DHAMBAAL W/Q: Ramla Gobdoon

Ramla

DHAMBAAL
Waan ku tebay. Si aanan qiyaasi karin ayaan kuu tebay. Waxa aan is waydiinayaa, oo aan la yaabbanahay, sida aan ugu adkaystay muddada fog ee aan ka la maqannahay. Malaha qof adag ayaan noqday. Waxa aan aaminsanaa in aysan maalin ii jirin adiga la´aantaa. Ma aqaanno waxa is beddalay. Dhowr sano ayaan sii ka la maqannahay. Waan ka la dhunnay. Waan ka la dheeraannay. Is la xilligan oo aan qorayo warqaddan ma sheegi karo halka aad ku sugan tahay. Adduun iyo xaalkiis dheh.
Waxa aan is la soo qaadannay intii u badnayd ee nlosheenna. Waan is la soo kornay. Waan is la soo hanaqaadnay. Dugsi iyo iskool ayaan is la soo wada dhigannay. Xitaa xaafadaheenna ayaa is ku dhegnaa oo isu dhawaa. Si aad ah waliba. Alla maxaad qof wanaagsan oo ii naxa ahayd! Waad ii ogayd in aan kaa yarahay sidaas darteed ayaad iigu naxriisan jirtay. Ma xusuusataa markii aan ciyaartii ´´Ciyaar biloow´´ la ciyaari jirnay ilmaha xaafadda, ee tayda iyo taadaba aad is ku qaadan jirtay oo adiga la gu garaaci jiray? Alla maxaad ii damqan jirtay! Horta anigu fulay ayaan ahaa, adiga ayaanse geesi ku gu ahaa. Maxaad dartay dagaallo badan u gashay! Maxaad ii hiilisay aniga oo gar darran! Intaad dadka iyo ilmaha kalaba iga celiso ayaad si gaar ah ii waanin jirtay. Waad ii caqli celin jirtay. Waxa aad iiga digi jirtay in aanan ku laaban qaladka aan sameeyo. Anna waan kuu ogaa in aad iga waynayd oo waan ku dhagaysan jiray.
In kasta oo aan aad u dhib badnaa yaraannimadaydii madax adeegna uu ii raacsanaa haddana waad ila jirtay mar walbo. Maalin aad igu xanaaqday ayaan xusuustaa. Laftirkaagu waad yarayd oo wax badan iga ma waynayn. Maalintaas waan murugooday. Waxa aan ka baqay in aan ku waayo oo aadan dib iigu soo laaban. Aniga ayaa dambiga lahaa, waayo hadalkaaga ayaan qaadan waayay. Adiga ayaase ii yimid oo i raalligeliyay. Alla maxaad qof wacan ahayd!
Markii aan carruurnimada ka soo baxnay ee aan soo roonaannay aad ayay nolosheennu isu beddashay. Dhallinyaro soo kacay oo ay noloshuba markaa biloow u tahay sidooda ayaan ahayn. Alla maxaan wax walba xiisaynay. Maxaan wax walba is ku daynay in aan tijaabinno. Waxa aan isu haysannay in aan dunidaba leennahay. Ma xusuusataa habeenkii aan xafaladda aadnay? Xaflad aan na laga casuumin ayay ahayd. Ciddii deriskeenna ahayd ee wiilsha iyo gabdhaha waawayn lahaa ayaa xafladdaasi qabsanayay. Si xoog ah ayaan ku jiirnay albaabka oo aan gudaha u gudubnay. Alla maxaan habeenkaas wax aragnay! Dad wada labbisan oo midabbo ka la duwan leh ayaa goobta is ku gu yimid. Gabdhahaa ugu sitay meesha. Bisinka! Ilaa iyo hadda xusuustayda ka ma bixin habeenkaas.
Fursad aad ku la hadasho gabadhii ku dhex qaadday ayaad meesha ku heshay. Waa adigii iga tegay markii aad sheedda ka aragtay iyada kaligeed oo cabitaan meel la taagan. Malaha buuqa iyo muusigga codka dheer ayay soo dhibsatay markaa. Horta anigu waan garan waayay muuqeeda. Si cajiib ah oo ay indhuhu u bogayaan ayay u soo labbisatay. Saakada ka jeexan dhinacyada lugaha ku aaddan ee ay xirnayd iyo timaheeda ayaa aad isu lahaa. Alla gabadhu maxay qurux badnayd oo ay tima jilcanayd! Gortii aad iyada aragtay ayaad anigana i illowday. Ma qof miirkiisu dhanyahaa jira marka uu arko gabar sidaa oo kale ah. Sidii aad xaggeeda ugu dhaqaaqday ayaan ka yaabay. Kollay lugahaaga ku ma aadan socon habeenkaa.
Wixii intaa ka dambeeyay waa anigii gudaha u galay guriga. Reerku in ay ladnaayaan waxaa laga garan karay guriga ay degnaayeen. Habeenkaa in aan guriga ku dhex dhumo ayaan ka baqay oo aan garan waayo meel aan ka soo baxo. Nalalka bixinayay iftiinka ka la duwanaa ayaa marba midab u yeelayay dadkii gudaha ku jiray iyo muuqaalka meeshuba. Intii aan korontooyada dhex socday ayaan arkay kii aan kaaga sheekeeyay. Kii aan kuu sheegay in aan la dhacay oo xaafadda ku cusbaa. Waa innagii mar bas wada raacnay. Markaas ayuu magaciisa ii sheegay, kolkaan arkay isaga oo meel gees ah taleefankiisa la taagan ayaan ku leexday. Waliba magaciisa ayaan kor ugu dhawaaqay. Alla geesisaniyaayee! Maya, anigu ma ahayn wixii u yeeray. Wax ayaa iga hadalsiinayay kolleey. Habeenkaa jawi deggan ayuu ku jiray sidaa darteed si fiican oo furfuran ayay sheekadu noogu baxday. Gabadhihii xaafadda degnaa oo dhan ayaan gudaha ku arkay oo wada sheekeesannay. Wixii intaa ka dambeeyay qof meesha ka casuuman ayaan u ekaaba, gebagabadiina isaga ayaa i soo kaxeeyay oo xaafadda ii soo raacay.
Adigu waxa aan ku gu ogaa gabadhii, ima aadan soo raadin anna ku ma soo raadin. Maxaan isa soo raadinnaa kuwii aan raadin jirnay ayaan gaarkeen u helnayee? Subixii ayaadse iiga sheekaysay in aad iyada raacday. Habeenkaasna habeen dheh. Habeenno iyo dharaaro kale oo dhacdooyinkooda leh ayaan soo wada marnay. Ma anigaaba hadal ku soo koobi kara, waliba adiga oo iga maqan oo aan ila jiibinayn! Alla maxaan saaxiibkayoow kuu xiisay! Taloow xaggee ku maqantay haddeer? Waan ka la baahnahay oo ka la baadiyownay. Xaalad sidee ah ayaad saaxiibkayoow ku sugan tahay? Xaggee ka ga nooshahay dunidan ballaaran ee aadka u ka la fog? Maxaad ku maqan tahay muddada intaa la eeg? Maxaad ii cidlaysay? Wehalkaygii ayaad ahayd. Qofka aan ku nefiso ayaad ii ahayd. Mataankayga ayaad ahayd. Waad fogaatay. Waad iga tagtay. Adigu ma ii xiistay? Ma is waydiiysaa halka aan ku dambeeyo? Hubaal. Waa adigii ii sheegi jiray in aad i jeceshahay. Waa adigii igu dhihi jiray in aad xiisayso la jooggayga iyo sheekadayda. Goorma ayaan dib u midoobi doonnaa? Goorma ayaan wada fariisan doonnaa oo wada faallayn doonnaa wakhtiyadii na soo maray? Goorma? Wakhtigii ina ka la fogeeyay ee ina ka la dhumiyay mid habaaran ayuu ahaa. Waxa aanse ka baqayaa in uu dib noo kulmin waayo. Waa marka uu waxbayahay yahay wakhtigu.
