DHADHANKA GEERIDA W/Q:- MUSTAF CUSMAAN FAARAX

DHADHANKA GEERIDA

Waan ogahay inuu dhambaaalkaygu ku soo gaadhay adigoo sidii aan rabay ku jira, maadaama aad akhrinaysid ba. Waad ka cabsoon doontaa inaad kala furto warqaddaan, ka dibna, aad akhrido, balse isku day. Waxa kale oo aan ogahay inaad akhrisan doonto adigoo su’aalo badan dubaaqaaga yar ku celicelinaya rogroggooda, jawaabna aanu u hayn. Aad baan uga dheragsanahay noloshaada. Inaad hadda da’adii dhallinyarnimo ku jirto. Dugsi ama jaammacad midkood inaad dhigato. Ma sheegi karo inaad nolol farxad badan ku jirto oo faaliye ma ihi, balse, waan kuu rajaynayaa. In yar oo amminkaaga ka mid ah waxaad ii hibaysaa ruuxdaada daqiiqadahaas kooban ma tihid qofka aad tahay, balse, waxaad tahay 60jir ay soo idlaatay waayihiisii dunida!!!….ha baqan…….ina keen!!


Waxa aad caawa usoo hoyotay magaaladii aad ku dhalatay oo aad sanado faro badan aad ka maqnayd, dorraad uun ayey ahayd markii uu kuu buuxsamay gu’gii 60aad ee noloshaada in badan ayaad adduunyada iyo macaankeeda ammin kusoo qaadatay. Maalmahan waxaad dareemaysaa culays iyo welbahaar aadan jawaab u hayn meel uu ka yimid! Tolow armay geeridaadii soo dhawaatay?! Yaa og xilliga wadku imaaanayo?! Jawaabtu waa cidna. Waa subax ka mid ah toddobada beri ee toddobaadka, qorsheyaal badan ayaa kuu degsan maanta inaad fulisid, balse, waxaad dareemaysaa xanuun kama kici kartid sariirtaada, xumad, qufac, madax-wareer iyo huur ayaa isku kaa bahaystay. Maskaxdaada waxaad ku daalinaysaa waydiimo badan oo aysan wercelin u hayn. 60kii sano ee aad noolayd maanta waxa ay kaaga yaryihiin 60 ilbiriqsi. waa adduun iyo xaalkiis, asxaab badan ayaa kusoo booqanaya qaar ayaa kuu ducaynaya qaar ayaa qur’aan kugu akhrinaya qaar ayaa niyadda kugu dhisaya inaad caafimaadi doontid.


Ma tihid sidaadi hore istaaggu wuu ku dhibayaa fadhiga iyo jiifku isuguma kaa dhaaman. Xaaladdaada ayaa cuslaatay si deg-deg ah ayaa cusbitaalka laguu la orday, cusbitaalkii ayaa lagu soo geliyey ayadoo lagu wado, dhegahaaga waxaa ku soo dhacaya iyadoo la leeyahay: “kan halka jiifa waa indha beelay, kanna shil ayuu galay, kanna waa gubtay, halka mid ayaa dhintay oo laga qaaday” dadka meesha jiifayna way il dar-naayeyn waxaad kala garan weyday inay yihiin uun aakhiro ama dad adduunyo. Maalintii seddexaad ayaad ku sugantahay cusbitaalka saaka sidii labadii subax oo hore waad yara dhaantaa asxaab badan ayaa hareerahaaga fadhiya.

Abbaare seddexdii galabnimo ayaa u xanuunkii kugu soo laba kacleeyey asagoo waji kale leh kana daran sidii hore dhakhaatiirtii iyo kalkaaliyaal ayaa iska daba wareegaya, adiguse waxaad yaqiinsatay inaad joogto saacadihii ugu dambeeyey ee noloshaada. Firigfirig iyo fargasho ayaad billowday qaarka danbe ee jirkaagu waxa uu u muuqdaa mid ruuxdii ka baxday, asxaabtaadii qaar ayaa murugo iyo calool xanuun dartiis qolka isaga cararay, qaar ayaa yaasiinka kula dul taagan, qaar ayaa shahaaddada kuu laqinaya, qaar ayaa wax ay sheegaan garan la`. Alle wayne ayaa qur’aankiisa ku yiri:-

  • 75:26 – Saas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
  • 75:27 – Oo la Dhoho yaa ku tufi (Dawayn)
  • 75:28 – Oo uu Yaqiinsado inuu Dhimanayo.
  • 75:29 – Oo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
  • 75:30 – Eebbahaa xaggiisaa la aaddiyo.

