Dhambaal kaaga yimid Ibrahim (W/Q: Ibrahiim Cisman Afrax)

Naf ku jecel, ku fekertay in ay abid ku sii jeclaato, kaana xulatay asaagaa ayaan kaaga sidaa salaan udgoon badan oo kasoo go’day niyad laguu goglay oo aad kaligaa ku qorneyd maalmahan dambe.Fekerka, walwalka iyo kellinnimada qaraarkeeda waxan dareemaa markaan in yar ku moogaado, waxse mowjadaha waalida aan dhex dabaashaa kolkaan ku baadi goobo balse aan dhaqso ku heli waayo.

Inta ay warcelintaadu iga maqantahay waxa cadaadis ba’ani soo food saaraa maskaxdeyda oo tashuush baa igu furma. sow astaan jaceyl maaha? Sow summad aad igu dhigatay maaha?

Markaan is haleelno, daqiiqadaba ALLAHA ka dhigee, kaama bogto! Sabab? Anigoo qura maahee qaraabada kaa walwasha ayaa badan oo aad mindhaa niyada u qaboojisaa illeen baarri baad tahoo anaa ku oge, Barako!

Quruxdaada wali ma suuradeeyey? Haa oo waa anigii heesaha haadba haad kici ah kuugu soo luqeeyey oo Maansooyin kala jaad ah kuu curiyey. Waxaba taa sii dheereyd inan ammaan qoran kugu harqin jirey si aanad uga oomanaan waadiga jaceylka.

Horta sidan kuu jeclaaday sow laguuma jeclaan karo? Sunnayaasha qoofalan, bishimaha waaweyn ee aad mooddo mirihii yaan la tufin ee hala macaansado la yiri ilaa qiyaamaha, sanqaroorka toosan, iyo ilkaha safan ee xumbada caanaha u eg xagga midabka, xaadda ku taal dhabannada iyo wajigan sida hillaaca roobka u ifaaya Intuba waa waxad igu dhaawacday qacdii hore ee aan ku caashaqayey.

Maalmo kaddib leygu ballaaray! oo waa leygusii baahay, waxa sariirta i dhigay waa masawirradii kale ee muujinayey qeybo kale oo quruxdaada kamid ah. sideydoo kale mid bukaan ah oo sababtaada sariir la dul yaalla miyaanu jirin? Rag ma noola! Imisaa kugu qarawday? Imisaase daafaha wareegeysa oo helistaada, hanashadaada iyo nolol la qeybsigaaga aawgood wax walba u sameyn kara?

Qalbigu markuu yara qaboobo ayuu farriin tacsi ah ka helaa indhaha, illeen masawir aad leedahay bey ku arkayaan baraha bulshada, ma quustee wuu ololayaa. Debkaas ka shidan laabta ayaa farriimo digniin ah u diraya maanka. Sow go’aamo la yaab leh igu soo dhici maayaan markaas?

Annoo isla hadlaaya oo ku dhaw in aan xaabada iyo bacaha uruuriyo ayaan ku helaa. duco qabto! Sasabaashaada iyo qosolkaaga ayaan ku qancaa oo aan ku illaawaa farriimahaas oo idil. Waxan isku dayaa inan masaxo, aanba tirtiree waxay iga galaan qeybta Recycle Bin-ka.

Taasi waxay keeneysaa gefaf kale oo kama’ba ha ahaadaane markaad aad gasho in aan aniguna Restore soo iraahdo waxyaabihii hore ee aan saluugay, kuwaas oo xaalka sii murjinaya.

Markaan is barbar dhigo farxadda, qancinta iyo wehelka aan rabo mar kasta iyo midda aan helo, waxa ii soo baxaya warcelinno muujinaya mabda’aygii hore. Oo muxuu ahaa ma mid kheyr sheegayaa mise waa mid barakalaawe ah? Jaceylka dhabta ah waa guurka ka gadaal!

