DHAAYAHA SAXAAFADDA Q-16AAD W/Q: Xasan Maxamed Xaaji “Duusoos”

Dowladdii rayidka iyo xaaladda saxafiga Soomaaliyeed

Markii Soomaaliya ay hanatay gobannimadeeda, waxaa is beddelay xaaladdii dalka si gaar ahna middii wariyaha Soomaaliyeed, waxaana dhacay horraantii 60-kii waxyaabo badan oo xilligaas ku cusbaa dhegaha bulshada Soomaaliyeed, sida wararka la soo tebiyo iyo dhacdooyinka maalinlaha ah. Waxaa jiray; shil gaari oo  ka dhacay magaalada Muqdisho, sannadkii 1960-kii, Sidaas darteed, waxaa wartebiye  ka ahaa; weriye la dhihi jiray: “Saciid Baker Mukhtaar” oo goobta shilklu ka dhacay tegay ammin yar ka dib. Goobtaas uu shilku ka dhacay waxaa kale oo soo gaaray ciidamadii nabadgelyada ee booliska iyo kuwii waddooyinka ee taraafikada.

Shilkaas dhacay waxaa ku dhintay qof ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa. Wartebiyihii idaacadda iyo wargeyska u shaqeyn jiray, waxa uu warsidihii ku qoray: ”Dhimashada qofka shilka ku dhintay waxa saabab u aheyd; soo raagidda uu soo raagay baabuurka gargaarka degdegga ah, kaas oo hore loo wargeliyay, balse, aan ku immaan xilligii loo baahnaa. Wartebiyihii goobta joogay waxa uu wargeyska ku qoray in eedda dhimasha ay leedahay hay’adda caafimaadka, maaddaama muwaadinku uu u dhintay dhiig bax la badbaadin karay haddii ay ammin fiican ku imaan lahaayeen gargaarka degdegga ah. Wartebintaasi waxa ay keentay in weriyihii la xiro. Weriyuhu waxa uu soo tebiyay sidii ay wax u dhaceen, balse, waxa taas ka xummaday hay’adihii ay aheyd inay badbaadiyaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Waxa kale oo jirtay dhacdo kale oo middaas kore u eg, waxayna ku dhacday: “Maxamed  Jaamac Uurdoox” oo qorey qormo caddeynaysa; in saldhigyada ciidamada nabad-gelyada ee booliska dalka ka jira ay (90%) sagaashan boqolkiiba ay maamulayeen saraakiil ay isku beel ahaayeen taliyaha ciidamada booliska ee xilligaas. Kaas oo ahaa: “Jenaraal Maxamed Abshir Muuse Haabaan”. Qoraaga oo ay qormadaasi ku qaadatay ammin badan, baaris, dabagal iyo wareysiyo badan in la xiray goortii uu warbixintaas ku daabacay mareegihii warbaahineed ee xilligaas jiray, isla markaana xabsiga jiridda loo dhigay.

Sheekooyinka ay soo tebin jireen weriyayaasha Soomaaliyeed waxay ahaayeen; kuwa yaab iyo amankaag leh! Isla markaana aan la oggoleyn in runta la soo tebiyo, qofkii warbixin dhab ah keena, balse, ay warbixintaasi hey’ad dowladda ka mid ah dhaawac u geysaneyso waa la qabbiri jiray oo xabsi ayaa jiridda loo dhigi jiray. Weriye Saciid Baker oo dhammaan iiga waayo warramay sheekooyinka aan soo tebiyay oo hadalkiisa sii wata ayaa igu yiri: ”Waxa aan arkay; xildhibaannadii baarlaamka Soomaliya oo markii ay gunnada xildhibaanimada qaadanaayaan inay suulka saaraan oo ay ku saxiixaan qaarkood warqadda lagac qaadashada ee boonada” (folliapago), iyada oo sharci ahaan ay aheyd in ay ku saxiixan qoraal. Xeerka u degsan xildhibaannada waxa ku qorneyd in qofka noqonaya xildhibaan uu ugu yaraan ka soo baxay; dugsi hoose, isla markaana uu yahay mid wax qori kara waxna aqrin kara. Weriye Saciid waxa uu yiri: ”Warbixin ayaan ka diyaariyay arrintaas, isla goortaadna waxaan ku qoray mareegihii jiray ee xilligaas. Warbixintu markii ay bannaanka u soo baxday ayaa waxa mar labaad xabsi lagu xiray weriye Saciid Baker. Haddaba, weriyaha Soomaaliyeed waaya walba oo uu joogay ma aheyn mid xor ah isla markaana soo tebin karay, xaaladda dhabta ah ee ka jray waddanka. Weriyuhu weligiisba waxa uu ahaa: ”Mid meel ugu xiran aragtida warbaahinta uu u shaqeeyo, mana aheyn mid si madax bannaan u tebin karay sida uu xaalka dhabta ahi ahaay.

