Cabdi indho la’ Q-3AAD W/Q: Cabdulle Cabdikariim (Abka Xaaji)


Amran hooyadeed oo inta soo hilhilatay oo wambar dheer oo horteyda yaallay ku fadhiisatay oo qummaati iiga soo hor jeesatay, ayey tiri: haddaan warrami karaa ee ha nixin hana cabsoon adduun haddii la nool yahay waa uun iska sidaan waa la is arkaa goor ay ahaataba, waxa ay tiri: ma maqashay hees uu fannaanka weyn ee Axmed Cali Cigaal ku luuqeeyo ee tiraahda:

  • Waa leysku soo noqoneey
  • Wixii nool adduunyada e
  • Dhulkoo naqu ku da’ayee
  • Roobkuna ku nuuxsaday
  • Nimcadii adduunkaay
  • Bal nasiibkeyga ila dhowr.


Ish calaa hees iyo badh waaye ayadoo hadalkeedii sii wadata ayey tiri: hadda heesta dan iyo muraad kama lihi murtidaan ka raacay, in haddii mowtku na daayo oo la kala irdhoobo in la is helayo maalin maalmaha ka mid ah. Horta wiilkeygiyoow waxaa la yiri: waxaa ugu daran adduunka nimaad sugeysoon soo socon iyo mid aad soortoon kaa socon, warka yaanan kugu dheereyn ee gabadhii maalintii ku daaweyneysay ma xasuusataa sidey u ekeyd? Intaan in door ah fakaray oo meelaha daydayay oo maskaxda baadh baadhay ayaan maya la soo booday, illeen waxa aan xasuustaa oo kaliya qof dumar ah  oo qurux iyo joog iyo jamaal Alle ugu deeqay, kuna labbisan goonno sharrax sharrax leh oo midabbo kala duwan iyo riigtimo is dhax qaadsan leh  iyo shaar cad oo gadaal u dheer goor sheegto yar ay jeebka kore u suran tahay, balse, wajigeeda waa iga hor muuqdaaa magaceediisi waan soo qaban waayay.

Si kastaba arrinku ha ahaadee waxa ay tiri: sawirka kuu muuqda ee aad  suureysatay aniga ayuu ahaa, si kal iyo laab ah ayaan u naxay mar waxa i hor yimid gabadhii jalaqsan naaxsan buufsan dheerey aheyd iyo duqdaan i hor fadhida marna waxaan is iri: maxaa ogeysiiyay waxa maskaxdaada ka dhax guuxaya, shaqfir inta dhahdo orod albaabka ma uga baxdaa. Loolankii iyo hardangii aan iskula jiray wali anigoo dhax mushaaxaya ayey gacanta iga qabatay KUD inta isku dhahay oo KOR u booday  sida bahal i qaniinay waxaaba horteyda taagan Amran oo Darmuus Af Yaxaas iyo Bakeeriyaal saxan fidsan ku sidda saa waxa ay dareentay hummaagga istaaggeyga, waxa ay ii maleysay Hooyadeed  saa waxa ay igu tiri: Hooyo iska  fadhiiso anigaa u geynaayo wiilka Hooyadeed oo markii aan kor u booday laftirkeedu fara ka naxday oo is tiri: igaarka maxaa helay oo uu la booday ayaa igu tiri: Igaarkey Cuudu billeyso maxaa ku daaray mahaan sheyddaan iyo shar ma leh MINAN Culumo waaye Amran waa xaafidul Quraan Aabbaheed Shiikh waaye aniga sidoo kale waxaan nahay qoys Alle uu barakeeyay oo ku xiran.

Markaas ayaan inta qaboobay salka dhulka la goobay, Amran ayaa inta miis weyn oo dhinaca yaallay agabkey wadday saartay oo miis kaloo yar kasoo hoos bixisay ayey aniga iyo Hooyadeed inta u dhaxeysa dhigtay inta gaddoontay ayey saxankii darmuuska iyo Bakeeriyaashu ay saarnaayeen soo qaadday miiskii yaraana dul qotimisay qofkaan ayaa Camoole ah waa liqi waayay si caadi ah u adeeganeyso inta isoo daymootay ayey igu tiri: ma Caddeys baan kuu shubaa mase Bigeys? Erayga Bigeys ma fahmin waxa aan u qaatay malaha buskut iyo wixii la mid ah waxaan ugu hal celiyay Bigeys ma cuni karee Caddeysna ma jecli haddii Rinji la helaayo kaas igu qabo. Inta qosol yar la wada qoslay, Amran Aabbaheed oo in dhaweydba dhageysta ka ahaa ilaa markii aan guriga nimid, ilaa hadda ayaa yiri: Bal aniga Garaw iiga dhig, markaan dhagaha ayaan taagay inkastoo aan is adkeeyay Garawga uu odayga sheegayna waa damcay inaan dhaho waa maxey Garaw? Waase is celiyay Odaygii asagoo hadalkiisii sii wata ayuu yiri: labadii sanno ee gurmadka qaranka ayaan gobollada waqoooyi ku soo qaatay, maalintii u horreysay ayaan maqaayad galnay xilligu waa  kaliilo roobaad oo kuleyl iyo harraad badan, hanfida dhacaaya la yaabo, gacmahaan soo dhaqannay oo inaan qadeyno isku diyaarinnay.

