Curiska iyo qoraalka cuddoon! W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax ”Ibraahim Nolosha”

Dhallinyarada curiska iyo qoraalka cuddoon! 

Waxa noo soo gabogabeeyey barnaamijyo taxane ahaa oo lagu maamuusayey xuska sannadguurada 10-aad ee Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye. Barnaamijkii xalay waxa aan ku lahaa hadaljeedin ku saabsaneyd: “Dhallinyarada curiska iyo qoraalka cuddoon.” Nuxurka hadaljeedinteyda inta aanan u gudo-galin, waxa aan rabaa in aan halkan uga hambalyeeyo maamulka iyo howl-wadeennada Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye, oo hiraab iyo habeen ku howlan sidii ay bulshada u horkeeni lahaayeen haldoorrada mudnaanta leh.

Waxa kaloo ay xaruntu ku ammaanan tahay maamuusyada ay u sameyso halyeeyo dal iyo dadba magac iyo milgo ku dhex lahaa, balse aanan maanta nooleyn. In bulshada la xusuusiyo, lana xuso haldoorradooda waa kaallin aysan cid kasta ka soo bixi karin; mar kale iyo malaayiin jeerna, waxa aan xarunta ku bogaadinayaa barnaamijyada aqoomeysan ee ku saabsan afka, dhaqanka iyo suugaanta ee ay bulshada u soo tebiso. Si gaar ah waxa aan u bogaadinayaa saaxiibkey, abwaan Bashiir M. Xersi oo ah aas-aasaha iyo agaasimaha guud ee Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye.

Mahad iyo bogaadin ka dib, waxa aan si kooban u dul istaagayaa mowduucii aan xalay ka jeediyey madasha oo aan is leeyahay waa mid ay dhallinyaro badan xiiseynayaan. “Waxaa jira dhallinyaro badan oo hibo leh, balse, aan laheyn cid hagta. Hibo aan hiil laheyna iil bey u hoyataa.” Qofku markuu hibo leeyahay waxaa wanaagsan in uu haysto dad ku garab siiya hibadiisa. Haddii uusan helin taageero iyo toosin joogto ahna, wuxuu galayaa jahawareer ama hibadii ay aheyd in laga diiwaangaliyo ayaa ku dhex dhimmaneysa, taasina waa mid ka mid ah dhibaatooyinka haysta dhallinyaro badan.

Haddaba, maxaa la gudboon qofka dhallinyarada ah ee doonaya in uu curiskiisa ama hibadiisa u soo bandhigo bulshada uu ku dhex nool yahay iyo kuwa caalamkaba? Tusaale aan u soo qaadanno qofka raba inuu maanso curiyo iyo kan doonaya in uu laxan sameeyo. Labaduba kama maarmaan dadka ehelka u ah qeybahaas aan soo sheegnay. Marka gabay ama jiifto (hees) la curinayo, waa godadka ay dhallinyaradu u badan yihiine, waxaan la hureyn qof abwaan ah, maanso-ruug ah oo kala yaqaan godadka maansada, miisaanka iyo turxaan-bixinta. Taasi waxa ay ka caawineysaa qofka curiska jecel, hibana u leh ama bartay, in uu goleyaasha la tago hal-abuur mug iyo macno badan leh.

Waxaa jira dhallinyaro curiskoodu aad u culus yahay oo mudan in la bogaadiyo, balse, qof kasta oo hal-abuurkiisu hufan yahay, misna cuddoon yahay, waxaa garabkiisa jooga dad u hagar-baxay oo wixii qumanna ku bogaadiya, wixii deelqaaf iyo qallooc ahna kala taliya oo ka turxaan-bixiya. Waxaad ogaataa in uusan jirin qof iskala weynaaday talooyin iyo toosin oo tanaaday. Dhinaca laxameynta heesaha, qofna hibo ayuu u leeyahay, qofna wuu isbari karaa. Labaduba toosin iyo tusaaleyn kama maarmaan. Waxaana muhiim ah in qofku fahmi karo dhawaaqa kore iyo midka hoose (aalto & baaso). Sidoo kalena teembada iyo habdhaqaca durbaankana in la barto iyaduna waa lagama-maarmaan.

Qofka hees laxameynaya waxaa la gudboon in uu ku daydo mid ka mid ah halyeeyada looga dambeeyo laxameynta heesaha ee ku suntan sooyaalka fanka Soomaaliyeed. Waxaa markaas hubaal ah in aad si fudud u dhuuxdo luuqda kala duwan iyo xareedinta ereyada. Waxaan bogaadinayaa dhallinyaro aad u firfircoon oo miraha ay sameeyaan aad la ashqaraareyso! Ereyo uu sameeyey qof labaatan jir ah ayaa kuula muuqanaya in ay ka soo maaxdeen maskaxda qof 40 sano jira iyo ka sii badan. Waxaa sidoo kale jira dhallinyaro door fiican ku leh dhinaca laxanka oo marka aad u dhageysato sida ay u malabeynayaan hadba ereyadii loo dhiibo, kugu kallifaya in aad dib u sii jeclaaneyso fanka.

