DHAQANKA RUUXIGA AH EE SOOMAALIDA! Q-3AAD| W/Q: Cabdinaasir Xiddig

KABAHA LAMA GEDDIYO:

In la baasaysto kabaha oo la geddiyo waa dhaqan ka caan ah soomaalida dhaxdeeda, waxaana carruurta looga digaa in ay sidaas sameeyaan. Soomaalidu waxay qabaan in haddii kabaha la geddiyo uu dhimanayo qof qoyska ka mid ah, gaar ahaan waaliddiinta.

LAABISTA GOGOSHA:

Marka uu qofi gogol ku seexdo, ama uu ku fadhiisto, waxaa caado ah in uu gogoshaas laabo marka uu ka kaco, haddii uusan sidaas samayna waxaa dhici kara in qofkaasi uu socdaal galo, socdaalkaas oo uusan ka soo nabad laabandoonin. Sidaas daraadeed, waxaa ka caadi ah soomaalida dhaxdeeda in ay isku boorriyaan in ay gogosha laabaan.

LA LAGDAMIDDA GABDHAHA:

In wiil uu gabar la lagdamo waa dhaqan aan habboonayn Soomaalida dhaxdeeda, waana arrin aad looga digo, wiilkii lagu arkana waxaa loo filaa shar. Soomaalida qaar waxay qabaan in haddii wiil gabar la lagdamo ay ka shubanayso xoogga, uuna noqondoono mid doqon ah oo aan faciis iska celin karin.

Qodobkaan, waxaa ku jira laba ujeeddo, ku waas oo kala ah: in wiilasha looga reebo in ay gabdhaha la farakaciyaaraan iyo in wiilku uu san noqdo gabdho la joog naago shaneeye ah, taasi oo Soomaalida dhaxdeeda ka ah wax aan la qaaddan karin.

HA IGA TILLAABSAN:

Soomaalida dhaxdeeda waxaa ka reebban in qof qof kale tillaabsado, waa arrin aysan jeclaysan Soomaalidu, waxayna aaminsan yihiin in haddii uu qofi kaa tillaabsado ay suurtagal tahay in uu kugu daarto ama uu qabadsiiyo iino uu leeyahay, sida: doqonnimo, cirwayni, fulayniyo iyo gar-ma-qaatenimo. Haddaba, waxaa ka tillaabsiga u daawo ah bay qabaan: in qofkii kaa tillaabsaday uu markale kaa tillaabsado!

DIB-QALLOOCA:

Waxaa jira dad xiriir gaar ah oo aan maangal ahayn la leh dib-qallooca, si ay ku dhacdaba waxaa la sheegaa in dadkaasi ay awood u leeyihiin in ay caafimaadiyaan dadka uu qaniino bahalkaasi. Waxaa dadkaas ka reebban bay yiraahdaan in ay dilaan ama ay waxyeello u gaystaan dib-qallooca. Haddii ay dilaan waxaa la aaminsanyahay in qofkaas uu waynayo burhaanta ama awoodda uu ku daaweeyo dadka dhibbanayaasha u ah qaniiyada bahalkaas halista ah. Sida aan ka soo xigtay dad aaminsan dhaqankaan, qofka qaniiyada dib-qalooca daaweeyaa waxay qaniinaan meesha uu dib-qalloocu ka qaniinay ruuxa, ka dibna waxaa si dhaqso ah uga kacaya xanuunka qofkii naf-baxa ahaa!

MATAANKA MASKA:

Dadka qaarkiis waxay aaminsan yihiin in ay jiraan dad awoowayaashood ah ama waalidkood qof ka mid ah uu la mataan noqday mas! Waxaana qofkaas ka reebban in uu dilo maska, si la mid ah arrinkii dib-qalloocana, wuxuu qofkaasi awood u leeyahay in uu daaweeyo qaniiyada maska, waxaa kaloo cajiib ah in mataanka masku uusan wax xanuun ah dareemayn haddii u mas qaniino! Marka reeraha miyigu ay arkaan mas alaalaxaya waxay isku dayaan in ay u wacaan ruux ku abtirsada dadka ay xigaalka yihiin maska, haddii ay waayaanna way dilaan si uusan u qaniinin.

GALAYRKA:

Soomaalida dhaxdeeda, galayrku waa astaan barwaaqo iyo ayaansami ka leh, waxaana dhacda in marka subixii ama galabkii ay arkaan galayr ay farxaan, yiraahdaanna”abshir” sidaas lidkeed, waxay baasaystaan bahalka guumayska la dhaho, qofkii uu ka soo horbaxaana waa in uu yiraahdaa”shaqfir”.

Rabbi ha u naxariistee, laashinkii caanka ahaa ee lagu naynaasi jiray boqorkii gableey shimbirta: Axmed Caalin ayaa guuuroow uu tiriyay waxaa ku jiray tuduc uu oranayo:

“Gurigiinna guumays ma galo, gubadna reerkiinna”

GARRIINKA:

Marka ay carruurtu cunteeyaan ama ay caana cabbaan/dhamaan waxaa lagu boorriyaa in ay garriinka iska tiraan ama ay afka iska nadiifiyaan, haddii aysan sidaas samayna waxaa la aaminsan yahay in shaydaan dhibaataynayo markii ay seexdaan! Qodobkaan, wuxuu u muuqdaa mid qaab cilmi nafsi ah looga dhaadhicinayo carruurta in aysan seexan iyaga oo aan iska nadiifin cuntadii ay cuneen, waana qodob maangal ah.

SHANSHADA IYO TAGOOGTA:

Shanshada iyo tagoogta xoolaha waxaa jira reero Soomaaliyeed oo aan afka saarin, waxayna ilmahooda uga digaan in ay cunaan. Waa dhaqan duugoobay oo ay adag tahay in la caddeeyo sababta loo diiday, waxaanse xusuustaa in dadka caynkaas ah laga ilaalin jiray cuntadooda in lagu daro ximnahaas aan kor ku soo xusay.

GARDAADISKA:

Soomaalida dhaxdeeda waxaa ka caan ah in marka uu cunug dhasho, gaar ahaan wiil la gardaadiyo. Gardaadisku, waa in marka uu wiilku dhasho loogu waco qof nin ah oo magac leh, sida: garyaqaan, geesi, gabyaa, deeqsi iyo wixii la mid ah, lagana codsado in uu ilmahaas kor u qaado oo boodbootiyo, waxaana la aaminsanyahay in cunuggaasi uu la mid noqondoono qofkii gardaadiyay.

QOFKA DHASHA MAALINTA SABTIGA:

Soomaalida qaarkood waxay aaminsan yihiin in qofka maalinta sabtiga dhashaahi uu noqdo qof dagaal yahan ah oo biti ku leh goobaha dagaalka, waxaa aad u adag bay yiraahdaan in qofka maalintaas dhashay sarixiisa dhulka la dhigo, waxaana xusuustaa dad la sheegi jiray in ay maalintaas dhasheen, caadiyanna lagu ma degdegi jirin, gaar ahaan marka ay ka cabayaan ceelasha.

W/Q: Cabdinaasir Xiddig

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN