Dhaqanka Soomaalida Q1AAD

Dhaqanka Soomaalida Q1AAD

Bulsho weliba waxay leedahay dhaqan u gaar ah oo u baadi sooc iyo astaan ah laguna garto laguna tilmaamsado.

Waa jiraal laga simanyahay dhaqanku waana mid si weyn laysugu tixgeliyo laguna tayeeyo bulshadaasi sooyaalkeeda dhaqan iyo hannaankeeda nololeed.

Haddaba waxaa ii muuqatey inaan maalin walba hal xubin oo ka mid ah dhaqanka wax ka taabano, haddana aan si dul taagno halka aan maanta ka joogno dhaqankaas.

Xishoodka iyo Sariigashada.

Xishoodka iyo anshaxa suubani wuxuu ahaa kaalibta koowaad ee qofka lagu ogaado qofnimadiisa iyo heerka sariigtiisa taagan tahay.

Xishoodku dhan walba waa saameynayey, Hadalka, wax cunida, dad la dhaqanka, tixgelinta sida loo kala mudanyahay, loo kala waaweyn yahay iyo sida laysku yahay.

Haddaba aan dhawr murtiyood soo qaadano oo ka marag furaya habka bulshadeennu xishoodka ka taagnayd.

1: Nimaan Xishooni waa ximaar
2:Ileyn nimaan xishooneyn dagaal, Xeeli kama hayso
3: Xishoodku waa hu‘ qof aan xishood lahayna waa qof aan hu‘ sidan.
4: Xishoodku naftaadu bilaa, Xaragaduna jidhkaaga.

Marka dhanka kale layska taago, waxaa jira habaar hooyooyinku adeegsadaan, Xayada( Xishoodka) alla kaa qaad. Qofka habaarkani ku dhaco ama aan xishoodka lahayni wuxuu bulshadeenna ka ahaa tuke baalcad.

Xishoodku waa han kuu diidaya inaad ku dhiirato foolxumada, Erayada la hal maala xishoodka waxaa ka mid ah. Xishood, Sariig, Xeebasho, Hamrasho, inkastoo midba duluc gaar ah bixinayo haddana waa isku dhaw yihiin oo waa qof wax xeerinaya kana dhawrsana inuu ku dhaco weji gabax, Biyuur iyo yaxyax laga yaqyaqsado.

Isku soo wada duuboo, hadda bulshadeenna maanta joogtaa arrinkaas dhanka kale ayey iska taageen mana jiro dhaqankii Xishoodku. Xishoodku waa dareenka kaa hor istaaga wax walba oo magac xumo iyo dhaqanxumo ah, sida beenta, tuugada, Afxumada, falfalxumada, dhawrsooni la‘aanta iyo fudeydka badan oo intan oo dhan keena.

La soco qaybaha kale

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN