab ahna uma xasuusato ciiwaankiisi, waxaase ay ogtahay magaalada uu degan yahay iyo magaciisa, sidaa awgeed waxay u xil saartey  qaar ka mid ah shaqaalaheeda inay magacaas magaalada ka raadiyaan qaab walba iyagoo adeegsanaya aallada internerka, bal in ciwaankiisa la helo.Magaalada waxaa degan dhawr Baashe, waxaana xaalku noqday in mid walba la baadho oo la guda geliyo macluumaadkiisa, si loo helo muuqaalkiisa ama  ciwaankiisa oo sugan.

 

La soco qaybaha kale.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN