Xasna iyo habeenkii murugada! 1978 Q2AAD W/Q: Cabdullaahi (Siyaasi)

 

rape1Culusow iyo Cali waa hareero socdaan inta uu Xasan marna wareysanayo marna u caga jugleynayay Xasna oo iyada aanan magaceeda runta ah u sheegin wiilashan, inti la socday waxaa lagu leexday waddada Balcad dhinaceeda waqooyi, waxayna Xasna ka war heshay Cali iyo Xasan oo si hoose inta isugu baaqeen iyadi la booday,si xoog ahna ugu leexiyay meel horay u ahayd Beer lagu beeri jiray Moxog oo markaas ah dhul bannaan oo oodan oo cidla ah,cawsna ka dhax baxay,gudcur madawna ah kolki ay beertan magaalada ka daba timid ,waqooyina u dhaaftay.

Xasan umaba kaadin ,gabadhi wuxuu ku bilaabay dharbaaxsho, qaylo iyo cagajugleyn isaga oo cod dheer ku leh “Naa ma annaga ayaad been noo sheegeysaa iyo is dhiib oo haddaad naftaada rabto hays waalin, sina kuu dhaafimeyno caawa , kolkaas waxaa soo dhax-galay Culusow oo yaaban una qaadan la’ habdhaqanka dhallinyaradani gabadha ula dhaqmayaan, aad ayuu u werweray, dhinac ceeb uga timaada dhinaca qoyskiisa hadduu falkan ku kaco iyo dhinac dambi uga yimaada dhinaca dowladda.

Ilaa hadda Culusoow ma oga sababta uu Xasan gabadhan u dagaalayo wuxuuna yiri: “War qasab ma jiree ,gabadha haddii aynsan raali ahayn la hadalkaaga faraha ka qaad”

Haseyeeshe, hadalka Culusow cidna dheg jalaq uma-siin, dhibkina inti wuu ka ballaartay kolki ay beerta dhinac ka soo galeen saddex kale oo iyagana kor ka ilaashanayay gabadhan oo iyaga ahaa wiilasha xaafaddooda oo ku garab jiray, kolki ay jidka ku arkeen buuqa iyo iyo codka dhaadheer ee dhaxmarayay Xasno iyo Xasan.

Sheekadi inti hore waa ka culays badisay,Culusow waxaa galay Cabsi iyo baqdin tii hore ka badan kolki uu arkay xaalka in uusan ahayn mid quman dhibna ka imaan karo falkan xun oo ay ku kacayaan wiilashan uu qaar la socday ,qaarna ay jidka ka soo raaceen.

Wiilashi kalana dhankooda ayey ka bilaabeen caga-jugleyn ,hadala ad-adag iyo waa ku xoogeynaa haddii aadan si nabad ah u yeelin waxaanu ku farno, adigoon dhib ku gaarina aad u samayso waxaanu rabno, korkaada badbaadso, kolay caawa waxaa tahay nasiibkeena ,warki waa sii xumaaday ,Xasna intaas way u oyneysaa ,indhaheeda waxaa ka qubanayo ilmo, catoow iyo calaacal ayay ku jirtaa waxay ku celcelinaysaa erayo baryo ah: “ War illaahay ka baqa, war walaalayoow i dhaafa, war miyaan gabdho idinla dhalan, maxaad iigu awood sheeganaysaan, war naftdayda badbaadiya oo ilaahay dartiis igu dhaafa”

Ma jirto ruux damiir wanaagsan oo naxariis ay gelinayaan erayadaasi, waxayna niyada iska leedahay war caawa yaa ku habaaray? oo balaayadan ku soo dhax dhigay?Allow kuwan iga badbaadi ,ma heyso wax u axsaan falayo wiilashan ama cid ku soo baxday qeylideeda oo kolki ay codkeeda kor u qaadaba waxaa ku dhacayay feer xooggan oo feera jebis ah,dhammaan waa cadaw iyo horror is leh gabadhan yare e curdanka ah sharafteeda iyo hilbaheeda feenta, waxaad moodaa siday u haliilayaa, dugaag xoola baadi ah ka helay meel cidla ah oo miciyo lisad iyo gurxan cabsigelina isugu daranaya marna cidida iyo micida galeefta ah kula boodaya.

Nasiib wanaag mid ka mid ah wiilashi gadaal ka yimid, ayaa isagoo is leh, farsamo kale keen wuxuu soo jeediyey aragti ka duwan tii ay wadeen isagoo is leh buuqa iyo sawaxanku ha yaraado, oo yaan laydinku soo bixin ahaana wuxuuna soo jeediyey, inta gabadhi ka yara sikiyay wiilashi kale, ayuu yiri: Saaxiibayaal saan waa dhib iyo rafaad ee gabadha   aan dhahno Halkoo lee dooro,Halkoo lee dooro “.

Annagana waa iska tegeynaa inteena kale, Xasna iyadana waxay durbaba ugu jawaabtay “waayahay,waan dooranayaa”, iyada oo is leh kuwaan khayr kama soo socdo,dhibna kuuma yaro ,balsa waxaa damac ka galay Culsuow kaliya oo ay isaga afkiisa iyo adinkiisa ka nabad gashay.

Culusoow eray xuna ma dhihin dhibna korkeeda ma gaarsiin, xitaa ma taaban, dhawr jeerna wuxuu ka qabqabey kuwii haraatida iyo feerka la dhacayey. Xasno waxay is tiri armuu kaas aad naxariis ka heshaa oo aad dhahdaa walaal i bedbaadi.

Xasna culusow ayey dooratay, wiilashi kalana waa aqbaleen Basarki uu la yimid wiilkii hore,balsa waxay u yeereen Culusow ,waxayna ku yiraahdeen: Waraa fiiri noo yeer markay hawsha isku duba-dhacdo sidaan ka rabnana ay yeesho gabadhan, isagana waa aqbalay waayahay ayuu dhahay, wuxuuna u sheegay wiilashii “Ii kaadiya, buurtaas yar gadaahseeda ayaan geysanaa si ay xooga yar u baqdin goyso ,keddibna waa idiin gacan haatinayaa haddii ay i ogolaato si nabad ah,kana xaaja bogto”.

Culsuow gabadhi wuxuu la aaday Buur yar(Taag yar) oo xigtay dhanka deegaanka kaga aadan yahay Beertan cidlada ah,meel qiyaasti wiilashan u jirtay 150 mitir ,wiilashan isku raacay sida ay u dhibaateyn lahaayeen gabadhan, waxayna is dhaheen hawsha waxay ku socotaa sidaad rabteen.

Culusow inti uu la socday gabadhan(Xasna) 150ki mitir ee buurta lagu ballamay u jirtay, wuxuu isweydiiyay hal su’aal oo iyada ahayd “Gabadhan haddii ay xun tahay ,intaan dhib ah looguma geysteen Sharaf ilaalin iyo Asturnaan aan jirin, oo waa is-fududeyn lahayd,sideedana waxaa niyadiisa ku negaay in aan qasab lagu dayin gabadhan oo faraha laga qaaddo,sidaas darteed wuxuu iskula hadlay ,waa adiga iyo raganimadaada sidi aad u bixin lahayd ,idinkana uga babaadi lahaydeen dhib ka yimaado ku kicida fal xun oo la sahashado haddeer . Xasna iyo Culusow kolki ay gaareen Buurta Gadaasheeda ,Xasna way joojisay oohinta ,waxayna Culusow ku tiri si fudud “Walaal inaad fiican tahay ama ka fiican tahay wiilashan kuuma dooran, balsa waxaan is iri ,laba mid ayaad kala kulmee wiilkan ,inuu ku bixiyo iyo inuu halkiisi ka wado garaacisti caawa oo dhan kuugu dhaceysay”.

Culusow hadal badan kuma taagneyn ,oo horay ayuu u go’aansaday in uu gabadhan badbaadiyo ,wixi uu kala kulmaba wiilashaas uu la socday wuxuuna gabadhi ugu jawaabay:”Abaay war badan iska daa ee garguuro shanqar la’aan ,bawtka beertan waxaad ugu baxdaa dhinaca xaafaddaas galbeed kaga dhegan beerta ,fogowna intaad fogaan karto ,Xasna neef ayaa ka soo fuqday ,wayna dhaqaajisay oo ma dayacin iridkaas Allah u furay ka bixidiisa ,Culsuowna wuxuu iska dhigay nin hurdo.