Kacaankii Oktoober iyo saxaafadda:

Kacaankii oktoobar goortii uu dalka ka dhashay sannadkii 1969-kii waxa uu kacaanku la wareegay oo uu qarameeyay dhammaan xarumihii warbaahineed ee dalka ka jiray, ha noqdeen idaacado, maktabado, madbacado iyo wax kastaa oo ay shirkado ajnabi ah ama muwaaddiniin ay lahaayeen. Middaas oo  noqotay: “Ka dar oo dibi dhal”, waxaa halkaas ku laalmay iftiinkii yaraa ee u ekaa in uu jiri karo xuriyatul qowl iyo aragti tebin dhab ah, waxaana dhammaanba meesha ka baxay wixii ka dambeeyay Towraddii Oktoober wax walba oo si xor ah loo tebin jiray. Wax walba oo ku saabsan is gaarsiin waxa ay noqdeen kuwa u adeega laguna faafiyo hanuuninta iyo buunbuuninta golaha sare ee  Kacaanka.

Waxaa jiray in xilli ka mid ah xilligii kacaanka uu wargeyska Ogaal ee xisbiga hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed uu waxyaabo badan oo warbixinno dhaliil ah ka qori jiray hay’adaha dowladda iyo kuwa kaleba. Wargeyska Ogaal ayaa maalin warbixin yaab leh ka qoray taliyihii ciidamada booliska Soomaaliyeed Genaraal: Cabdiraxmaan Guulwade, taas oo ahayd in uu guri ka dhistay dalka Masar, gaar ahaan magaalada Qaahira. Warbaahinta Ogaal waxay soo bandhigtay warbixinno iyo muuqaallo isla socda, taas oo wajigabax ku aheyd taliyaha iyo inta ay isku fikirka ahaayeenba.

Maxamed Yuusuf Gaagaab oo ka mid ahaa maamulayaashii ugu sarreeyay ee warbaahinta Ogaal ayaa wuxuu xaqiijiyay warbixintaas. Markii ay warbixintaasi soo baxday oo nuqul ka mid ah aroornimo hore la gaarsiiyay genaraal Guulwade. Kolkii uu wargeyskii daalacday wuxuu amar ku bixiyay in albaabbada loo laabo warbaahintaas, isla markaana waxa ay dacwadii gaartay madaxweynihii xilligaas ee kacaanka Maxammed Siyaad Barre. Maxamed Siyaad gartaas si caddaalad ah uma qaadin, warbixintaas dhab ka hadalka aheydna waxay galaafatay warbaahintii ay lahaayeen xisbiga kacaanka hantiwadaagga Soomaaliyeed. Halkaas waxa ka cad inaysan jirin weriye iyo warbaahin soomaaliyeed oo ka madax bannaaneyd aragtideyda ku shaqeey ama siima jiri doontid, taas oo ah; ”Dhibaato aysan weli ka gudbin warbaahinta iyo weriyayaasha Soomaaliyeed.

La soco qeybaha xiga haddii Ilaaheey idmo

W/Q: Xasan Maxmed Xaaji “Duusoos”

NAGA LA SOO XARIIR:

Laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.