Cilmiga Nafta (Pschology) W/Q: Muktaar Axmed Nuur

Cilmiga Nafta (Pschology)

Maxaa maskaxdaada kusoo dhaca markaad maqasho cilmi nafsi? waa hubaal in dad badani ay ka haystaan fikrado khaldan iyo wax ka baxsan garashada qofka, haddii asxaabtaadu maqlaan inaad tahay qof cilmi nafsiga bartay, waxa ay kaa aaminayaan qof garan kara waxa aad ku fikirayso iyo qof dareemi karaa waxa aad dareemayso. Aqoonta cilmiga bulshada oo dalkeenna aad ugu yar baa keenaysa in wax khaldan laga aamino qaybaha cilmiga bulshada ee kala ah, Falsafadda, cilmiga nafta, cilmiga barashada bulshada iyo qaar kale oo badan.

Ugu horrayn si fudud Cilmi nafeedka waxa lagu qeexaa “Barashada maskaxda iyo hab dhaqanka qofka iyadoo la tix gelinayo waxyaabaha saamaynta ku leh maskaxda iyo hab dhaqanka ah oo saamaynta baayoolaji, cadaadiska bulshada iyo arrimaha deegaanka.” Waxyaabahan oo is biirsada ayaa waxa ay saamayn taban iyo mid toganba ku leeyihiin sida uu qofku u fikiro, u dhaqmo iyo sida uu waxa u dareemo. Guud ahaan aqoonta kasmada naftu waxa ay ku salaysan tahay barashada qaabka uu maanku ama maskaxdu u shaqayso.

Akhriste marka shay kasta la ogaado qaabka uu shaqeeyo ayaa la garan karaa oo la fahmi karaa waxa saamaynta ku leh, tusaale ahaan marka aad xanuun dareento waxa aad booqataa dakhar aqoon u leh xanuunka aad ka cabanayso, ka dib waraysi ayaa lagaa qaadi, ugu dambaynna shaybaadh ayaa lagaa qaadi. Dakhtarku waxa uu yaqaanna sida xubin kasta oo jidhkaaga ku taallaa u shaqayso, saas awgeed shaybaadhku keliya waxa uu is bar-bar dhig ku samaynayaa sida jidhka caafimaadka qabaa uu u shaqeeyo iyo sida jidhka xanuunka qabaa uu u shaqeeyo, ka dib waxa si fudud lagu ogaanayaa meesha ay cilladu haysato.

Maadaama aynu nidhi hab dhaqanka qofka iyo guud ahaan aqoonta cilmiga naftu waxa uu kasoo billaabmaa maskaxda, bal aynu baranno waxa ay masakxdu tahay iyo qaabka ay u shaqayso iyo weliba qaab dhismeedkeeda. Maskax waxa iyana si fudud loogu qeexi karaa “Waa xubin ka kooban nudayaal iyo neerfo aan tiro lahayn kuwaas oo guta shaqooyin badan oo ah garashada, dareemayaasha iyo guud ahaa wixii la xidhiidha hab dhiska dareen wadka qofka” marka la joogo cilmiga naftada, maskaxda waxa loo qaybshaa 5 qaybood oo waawayn oo kale ah:-

  • Frontal Lobe: Qaybtan ayaa qaabbilsan fikirka, xusuusta, qiirada, xallinta khilaafka, dhex gelka dadka iyo bulshada, hab dhaqanka, go’aan qaadashada iyo cabbirka xaaladaha.

  • Pariental Lobe: Qaybtan ayaa iyaduna qaabbilsan guud ahaan hab dhiska dareen wadka jidhka sida, taabashada, aragga, maqalka, urta iyo dhadhanka. Qaybtan waxa ay maskaxda u qaabbilsan tahay inay dareento xogta jidhka iyo maskaxda dibadda uga imanaysa.

  • Occipital Lobe: Qaybtani waxa ay qaabbilsan tahay aragtida. Waa qaybta dareenta qaab dhismeedka walxaha iyo mibadyada iyo sida deegaanka iyo walxuhu u eeg yihiin.

  • Temporal Lobe: Qaybtanna waxa qay qaabbilsantahay; Fahmidda afka, codka, xusuusta iyo hab dhiska dareemayasha fahanka iyo faaqidaadda.

