DAMACU WAA SIRTA NOLOSHA!! W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow

12342639_447108122156759_4852246021387880368_n

DAMACU WAA SIRTA NOLOSHA!!

Dunida waxaa buuxo sheekooyin aad u tira badan oo waliba kala jaad-jaad ah, kuwaasi oo tusmo iyo tusaaleyn ugu filan aadmiga iney noloshooda kaga cabiraan hadba marxaladahii ay ku suganyihiin.

hayeeshee waxey u baahanyihiin dhammaan dheekooyinkaasi baaris iyo soo-saaris qofka uu ku sameeyo, waxeyna tahay wadiiqada ugu sahlan uu ku hanan karo inuu helo waa akhris ku saleysan, cilmi baaris, xog-doon iyo garaad kobcin.Waxaa kuu muhiim ah inaad barato sidii aad u noolaan laheyd, oo aadan qaadan meeris qof maankiisa gaarka ah ka yimid, si laguugu sheego halka aad ku jiheysantahay.

Micno qofka waxa uu gaaraa heer-sare marka uu yaqaan himilooyinka noloshiisa iyo waxa loo uumay, waxaana sidoo kale ah wax lagu tanaado inaad waligaa ahaato qof ku dhiirada inuu rajeeyo figta sare ee aadmi gaaro.

Qoraa Soomaaliyeed iyo xigmad-maal aysan iisuura-gelin inaan helo Magaciisa ayaa laga hayaa weedh caan baxday oo runtii koobtay tusaalooyinka nolosha Qofka , taasi oo runtii leh micno fog iyo miisaan culus .Weedhan ayaa ciddii si dhab ah u dhadhansato waxaa usoo baxaya waxa uu yahay qof-doorka , lagu dayan karo, iyo sirta hor’umarinta nolosha .

Falsafaddan ayaa ah “Intii aad noqon laheyd Atoor hogaamiyo wadar sagaaro ah , waxaa kaaga muhiimsan inaad noqoto libaax’ jiis ah oo ka tirsan raxan libaaxyo ah”Aragti -dheeraanshaha ayaa ah halka lagu kala tagay, maaha inaad ku tashato aqoonta inta maankaada ku jirta ee waa inaad raadisaa , wax intaasi ka badan, halka maalka inta jeebkaada ku jirto aadan siin naftaada ee aad raadisaa kasab kale oo aad ku gaaro nolol tan aad maanta ku jirto ka wanaagsan.Ogowse aragga indhahaaga oo dhaafo hooskaada, waxey ka dhigantahay qabashada jidka nolosha guushaada.

W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow
Caguje79@gmail.com

SHEEKOOYIN