CABDI INDHO LA’! Sheeko gaaban W/Q: Cabdulle Cabdikariim “Abka Xaaji jallaato”

Cabdi indho la’! Sheeko gaaban

Waxa ay aheyd galab gaab qorraxdu ay u sii hoyaneyso godkeedii, saacaddu waa afartii galabnimo iyo bar (4.30PM) saacad ka hor ayaan is diyaariyay, maalinkaas wax  shaqo ah ma laheyn qolkeyga yar ayaan marba dhan wax ka qabanayay illeen lixdii maalin ee la soo dhaafay waa uun u soo jiif tagayay, intaa qalbiga ayaan iskala hadlayaa oo isku guubaabiyaa gabaygii AUN Abshir Bacadle ee ahaa:

  • Gabdhahaa qamiisyada watee, Qariyay jirkooda
  • Ayagoo daruus qaatayoo qoloba meel aadday
  • Qunyar socodka aadaabta leh iyo, Quruxda sow ma arag
  • Tan ugu qurux daran haddii, Qaaddir kugu beego
  • Kumannaan xubnaha qaawiyey, Qiima dheer tahay
  • Nin walboow mid ama labo ka qabo, Yaan lagaa qadine.

Markaas ayaan kor u  iraahdaa: haddey mid kuu joogi laheyd saacaddaan labo maba rabee  ma aadan cidlooteen , halkaan ayaad isku raac raacdeysan laheydeen. Rabbi yasir Allow sahal amuuraha anigoo careysan ayaan albaabka ka booday, meel ii asteysan aan ku socdo ma jirto meesha kaliya aan aqaan oo aan waqtiga ku qaato waa masaaajidka markaan ka soo baxo waxa ii xiga waa baararka. Masaaajidka ayaan ka billaabay kuwo sideyda oo kale ay Jammeecadii ka tagtay ayaan la tukaday, markii aan salaadda dhammeystay ayaan shiikh arday cashar siinayay la  qaatay. Waxa uu ka hadlayay ahmiyadda guurka iyo faa’iidooyinka uu leeyahay,  marbuu aad nooga qosliyay waxa uu yiri: Caman kuus Caman kuus waad kala kulmeysiin adigoon waxba haleyn haddaadan raalli galin degdeg ah bixin aftaag aftaag ay isku baddalee iyo kal wiifee. Suuye waa balaayo loo baahan yahay la’aantood duniduba ma jirteen waa budo gooni u tuman. Wax yar kaddib  waa la kala fasaxay ardaydii bannaanka ayaana loo wada yaacay, intii is taqaannay labo labo iyo saddax saddax ayey isku raaceen kaligey ayaanna soo haray.

Jidkaan laba kasoo dhigay maanta waa iga go’an tahay inaanan biibitooyinka cag dhigin oo saacadda maqribka ka dhiman lug ku idleeyo magaalada. Markii aan toban daqiiqo socday waxaa horteyda kasoo muuqday gabar quruxda iyo heybadda ka muuqato  indhaha aan loo dhameystiri karin waxaan damcay inaan is maahiyo naftuse waa iga diidday oo canaan bay iigu dartay. Mar kale ayaan isha ku xaday waaba tan ii soo qosleysa gadaal ayaan iska fiirshay waddadaba aniga kaliyaa socda waa ku soo jeestay wali waa ii dhoola caddeyneysaa. Inta aan wadnaha gufeystay ayaan ku tallamay heedhe xaniinyp dhirir na doonaane fursaddaan yeysan ku dhaafin ugu yaraan telefoonka ka qoro. Waxa aan isku soo soconnaba toos ayey ii soo abbaartay hayaay inaan dib u baxsado ayaan damcay  oo aan Cabdi bileeyo lugihii ayaa bartooda koollo ku noqday horay iyo gadaal iyo dhinac waa u nuuxsan waayaay wadnaha ayaa afka ii soo galay baarkuna dhuunta ayuu soo istaagay, kelyaha iyo qeybaha kale ee uur ku jirta ka mid ah meel ay aadeen war uma haayo sambabada aaryada ay banbeeynayaan anigaaba bannaanka ka maqlo. Inta si quman horteyda iskugu aaddisay ayey tiri: Cabdoow is daji waa isla doonasho Illaah e.

