Caqligeennoon wadaaddada amaahinnaa ma Diintaa na fareysa? W/Q: Ali Omar Hilole

1970620_564513883687167_4364511581326877057_n

Caqligeennoon wadaaddada amaahinnaa ma Diintaa na fareysa?

 

Ma u oggolaan laheyd carruurtaada in macallinka uu nolosha kaga daydaahi noqdo nin dadka gaaleeysiiya ama shiiceysiiya oo isagu shaabbad aanu qofku isku ogeyn dusha kaga dhifta?.

Ma jeclaan laheyd in canugaagu noqdo qummane isla qabweyn? Mid umaddoo dhan u arka waxaan waxba ogeyn isaga mooyee? Ma ku farxad gelin laheyd in ilmahaagu ka mid noqdo qolooyinka ma gafayaasha ah ee aan marna qaldamin?

inta aadan maqaalkan billaabin akhrintiisa waxaan idinka codsanayaa bal inaad wax yar qalbigiinna furtaanoo si xornimo leh uga fekertaan waxa aad akhrin doontaan, iskana illowdaan is moodsiinta ah inuu Alle kaaga dhaw yahay mid kastoo kaa GAR weyn ama kaa CIMAAMADO badan, waayo Ilaah uun baa og qofka noogu cabsida badan.

haddii aad indhaha ku dhufato qof aad mooddo inuu denbi uu la dhuumanayey faraha kula jiro, maxaad sameyn laheyd? Ma waxaad hubsan laheyd wixii indhahaagu qabteen iney sax yihiin oo uu qofkaasi balaayo dhabaqsanayey? Mise waad isaga tegi laheydoo nafta waxaad u sheegi laheyd in indhuhu ay qalad ku tahay dib u milicsigaas? Waa iga suaale labadaa mar goormeed INSAAN tahay, yacni goormeed qof wanaagsan tahay? Ma marka aad naftaada shakiga ka bixisay eed ku hubsatay hebel ama heblaayo iney bad ku jireen eed berrina ka marqaati kici karto yaad insaan wanaagsan aheyd? Mise markaad naftaada u diidday iney raac raacdo qof walaal ah qalad uu faraha kula jiro iyo ceebihiisa, ayaad insaan wanaagsan aheyd? Ka warran haddii aad adigu tahay qofkaa denbiga faraha kula jiray, maxaad dareemi laheyd? Macquul ma tahay inaad qaddarin iyo tixgelin danbe u sii haaysaa qofkaa aan kaa xishoon ee kaa daba geeyey? Ma jeclaan laheyd in qofkaasi ilmahaaga uu qudwah u noqdo ama macallin uu nolosha kaga daydaa?.

Ma ka heshaa in laguu tarbiyeeyo inan isaga uun isla qumman haddana wax ma hubsade ah weliba aad ugu deg dega xukmin ka fiirsasho la’aanna, kaaga darane aan si positive ah u fekeri karin haddana fudeyd iyo fahmo la’aan ku darsaday? Ma kula tahay taasi in lagu tilmaami karo sifo akhyaareed? Hagaag haddey jawaabtu haa tahay soo dhawoow, Feker dheer iyo tajaarib fara badan kaagama baahno, weliba abshireysoo waa waddada ugu dhaw ee dhaqso guuleysiga, waxaa kaa xiga uun inaad isu ekeysiiso wadaad fiicanoo GAR weyn iyo QAMIIS dheer leh, laakiin waa inaad xuruufi noqotaa, wax walibana u xalliya sida ugu qallafsan oo caro ku jirto, naxariistuna ku yar tahay u dhimrinna aqoon kana indho beela xaqiiqo kastoo qof aan isaga aheyni ag-taalla. Waa khasab markaa in ilmahaagu sifadaa kuu yeeshaan.

Hadduu nin ciyaalkiisii qadayaan, baahi awgeedna beerka dhulka ku hayaan uu deyn kaa soo doonto, saaxiibkaana dhegta kuu sheego inuu ninkaani qamriya cab yahay, see wax yeeli laheyd? Ma waxaad ku dhihi laheyd waryaahe anigu kuuma haayo waxaad qamri ku cabto, ee waxba ciyaalkaaga ha ku mar marsiyoonine saaxiib dukaanka iiga dhaaf? Mise xoogaa waad yara hubsan laheydoo, intaad meelaha xanxansato yaad markaad ku hubsato in wixii laga sheegaayey ay sax yihiin ayaad birta ugu dhifan laheyd ood waddada ku qulqul dhihi laheyd? Mise afkiisa iyo qasdiga uu kuu sheeganaayo uun baad wax ku xukmin laheydoo, deynta uu u baahan yahay toos u siin laheyd? Mise intaa waabad ka soo soke mari laheydo lacagtuu doonayey oon deynba ku aheyn iyo siyaado ayaad bilaa su,aal ku sadaqeysan laheyd?.

Dadkaa go’aannada kala duwan ka gaaray ninlkii Deynta u soo doontay keebaad ilmahaaga ku dayo oran laheyd? Ogoow carruurtaa gaajeysan haddii aad ka fekertood sawirato xaaladda ay ku sugan yihiin, naxariis baa qalbigaaga buuxin, oo inaad go’aan qurux badanoo Ilaah mahdiyo gaartaa baa fudud, haddiise indhahaagu dhaafi waayaan qamrada uu cabbo uun, (Een weliba la hubin inuu lacagtaa aad siineyso ku iibsan doono isagoo ciyaalkiisuna gaajeysan yihiin) eed intaa ku meereysato? Adaan ku weydiin go’aanka kaa soo fuli kara iyo foolxumadiisa.

Aan si kale u dhigo, Ramadaankii aan soo dhaafnay yaa nin fannaaniinta heesaha ka mid ahaa ku fekeray: War bal ka warran bishii Ramadaan ee barakeysneyd ayaa soo gashay waana tii la lahaa waa bil cibaado, ee maad bah-weynta aad ka tirsan tahay ee fanaaniintaa ku baraarujisid iney codadkooda mac-macaan Quraan akhriska bishaan barakeysan uga faa,iideystaan .. waa intaasoo denbiyadeenna Ilaah noo dhaafee …. War bal u kaadi Soomaali qof kasteed ku tiraa bishaan Quraan akhriska badi, Ok intuu ku yiraahuu haddana tiisa kaa raacane seen arrintaa ugu xanbaaraa iney fanaaniintoo dhammi ka qeyb qaataan,,,,,,,, Haaaaaa haddey igu soo dhacday aanba arrinta uga dhigo sidii tartan oo kale oo ay ka wada qeybqaadanaayaan oon weliba isku xujeysaneyno bishoo dhanna Quraan akhris uun ku oogno.

Qoraankii la billow, shanta qaaradood wada gaar, la isu wada dhiidhiib, mid saxa iyo mid jejebiyaba wixii noqde daahiro shaacda oo qof waliba boggiisa facebuugga ka dheehday. Markeey meeshaasi mareyso adigaba aan ku weydiiyee akhristoow sidee arrintaa cusubi kuu saameyn laheyd muxuuse noqon lahaa reaction-kaagu ? Ogoow oo mas-aladu markey halkaa taagan tahay, sidaad wax u xukmineysaahi waxey ku xiran tahay qofka aad tahay :- Naxariista qalbigaaga ku jirta ama macangagnimadaada, xuruufi inaad tahay sadxi ah iyo inaad maqsadka iyo niyad wanaagga howshaan u billaabatay fahmi karto, aragti dheer inaad leedahood fursad dacwo gudasho uga faa’iideysan karto iyo inaad kala didiye seefta gasha uga baxsan tahay noqoto

Ma ogtahay sideedaba go’aanka aad arrin ka gaartaa marka aad careysan tahay iyo kolka aad faraxsan tahay isku qurux ma yeeshaan, sidoo kale markii qalbigaagu u dhimrin iyo naxariisi ka buuxdo iyo markaad mushadid tahay, isku meel wax kama wada aragtid.

Canugga aad dhashay naxariista, caadifadda iyo jaceylka aad u qabto awgood qaladkiisa dhaqso ma arki kartid oo durbaba mar-marsiinyo ayaad u raadisaa sidoo kale xisbiga aad ka tirsan tahay, ama qabiilka aad ka dhalatee ku indho tiray qaladkooda ma aragtid, laakiin ka warran marka laga hadlaayo canugga ay dhaleen reerka deriskiinnaa ama ama xisbiga aad is heysaan iyo qabiilka kaleed neceb tahay? Kuwaasi mar-marsiinyo ma lahan ee waa cadowtooyo hadal iyo sida ugu xun u xukmi, laakiin Wallaahi haddii Qalbigaagu Alle ka cabsi dhaba dego ama insaan qalbi wanaagsan tahay, xukunkaaga iyo go’aammadaaduba mar walba qurux iyo saameyn wanaagsan yaa ka muuqan laheyd.

Aan su’aalihii caadada ii ahaa mar kale ku weydiiyee, aanse qaadanno aragtida keenna ugu fog ee xumaan aragga ah, ee u arka in fanaaniintuna mufsidiin yihiin ( Anigu shakhsiyan waan ka cudur daaraanayaa kelmaddaa adag een qorayo mana ahi kan aaminsan in fanaaniintu mufsidiin wada yihiin, ee waxaan aaminsanahay in fanaaniinta laga dhex helaayo dad qalbiyo wanaagsan kana denbi yar rag masaajidada safka hore kaga dukada, fankuna uu yahay masalo culimada qaar banneeyaan qaarna xaaraantinimeeyaan) laakiin kaba dhig iney mufsidiin yihiin, galayna qalad weyn oo ah in quraankii la jejebiyey. Haddaba akhristoow dadkaa aan qasadka xun u jeedin oo kheyr billaaba uun ay ka aheyd bal ka warrama ninka ku sheegay iney quraankii Ilaaheey ku jees jeesaayeen ayna soo hoos galaayaan Aayaddii laheyd (Waxba ha cudur daaranina iimaankiinni kaddib ayaad gaaloowdeen) Billaahi Caleykum bal qalbigiinna la tashada oo qof isu arkaayey inuu kheyr billaabay ama mid socday ka qeyb qaadanaayey oo adna ajar ka hel qaradkiisu ahaa ma halkaa in looga billaabaa yuu xaq u leeyahay? Ee weliba birta iyo seefta la isugu daroo wuxuusan dhihin ama sheegan ujeeddadiisuna hinneyn lagu shaabadeeyoo cirkana lala geeyo bey diinta saxadaahi na fareysaa? Ilaah baan idinku dhaarshee maxaad ku dhihi laheydeen shakhsiyaadka noocaasoo kale ah? Mase ku aamini laheyd inuu carruurtaada kuu tarbiyadeeyo, mid ku dayasho mudanse ma kuu noqon lahaa? Xitaa haddey mufsidiin ahaayeen oo quraankoo la jajebiyaana kaba dhig naar lagu galayey (Xaashaa Lillaahi Ilaaheey intaa waa ka naxariis badan yahaye) Miyaaney mudneyn in loo naseexeyo oo xitaa haddaan shaqsi shaqsi loo wici karin aan lagu wada oran kareyn: Kheyr Allaha idin siiyo waxaad tihiin wiilal iyo gabdho dedaalaayo Ilaahna waxaan idiinka baryeynaa inuu ujeedkiinnan wanaagsan idinka abaal mariyo iyo kheyrka aad noo billowden, laakiin sidaan kalaa ka fiicneyd ee anna aan idin kala qeyb galee maad saan nooga dhigtaan, meeshaan yarna nooga saxdaan?

Bal u fiirsada oo, maxey dareemi lahaayeen haddii fanaaniintaa hadal noocaasoo kalaa oo dabasan loogu naseexeyn lahaa, raddu-ficilkooduse see noqon lahaa, maxaadse u maleyneysaa qiimaha iyo qaddarinta eey u qaadi lahaayeen sheekhaa humble-ka ah oo Quraankii kala qeyb galay una saxay wixii qaldamay?.

Allaahu Akbar! Ilaahayoow aanan diintaada suubban loo arag mid cunfi iyo ad-adeyg iyo naxariis darro laga dheehdo, oo Ilaahayoow dadka kheyrkooda iyo halka ay ka wanaagsan yihiin na tus shartoodana hannagu mashquulin. Aamiin.

Waxaa sanadahaan danbe caalamul Islaami laga arkayey in dhallinyaro aan tiro yareyn ay diinta isaga baxayeen ooy xitaa jiritaanka Alle ka shakiyeen, taasna sababteeda culimadaan weydiin.

Waxaan ku soo gebagebeynayaa wada sheekeysigeenan inaan idin xasuusiyo ninkii rasuulka (NNKH) u yimidee lahaa Rasuul Alloow aniga in dhilleysiga la ii fasaxaan rabaa iyo Nabiga siduu ula dhaqmay, ma gaal baad tahay buu ku yiri? Ma mufsid fasahaad la wareegayoo akhlaaq xun buu ku sheegay? Xitaa wax caro ah Nabiga ma u muujiyey? Allaahu Akbar! Kaasaa ah Rasuulka aan ku faanno Nabad gelyo iyo naxariis Alle ha ku manneystee, midkaasaa ku dayasho mudan, inaan akhlaaqdaa wanaagsan uga dayannaa ka mudan gar weyn iyo surwaal gaaban oon waxba la socon, laakiin waxaan uga socdaa, haddaanu xadiiskaasi jiri laheyn oo gabari ay ka dhex tiraa face-buugga ma joog joogi karee anigu culimada iney dhilleysiga ii fasaxaan ayaan doonayaa maxaa dhici lahaa? kkkkkkk Wallaahi waa qoslaayey kelmadahaan markaan qoraayey waayo waxaa ii sawirmay….. Bismillaahi, akhristoow adaan kuu daayey ee sidaad u sawirato jawaabaha culimada qaar ila soo socdisii.

Waxa aan halkaan uga mahad celinayaa Sh, Mustafe X Ismaaciil iyo sida quruxda leh ee uu Diinta Alle uga hadal sheego iyo sida aanu carrabkiisu sida miinada ugu laba qarxin, waxaan kaloo u mahad celinayaa culimada la midka ah, waxaa Ilaah ka rajeynayaa inuu waxaan ku qaldamay ii dhaafo aniga iyo intii kalee horay wax u qaladday. Aamiin.

 

*Wuxuu mowducani igu taagna ilaa ramadaankii oon kolba lahaa iska daa ha qorine, laakiin qalbigu diid.

 

W/Q: Ali Omar Hilole    

warfaay7@hotmail.com

SHEEKOOYIN