Saaxiibkayoow, wali sidii ayaan anigu kuu xusuustaa. Cid booskaaga buuxin karta ima soo marin. Maba jirto. Wali sidii ayaan kuu jeclahay oo aan kuu tebaa. Sheekooyin iyo sirar badan ayaa iga buuxa, adiga mooyee cid kale oo aan ku aaminayo ma jirto. Sanduuq furihiisa badda la gu tuuray oo aan wax walbo ku kaydsado ayaad ii ahayd. Waxa aan kuu sheego in aad hayso maahee bannaanka u ma soo saari jirin. Horta dadku in aan is jeclayn ayay moodi jireenee ma ogtahay? Waad ogtahay. Saw adigii dhowr mar ii sheegay xan aad soo maqashay? Waan is jeclayn waa runtood, laakiin sida ay moodeen si ka duwan oo aysan malaysan karin ayaan isu jeclayn, walina kuu jeclahay anigu.
Saaxiibkayoow marka aan dib kuu arko wax walba ayaan kaaga sheekayn doonaa. Waxa aan kaaga sheekayn doonaa waxyaabihii inoo ka la dambeeyay oo dhan. Kaliya marka aan dib kuu arko ayaan sheegi doonaa sirar badan oo aad keligaa ogaanayso. Marka u horaysa ee aan dib u kulanno waxa aan ku siin doonaa hab dheer oo adag. Ila ma ahan in aan si fudud kuu dayn doono. Ma xisaabin doono inta ay habtaasi qaadanayso. Maba daneenayo middaas. Laabtaadii diirnayd, dabacsanayd ee jacaylka iyo naxriistu ay ka buuxeen miyaan si fudud uga dhex bixi karaa? Ha sheegin. Bes inaan adiga ku arko, ka dibna ha dhacaan wax kastoo dhici lahaa. Intaas ka dib ayaan kuu bilaabi doonaa wixii aan kuu hayay oo dhan. Maya, adiga ayaa i bilaabaya. Mise anigaa ku hor mara? Maya, waad ogtahay in aan warka iyo sheekadaba jeclahee adiga ayaa bilaabaya. Alla maxaan u xiiso qabaa sheekooyinkaaga! Taloow meeqo sheeko ayaad ii haysaa? Labaatan ma gaarayaan? Waa ay ka badan yihiin ayay ila tahay.
Marka u horayso, maalinta u horayso ee aan dib isu aragno is ku meel ayaan wada joogi doonnaa. Anigu haddii aan mar nasiib ku gu arko ku ma daynayo. Ma dhacayso in aan mar kale ka la fogaanno oo aan is wayno. Ha ka yaabin. Aan mar uun dib kuu arko. Markaana adiga ayaa noqonaya kii la ga waynaa, anna waxa aan noqonayaa kii waynaa. Waan ku ilaashan doonaa oo si fiican kuu la socon doonaa. Ilaahay mar kale ha i kaa tuso.
Saaxiibkayoow waan ku jeclahay. Si wayn waliba oo ballaaran. Aniga oo aanan ogayn meel aad ku dambayso, meel aad u joogto iyo meel aan kaa heli karo ayaan farriintan kuu soo dirayaa. Haddii ay warqaddan ku soo gaarto, waan filayaayee, waxaa aad ogaataa in aan ku jeclahay. In aan xiisahaaga la liito oo aan adiga ku sugayo. In aan kuu soo duceeyo mar walbo oo aan kaa fekero. Waxa aan kuu rejaynayaa in aad ku nabad iyo bad qabto halka aad joogto. Farxad aan kaa dhammaan iyo nolol xasillan ayaan kuu filayaa in aad ku jirto, waligaana aad ku jirtid.
Warqaddan qoraalkeeda halkan ayaan ku joojinayaa. Ma sii wadi karo. Haddii aan sii wadana waxa aan ku qasbanaan doonaa in aan ilmeeyo. Lacalla haddii ay dhacdo in aad aragto warqaddan, waxa aad ogaataa in ay kuu soo qortay saaxiibaddadii rumayd. Saaxiibaddaadii aad jaclayd. Saaxibaddaadii aad u la dhaqmi jirtay sidii walaal kaa yaraa oo kale. Xilligan aan warqaddan kuu qorayo waxa aan joogaa wabi wayn agtiisa. Dabeesha ayaan ka dalbanayaa in ay farriintan kuu soo qaaddo. Waa intaasoo ay agtaada ku soo dhacdo iyada oo biibaysa. Saaxiibkayoow waan ku jeclahay. Taloow kor ma ku xusay in aan ku jeclahay mise waan kaa illoobay? Is ka daa hadda ayaan kuu sheegayaayee.
WAAN KU JECLAHAY SAAXIIB.
W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN