DAMQASHO | W.Q: IBRAAHIN-NOLOSHA

Waxaan galay maqaaxi aan qof kula ballansanaa. Kursi agteyda ah nin fadhiyey baa u yeeray wiil baalashle ah. Sidan dareemay, wuxuu ka damqaday diifta ka muuqata wiilkan yar, ka dibna wareysi ayuu u galay. “Halkeed deggen tahay? Yaad isla nooshihiin? Aabbe iyo hooyo maxay qabtaan?” Dhammaan su’aalahaas wuxuu wiilku uga warceliyey jawaabo aad u murugo badan.

Ninkii baa fadhiiso ku yiri: wiilkii yaraa, ka dibna, wuxuu u wacay kabalyeerigii maqaaxida. Markii uu kabalyeerigii yimid ayaa ninkii kabaha loo baalashi rabay, wuxuu wiilkii yaraa ku yiri: dalbo wax kasta oo aad cuni karto hana xishoon. Wiilkii yaraa ayaa ku gaabsaday; “kabaha markii aan soo caseeyo ayaan cunayaa wixii aad ii garato, balse, waa laga diiday.

Markii uu raashinkii cunay buu howshii galay, kabihii oo aad u dhalaalayana u keenay ninkii wanaajiyey. Waxaa mar kale aad ii cajabisay, in uu ninkaasi yiri: hooyo iyo walaalahaana u qaad wax ay cunaan, aniga ayaa bixinayee. Wiilka aabbihiis ma noola, waxayna ka mid aheyd jawaabihii xanuunka badnaa ee uu hore u sheegay. Isagoo aad u faraxsan oo bac ku sida raashinka hore loo qaato (takeaway) ku jira, garabkana ku sita agabyadii uu kabaha ku hagaajinayey ayuu iridda ka baxay!

Akhriste, waxaa laga yaabaa in aad iga sugeyso ama is weydiineyso magaca qofkaas naxariista badan ee sidaas wanaagsan ula dhaqmay wiilka maskiinka ah. Sheekadu dhab ma aha oo waa mala’awaal, waa se wax dhici kara ama hore u dhacay oonan ogeyn. Adiga laftaadu waad noqon kartaa qofkaas oo kale, waadna ka farxin kartaa qof/dad baahan. Midna ogoow, masaakiinta aad caawineyso haddii aad si guud iyo si gaar ahba u wareysato, waxaa laga yaabaa inaad siiso in ka badan intii aad markii horeba siin rabtay, waayo xaaladaha qaar marka lagaaga sheekeeyo aad bey kuu taabanayaan. Maalin wanaagsan.

W.Q: Ibraahin-Nolosha
Muqdisho, Soomaaliya

Facebook: @Ibraahinnolosha
Twitter: @Ibraahinnolosha

 

SHEEKOOYIN