Buugga Cusub: Baalkii Madoobaa ee Noloshayda W/Q Warsame Cumar (Shiidley)

Buuggan  cusub ayaa soo baxay dhawaan,  waxaa  Qoray, Qoraa Warsame  Cumar(Shiidley)

unnamed                                

                                         GOGOLDHIG

Dhiganahan loogu wan-qalay “Baalkii Madoobaa ee Noolashayda” kolka koobaad, inta aad si dhaygag leh isu taagto ayaa aad u hollan doontaa inaad akhrido magaca, dabadeed aad kala furto si aad u daalacato nuxurka gudihiisa ku jira; waxbaad dareeemi doontaa, niyaddaadana bilawgaba ruxi doona mustaqbal gabadheed oo quruxdiisu soo carfayso, bilawga goortaad akhrisato waxaad dareemi doontaa mustaqbal dhan walba ka qurux badan.

Ugu horraynta, nolosha curdinka ah iyo hanka aqooneed ee gabadhan qisadu ku socotaa siday u bilicsan tahay ayaad la dhici doontaa kuna dareeen siin doona ifa-faalaha mustaqbal ee gabadha iyo sida ay meel sare u hiigsanayso; haddana dhanka kale isla daqiiqado ka gadaal nolol guri , jacayl, naxariis iyo niyad samaan leh ayay laydheedu ku jiidhi doontaa; adigoo sii baraadla’ ayay albaabbada naxdintu markaliya isku kaa ballaqi doonaan!

Maan kaaga waxaa kusoo deg-degi doona niyad jab, rajo-dhig, nacayb-rageed iyo inaad guur inan rageedba ka xanaaqdo! Waxaase kuu caddaanaysa, tabaha iyo xeeladaha ragga noocooda gaabsi doonka ahi ay gabdhaha ku hodaan kuna hagar-daameeyaan. Waxaad sidoo kale ku baran doontaa sida rag badani ay ugu cayaaraan mustaqbalka gabdho badan oo aan nolosha u bislayn. Ninku kolka uu khayaano usoo xadhka soohdo kama nasto illaa uu ka gungaadho, waana halkay daaran tahay maah-maahda odhanaysa “nin danleh ma daalo”. Dhiganahani wuxuu macalin bilaa shilimaada kaaga noqon doonaa tabaha lagu soo xero geliyo gabdhaha kuwa ugu weyni inay yihiin ereyada dareen taabadka leh ee macaan kuwaa soo muujinaya jacayl aan dhuunta dhaafsiisnayn iyo daacad nimo aan carrabka ka korayn taasi oo ay adag tahay inay fahanto gabadh yari illaa mid gaaso-baxday mooyee.

unnamed

Buuggan oo si xikmadaysan, misana xeeladaysan uu qoraagu ugu soo gudbinayo sheeko la yaab leh oo ka dhacday gudaha magaalada Xamar sannadihii lasoo dhaafay, dabadeedna qalinka inta la dultagay si heersarraysa innoogu soo gudbiyay. Waxa ay qisadani ku habsatay gabadh da’yar oo markaas soo baxaysa qurux iyo qaayana isku darsatay balse nasiib darro uu qalbiga ka xaday ragga nooca loo yaqaanno “Shabeel-naagoodka” mid ka mid ah. Intii uu gabadhan marxaladaha kala duwan la maraayay wuxuu u adeegsaday hubka qalbiyada dumarka lagu gumaado kuwooda ugu culus uguna awoodda weyn, si uu u gaadho danta uu ka leeyahay.

Waxa ay taasi dhalisay in gabadhii kalgacayl aan jirin lagu sabo lagana danayso, iyadna ay waydo guud ahaan mustaqbalkeedii gabadhnimo iyo kii geeddi socodkeeda nololeed labadba. Qalanjadii curdinka ahayd oo ku cataabaysa,

“Caku inan rageedoow,

Maxaad gabadh cunteenood,

Cidlo madhan dirteenood,

Cisigii ka faydeen” misana ciirsi weyday oo calool xumo daraadeed xilliyada qaarkood isla hadlaysa, ayaa qoraha la wadaagaysa gun iyo baar sidii ged-geddoonka waayuhu ku ahaayeen intii marxalladdan kakan ay dhex muquuranaysay iyo hadda siday wax yihiin.