Ruuxdaadu waxa ay soo gaartay kalxamahaaga asxaabtaadu way ku eegayaan waxbase kuuma tari karaan Alle ayaa kaaga dhaw, balse, arki maysaan adiga, Malaa`igtii Alle ayaa kuu timaaday oo waxay soo fadhiisteen meesha ishaadu wax ka aragto iyagoo kaa raraya noloshii dhammaanaysay oo kuu raraya noloshii hadhaysay, malakul mawdka ayaa kuu soo dhawaaday, malaggii la yidhi: nafta ka soo qaad madaxa ayuu kaaga soo fadhiistay. Naftii buu u yeeray……..waxa uu ku yiri: “Soo bax nafyaheey jidhka wanaagsan ku jirtay ee aan xaaraanta cuni jirin ee rasuulka amarkiisi raacday wuxuu ka reebayna ka hadhay. Ku bishaarayso janno iyo Ilaahay raali ahaanshihiisa.”

Dabadeedna naftaadii way soo baxday sidii dhibic biyo ah oo ka soo dhacday weel la foorariyay Ama sida qodax suuf laga soo saaray oo kale. asxaabtaadii qalfoofkaaga ayey qaadeen wayna mayrayaan waad maqlaysaa hadalkooda, balse, ayagu kuma maqlayaan wayku mayreen salaad janaaso ahna way kugu tukadeen haddana qabrigii ayaa lagu sii wadaa waa guri ciriiri ah, malahan daaqado iyo albaab toona iftiinna haba sheegin walaalahaagii ku jeclaa ee aan marnaba oggolaan jirin inaad meel hoose joogto maanta ayaga ayaa ciidda kugu rogaya asxaabtaadii aad jeclayd waxa ay u kala hormarayaan badeelka ciidda lagugu rogoyo!! Maxad u diyaarsatay qabriga? Su`aashaas jawaabteeda adiga ayey ku tallaa iswaydii waxaad qabriga u hormarsatay, wixii intaa ka dambeeya waxa aad ku meelmaraysaa sahaydaada safarkuna waa mid fog.

Way dhammaadeen daqiiqadihii koobnaa ee aan kaa codsaday hadda waxaad tahay qofka aad tahay.!

Eebbe ayaa quràankiiska ku yiri:-

ۖ كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ ۗ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ
فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ ۗ وَمَا الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلَّا مَتَاعُ الْغُرُورِ

[Surah: Aali-Cimraan Aayah 185]. Qof kasta oo innaga inaga mid ahi wuu dhimanayaa qof kasta oo innaga inaga mid ahina waa kii mawdka dhadhamiya.

Nabigu (scw) wuu dardaarmay, wuxuuna ku dardaarmay;

“War badiya sheegitaankiisa ama xasuustiisa midka macaani oo dhan dumiya had iyo jeeraale” midka adduunyada dadka ka quusinaya oo qofkaan maalkiisi dareensiinaya kaa xusuustiisa badiya waa (Mawdka).

.مِنْهَا خَلَقْنَاكُمْ وَفِيهَا نُعِيدُكُمْ وَمِنْهَا نُخْرِجُكُمْ تَارَةً أُخْرَىٰ

Ciidda ayaanu iniga abuurnay iyada ayaanu inigu celinaynaa iyada ayaanu iniga soo saarynaa maalinta (qiyaamada). [Suuradda: DAHA, aayadda- 55-aad].

Dad badan ayaa is waydiiya marka qofka maydka ah la maydhayo naftiisi halkee ay joogtaa?. Qofkaasi haddii uu mumin yahay markaas waa la soo celinayaa, marka lagu soo qoro jannada oo way ag taagan tahay, dadka meyraya, karafanaya, ku dukanaya ee haddana xawaalaya, balse, innagu uma jeedno oo waxay leedahay: (ida dajiya, ida dajiya, ida dajiya), waayo, meesha ay ku socoto way ogtahay, ka dibna, marka la aasayo godka ayey la galaysaa iyadoo sii maqlaysa dadka jabaqdooda, ka dibna, xaalku intaas kuma dhamaan.  Waxaa u imanaya isla markiiba laba malag oo oo bilaa naxariis ah, wayna soo fadhiisinayaan oo waxay waydiinayaan:

  • Ilaahaagu waa kee ?
  • Nabigaagu waa kee?
  • Diintaadu waa tee?