Dhanka kale, aan eegno dhinaca qoraalka. Sida aan ogsoonnahay, waxaa waayahan dambe soo badanayey dhallinyaro akhriska iyo qoraalka u jajaban; waxaan dhihi karnaa kacaanka akhriska iyo qoraalka. In kasta oo ay dhaliilo badan jiraan, haddane waxa ay mudan yihiin in la toosiyo lana bogaadiyo, si ay u soo gudbiyaan dhacdooyin waxtarka leh. Haddaba, maxaa la gudboon qofka doonaya in qoraalladiisu cuddoonaadaan? Waxaa laga yaabaa in dhallintu aad u xiiseynayaan qorista sheekooyin tayo leh oo la weeleeyo. Aan kula wadaago nuxurka maqaal ku saabsan “sida ugu fudud uguna habboon ee sheeko loo qoro”. Maqaalkan waxaa qoray Jeff Goins oo ah qoraa Mareykan ah, buugaagtiisana waxaa ugu caansan: The Art of Work.

Jeff wuxuu sheeko-qorista u qeybinayaa saddex weji oo uu sii qodobbeeyey. Wajiga koowaad wuxuu ugu magac-daray billowga qoraalka, waxaana muhiim ah in qofku faham buuxa ka haysto waxa uu qorayo iyo qaabkii uu u qori lahaa. Taas marka uu go’aansado ka dib, ayuu u gudbayaa wajiga labaad oo u baahan adkeysi iyo dhiirrranaan. Wajigan labaadna waxa uu ka digayaa caqabadaha uu qoraagu la kulmi karo oo ay ugu horreyso in uu naftiisa ka shakiyo, dadka iyo deegaanka ku xeeranna culeysyo ayuu kala kulmi karaa. Si taas looga gudbo ayuu qoraa Goins ku talinayaa in la qorsheeyo habka qorista sheekada. Wajiga saddexaadna wuxuu uga hadlayaa daabacaadda iyo soosaaridda sheekada. Aan si kooban u faahfaahinno wajiyadaas iyo qodobbada muhiimka ah ee ku hoos xusan.

Wajiga koowaad: Billowga qoraalka:

  1. Go’aanso waxa ay sheekadaadu ku saabsan tahay.
  2. Qor maalin kasta tiro cayiman. Tusaale ahaan hal bog in aad maalin kasta qorto wax weyn ma aha, waana 300 oo erey qiyaastii.
  3. Sameyso waqti cayiman oo joogto ah oo aad wax qorto. Tusaale ahaan, haddii aad sheekada qoristeeda billowday xilli aroor ah, waxaa muhiim ah in aad isla xilligaas qorto, sababtoo ah jadwaleyntaasi waxa ay kaa caawineysaa in aadan ka walwalin xilliga xiga ee aad sheekada qoreyso.
  4. Sameyso goob gaar ah oo aad wax ku qorto, waana in ay ka duwanaato goobtaada shaqo iyo goobaha kale ee aad howlaha ku qabato. Goobtan aad qorista sheekada u arkootay, markii aad gashidba waxa aad xusuusaneysaa shaqadaada, waadna u diyaargaroobeysaa.

Wajiga labaad: Inta aad qoraalka ku guda-jirto:

Inta aad qorista sheekada ku gudo-jirto, waxa aad u baahan tahay falcelinno iyo qiimeyn ku saabsan mugga iyo nuxurka sheekada aad qoreyso. Haddaba falcelinnadaas waxa aad ka heli kartaa uun qof kuu dhow oo daacad ah aadna ku kalsoon tahay oo aad sheekada la wadaagto. Qofkaasina wuxuu noqon karaa saaxiib gaar ah, qof reerkaaga ka tirsan ama qof tifaftire ah.

Wajiga saddexaad; Gabagabo:

Wajigan wuxuu Goins ku sheegayaa saddex talo oo muhiim ah. Tan koowaad waa daabacaadda iyo baahinta sheekada. Tusaale ahaan haddii aad sheekada buug ka dhigeyso ama baahineyso, wuxuu ku talinayaa in aad u geyso madbacad ama shirkad caan ah oo buugaagteeda iyo qoraalladeeda si weyn loo akhristo, laguna taxan yahay. Markaas waxa aad gaartay hadafkii aad ka laheyd sheekada ee ahaa: in ay sheekadaadu baahdo lana akhristo.

Talada labaadna, waa in qoruhu dul u yeesho dhaliisha iyo falcelinnada buugga. Taasi in aysan niyadjab ku abuurin qoraaga ayuu ka digayaa. Wuxuuna soojeedinayaa in qoraagu wax ka barto oo uu dib u toosiyo gefafka jira ee farta loogu fiiqay.

Ugu dambeyn, wuxuu ku dhiirrigalinayaa qof kasta oo buug ama sheeko qoray in uu mid kalena qoro. Tani waxa ay qofka ka caawineysaa in qalinkiisu qaangaar noqdo. Qooraayaal badan ayaa muddo dabadeed, dib u akhriyey sheekadii koowaad ee ay qoreen, taas oo ku dhalisay yaxyax. Goins wuxuu leeyahay, waxaaba lagaa rabaa in qoraalladaada xiga laga dareemo in hab-qoraalkaagu kobcay.

Gunaanad:

Qoraayaasha da’da yar waxa aan ku bogaadinayaa soo-gudbinta iyo weeleynta dhigaallada nuxurka leh ee bulshadana waxtarka u leh. Qof kasta oo curis jecelna waxa aan kula dardaarmayaa in uu baadi-goobo cidda ehelka u ah ee aan waayo-aragnimo iyo aqoonba aan looga maarmeyn. Billowga hore, talooyinka iyo toosintu wey kula qaraar yihiin, balse, dib ayaad ka ogaan doontaa in ay mahuraan ahaayeen.

W/Q: Ibraahim Cismaan Afrax ”Ibraahim Nolosha”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.