Allaahu Akbar naxdin weynaa tani naxdin ka badan waa bardad oo yaa magaceyga baray waxaan iska dhaadhiciyay gacmaheeda garabkeyga saaran inta iska filqo inaan orod isku taabto. Intii aan tallamaayay indhihii ayaan wax ka arki waayay  waa rugay oo rugay oo madaxa jiljilay ha sheegin wax aan ujeedo ma leh. Gacanteeda midig ayey madaxa iiga salaaxday ayadoo leh Cabdi indho la’oow   is daji aragga kaa maqan aad baadi goobeyso waa kan aan hadda kugu daawanaayo waxaad tahay kaan u lug xirnaa abidkeey habeen iyo maalin ayaan kugu riyoon jiray mararka qaar riyo ayaad iigu imaan jirtay dhammaan reerkiinna hal hal ayaad ii bartay ugu danbeyn maanta waa adigaan i hor taagan.

Wax yar kaddib Hooyadeey iyo Aabbahey oo i raadinayo ayaa gadaasheyda ka imaan doona guriga ayey ii celin doonaan haddaad iga harto oo aad i hanan weydo maanta sidaas ayaan isku seegnay, sababta aan warka kugu soo koobayo ayaa ah: in Hooyadey iyo Aabbahey daqiiqad kaddib nasoo dul istaagi doonaan waana adiga iyo raganimadaa. Intaa dhididkii iga baxayey ayey iga tirtiraysaa inta labada daan iga shumisay markaas  ayuu araggeygii dib iigu soo laabtay. Soddon ilbiriqsi kaddib waa ba Hooyadeed iyo Aabbaheed oo dhiilleysan markii ay indhaha na saareen ayaa odaygii igu yiri: maandhow waad mahadsan tahay mar haddaad gargaartay gabadheyda camoolaha ah waxaan ka cabsi qabay inay baabuurta disho maanta. Hooyadeed ayaa soo boodday oo duco iyo ammaan iskugu key dartay deedna gabadhoodii ayey gacanta ka qabsadeen.

Talo ayaa igu caddaatay inta naf iska baaray ayaan ka daba dhaqaaqay oo aan ku iri: adeer adigaa mudan een een adeer waxa waaye waajib in la is gargaaro yaah adeer dhibna jiro xil i saarnaa baan gutay yaah adeer. Odaygii oo yaabban sida aan u tartaraayo ayaa gabadha Hooyadeed tiri: igaarkey soo dhowoow oo kaalay xaafadda soo baro. Anoon haa iyo maya dhihin ayaan tallaabada isla simay deedna ku iri: Hooyo aad ayaad u mahadsan tahay inkastoo aan  shaqo leeyahay warkaaga kama weyni. Odaygii ayaa yiri: igaarkey yaan ku lug goynin shaqadaada iska aad ducaad qabtaahe.

Beerkaa caaro kaa xagatay waa haddaan kaa yeelo inta hoos ka iri ayaan dhahay: Adeer dadku inuu is bartaa waa muhiim. Shaqadana iga cararimeysee waan idin raacayaa. Gabadhii ayaa inta qososhay tiri: dantaada fiirso gacantana waa ay iga qabatay. Odaygii markaas ayaa dareen galay oo is yiri: gabadhaada fudeyd kuma ogeyn ee sidee wax u jiraan, intuusan hadlin ka hor gabarta Hooyadeed ayaa dhanka bidix iiga timid oo igu tiri: igaarkey magacaa? Markaan shaki ayaa i galay inaan riyo ku jiro iyo inay dhab tahay ayaan kala garan waayey,  waa dhab biyo kama dhibcaan ah haa Hooyo magaceyga waa Cabdikariin ayaan ugu war celiyay waxa ay ii raacisay maandhoow ina ayaad tahay? Waa isu sheegay. Ulululululuuu waa tan alalaastay.

Odaygii waa kan dhakafaaray oo duqdiisii ku yiri: sidee wax u jiraan? Anaa kuu sheekeyn doono ayey ku soo koobtay. Musik cabsi cabsi iyo isku bog bog iyo isku farax ayaa ii shidmay. Mar waxaan iraahdaa: Mar la arag ma dhaaftaa? Mar waxaan iraahdaa: Sidey tahay marxaladdu? Mugdigaba caddaa xigidoonta ee ha maleysan shar iyo baas. Waxaan soo gaarnay gurigooda oo aan markii horaba aan naga fogeyn waa Qasri weyn waarddiyaa hor fadhiya waliba Bustoolad ku hubeysan!.


La soco Qeybta xigta. Haddii EEBBE idmo.

W/Q: Cabdulle Cabdikariim “Abka Xaaji 
jallaato”

  • NAGA LA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN