Dhallinyarada Soomaaliyeed maaha kaliya Mustaqbalka Dalka,laakiin sidoo kale waa aqlabiyadda Bulshada. Afar qeyb dadyowga soomaaliyeed in kabadan seddex qayb ayaa ah Dad da’doodu ka hooseyso 30 jir.
Inta badan dadka da’doodu yartahay ayaanan helin nasiibka nabad kunoolaanshaha, waxa ay ka qadeen qiimaha Dawladnimo, sidaas awgeed, Dalka waxaa uu soo maray marxalado Murugo huwan oo wata waayahooda, da’yartana waxay ahayd Awoodda xumaha loo adeegsado, si kale aan u dhaha’e waxa ay ahaayeen si guud,kuwa jila ciyaarta Xizbiyada, Xarakaadka, Qabaa’illada iyo Garabyada siyaasadeed u dahxeysa.
Kaaga darane ma lahayn door go’aan qaadasho, fursad siin iyo door hoggaamineed intuba, waa hubaal in dhib badan oo gayigeenna gubay ay sababeen qayb naga mid ah, waxaan uga jeeda kuweenna Da’da yar ee lagu adeegtay.
Qormadan kuma eegayo dhammaan xilliyadii qaraara, waa tusaaleyn iyo Talo aan isleeyahay isdaba qabad baa inala gudboone, aan dawga wanaaggeena garasho u yeelanno.
Kaabbe Qabiillada haddaan dhimbil u ahayn, haddaan Xarakaadka xaabo u ahayn, mar haddii Beelaha aan Billaawe u ahayn, maanta Qaranka dawo waan u noqon karnaa, daw Hoggaan iyo halka hagaagsanna waan ku hanuunin karnaa.
Soomaaliya oo maamullo kala duwan ay haatan ka jiraan, ma jirto fursad Cad oo da’yarta looga qayb dhigay go’aan ka gaarista Aayaha Dalka, waa yaab oo waxaa la dafiray doorkii Da’yarta, kuwa ugu badan dadyowga Dalka ayaa laga dhigay dadka laga tirada badanyahay(Minority).
Amakaak waxaa ah in aysan jirin hal Dallad oo kulmisa codka dhallinta Soomaaliyeed, aanba qeexe qaarbaa Qandaraaslayal ku ah qaybinta Cududda da’yarta! Waxaa taa kasii xanuun badan marka aad maqasho in Ururro dhallinyaro ay kufaanaan in hannaan beeleed ay ku dhisanyihiin, oo ay weli ka hingaad meersadaan Kaabbe Qabiillada.
Dalka waxa uu leeyahay hiigsiyo kala duwan, gaabisba haka jiree, waxaa maalin walba dhallinteena ehel unoqdeen kuwa la adeegsado xilliyada munaasabadaha, sida 15-May(Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed) ama u sacab tuma Madaxda, oo la adeegsado xilliyada Ololaha uu jiro,loo yeerto mararka Dood cilmiyeed ku sheeg lagu qabanyo goob Hotel ah.
Waxaa bar baarteenna lagu af-gobaadsadaa”Waxaad tihiin lafdhabarta Bulshada, waxaad tihiin madaxda berrito” hadalladan waxaa caadeystay Siyaasiyiinta soomaaliyeed, heer walbo ay joogaan ayaga oo ka dhigay da’yarta inaan waqtigoodi weli dillaacin oo ay yihiin kuwa berrito.
Sidoo kale dhammaan hay’adaha hoggaamineed ee heerarka Federaal iyo Qaranba, ma jiraan awood qaybsi loo qoondeeyay dhallinyarada, ogoow waa wa kuwa la leeyahay Qarankan ayay Raasamaal u yihiin, waxaanan muuqan ififaallo lagu hakinayo kuwa maciin biday inay Doonni Bac ka sameysan la dul heehaabaan Badaha.
Dhibta ugu weyn ee haatan taagan ayaa lo aaneeya inaysan jirin Siyaasadda dhallinyarada (Youth Policy) taas oo hagaysa fursadaha Shaqo ,xaquuqda dhallinyarada ee Dastuurka, awoodaha da’yarta iyo ka faa’idaysigooda iyo dhammaan saameynta dhallinyarada ee horumarka Dalka.
Wixii aan xaalado xumi soo marany weli dhigaal taariikheed kama aanan sameysan, Ciil iyo Caro badanaa! ma waxaan ku qanacnaa adeegayaasha siyaasiyiinta inaan ahanno, ma waxaan doorkeenna ka sugnaa Odayaasha caqligooda u shaqeeyo sidii waagii 1960-kii.
Ma jirto meel da’yar dirirtay ku heshiisay, afar jeeblayaasha aqliga ka awdan unbaa is gacan qaada, marka Reeruhu heshiinayaan, waa yaabe yaa diriray? Ma dhallinta,mise Duqowda.
Waxaan u baahannahay dib u heshiisin guud iyo Da’yar Diinta iyo Dalka u diir naxda, aan u diyaar garowno maalgelinta Maanka da’yarta, si loo muto Mujtamac Maamul wanaagsan.
WQ:Khaalid Cilmi Nuur-(Jees)
Nuurjees@gmail.com