In yar keddib wiilashi oo daahsaday Culusow,balsa daahidaas u arkayeen in ay hawsha u socoto sidi ay u qorsheeyeen, ayaa waxaa dul yimid Culusow oo hurdo Buurta gadaasheeda ,waxaana Culusow haraati ku kiciyay Xasan oo leh “aaway Gabadhi”, Culsusow isma waalin oo wuxuu ku jawaabay “Aaway gabadhi” ,war siday wax yihiin ,sideen u hurday maxay i siisay gabadhan, intaas kolki uu isku xejiyay ,Xasan oo isaga lahaa qorshihi gabadhan lagu soo qasbay ama lagu soo geliay dabinkan baas, waa xanaaqay wuxuuna duubtay feer ,waxaana arrinta soo dhax galay wiilashi dambe oo gadaal ka yimid iyaga,mid ka mid ahna ay qaraabo ahaayeen Culsuow ,wuxuuna yiri “Culusow waa na xumeeyay laakin waa kaa yar yahay ,dagaalna ma jiro”. Xasan waa diiday celceliski waxayna durbaba sheekada isu bedashay dagaal loo kala saftay saddexdi gadaal ka timid iyo Xasan iyo Cali oo iyaga isku dhinac ahaa. Xasan waa quustay haddii uu arkay in xaalka uu faraha ka baxayo,waa is-qaboojiyay isaga oo Culusow ugu ribeynayo “Tan kuu deyn maayo saaxib,waa kaa aarsan doonaa iyo wax yaaba kale “. Waa la kala tegay Xasna sidaas ayey dhurwaayadii naxariista darnaa uga badbaaday kaga badbaaday iyo habeenkii murugada badnaa.

Mudda gaaban keddib Culusow waa joojiyay wax-barashadi, wuxuu shaqo ka bilaabay Garaash lagu sameeyo gawaarida oo uu leeyahay Aabbihiis, wuxuu noqday Makaanik(Farsamo yaqaan) laga dambeeyo oo gacan wanaagsan meela dheedheer looga yimaado shaqadiisa.

Saddex sano dhacdada kore keddib ayaa garaashka uu Culusow ka shaqeeyo , waxaa gaari keensaday Aabbihi dhalay Xasno,waxaana gaariga horay ka saarnaa Xasno oo korka ku sidato wiil markaas gu’ jir ah oo ay dhashay,waxaana Xasno la guursaday laba sano keddib dhacdadaas oo ay oori u noqotay nin kale,Gaarigi wax badan kama haleysneyn Gaarigi Xasna Aabbaheed waa la sameeyay iyada oo aan dhulka u soo degin,waana iska baxeen Aabbaheed iyo iyada, kolki loo sameeyay gaariga ,balsa Xasna waxay maalintaa aqoonsatay Culusow ,waxayna inti ay ku sii socdeen gurigooda, Aabbaheed u sheegtay in ninka gaariga maanta u sameeyay uu yahay wiilki ka badbaadiyay dhacdadi xanuunka badneyd oo horay ugu dhacday oo ay horay ugu sheegtay Aabbaheed.

Xasna Aabaheed waxaw xaafada soo xuuransaday Xaalada Culusow magaciisa iyo in uu yahay nin edeb badan oo aan weli guursan ,dad la dhaqan leh,shaqadiisa looga dambeeyo oo karti badan ,isku filan shaqa ahaan ,intaas oo xog ah keddib wuxuu Xasna aabbaheed go’aansaday in gabadhiisi ka yareyd Xasno u doono Culusoow ,isaga oo uga abaal gudayo falki wacnaa iyo sidi uu gabadhiisa uga badbaadiyay qatar ay ku sugneyd habeenki xanuunka badnaa oo ay la kulantay Xasno habeen habeenada allah ka mid ah ,haddii uu sidaas Culusow aqbalo, waana aqbalay inuu guursado Xasno walaasheed ka yar ,kolki Aabbaheed isu sheegay inuu dhalay Gabadhi uu habeenkaa isaga ah badbaadiyay.

Dhammaad

W/Q: Abdallah Moallim Mahamud

SHEEKOOYIN