Waxaan aheyn afar qofood oo  aan waligood Xamar xagga iyo xagga u dhaafin, adeegihii markii uu noo yimid ayuu waxa uu noo tiriyay wixii meesha yaallay, ayuu kusoo xiray Cad iyo Caano KARAACIIN, Caddeys iyo Bigeys. Inkastoo cuntooyinka uu sheegayay si boobsiis ah, haddana  Bigeys ayaan wada dalbanay shaah ayaa naloo keenay waxaan Bigeyskii sugno cid noo juuqdana weynay, ayaan u yeernay oo ku dhahnay qadada maad noo keentid suu ku soo koobay Naw ma idinkaa Qado dalbaday. Inta aan xanaaqay ayaan ku dhahay been ha naga sheegin Bacaawyahoow aaway afartii Bigeyska aan kaa dalbannay, intuu aad u qoslay oo saaxiibbadii u yeertay ayuu yiri: wagagac waa la isku lunsan yahay war bal ila eega raggaan Bigeyska u soo fara xashay. Jac iyo ceeb baa naga raacday markaas kaddib ayaa nala kor geeyay jikada oo la yiri: sheegta waxaad af taqaanaan, marka igaarkeeyoow Bigeys haddaad naqasho Rinji lee waaye.

Intaa markii ay afkiisa ka dhammaatay oo la wada qoslay ayaa Amran hooyadeed hadalkii daftay oo tiri: NIMAAN DHUL MARIN DHAAYO MA LEH  aniga xataa mar aan Burco tagay WARYAA WARYAA iiga dhagtay inaan suuqa hilibka tagay waa isku wareernay ruux walbo oo yimaado JEENI ii dhiib war GARAB ii dhiib maahine war kale waa ka waayay anina WARYAA WARYAA aan rabaa waa ka quustay qof i la garto. Inkastoo naxdintii iga ba’day Amran Hooyadeed oo hadlkeedii madaddaalada ahaa kasoo gaddoontay ayaa tiri: igaarkey maalinkaas maalintii iigu farxadda badneyd ayey aheyd markaan ku daaweynaayay waxaan ahaa 39 jir 15 sanno xaas aheyd waligeed juc dhihin ninkeyga iyo ciddiisa waa ku kala go’een sidey u lahaayeen ma dhashadaan fur uu asagana u diidaayay habaar u labalabeeyeen waana ka aamuseen.

Intii aan ku daaweynaayay maskaxdeyda waxaa ka dhax guuxaayay su’aalo badan waxaa ka mid ahaa anigoo soo dhaafay waqtigii caadada igu dhici jirtay oo laga joogay 15 beri waxaan is lahaa bis waaye rajo Alle lagama quustee ukumaagii waa u dhammaatay iska sabar, sabar ayaad ba intaan ku soo mooddaye kolley wax dhabarkaaga ku jiro god la gali meyside, Cirbadda xanuun joojiye ayaan kor kaaga doonay, markii aan kor tagay oo jiid jiidka soo dhiftay ayey isheydu ku dhacday halbeegga lagu baaro uursidaha, yacni in aad uur leedahay iyo in kale big inta la dhahay ayaan dagdag isku baaray farxad awgeed dhidid ayaa iga yimid.

Anigoo reynreyn awgeed meel aan is geeyo weysan ayaa waxaa igu soo dhacday xaajigaaga saad ugu sheegeysaa, waxa uu iigu qalbi qabooji jiray qaddarta inaan laga weyneyn ee aan ku sabarno, maanta waxaan u sidaa war uu maqlo kii ugu farxadda badnaa. Waxaan fikiraba ugu danbeyn waxaan go’aansaday inaan u sheego waliba aanan guriga ku sugin ee xafiiskiisa shaqada ugu tago, waa isa soo daayay anigoon dhag la i qabto laheyn kor ayaan ka arkay asagoo niman kale xafiiska hortiisa la taagan asagana waa i arkay. Anigoon jidka iska fiirin ayaan dalaq kusoo dhahay mooto cirka laga soo gamay oo xoog u socota ayaa i dardartay ninkii waday asna madaxa ayuu ka dhul billaabay naf laguma soo gaarin anigana gees ayaan ku faniinay sidii TININIF  waana suuxay.

Waxaan soo miirsaday ninkeyga oo i leh bishaareyso caloosheyda ayaan salaaxay waa tan iga korreyso naxdin hor leh ayaan ka qaaday  laba saac ka hor bay aheyd markii aan caadiga ahaay oo baaritaanka ku ogaaday in aan uur leeyahay haddana waa anigaa lix billood oo uur ah leh hadalkii ayaa igu dhagay, waxaan is weyddiiyay ma RUN baa ma RIYAA?  Moogi yac sidey wax u jiraan, asxaabtii aan wada shaqeyn jirnay rag iyo Dumar ayaa horteyda ka wada muuqda war bal tanoo kale lama arag lamana maqal Inta aan fadhiga qaab sameystay oo kusoo dhawaaday ayaan ku iri: MAAMO noo wad sheekada illeen adigaa wax arkay haye maxaa dhacay? Amran hooyadeed oo  warkeedii sii wadata ayaa tiri: Igaarkey  adduunkaan wax kaa yaabsho waa la arkaaye Xaajiga ayaan gacantiisa haabtay oon ku dhahay waxaan ku iri: dhagtaada ii soo dhaweey, intuu labada daan mac iyo mac iga siiyay  ayuu dhagtiisa afka ii saaray, markaas ayaan waxaan ku dhahay:..

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Cabdulle Cabdikariim (Abka Xaaji

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN