Billowgii xisbiyada siyaasadda islaamka.Q1AAD W/Q: Shaafici M. Axmed

Billowgii xisbiyada siyaasadda islaamka.Q1AAD

Loolanka dhanka madaxtinimada ayaa abuurey, soo if baxa xisbiyo iyo kooxo siyaasadeed islaamka dhexdiis ah.Markii aan dib u eegno sooyaalka waxa aan ogaanaynaa loolankii ugu waynaa ee bulshada  muslimiinta dhex mara, waxa uu ahaa mid ku salka ku haya hanashada hoggaanka iyo madaxtinimada.

Shiikha lagu magacaabo Shahrastaani oo ka faallooda arrimaha kooxaha diiniga ah waxa uu leeyahay: قال الشهرستاني في كتابه: ”المِلل والنِّحل”: [وأعظم خِلاف بين الأمة في الإمامة، إذا ما سُلّ سيْفٌ في الإسلام على قاعدة دينية مثل ما سُلّ على الإمامة في كلّ زمان].

Shiikh Shahrastaani

Oraahdaan oo dulucdeedu tahay : Loolankii ugu adkaa ee dhexmara bulshada muslimiinta waxa uu ahaa mid salka ku haya hanashada hoggaanka ,sida la isugu dagaalay aragtidaas diiniga ah , ma jirto aragti la mid ah oo dagaal sababtay.

Loolankaas iyo kala aragti duwanaashahaas ayaa keenay sabaab in ay soo if baxaanururo iyo xisbiyo siyaasadeed oo kala aragti duwan,kuna loolama hoggaanka iyo talada islaamka.

Waleed Eseily

Xeeldheereyaasha iyo aqoon baarayaasha islaamka ayaa rumeysan in soo if bixidda , xisbiyada islaamka ay ka soo bilaabanayso, kaddib dilkii hoggaamiyihii saddexaad ee muslimiinta Cusmaan bin Cafaan.Markii uu hoggaanka la wareegay allaha ka raali noqodee Cali bin Abii Daalib(Eebbe haka raali noqdee)waxaa arrintaas u quuriwaayay koox ay hurmuud u ahaayeen Mucaawiye bin Abii Sufyaaniyo Camar bin Caas. Ayagoo ku andacoonaya in ay raadinayaan magtii Cusmaan bin Cafaan (Eebbe haka raali noqdee).

Ummadii waxay u horseedeen dagaal dhiig badan ku daatay dad badanna ay ku nafwaayeen.

Heshiis, ku dhammaaday dhagarta iyo dagaal lagu hoobtay kaddib waxaa bilaabatay dood iyo in lagu kala aragti duwunadaado ,heshiiskaas, waxa ayna sababtay doodaas in ay soo baxaan, kooxo diimeedyo iyo siyaasadeed waxaanna ugu horreeyay kooxda lagu magacaabo al khawaarij.

Kooxdaas oo diiday heshiiskii dhexmaray labadii garab ee dagaallamayay ee Cali iyo Mucaawiya, waxa ayna noqdeen koox urursan oo leh hoggaan iyo xeerar. inkastoo ay hubaysnaayeen, waxa ay noqdeen xisbi siyaasadeedkii ugu horreeyay muslimiinta dhexdeeda, ka soo if baxa ,waxa ayna ku dadaali jireen sidii ay ku hanan lahaayeen hoggaanka ummadda.

Sidoo kale waxaa jirtay koox garab istaagtay cali bin abii daalib ayagoo aaminsan in uu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee muslimiinta .

Kooxdaas waxaa loo bixiyay magaca SHIICA,waxa ayna lahaayeen hannaan iyo xeerar cad , oo qeexaya waddada sharciga ah ee lagu hanan karo hoggaanka umadda , waa sida ay ayaga la tahay.

Markii la dilay hoggaamiyihii sharciga ahaa ee muslimiinta , waxaa hoggaankii awood aan sharci ahayn kula wareegay Mucaawiye bin Abii Sufyaan iyo kooxdii uu hor kacayay , waxayna u badaleen hoGgaankii ku dhisnaa doorasho iyo wada tashi mid boqorteeyo oo reer gooni ah iska dhaxlo.

Arrintaas waxa ay keentay in ay soo baxaan koox waddata aragti kacaan ah kana soo horjeestay hoggaankii muslimiinta in laga dhego mid qoys iska dhaxlo.Kooxdaas waxaa lagu magacaabay magaca AL MUCTAZILA.Aragti ahaanna waxa ay udhawaayeen shiicada ,

Firqooyinkaan kala ah AL KHWAARIJ , SHIICO IYO AL MUCTAZILO , marka aan kumagaacabayno in ay yihiin xisbiyo siyaasadeed, waxaan ka fiirinay saddexdaan qodob:-

  1.  Waxa ay lahaayeen hannaan (nidaam), iyo hoggaan.
  2. Waxa ay lahaayeen aragtiyo qeexan iyo halbeeg ay dadka ugu yeeri jireen .
  3. Waxa ay ku dadaali jireen sidii ay ku hanan lahaayeen hoggaanka ummadda muslimiinta.

Qodabbadanna waa kuwa ay ku dhisanyihiin xisbiyada waayahan cusub.

FG: marka aan ku tilmaamay kooxda khawaarijta in ay yihiin xiwbi siyaasadeed, ma ahan in aan la dhacsanahay atagtiyadooda qallafsan ee diinta islaamka baalmarsan, iyo sidoo kale ma ahan in aan taageersanahay waddooyinka ay u mareen hirgalinta aragtiyadooda , oo ah in ay hubaysnaayeen haddana dhiigga muslinka ay banaysan jireen.

Waxa uu qoraalka ujeedkiisu yahay xisbi siyaasadeed kuwii ugu horreeyay ee soo ifbaxa bulshada muslimiinta, ha ahaado mid wata aragti qalloocan ama aragtidiisu toosan tahay.

la soco qaybaha kale……

W/Q:Shaafici M. Axmed

SHEEKOOYIN