Laakiin naftan dhalanteedka iyo dhaldhalaalka beenta ah ayey dhab mooddaa, iyadoo iska indho tireysa nolosha runta ah iyo halka u dan ah.Si kastaba, anigu 100% sidan u qamiicay wehelkaaga ayaa laga yaabaa inad keygana u qawaddo oo aad cidlo ku raagto xilliyada qaar ama markasta illeen islama nooline.

Aad baan u tixgelinayaa maalmihii wacnaa ee aan wadaagnay waanan xusuusan doonaa had iyo jeer waayo waxan ku xardhay buuggeyga taariikhda. Ujeedka aan u buugeeyeyna wuxu ahaa in ay ubadkeennu akhristaan mustaqbalka dambe laakiin caqabado badan oo jira aawadood arrin dhici karta wey iila ekaan weysay.

Haddaba anoo kuu calool fayoow, caloosheyduna saafi kuu tahay waxaan go’aansaday inan xiriirkeenna u beddelno mid walaaltinimo sidu markii horeba ahaa, waana xiriirka ay xiriirradu ka bilowdaan ayna ku soo gabagaboobaan. waa mid adiga aanan ku dhaawaceyn anna iga dhigeyn mid had iyo jeer farriin ama warcelin soo habsaameysa suga iyadoo dano muhiim ah ay i horyallaan (Wax raaga rag kuma sama!).

Sababaha igu dhaliyey go’aankan ma aha kuwo bilowday maanta, shalay ama dorraad, waxoogaa wey soo jiitamayeen. Waliba markaan dib u raaco waxyaabihii hore ee aan kasoo kabsaday, kuwo lamid ah ayaan dareemay sasaankooda, sidaasi awgeed intey xeer iyo fandhaal kala dhicin waxa ila gudboon inan tallaabo ku habboon qaado (Caano daatay dabadood la qabay!).

Waxa laga yaabaa inad is leedahay “Inankan waa daneyste” hase ahaatee bal ka waran innagoo in muddo ah wada soconna waliba ugu yaraan sanad ama sanaddo, haddii aan cillado ina kala geynaya dareemo oo markaas aan go’aankan hadda mid lamid ah qaato. dabcan goortaas ayaa ila xanuun badan oo tiiraanyo badan. Haddase waa bilow xanuunka aan dareemayo iyo kan aad adigu dareemeyso lalama barbar dhigi karo xilligaas aan sheegayo.

War iyo dhammaan, intii aad i ammaantay waan ku faraxsanahay waxayna i dareensiinayaan inaan ahay qof aad u qiimo badan waayo gabar sidaa u qurux badan ayaa hawraar iyo murti aad u macaan ii habeysay oo ii hibeysay.

Isma lihi intaad iiga baahneyd waan ku ammaanay hase ahaatee waa intaan karayey inan kugu qanciyo adiga, maadaama aadan aheyn xilahayga. Go’aankii aan xiriirka kugula sameeyey kama qoomameynayo waayo waxaad ii kordhisey cilmi iyo cashar ku saabsan kumannaan haween ah dabeecaddooda iyo hab-dhaqankooda.

Waxaad aheyd, tahay oo aad noqon doontaa had iyo jeer walaashey aan xusuusan doono. Mid ku fahmaya, indheer-garad ah, kuu roon oo aan saluug lahayn sideydoo kale, farxad iyo wehelna kuu ah ayaan EEBBE kaaga baryayaa inow kula kulansiiyo.

Nolosha aad u qalanto waa tan dunida ugu qaalisan ee ay gabar koonka joogtaahi hesho, wax walboo aad dunida kaga baahantahay (muraadkaaga) iyo riyadaadaba ALLE hakuu rumeeyo, guuleyso abaayadey.

igana raalli noqo waan ogsoonahay inan ku xumeeyey oo sidii aad iga rabtay ahaan waayey balse wax arrintan ka weyn intey dhici lahaayeen intan haynoogu ekaato. Dhambaalkani ma noqon doono kii ugu dambeeyey ee aan kula wadaago, waanan wadi doonaa xiriirintaada iyo inan ku bariidiyo.

 

Mahadsanid

 

W/Q: Ibraahiim Cismaan Afrax (Nolosha)

SHEEKOOYIN