Qofkii Ilaaheey iyo rasuulkiisa iyo diintiisa aqoonnin wuxuu oranayaa (aaaah aaah aaaah) kufaarta oo kale iyo qofkii aan Ilaahay aqooninba, balse, qofka muslimka ahi si wacan ayuu uga jawaabaya oo wuxuu odhanayaa sidan:

  • Ilaahay waa kan khalqiga iyo samaawaadka abuuray.
  • Nabigaygu waa Muxamad (scw).
  • Diintaydu waa diinta islaamka (furqaan).

Ka dibna, qofkii muslimka ahaa ee xabaasha ku jiray qabrigii cidhiidhiga ahaa ayaa loo waasicin oo Ilaahay baa kala jiidin dhulka. Ka dibna, godkii waxaa kula soo galaya camalkaagi oo wixii adduunyadu kulama soo galayaan daarihii aad dhistay iyo gawaadhidii iyo lacagtii kula ma soo gali ee waaxaa kula soo galay camalkaagiI oo kaliya. Dabadeedna, waxaa kuu imaanaya wiil yar oo aad iyo aad u qurux badan oo udgoon badan misaad odhanaysaa (war adigu ma tihid kii danbiga la imaan jiray ee danbi kaama muuqdee yaa tahay? wuxuu ku odhanayaa (camalkaagi ayaan ahay) Ilaahaw camalka noo qurxi Rabbiyaw Ilaahay noo qurxi Rabbiyaw. Qofku markuu xabaasha galo camalkiisi wuu arkaaya oo wuu u imaan. ”Akhriste ma dheera ee hadda ogaw waxani waxay kugu dhacayaan adigoon is ogayn malaa wax fog baad u haysata, ehelkaagi iyo qaraabadaadi iyo maalkaagi adoo haysta ayey waxani kugu dhacayaan.” EE WALAAL ILAAHAY MAXAAD U DIYAARISAY MAALINTAAS QIYAAMADA ?

Ka dibna waxaa loo furin daaqad cadaabta ah markaasaa lagu odhan: (Fiiri wuxuu Ilaahay ka leexiyay). Misaa loo furin haddana mid jannada ah misaa la odhan (fiiri ilaahay waxa uu kuu diyaariyay) labadiiba wuu arkaya marka qofkii meydka ahaa ee meesha ku jiray. Saas ayaa dadka ehlu cilmiga ahi meelaha khatarta ah u galayaan oo lacagtoodi u baabiinayaan oo sadaqaysanayaan waxay doonayaan inay intaas oo kaliyah gaadhaan innaguna lacagtii ayaanu ka daba ordaynaa oo diintiina u tuuraynaa inaan lacag helno awgeed.

FAHMKEENNU INTAAS AYUU LA EGYAHAY

Qofkaas muslimka ahi wuxuu la kulmi jannooyin iyo waxyaabo Ilaahay ugu talo galay oo aanan maskaxdayda ku soo koobi karayn.

Naftii Xumeyd

WAXA LAGU SaMAYNAYAA INTAAS AANU SOO SHEEGNAY KA SOO HORJEEDKEDA. WAA MIDDAANU KA BAQAYNO INAAN XAGGEEDA AADNEE. Marka godka la galiyo ee la aaso qofkaas laba malag oo wajiyaal madaw oo wata kafan laga soo qaaday naarta oo ur qadhmuun leh iyo geedo naarta laga soo qaaday ayey u yimaadaan oo sidii oo kale ayey u fadhiistaan oo naftii ayey u yeedheen naftii isla markiiba soo baxi mayso ee waxay isku dhajin jidhka markay aragto malaggani sida uu u egyahay dabadeedna iyagoo garaacaya jidhkii meel kasta ayey ka soo saaraan naftii ka dibna ku odhanayaan; “Soo bax nafyaheey urka badani wax dhulka korkiisa ku bakhtiyay ugu ur badan tahay”, waxayna yidhaahdaan: ku buishaarayso cadaab iyo ciqaab kala duwan, samada ayaa lala aadaa naftaas urka badan leh.

Ka dibna waxaa nacladaya malag kasta oo jooga sammooyinka iyo dhulka dhexdooda, ka dibna, waxaa Ilaahay loo waydiiya in sammada loo furo, balse, looma furo waana laga diidaa, ka dibna, dhawaaq baa ka yeedha xagga Ilaahay wuxuu yidhaahdaa: ku qora naftan jahannaba(cadaabta), ka dibna, u celiya dhulkii misaa la soo tuuraa naftii si xun, misay soo xaadirtaa inta la dhaqayo oo la kafanayo iyo qaadidiisa sariirta korkeeda ayey ka qaylinaysaa oo odhanaysaa;

“War halkee ayaad ii waddaan?”

Maxaa yeelay, way og tahay in la soo diiday oo jahannama loo diyaariyay way ogtahay inaan khayr ka horrayn qayladaas oo ay maqlayaan xawaayaanka ku nool dhulka korkiisa, markaas ka dib, ayaa la galiyaa xabaashii, malaa`igtiina ku yidhaahdaan:

  • Ilaahaagu waa kee?
  • Nabigaagu waa kee?
  • Diintaadu waa tee ?

Markaasuu yidhaahdaa qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray; (aaah aaah aaaah). Markaaseey ku odhanayaan: waxna ma fahantid ee waxna ma garatid ee hagaranin markaasay ku dhufanayaan bahal ay wataan oo Ilaahay og yahay quwaddiisa ilaa ay feedhaha hoose dhulka hoose mudaan feedhaha sarena dhulka sare mudaan oo cabaadka ka baxayo ay maqlayaan shay kasta oo dhulka ku nooli dadka iyo jinka mooyaane. Ilaahayaw naga badbaadi. Ka dibna waxaa loo goglaa oo firaash looga dhigaa naar, markaasaa daaqadda loo furaa jannada ah oo la yidhaahdaa fiiri: waxa Ilaahay kaa leexiyay, intaas ka dib, ayaa haddana loo furaa mid cadaabta ah, laguna yidhaahdaa fiiri: waxa uu Ilaahay kuu diyaariyay.

Labadaba wuu arkaya:

Haddaba akhriste inaan soo dhaafnay ha moodin wax fogna ha moodin minit gudaheed ayey waxani ku dhacayaan nafta in lagaa qabtaa Ilaahay waxba kuma aha adigu waxaad aragtaa qofkan in la qaaday oo ciidda lagu rogay uun, balse, Nabigu (csw) wuxuu innoo sheegayaa waxa dhici doona. Waxaa liibaanay qofkii Ilaahay ku dhaafsiiyo marxaladdaas, Ilaahay ha na dhaafsiiyo marxalaaddaas aammiin aammiin aammiin.

Misaa loo keenin camalkiisi oo waxaa u iman mid indha la` oo dhaga la` oon hadlaynin. Markaasuu odhan; qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray (war adigu yaad tahay uma ekid kii khayrka la imaan jirayee) markaasuu odhan isna; (waxaan ahay camalkaagi). Akhriste ogow adduunyadu waa xabsiga qofka muuminka ah iyo jannada kaafirka.

War is diyaari qof kastaw, is diyaari:

Qofkii dadka xamman jiray ee dadka hilibkooda afkiisa ku cuni jiray waxaa lagu googoosan afkiisa maqasyaal naarta laga soo qaaday waxaana laga billaabaya daanka ilaa qadaadka ayaa lagu geynaya iyo cadaabyo kala duwan. Qofkii maalka agoonta cuni jiray iyo ribada calooshooda waaxaa laga buuxinayaa naar afkana waxaa lagaga gurin dhagaaxaan naar ah. Dadka ribada cuna waxay ku dabaalan wabiyaal dhiig ah ayuu Ilaahay ku dabaalsiin doona say ugu dabaalan jireen xaaraanta. Qofkii salaadda Ilaahay ka hurdi jiray ee aaan tukan jirin dhagax ayaa lagu dhufanaya markasta waxaana lagaga dhufanayaa madaxa markaasuu bashaaqin misaa haddana la isku soo celin si uu u dhadhamiyo cadaabka Alle misaa hadDana lagu dhufan saas buu ku jiraya waligiiS. Qofkii beenta sheegi jiray daanka la dilLaacin ilaa qadaadka sanka la dilLaacin ilaa qadaadka indhahaa la dilLaacin ilaa qadaadka saas buu ku jirin isaguna.

