Danjire:Q3AAD. W/Q Dr. Xasanwali Sh. Xuseen Cismaan DVM

 Faallo-300x132  Danjire Qaybta 3aad

Waxaa markaan ciidammada maraykanka wehliyey labaatan kun oo ciidammada dalal kale oo ay gaashaanbuur yihiin, ayna ka mid yihiin Ingiriiska, Talyaaniga, Jarmanka, Kanada, Austraaliya, Belgika, huwanna magaca Qarammada Midoobay.

Markaasey gobollada Soomaaliya qaybasadeen oo uu Dal walba gobolka ay qoondeysteen ciidammadiisa geeyey.

Waxay kusoo duuleen, si gardarro ah, oo dadkiisa laayeen Dal caafimaad qaba iyo Dad guryohooda jooga, aan ayaga eed ka gelin, aan dhiiggooda daadin, maalkoodana aan dhicin.

Halkaasey dadkiina laayeen, meeshii wax laga kasbanayey iyo guryihiina burburiyeen sidoo wadooyinka iyo isbitaallada iyo jaamacadaha iyo dugsiyada iyo warshadahaba.

Waxay kaloo yeeleen inay dadkii gobolladaas degganaa, markii guryohooda madaafiic iyo hub lala dhacay, ay deegaankooda kasoo saareen, ayna si ay noloshooda ku badbaadiyaan ay Qaxooti marka hore Muqdisho ku noqdeen, kaddibna dalalka Kenya iyo Ethiopia galeen markii Xamarna lagu duqeeyey, taasoo ahaydba qorshaha gaashaanbuurtaas gaalada ah.

Sidaas ayaa qaxootiga loo abuuraa, oo sidaas ayaa dadka dalalkooda looga soo saaraa. Gaashaanbuurtu waxay dooneysaa inay dalka Soomaaliya dhaxasho, kaddib markay soomaalida kasoo saarto, waxayanse ogayn inuu Ilaahay الله\ dhulka iska leeyahay, ciddii uu doonana uu dhaxalsiiyo, siduu noogu sheegay Aayadda boqol iyo sideed labaatanaad ee Suuratu Al Acraafi سورة الأعراف\ :

إِنَّ األَْأرضَ لِلَّهِ يُورِثُهَا مَ أ ن يَشَاءُ مِ أ ن عِبَادِهِ وَاألعَاقِبَةُ لِألمُتَّقِينَ ) 128 )

Oo macneheedu yahay:

“Arliga Ilaahayالله ayaa iska leh, wuxuuna dhaxalsiiyaa ciddii uu doono oo addoommadiisa ka mid ah, ciribsamiduna, oo ah gargaarka Ilaahay Tacaalaa الله تعالى\ iyo libta, waxay u sugnaatay kuwa Ilaahayالله ka baqa (128).

Duullaankaan NATO waxay ahayd marka ugu horraysay dagaalka labaad ee adduunka, oo dhammaaday 1945 kun sagaal boqol shan iyo afartanka, oo ay maraakiibta dagaalka jarmalku dagaal ka qayb galaan, oo ay madafiicdooda waawayn magalaada Muqdisho la dheceen oo ku rusheeyeen, oo ay dad aan wax ka galabsan oo guryohooda jooga laayeen.

Toban kun oo soomaali ah ayay maraykanka maalin kali ah dileen

Markaasuu maraykanku intuu maraakiibtaas dayuurado kasoo kiciyey oo Muqdisho dul keenay ayay magaalada iska duqeeyeen oo ay hub culus iyo mid fududba ku rusheeyeen, oo ay maatadii laayeen una badnaa haween iyo caruur, dad ayan eedi kala gaarin.

Wargeyska Washington Post wuxuu soo qoray inay mareykanku maalinta dayuuradda cirka heehaabta ee “Black Hawk” laga soo riday ay ilaa toban kun oo soomaali ah dileen, una badan haween iyo caruur.

Ninka dawladda mareykanka dagaalkaas wakiilka uga ahaa oo hoggaaminayey, wuxuu ahaa danjire Oakley, waxaanna ka fiirsday televisionka CNN isagoo la wareysanayo loona sheegay in maalintaas soomaalida ilaa toban kun oo qof laga dilay.

Markaasuu ninkaasu, isagoo qoslaya, wuxuu qiray in tirada dadka soomaalida laga dilay maalintaas ay ilaa toddoba kun oo qof ahaayeen.

Markaasuu wariyaha wareysanayey wuxuu ku yiri:

“Danjire, oo afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagon ayaa wuxuu qiray in soomaalida ilaa sideed kun oo qof laga dilaye? Wasaraddaada Arrimaha Dibadduna waxay sheegtay in ilaa toban kun laga dilaye?”

Intey qiranayaana waa intee? Ilaahayالله oo keli ah ayaa u cilmi leh.

Sharci darrada Weeraridda Soomaaliya

Madaxweyne George W. Bush, Bush-ka wiilka ah, marka bisha November ee sanadka laba kun iyo afar, una dhiganta kun iyo afar boqol iyo shan iyo labaatanka Hijriga markii labaad afar sano loo soo doortay, ama ay maxkamadda sare usoo magacawday markay isaga iyo Al Gore isku qabsadeen, wuxuu jeediyay khudbo uu ku yiri:

“Waan sii wadaynna la dagaallanka argagixisada, kaas oo aan ka bilawnay Geeska Afrika (waa Soomaaliya), waxaanna ku xijinnay Afganistaan, waxaanna ku xijinnay Ciraaq عراق\ .”

Danjire Frank Trusten Criegler

Danjirahaan wuxuu ku taagnaa manhajka kan isaga ka horreeyey, sidiisoo kale ayuuna xoog uga shaqeeyey isku dirka Qabaa’ilka soomaaliyeed iyo Dawladda Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre, iyo isku dirka xubnaha dawladda. Wuxuu maal badan geliyay in dawladda lagu kaco oo xasillooni darro timaaddo.

Zamankiisa ayaa la aas aasay ururrada soomaaliyeed oo Soomaaliya uga soo duli jiray dhanka Ethiopia. Dadka labada dhinac ka dhimanayana waxay wada ahaayeen Soomaali.

Wuxuu gaar ahaan Soomaaliya kala dagaallamay inuu dhqaaluhu kobco, gaar ahaan Beeraha, oo wuxuu keeni jiray Badar lacag la’aan ah markay beeraha Soomaaliya soo go’ayaan, markaasaa tacabka beeruhu yaraaday. Diidmada Soomaaliya badarkaas lacag la’aanta ah dhegna jalaq dawladda maraykanku uma siin.

Waxyaalaha aan aad ula yaabay waxaa ka mid ahaa inuu aniga igu yiri:

“Warshadda ITOP ee yaanyada shiidda ha la xiro, maxaa yeelaya qiiqeeda ayaa cimilada wasakhaynaya “Pollution”!”

Waxaan iri:

“Haddaan xirno xaggee ka heleynnaa yaanyo shiidan oo aan iidaanka ku darsanno?”

Wuxuu yiri:

“Kenya kasoo gata.”

Wuxuuna ahaa nin been badan, sida walaalihiis.

Danjire Criegler iyo midaynta dawladaha Geeska Afrika

La soco qaybta 4aad

Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN