Damaca Seddexda maanlaawe!.

Damaca Seddexda maanlaawe!.

Bashiir Cali Xuseen sawir

Xilligu wuxuu ahaa diraac kulul oo ay haaddu baqti jiid iyo meyd ugaarsi ahayd galawguna uu dareen dhawaaqayay. Waxey aheyd amin noolaha oo dhammiba ay wada dareemayeen nohda hanfiga jiilaalka iyo hugaarka ka imanayay kulka kaliisha leh iyo dabeysha engegan ee ku tusmeysneyd seben abaareed leysu weriyay oo aheyd «Olol reeb iyo ooman soore oday ka sheekee ah!».

Waqtigaa isaga ah ee ay beeluhu danta kala hayaamisay ayuu Heybe guur iyo aql dhisid u hawooday. Ballan uu baajin kari waayay iyo jacayl dhex barriinsaday baana ku qasbayay inuu sugi kari waayo xilliga guga iyo barwaaqo roobaadka ay xooluhu tarmaan bulshaduna ay caano teelid iyo farxad ku caweyso.

Heybe waa wiil ku soo koray agoonnimo laakinse heysta xoolo fara badan oo uu aabbihii Warfaa uga geeriyooday, kuwaasi oo ku kallifay inuu wehel u doon doono xannaaneyntooda, gaar ahaan Saxarla’ oo aheyd gabar ay in mudda aheydba soo sheeka wadaagayeen, waalidkeedna uu rag kale la damacsanaa!.

Saxarla’ waa sara joog hal gerileey uu qaadirkey qurux iyo qaab iyo weliba qaaya dheeri uu isugu daray, waxeyna aheyd gabar degaanka ay ku nooleyd ka tilmaanneyd oo ay indhuhu wada jalleecayeen fartana lagu wada fiiqayay.

Heybe iyo Saxarla’, waxey ku heshiiyeen in ay ballantoodii hore ee jacayl wadaagga aheyd ay hooy u yagleelaan oo ay masuuliyadda qoys ahaaneed qoorta u wada ritaan wax kastaana ay ka hormariyaan rabitaankooda kalgacal iyo nolol wadaaggooda lamaaneysan.

«Hagaag iyo howraarsan» buu heshiisku noqday Heybena wuxuu u erga dirsaday una gogol fariistay waalidkii dhalay Saxarla’, si uu uga xoola bixiyo looguna meheriyo, taasina Heybe wey u suura gashay, maadaama xoolo fara badan lagu ogaa gabadhana ay rag kale ka raja qabeen, laakin sicir barar bey ku sameeyeen dalabkiisa iyo fullisaad wadata damac naxariis la’aaneed waxeyna reerka soo jeediyeen in aan Saxarla’ la nikaaxeynin haddii aan laga bixin boqol halaad iyo baarqabkood iyo weliba faras iyo qori ay shakaddiisu raacsan tahay!.

Heybe talaa ku caddaatay maxaa yeelay inta gabadha bixinteeda lagu xiray waaba inta uu xoolo oo dhan ka heysto hadduu wada dhiibana nolol uma harsana, sidaa darteed adeerradii waxey ku la taliyeen «inuu gabadhatan mid kale uga weecdo ballanteedana isaga baxo maadaama la rabo in isaga sidaa lagu moora duugo».

Heybe oo ay uga dhegganeyd helitaanka Saxarla, ayaa ku gacan seyray taladii ay soo jeediyeen adeerradii, wuxuuna aqbalay yaradkii iyo xoola bixintii ka badbadinta aheyd ee ay dalbadeen Saxarla’ waalidkeed.

Heybe xoolihii dhaxalka ahaa ee uu aabbihii kala haray sidaa ayey farihiisa uga baxeen Saxarladii uu jeclaana waa lagu mehriyay loona aqal dhisay, hasa yeeshee wuxuu noqday faqiir fara maran oo aan waxba heysan bulshadii uu ku soo dhex korayna aan la saan qaadi karin.

Heybe iyo Saxarla’ waa aroos cusub oo aan xoola heysan xilliga oo kulul dartiina aysan jirin cid ay kaalmo ka helayaan miyiguna sidiisaba waxaad shaqeysataad leedahaye sida magaalada shaxaad kama jiro oo arrinkaasi oo kale iyo tuugsiba waaba ka ceeb.

Noloshii baa ku adkaatay lamaanahan is calmaday ee xoolahoodii oo dhan jacaylka ku beddeshay, waxey ku dhex noolaan waayeen bulshadii ay ku soo dhex koreen, waxey go’aansadeen in ay u guuraan oo ay dhex degaan bulsho aan xoola heysan oo noloshooda ay ku xiran tahay ugaarsiga halkaas oo ay maciin soo bideen.

Waxey sidaa iskaga silic sanaadaanba sannad ka dib, waxaa iyaga oo qadsan oo aan quudkii daruuriga ahaa heysanin u soo martiyay Saxarla’ aabbeheed oo gabadhiisii laga aroosay ee uu boqolka halaad ka qaatay gacan maris u soo doontay illeyn damacu waa cajiibe.

Reerka uu odaygu u soo socdaalay xalay wey qadeen maantana waxba ma hayaan, maxaa yeelay cowl iyo sagaaro midkoodna shiishku ma soo qaban, hasa yeeshee Saxarla iyo Heybe oo iska wareysanaya sida ay wax yeeli lahaayeen, ayaa gadaashooda waxaa ka soo yeertay «Asalaamu caleykum».

Isku mar bey gadaal wada eegeen mise waa Saxarla aabaheed oo socdaal dheer soo galay reerkana u marti ah. Naxdin baa dhacday, maxaa yeelay imaanshaha odayga lama jecleysan qalbiyo ay murugo dhex rafaneyso ayaana si nuxuus ah u yiri «Wa caleykuma salaam aabbe soo dhowow».

Isla markiiba geed weyn oo damal ah oo guriga ay deggan yihiin reer heybe ku hor yaallay baa odaygii loo goglay iyada oo aan wax lagu soo dhoweeyo oo jadiinka la mariyaba aan fara lagu heynin.

Saxarla’ iyo Heybe waxey galeen kala orod iyo xil aanay qaadi karin gudashadiis, waxey is weydiiyeen wixii ay caawa odayga cunto uga dhigi lahaayeen, dhammaan deriskoodii bey wax weydiisteen waxna wey ka waayeen illeyn leysmaba dhaamee!, goor danbe oo la daalay bey Saxarla’ tiri «Heybow bal odayga u sii sheekee hargaanti Naalleeye, ayaan wax soo weydiinayaa hadduuba hayee».

Heybe waa yahay intuu yiri buu odaygii iska ag fariistay sheeko dheerna u billaabay si uu waqtiga iyo daalka u illowsiiyo, Saxarlana ninkii hargaantiga ahaa ee ay deriska ahaayeen bey wax weydiin u aadday.

Saxarla’ Hargaanti Naalleeye oo aqalkiisa hortaagan bey salaantay ka dibna u dan sheegatay iyada oo weliba xaaladda qoyskeeda ka sheekeysay una sii raacisay inuu caawaba aabbeheed oo meel dheer ka soo socdaalay uu guriga u jooga wax lagu marti geliyana aan loo heynin, sidaa darteedna ay isaga ugu timid inuu caawa xil furto iyada oo waxa laga qaado ay amaah yihiin oo dib loogu soo celin doono marka wax la helo.

«Walaaley anigu waxba ma hayo jeex sagaara ah oo aan isku ilaalinayo un baa guriga ii suran, wax intaa ka dheeri ahna ma heysto» ayuu ku jawaabay Hargaanti Naalleeye.

Saxarla’ oo uu xeshood daran ku habsaday dantuna ay qasbeyso ayaa mar kale tiri «Walaalow kheyr alla ha ku siiyee bal caawa i ceeb tir oo jeexaba i sii madax furasho ha ii noqdee».

«Waa yahaye shuruudda aan kugu xiri doona ma ka soo bixi kartaa?», ayuu hargaantigii si xishood la’aan ah u yiri, illeyn damacu waa cajiibe!.

Saxarla’ oo aan raalli ka aheyn waxa lagu la hadlaayo ayaa tiri «Waa yahaye bal jeexa i sii adna caawa noo imow oo nala cashee aabbaheyna is arka oo is barta».

Saxarla’ jeexii hilibka sagaaro ahaa ayey soo qaadatay ka dibna karis ku billowday iyada oo aan la heynin wax kale oo hilibkaasi la raaciyo, Saxarla’ aabbaheed iyo seygeeda waxaa soo seddexeeyay Hargaanti Naalleeye oo jeexii sagaarada ahaa ee uu xod xodashada ku rabay wax ka cunistiisa u yimid illeyn damacu waa cajiibe.

Is barasho ka dib sheeko dheer iyo kaftan wadaag baa lagu kala gam’ay, muddo ka dibna Saxarla’ oo hilibkii yaraa ee jeexa sagaarada ahaa soo bisleysay baa soo dul istaagtay raggii oo wada hurda, waxeyna si kulul u tiri «Seddexdii maanlaawow kaca oo toosa».

Seddexdii rag ahaa ayaa wada toosay, waxeyna cunis ku billaabeen jeexii sagaarada ahaa oo saxarladii keentay ee soo karisay aan waxba looga reebin, hasa yeeshee markii ay fara xasheen buu Saxarla’ aabbaheed gabadhiisa ku yiri «Maandhaay markii aad na toosineysay seddexdii maanlaawow kaca oo toosa» maxaad noo tiri?.

Anigu aabbahaa baan ahay goormaan maanlaawe noqday?, kani waa ninkaagii aad jecleyd ee aad reerkiinnii ka soo raacday guurmuu maanlaawe noqday?. Kani waa deriskaaga deris kuu xiga adaana casumay ee sidee buu maanlaawe ku noqday?.

Saxarla’ oo isku kalsoon baa ku war celisay « Aabbo waxaad maanlaawe ku tahay ninkii aad boqolka halaad iyo baarqabkooda aad subax ka wada dareersatay ee xoola la’aanta ku dhacday awgeed halkan ugaarsiga u yimid ayaad isaga oo qadsan u soo martisay adigoo gacan maris ka doonaya sidaasaan maanlaawe kuu iri!.

Seygeyga wuxuu maanlaawe ku yahay isaga oo boqol halaad oo dhaxal ah xoolo ka heysta ayuu aniga igu beddeshay caawana agtiisa ayaan ku qadsanahay soddoggii uu gabadha ka soo guursadayna casho u ma heli karo, sidaa ayuu maanlaawe ku yahay!.

Ninkan deriskeyga ah ee caawa i soo amaahiyay cadkan aad cunteen, wuxuu maanlaawe ku yahay gabar boqol halaad iyo baarqabkood laga soo dhiibay oo weliba xaas uu ogyahay ah buu jeex sagaara ah ku rabaa sidaasuu maanlaawe ku yahay!.

Ceeb baa dhacday waxna leysuma qarin gabadhuna run bey sheegtay ee maxey sameeyeen seddexdii ragga aheyd ee ay Saxarla’ damacooda waalan farta ka wada saartay?.

Ninkii jeexa sagaaro ku damcay Saxarla’ oo xaas ah caloosha ayaa xanuuntay ceeb buu la dhiman gaaray matag iyo hunqaaco buu la kacay wuxuuna yiri «Deyn maaha jeexii sagaaro, damaciina waan ka laabtay, Deris xun baan noqdayoo, raalli gelin baan soo dirayaa» wuuna iska dhaqaaqay!.

Saxarla’ aabbaheed wuxuu yiri «Shalay haddaan qaldamay maanta ayaan dib uga laabtay xoolihii gabadheyda laga bixiyayna bar baan soo celinayaa gabadhuna meeshii ay ku dhalatay ayaan aqal laba deryaala ah uga dhisayaa aroos cusub beyna galeysaa ee damaceygow duf ku bax!».

Heybe wuxuu ku adkeystay oo uu yiri «Saxarla’ in ay aniga maanlaawe igu sheegto jacayl aan iyada jeclahay dartii, waa gef kalgacalka laga galay wax la’aan iyo inaan boqol habeen qadana iyadaa iiga qiimo badan adeerkeyna dhareg iyo gaajaba kolba waxaan aniga ahay baan ku soo dhowqeynayaa oo wax aan ka hagranayo maba jiraan».

Markuu Heybe halkaa marayo ayey saxarla’ ku soo boodday afkana qabaty iyada oo markaa ficilkeeda raalli gelin ku muujineysay, hasa yeeshee inteysan hadlin buu aabbaheed hadalka soo geba gebeeyay isaga leh «Maandhow adoo mahadsan meeshaas iigu jooji tabashadaada, kolley waxaanan aniga dhigin ma dhicine, laakinse berrito laga billaabo halkan sii degganaan meysaan noloshiinuna si alla iyo sidaad rabtaan ayaan ka dhigayaa ee anna i cafiya xaq baa leysku leeyahaye damac iyo in xuneyba leydin waa».

Reer Heybe sidaa ayey noloshoodii dib ugu soo laabatay damacii dadka waalayna waa la ogaaday mira dhalkiisa iyo goob ceebeedka runta ah ee uu ku danbeyn doono.

Seddexda maanlaawe waa hadal heyn horay u jirtay oo aan sheeko ku dhex sameeyay si ay bulshadu uga fogaato una dareento khasaaraha damaca khaldan iyo inuu xaqa kaa leexin karo.

 

Bashiir. Cali. Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.