Iyada ayay qisadani qabsatay, iyada ayaana ah mataalaga ugu weyn ee qisadan. Muddo markii af macaan lagu sabo, waxaa lagu beeri doonaa jacayl aan dibnaha dhaafin iyo mustaqbal guur oo aan maanka gaadhsiisnayn; waxay la jiifi waayaysaa jacayl mala-awaal ah, kaasiyoo oontii ka jaray anfaca dhammaanteedna uga soontay, iyo illin aan xad lahayn oo ku gun-xidhan waayidda muuqiisa oo sida dheemmanta ugu hillaaca, muddo waxay la noolaato dareen aan jirin oo la dhacsanaato hawo been ah iyo farxad malo-awaal ah, waxay soo gaadhaysaa xilligii uu ka dheeraan lahaa. Gabbal dhacii ay faraxa iyo rayn-raynta kaga soo guryo-noqotay wuxuu isku geddiyay mid murugo iyo ciil badan, waxay qaadaysaa “badnidaa habeen yahaw, baryi waaba waagii” .

Goortuu ooggu iftiimay, maba aysan seexan’e waxay caga-cagaynaysaa daqiiqadihii ugu eedaadka iyo anfariirka badnaa; waxaana la joogaa gegida diyaaradaha ee Aadden Cabdulle, cagtuu saaray ayay gacaha dhulka la weyday, waxay kasoo baxday garoonkii diyaaradaha iyadoo qalbigu ruxmayo. Noloshu ayaantaa dabadeed waji gabax iyo madaw ayay isu beddeshay boholyawga caashaquna boqol ayuu kor u dhaafay, balse nasiib umay helin aleenkii koowaad uu usoo diro inay is maqlaan, dharaaro ka gadaal kolkii lays helay ayaa halkii lagasii amba qaadayaa jacaylkii danaysiga ku salaysnaa!

Mudo waxay sidii ahaataba Yaasir oo ahaa danaystihii maanka gabadha dullaystay ayaa soo gaca dhigtay banderka Xamar, ray-rayn iyo u riyaaqid dheer ka gadaal wuxu la helay dabinkii uu la rabay kolkuu ka danaystayna waaka tagay. Meel uu jaan iyo cidhib dhigay kolkii la waayay dantu waxay is baraysaa gabadh la dhalatay Yaasir oo ahaa danaystiihii makalay mustaqbalkii ifayay, kama aysan helin gar-gaar buuxa, niyad jab iyo luuf-luuf dheer ka gadaal, Yaasir muusan mahadin wuxuuna galay dhakhtar taasiyoo loo dhigay qalliin xubinta taranka ah!

Sheekadan oo ah mid wajiyo badan, danta ugu weyn uu qoruhu ka lahaa oo ah, sida ugu habboon in loo soo tebiyo gabbood-fallada raggu u geystaan haweenka iyo dhaqanka tacaddiga ku salaysan ee ay kula dhaqmaan aalaaba gabdhaha. Sidoo kale ujeedka ka dambeeya soo gudbinta sheekadani wuxuu biya dhaceedu yahay wacyi gelin iyo digniin akhriste yaasha tusaale nool u ah siiba gabdhaha aan wali nolosha u bislaan, sidoo kale akhriste yaasha waxa loogu talo-galay inay noqdaan farriin tebiye-yaal intii aanay qalin ku gaadhin carrab ku gaadhsiiya iyaga oon lunsanayn xaquuqda qalinka qoraha.

Dhiganuhu wuxuu u qaybsan yahay afar qalcadood oo mid kastaa ku qotonto hirarka iyo is ged-geddiga qisadu hadba halkay marayso, taasiyoo akhristaha u sahlaysa isku xidhka iyo mid kastaa macnaha ay xambaarsan tahay. Dhiganuhu wuxuu u qoran yahay qaabka ugu qurux badan uguna farshaxansan ee wax loo qoro, suugaan cuddoon ayaa ku xardhan iyo ereyo ka turjumaya xaqiiqada hadba halkay wax marayaan. Akhriste kastaa wuxuu ku raaxaysan doonaa qaab-qoraalka dhiganahan. Akhristuhu keliya qisada iyo biyo-dhaceeda uun ugama faa’iidaysan karo ee sidoo kale wuxuu uga faa’iidaysan kara qaab-qoraalka xardhan iyo sida dhigane soo jiidasho leh loo qoro. Yaan lagaaga sheekaynine adigu noqo ka sheekeeye kuna cibro qaata dadkana uga faa’iideeya.

                             Naciima Abwaan Axmed Colaad “Qorane”

 

SHEEKOOYIN