  • Carebellum Lobe: Qaybtan u dambaysa waxa loo yaqaan maskaxda yar, waxa ay qaabbilsan tahay isku miisaanka dhaq-dhaqaaqa jidhka iyo guud ahaan hab dhiska loo yaqaan hab dhiska dareen wadka murqaha iyo xakamaynta jidhaka iyo xubnaha.

Marka loo eego cilmiga qolfaafka iyo qaab dhismeedka jidha (Skeletan System) maskaxda waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kale qaybta midig iyo qaybta bidix. Haddaba akhriste labadan qaybood ayaa qabta shaqooyin kala geddisan oo si tijaabo ah aad si fudud uga arko qof kasta oo agtaada jooga. Tusaale ahaan; markaad waxbrashada ku jirtay fasalka waxa kula dhigan jiray kuwo ku fiican xisaabta, sayniska maamulka iyo wixii u baahan in la fahmo oo la xalliyo, qofka noocaas ah waxa awood badan maskaxdiisa qaybta bixida oo qaabbilsan afka, xallinta, fikirka, sayniska iyo xisaabta iyo guud ahaan wixii u baahan falkin.

Sidaas oo kale waxa aad taqannay amma taqaanaa qof ku fiican, hal-abuurka sida suugaanta, farshaxanka iyo sawirista, heesaha iyo muusiga, akhriska dareemayaasha dadka, adeegsiga qiyaasaha iyo guud ahaan wixii la xidhidha hibooyinka kuwaas oo badanaa qofka Eebbe u sahlay. Tusaale ahaan qofka hibada u leh suugaanta iyo qofka bartay isku dhadhan iyo macne noqon maayaan, saas awgeed qofka sidaas ah qaybtiisa midig ayaa ka awood badan qaybtisa bidix ee maskaxda.

Eebbe xumo ka nasahnaaye qaabkaas cajiibka ah ayuu u sameeyay maskaxda, waxa jirta barnaamij aad u qiimo badan uu Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil ka sameeyay maskaxda oo ciwaankeedu yahay: “Awoodaha la dayacay” haddaba kasmada nafta ama cilmiga nafta iyo maskaxdu waa kuwo isku xidhan oo aanu midna iskiis u istaagi karin. Dadka ku xeel dheer aqoonta nafeedkaa waxa ay aad u darsaan qofka maskaxdiisa iyo qaybta awoodda badan.

Ma jiro qof maskax yar ama qof maskax badan, qof kasta Eebbe ayaa qaybaha maskaxda ee aynu soo sheegnay mid u badiyay, walow aqoonta laga gaadhay sayniska iyo caafimaadku ay innoo sahlayso in aynu qofka sare u qaadi karo awooddiisa maskaxeed. Sidoo kale kor loo sii qaadi karo qaybta maskaxda ee qofkaas uu ku xooggan yahay. Dhaawac yar oo madaxa kaasoo gaadha ayaa waxa uu saamayn ballaadhan ku yeelayaa guud ahaan shaqada maskaxda qofka.

Guud ahaan dadka innagu xeeran waxa ay leeyihiin hab dhaqanno kala geddisa, ma jiraan laba qof oo ka siman hab dhaqanka iyo qiirada, si fudud haddii aynu doonanyo in aynu fahanno aqoonta cilmiga naftaada kaliya waxa innagu filan innagoo si fiican ugu fiirsannada dadka innagu xeeran iyo sidoo kale inaad adigu aad ugu fiirsato hab dhaqankaaga iyo dabcigaaga. Tuusale ahaan dadka innagu xeeran maalin kasta waxa aynnu aragnaa iyagoo ku sugan xaalado kala geddisanaan ah.

Cilmi nafsiga waxa ugu muhiimsan in qofka laga darso qiirada (Emotion) iyo hab dhaqanka (Behaviro) waana labada arrimood ee mar kasta aynu ka aragno dadka, qiiro waa muujinta dareemaayaasha farxadda, murugadda, qosolka, fikirka iyo wixii la halmaaha, hab dhaqankuna waa muujinta falal aad kula dhaqmayso dadka kugu xeeran, sida hadal wanangsan, hadal xun, muujinta ficillo togan iyo kuwa tabanba. Qof hadal badan, qof aamusan, qof faraxsan iyo qof murugsan waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aqoonta kasmo nafeeddu ay badanaaa aad u daristo.

