Caloolyoow! Q-5AAD W/Q: Cabdishakuur Jaamac Cali

Caloolyoow! Q-5AAD

Ducaale iyo Umulkheyr jacayl mug leh ayey isku qaadeen, dhammaan dugsigii waa laga ogaadey, wey is gargaaraan oo kooda ka baaqda casharrada kan kale ayaa usii qora, imtixaannadana wey isla akhristaan. Laga bilaabo waardiye, ardey, macallin, ilaa maamule xantoodii ayaa wada gaadhey.Dhammaadka dugsiga ayey ku ballameen in ay aqalgalaan labaddoodu, maxay aqalgalaan waa carruur qooqdee! Isagu ma shaqaysto oo waa faqiir jacayl galay, reerkoodana iskaba daa in ay ka kaalmeeyaan guurkaan uu ku dagdagayo oo iyagaa noloshooda la hardamaya, tol uu ciirsadana warkiisaba daa! Waa qorshe xag kale ka socda ee waa tii Saynab Cali Baxsan ku heestay:-

  • Haddaan gashaanti mawdku gaadin
  • Kolley gayaan bey geed u joogtaa.

Goor barqo ah, subaxnimo arbacaad ayaa loo soo geed fadhiistey Umulkheyr, waxaa soo dooney Suldaan Yaasiin wiilkiisa curadka ah ee madaxda ka ah shirkadaha isgaarsiinta. Suldaanka waxa ay is xigaan oo qaraabo dhow yihiin Umulkheyr, waa adeerkeed labaad, waxaaba ka daran taas,  suldaanka xaaskiisa hooyadeed ayey eeddo  tahay. Xog iyo xaal wareysi kadib, waxaa la isku afgartey; in Umulkheyr la siiyo Daa’uud, balse, laga warsugo iyada, iyaguna aqbalka ayey ku duugeen, waana la kala faatixaystey.

Habeenkii markii la soo hoydey, Hooyo Xasno ayaa ugu yeertay Umulkheyr qolkeeddii. “Hooyo, horta imtixaankii goorma ayaad galaysaan?” Hooyo, bisha 5aad toban iyo shan markey mareyso. “Haah!, waa mardhow bishaan intey dhamaaneyso ayaa ka hartey. Haaye, maxaa soo kordhey hooyo?” Umulkheyreey, wax weyn ma soo kordhin, balse, waxaan doonayey inaan kuu sheego in maanta lagu soo dooney? Alla! Oo hooyo yaa isoo doontey?
“Adeerka Suldaan Yaasiin, wiilka uu dhalay ee Daa’uud. Hooyo, anigu ninkaas ma rabo oo wiil ayaan sheekaysannaa, in aan is guursanno markii aan dhameyno iskoolka, ayaanna ku ballaney. Hooyo, waaba kheyr e’, wiilku waa kee? Muxuuse ka shaqeeyaa? Waa Ducaale Hooyo. Dhirbaaxo intey indhaha ku dhufatey, ayey u raacisey ma kureygaan faqiirnimada la dac-darreysan? Waan kugu ogaa doqonnimada, iyo inaad laangaab jeclaato!. waana ka istaagtey.

Sureer iyada oo yaabban, ayey usoo dhaqaaqdey dhinacii ay taagnaayeen Yaxye iyo Khadiijo. Salaan iyo is bariidin kaddib, waxay Khadiijo furtey hadalkii. Eeddo Sureereey, wiilkan Yaxye ayaa la yiraahdaa: waa saaxiibkey, waxa qorshaheennu yahay afar bilood kaddib inaan aqal galno! Oo ma is mehersateen? Ayey Sureer ku tiri: Maya! ee wuu isoo doonayaa.” Ayey ugu war celisey. Yaxye, intaas waxaa ku taagan su’aalo badan oo maankiisa walaaqaya. Goorma ayey ogaan doontaa, inaad Sureer xumeysey? Haddey ogaatose maxay sameyn doontaa? Miyey kaaga aargudeysaa Sureer?

Sureer inta ay dhinaca Yaxye eegtay, ayey ku tiri: Barasho wanaagsan, Sureer weeye magacaygu. Magacaa ba’ oo mas ku goosey. Talo maxay damacsan tahay? Malaha waa sirtii haweenka ee la sheegi jirey? Mooji! Murugadii geerida awowgeed Cumar, waxaa u raacay in jacaylkeeddii ay la haasaaweyso gabadhii ay eeddada u ahayd ee Xaliimo, bad-weyn kale ayaa ku furantay, waa iney qorshaha hawshaan gashaa.

La soco qeybaha xiga, haddii Eebbe idmo.

W/Q: Cabdishakuur Jaamac Cali

SHEEKOOYIN