INTAA KA DIB.

Dabadeena waxaa la afuufaya nafkhadii ugu danbeesay ee qiyaamaha la isku soo saarayay waxaana afuufaya malagga (ISRAAFIIL). Qofkii muslimka ahaa wuxuu soo baxaya isagoo leh: (ILAAHII MARKAAN DHIMANAY NA SOO SAARAY AYAA MAHAD LEH). Isagoo Ilaahay u mahad naqaya ayuu soo bixin oo ogaa inuu dhimanayo lana soo saarayo ogaa inuu muddo qubuuraha fadhin doono, og meesha uu imika qabanayo oo mar hore kaadhkeedi u soo baxay (JANnADA).

Kii gaalka ahaana isagoo leh:

(WAR YAA NAGA SOO SAARAY MEESHAYADI AANU KU JIRNAY). Waayo xabaasha ay ku jiraan meel hurdo ah oo kale ayey u tahay marka loo eego cadaabta sugaya, balse, may hurdin ee ciqaab ayaa ku socotay, waayo, waa tii la sii tusay meesha sugaysa. Markaasaa la soo kaxeenaya khalqiga Ilaahay abuuray oo dhan iyagoo wada qaawan wada caga cad wada buuryo qab ah nin iyo naagba. Qof walbaana waxaa kexeenaya malag kaa soo ah kii darafkeeda haayay kuna markhaati furaya. Dadku maalintaas waxay isugu jiraan mid qoslaya sidii muslimiinta oo kale mid faraxsan iyo mid ooyaya oo cadaab ku soo socda ka ooyaya oo caalamkii dhamaan soo baaba, o oo umaddii khalqi wixii Ilaahay abuuray isku wada yimaadaan ilaa NABI AADAN, NABI MUXAMADE (scw). Ka dibna, dadku meesha ay taagnaadaan 1000 SANO oo nabiyadii Ilaahay soo dirto lagu yidhaahdo: (ILAAHAY NOO BARYA INUU QIYAAMAHA RIDO IMINKA). Ilaa mid kasta loo tago uu yidhaahdo: anigu Ilaahay ku odhan maayo. Ilaa Nabi Muxamed (scw) looga tago oo uu Ilaahay u sujuudo oo Ilaahay ka aqbalo oo qiyaamihii dhacdo.

Maalinkaas cirku qorrax ma leh oo Ilaahay iftiinkiisa ayaa cirkii qorrax u yeelaya, ka dibna, Ilaahay iyo malaa’igtiisi ay yimaadaan iyagoo sharaf galinayaa caalamkan Ilaahay iyo malaa’igtiisu. (Akhri suuradda al-fajr iyada ayaa ka warramaysaa Ilaahay iyo imanshihiisa (aayadaha 20-26). Ka dibna, waxaa la kala soocaya gaaladi iyo muslimiinta, la iskuna dhex jiri maayo. Miisaankiina waa in la keena ka uu miisaankiisu cuslaado weeyaan ehlu jannadu ka uu khafiifona waa ehlu naarkii. Miisaanka adiga lagu saari maayo ee waxaa la saaraya kan godka kuugu yimid. Markaasaa loo yeedhi doona markhaatiyaashii oo dhan ee adduunyada, balse, kuwaas waxaa ka horayn jidhkaaga ayaa kugu markhaati kicin sida:

  • GACANTII
  • ISHII
  • DHAGTII
  • LUGAHII
  • AFKII–

Afku, kuma jiro, waxa markaati kacaya, maxaa yeelay, isaga waa la daboolayaa ama la sharooteynayaa. Taasna waxaa si qotodheer uga hadashay: (Suuradda Yaasiinka, aayadda: 65-AAD), ayaa oraneysa:

. الْيَوْمَ نَخْتِمُ عَلَىٰ أَفْوَاهِهِمْ وَتُكَلِّمُنَا أَيْدِيهِمْ وَتَشْهَدُ أَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ

Taa waxaan ula jeeda xummaanta aad samaynayso oo aad is leedahay; dadka kale ka dhuumo gacantaadaanad ka dhuuman karin xubin kasta oo jidhkaaga ka markhaati ahi way kugu markhaati kici WALAAHAY BILAAHAY TOLAAHAY

XAGAAD KA GALIN IYAGA:

Jidhku wuxuu odhan doonaa nafta cadaab naftuna waxay odhan doontaada jidhku isagaa macsida ku dhacayee cadaab. Markasaa loo soo dirin malag oo malaggii wuxuu keenayaa mid indho aan lahayn oo kici kara iyo mid indho leh oon kici karin. Dabadeedna beer bay soo wada galayaan misuu odhanaya kii indhaha lahaa war anigu midhaha geedkaa ku yaallaan arkaa ee makici karo ,adiguse waad kici kartaa, balse, indho ma lihid saanu ku soo wada gurannaa, misuu kiikale yidhi: ” anigu aan ku qaade adaa arkee inoo soo gur misuu qaaday soona guray midhihii misuu malaggii yidhi: “Yaa la cadaabayaa” Markaasay naftii tidhi labadaba. Misuuu yidhi malaggiina? “Saas bay isku yihiin jidhka iyo naftu waana la wada cadaabaya” Ka dibna qof walbaa wuxuu caabuday ha raaco ayaa la odhanayaa qofkii gaalka ahaa inuu yidhaahdo maalinkaas “maanta ma raacayo diinta christinka ee i anfacimaysid ee orod iska tag awood uma leh inuu saa yidhaahdo waayo adduunyadii buu soo raacay. Waxaa meesha ku soo hadhaya muslimiintii Ilaahay taqaannay, xitaa kii markuu dhulka korkiisa joogay Ilaahay yaqaannay ee aan u tukan jirin ee camal wanaagsan ku dhaqaaqi jirin ee Ilaahay uun yaqaannay mararka qaarkood waxaa la yidhaahdaa: dadkaas buu ku soo dhex jiraa, balse, inkastuu isaguna ciqaab daran la marsiin doono.

Misaa lagu yidhaahdaa muslimiintii: “War idinku maydaan tagayn waa kuwaa dadkii tageene” Markaasay yidhaahdaan: annagu dadkaa markaanu adduunyadii joognay maanaan raacin ee Ilaah baanu leennahay ee isaga ayaanu sugaynaa misaa lagu yidhaahdaa: oo Ilaahay ma aragteen oo ma taqaannaan? Markaasay yidhaahdaan: haa way jirtaa aragtidi annaga iyo Ilaahay naga dhaxaysay” quraanka ayeyna ku dhex jirtaa ee baro Akhristaw. Markaasuu Ilaahay si kale iskaga soo dhigaa oo si aanay ku aqoon u soo baxaa misuu yidhaahdaa: “ANIGA AYAA RABBIGIINNI AH” Markaasay yidhaahdaan: “Adiga Ilaahay baanu kaa hoos galnay” Halkan baanu joogaynaa ilaa Ilaahayagi inta uu ka imaanayo ayey odhanayaan. WAA LA IMTIXAAAMAYAA SOO MA ARKAYSID

Markaasuu Ilaahay kor ahaaye u soo baxaa, ka dibna, sujuud ayey u wada dhacaan muslimiintii, Ilaahay sida uu ku soo baxayo kama jawaabi karno, waxna kama sheegi karno, waayo awooddayda way ka baxsantahay. Kii markuu dhulka kor joogay aan tukan jirin maalinkaas ma sujuudi karo waayo adduunyadi muu u soo tukan Ilaaha oo dhabarkiisa bir baa laga dhigayaa awood uu ku sujuudona helimaayo. (Qofka in yar oo iimaan ahi uu ku jiro qalbigiisa waxa uu noqdaa kuwa Nabi Maxamed (SCW) u shafeeco qaadi doono iyagoo cadaabta ku jira lana odhandoono soo daaya ha raacaan Nabigoodee Muxamed (scw) waa dadkii iimaanka yari qalbigooda ku jiraye. Ka dibna Ilaahay wuxuu siiyaa jannooyin iyo nimcooyin iyo wax kasta ay mutaysteen oo axaaddiisteenna iyo kitaabka quraanka ee wayn ku soo arooray.

W/Q:- MUSTAF CUSMAAN FAARAX

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN