Caloolyoow Q-4AAD W/Q:- Cabdishakuur Jaamac Cali

Caloolyoow Q-4AAD

Dhowr bilood oo uu xanuunsanaa, xaalkiisuna ahaaa “Haddii cudur la waayo oo caafimaad la helo; cudur wuxuu agyaallaa qofka waayeelka ah” , saaka ayuu naf baxay Cumar oo ahaa Sureer awowgeed, hanti iyo rag dhaxla midna kama tagin oo sabool cimrigiisa ku soo qaatey askarinimo ayuu ahaa. Sureer dhimashada awowgeed waxay u ahayd eebo looga taagey wadnaha oo kale, waayo intii uu noolaa wax badan oo talooyin waayeel ah ayey ku qabtey, dhinaca kalena waxuu ahaa kii ugu danbeeyey labaddeeda awoowe (kii aabbe iyo kii hooyo). Maalmihii dhimashadiisa ayuu ku yiri cod hoose “Sureer awoowe guurso, si carruurta aad dhashaa ayiigu soo duceeyaan markii aan dunidan ka xamaamo aruursado oon hoygeygii dhabta ahaa tago”! Sureer ilmo ayaa ka soo daadatey weyna isku nabtey ilaa ay ku dul miyir beeshay, waa sax oo wuxuu damqay boog ku taalley boggeeda.

Tacsidii Cumar dadkii lacagta keenay waxaa ka mid ahaa Yaxye oo isagu yaqaanney odey Cumar waayo waxay saaxiib wada ahaayeen aabbihiis, labada odey saaxiib naf wadaag ah ayey ahaayeen, ciidamadana isku xilli ayaa la qorey. Sureer iyo Yaxye araggooda maalintii uu sida arxanka daran ula hadley ayaa iskugu danbeysay, dib danbana iskuma ay arag oo qof kasta waxaa uu ku foofey danihiisa. Tacsida waxaa sidoo kale joogta Khadiijo oo Yaxye iney is xalaashadaan ay u dhiman tahay.

Si kedis ah ayey sheedda uga aragtay, Khadiijo iyo Yaxye oo hoos galbeedka guriga taagan, aadna iskula qoslaya, isna marxabeynaya, mar qura ayuu dareenkeedu uu xaadir noqdey oo ay is tiri maxaa ka dhaxayn kara labadaan qof. Khadiijo ayaa si kedis ah isha ugu dhufatey inta ay u yeertay ayey tiri “Eeddo kaalay, aan gacaliyahayga ku baree”. Yaxye ayaa eegay mise waa Sureertii uu jeedalka naxariis darradaa la dhacay dharaaro ka hor. “Balo ku dagtay” ayuu si hoose u yiri……..

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q:- Cabdishakuur Jaamac Cali

SHEEKOOYIN