Aqoonta naftu waa mid aad u balaadhan oo aan lagu soo koob karin dhawr bog, aqoon nafeeeddu waxa ay leedahay qaybo badan oo kale ah:

  • Abnormal Psychology: Waa cilmiga barashada xanuunnada ku dhaca maskaxda, sidaynu horey usoo xusnay qaybaha kala duwan ee maskaxda ayaa suuro gal ah in xanuun ama ay cillad ku timmaddo, tusaale haddii xusuustu kugu yaraato, fahanku kugu yaraado ama weelaynta xaaladda, qaybta waa qaybta lagu darsaa xanuunnada iyo cilladaha maskaxda.

  • Biological Psychology: Qaybtani waa cilmiga barashada sida Baayoolajigu uu saamayn ugu leeyahay maskaxda iyo hab dhaqanka, Tusaale ahaan maskaxda waxa ku jira hoormoonno kala duwan, hoormannadaas waxa ay saamayn ku leeyahay qaabka shaqada maskxda qofka. Sida fir-fircoonida iyo maskaxdu qaab deg-deg ah ama qaab caajis ah waxa u qabato. Qaybtan badanaa waxa la adeegsadaa tignoolajiyadda sida computerada kala duwan ee lagu eego masakxda.

  • Clinical Psychology: Qaybtan waxa loo adeegsadaa qiimaynta, daawaynta iyo baadhista khal-khalka ku yimaadda maskaxda. Waxa ay aad isugu dhaw yihiin Abnormal Pyschology, waxa kaliya ee ay ku kala duwan yihiin ayaa ah xanuunnada maskaxda ku yimaada ay yihiin laba nooc oo kale ah xanuun dibadda kaga yimid sug jug ama dhaawac iyo mid gudaha oo neerfaha la xidhiidha.

  • Cognitive Psychology: Fikirka, go’aan qaadashada, xallinta khilaafka, fahanka afka, xusuusta, soo jeedka iyo miyirka ayaa ah cilmiga loo adeegsado qaybtan lagu magacaabo Cognitive Psychology, waxa hubaal ah inaad aragtay ama adiguba aad tahay qof ay ku adag tahay inuu gaadho, waxa kale dhacda in aanad wax ka badan ka xasuusan markaan carruurta ahayd amase aad dugsiga hoose dhigan jirtay iyo dadkii kula dhigan jiray. Waxa aad aragtay qof badanaa baxsan oo meel ku maqan kaas oo aan dareemayn waxa agtiisa ka dhacaya. Qaybtan ayaa ah qaybta ka shaqaysa arrimaha oo dhan iyo sida loo wanaajiyo loona xalliyo.

  • Developmental Psychology: Waa qayb aad u ballaadhan oo ka hadasha guud ahaan marxaladaha qofka bani aadamku u maro, marka uu sidaa u calool ilaa inta uu ka dhimanayo. (Lifespan) qaybtan waxa lagu faaqidaa waxa saamaynta ku leh qofka marka uu dasho ilaa inta uu ka dhimanayo, marxaladaha uu qofku maro, sida marxaladda carruurnimada, qaan gaadhnimada iyo marka qofku waynaado oo ka gudbo marxaladda dhallinyaro nimada.

  • Forensic Psychology: Filimaanta waxa aad ku aragtay in qof farahiisa laga soo helo wax uu taabtay sida hub iyo wax la mid ah, sidoo kale waxa aad aragtay in qofka laga helo hidde sidihiisa dhiigga iyo candhuufta qofka, saas awgeed waa qayb loo adeegsado arrimaha dambi baadhista iyo cilmi baadhistaba. Sidoo kale qaybtan waxa loo adeegsadaa in lagu aqoonsado qof la aqoonsan waayay wejigiisa, sida qof madaxu ka go’ay, qof jidhkiisu googo’ay oo u badan kuwa ay ku dhaceen qaraxyada iyo shilalku. Keliya dhiigga qofkaas ayaa laga baadhayaa hidde sidaha waxaana la aqoonsanayaa qaraabadiisa

  • Personlity Psychology: Maxaa qofka ka dhiga mid ka duwan dadka intiisa kale marka loo eegayo dabci ama hab dhaqan ahaan ? Maxaa qofka ka dhiga mid cadhaysan ama faraxsan ? Maxaa keena inaad noqoto qof bulshaawi ah? Maxaase keena inaad noqoto qof keligii noole ah oo ay ku adag tahay inuu dadka dhex galo? Waydiimahan iyo kuwo kale oo badan ayaa ay qaybtani ka hadashaa. Sifooyinka iyo astaamah ay shakhsiyaadku leeyihiin ayey sidoo kale ka hadashaa. Waxa kale oo xusid mudan in qaybtani ay keliya khuseyso arrimaha shakhsiga ah oo kaliya.

  • Social Psychology: Qaybtan u dambaysa, waa iyaduna waa qaybaha ugu muhiimsan ee Cilmi nafeedka, qaybtan waxa ay noqotay takhasus aad u baalladhan. Qaybtan waxa ay ka hadashaa hab dhaqanka ay leeyihiin koox gaar ah sida, shirkad, urur iyo koox ciyaareed. Sidoo kale qaybtan waxa ay ka hadashaa saamaynta ay bulshadu ku leedahay hab dhaqanka qofka, fikraddiisa iyo guud ahaan dabcigiisa oo dhan. Waxa kale oo ay qabtan ka hadashaa hab dhaqanka iyo dabciga u dhexeeya laba bulsho oo ku nool laba deegaan oo kala geddisan iyo guud ahaan dabciga iyo hab dhaqannada ay bulshooyinku leeyiin.

Qaybaha kala geddisan ee aqoonta naftu kuma koobna inahan uun, sidoo kale waxa jira qaybo kale oo badan oo la xidhiidha aqoon nafeedka, keliyaha intani waa inta aadka loo adeegsado isla markaana baahida badan loo qabo. Haddaba akhriste wax kasta uu leeyahay taariikh iyo qaab uu waxaas kusoo billaabmay. Badiba aqoonta qaybaha kala duwan lama oga taariikh go’an iyo cid gaar ah oo loo tiiriyo inay billaabeen, aan ahayn in shaacsanida arrinkaasi lala xidhiidhiyo shakhsiyaad badan iyo taariikho kala duwan yahay.

Erayga “Psyschology” asalkiisa waxa la xusaa inuu yahay laba eray oo giriig ah, badina aqoonta sayniska iyo bulshada waxa lala xidhiidhiyaa giriigga, maadama giriiggu ku ku jiro deegaanka ugu taariikhda fog adduunka inta la ogyahay. Labada eray waxa loo kala qaadaa “Pschy” oo micneedu yahay “Naf” halka “Logy” ay tahay barashada, isku darka labadaas eray waxa ay noqotay “ Barashada Nafta” (Pschology”

Sannadku markii uu ahaa: 428 Ciise hortii ayaa faylasuufkii giriigga ahaa ee Plato ayaa la xusayaa in taariikhda inta la ogyahay uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dersa waxa la xidhiidha nafta iyo dabeecadda, waxaa uu xusay oo uu qorey maqaal uu u bixiyay: “Doorka ay dabeecaddu ku leedahay horumarka nafeed ee qofka” sidoo kale Faylasuufkii isna Giriigga ah ee Aristotal ayaa isagana loo tiiriyaa inuu ahaa dadyowgii ugu horreeyay ee laga maqlo waxyaabo nafta la xidhiidha iyo hab dhaqanka aadanaha.

Wakhtiyadii hore cilmi nafsigu muu ahayn maaddo madax bannaan oo badanaa waxa ku lammaana oo aad uga badnaa falsafadda iyo cilmiga caafimaadka, saas awgeed nin Jarmal ah oo lagu magacaabo Wilhelm Wundt 1832-1920 ayaa waxa uu markii ugu horraysay furay shaybaadh loogu talo galay in lagu ogaado waxyaabaha la xidhiidha miyir qabka iyo in qofku miyir ahaan fayow yahay, waxaannu kusoo bandhigay jaamacadda University of Leipzig in Germany sannadkii 1879.

Tan iyo billowga cilmigan nafta waxa isoo soo tarayay dugsiyo badan oo la xidhiidha dhinaca cilmiga nafta, kuwaas oo qoloba dhinac ka istaagayeen aqoonta. Dugsi waxa aynnu uga jeednaa qayb gaar ah, shakhsiyaad gaar ah oo dhinac gaar ah ka istaaga hadba waxa la doonayo in laga arrinsado. Afka qalaadna waxa lagu yidhaahdaa ( Schools of Psychology” wax aanay kala yihiin sidan:-

Structuralism: Dugsigan waxa uu aas-aas uu ahaa in lagu darso qaab dhismeedka iyo sida ay u taallo maskaxda bani-aadamku, maadama aynnu nidhi guud ahaan cilmi nafsigu waxa uu kasoo burqadaa maskaxda iyo sida ay u shaqayso. Mid ka mid ah ardeydii Wundt oo lagu magacaabo Wilhelm Edward Bradford Titchener (1867–1927), ayaa dalka maraykanka isna ka furtay shaybdhaadh lagu darso maskaxda iyo qaab-dhiseedka, sida magaca dugsiga laga fahmi karana ( Structure) ayaa iyagu keliya awoodda saaray in aan loogu iman qaab dhismeedka masakxda.

Functionalism: Nin lagu magacaabo William James (1842–1910) ayaa isna furay dugsigan laga magaaco (Functionalism) oo ah cilmi lagu darso qaabka dadka iyo xayawaanka maskaxdaada u isticmaalaan in ay la qabsadaan deegaanka ay ku nool yihiin. Dugsiga waxa samaayn wayn ku leh cilmiga barashada naflayda (Biology) ama dabeecadda oo uu gadh wadeen ka yahay dabeecad yahankii (Charless Darwin 1809-1882) nuxurkana in dabciga iyo hab dhaqanka dadka iyo xayawaanka uu saamayn ballaadhan ku leeyahay deegaanku.

Psychoanalysis: Aabbaha cilmi nafsiga casriga ah ee u dhashay dalka Ustariya Sigmund Freud (1856-1939) ayaa isaguna waxa uu daaha ka rogay baahi wayn oo aad loo qabay oo ah aragtida faaqidaadda dhab dhaqanka iyo maskaxda qofka. Aqoon yahankan ayaa waxa uu ku dooday in qofka saamayn ku leeyihiin fikirkiisa, xusuustiisa damaca iyo dareenkiisa iyo miyir qabka hooseba. Si koobaan dugsigani waxa uu u xilsaaran yahay in qofka dib loo raaco taariikhdiisa hab dhaqan iyo maskaxeed.

Behaviorism: Hab dhaqanka qofku maaha mid cayiman ama go’an oo meel qudha taagan, qofku waxa uu la fal galaa dhacdooyinka maalinlaha ah, maalin waa u faraxsan yahay, maalin kalena waa uu murugsan yahay, si haddaba qofka loogu derso waxa uu yahay hab dhaqankiisa cel celiska ah ninkan laga magacaabo John B. Watson (1878-1958) ayaa waxa uu furay dugsigan lagu darsayo hab dhaqanka qofka. Hab dhaqanka qofku inuu yahay mid u badan dhinaca xun iyo inuu yahay mid u badan dhinaca wananagsan ayaa ah waxyaalaha uu dugsigan awoodda saarayo.

Si kastaba waa ay badan yihiin dugsiyada kala geddisan ee la kala yaacay qaybaha kala duwan ee aqoonta nafta, tan iyo taariikhdaas fog, aqoonta naftu waxa ay noqotay mid wakhtigan loo aayo maadaama dunidan casriga ah ay horumar aad u ballaadhan ka gaadhay sayniska iyo tiknoolajiyadda oo ah laba iskaashigoodu aadanaha wax badan ka caawiyay. Ugu dambeyntii aqoonta naftu maaha wax lasoo koobi karo, akhriste waxa aan rajeynayaa in intani ay kuu noqoto hor dhac guud iyo fahan kooban oo laga qaadanayo cimi nafsiga.

W/Q: Muktaar Axmed Nuur

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.