Dheeg iyo Roodhidii W/Q: Cabdisamad Baashe

654f4dc04092d123628798c6d4abbc68

Dheeg iyo Roodhidii.

Goor danbe oo cadceeddu markaasuun sii dhacaysay ayuu badh go’ noqday oo qaadkii ka dhammaaday. Lacagtii uu haystay intii uu faladhkaa soo siistay baa ugu danbaysay. Marnaba ismuu lahayn oo talada ugu may jirin xiligaas ayuu kaa dhammaanayaa jaadku. Cadho badh go’ ka kacday ayuu xaasidnimo kursigii badhtanka ugaga sii fadhiistay! Garaabadii hortaalayna intuu badh ka mid ah bacdii dib ugu guray ayuu is dhinac dhigay, shaahii oo isna dhamaad ku sii dhawaana biyo ayuu ku biirshay. Kharash la’aanta ka sakaw, Dheeg wuxuu aaminsanyahay qaabka kaliyee xal u noqon kara laguna qarin karo badh go’iisa in ay sidaas tahay.

Isla markii uu dhammeeyay qorshihii uu ku xaliyay mushkiladii sida kadiska ahayd u soo haleeshay. ayaa haddana waxa dhibay qayladii iyo sawaxankii ka soo butaacayay sheeko mirqaantii ragga kale ee meheradda ku qayilayay ku sheekaysanayeen. Intuu si cadho iyo hiif leh hoostaa ka wada caayay raggii la fadhiyay, ayuu iskaga kacay oo kursigiisii ula durkay albaabka agtiisa.

Isagoo iska fadhiya docdii albaabka u dhawayd ayuu mid yar oo roodhida gadaa/iibiyaa illinkii meherada si kadis ah daf u soo yidhi. Markiibana buuq iyo sawaxan ayuu bilaabay isagoo leh “Muufo Muufo Muufo”. Mirqaankii yaraa ee kusii hadhsanaa dhakadiisa ee uu uu godlinayay ayaa mar kaliya ka baaba’ay, Qayladii wiilka yar darteed. cadho aawadeed ayay indhihii casaadeen! “ma dhirbaaxdaa, ma feedhaa. Mayee iska daa waa ilma yare” ayaa maskaxdiisa ka dhex guuxaysa. Ka yar kama qasna oo halkiibuu qayladiisii ka sii wataa ileen nolol maalmeedkiisii ka galee. Intuu xabbad rooti ah Gacanta midig ku qabsaday ayuu kolba wajiyada raggii meheradda hor weedhaafinayaa, xidhmadii hadhay ee rootiga oo ku jirta salladna gacanta bidix ayuu ka laalaadiyay.

Isagoo ruxaya xabadii rootiga ahaa ee uu gacanta midig ku haystay ayuu kolba dadkii fadhiyay meheradda la hor iyo daba mar maray. Haddaba markii uu albaabka ka sii baxayay ayuu Dheeg si gaadmo ah hudhmo lasoo tiigsaday gacantii inanka, kaddibna jeex ka mida roodii iibka ahayd ku goostay. xabaddii roodhida ahayd ee uu luxayay ka yari inteedii hore bil-bil camal ayuu isku badalay, qaniinyadii uu Dheeg ku goostay awgeed. Hudhmo labaad oo badheedhana isaga oo soo wata ayuu kii yaraa ka hor qaaday gacantii, kaddibna intuu dhirbaaxo ku dhuftay kii yaraa ayuu badhkii kalee roodhida ka hadhayna aad yar iska cunay.

Dhawaaqii kasoo yeedhay qaylada ilmaha yar ayay soo wada kaceen wixii meherada fadhiyayba. Ka bacdina qaar ka mid ah raggii meherada fadhiyay ayaa si xanaaq ah ugu yidhi Dheeg iyagoo gacan saari gaadhayba “ilmaha yare ee intaa masruufka ka dhiganaya maxaad u boobtay, adoo intaas le’eg, wax nasaqa ayaad tahay. Waar xishood oo ilmaha yaree aad dhali karto aamusii, lacagtii roodhida aad ka xoogtayna sii”. “Ma itaal yaraantiisa ayuu ku arkay” ayay kuwo kale oo kusoo xoomayna hadalkii ugu sii dareen . Halkii laga sugayay Warmooge (waa naanays Dheeg ay u yaqaaneen dadka meherada oo kaliyi) qaladka uu galay inuu garwaaqsado, ka yarna maslaxo ayuu isagoo isla saxsan ku hadaaqay “sankayga afkayga dhexdooda suuq muufo lagu gado maa ku yaal?”

W/Q: Cabdisamad Baashe

SHEEKOOYIN